Saturday, May 7, 2016

Sidee ku noqon karta Arday wanaagsan kaasi oo Guuleysta (Xog-muhiim ah)


Ma tahay arday? Haddii aad tahay arday ma rabtaa inaad noqoto arday hirgalay, oo guulaysta? Haddii aad “haa” ku jawaabto labadaa su’aaloodba, su’aal kale: “Sidee baad u noqon kartaa arday wanaagsan oo aflaxa?”.
Su’aashaas ayuu maqaalkani isku dayayaa inuu ka jawaabo.
Inaad guulaysato iyo inaad guul daraysataa waa wax ku xidhan inaad marka hore hadaf iyo doonis leedahay. Hadafka iyo hiigsigana waxaa lagu gaadhaa dadaalka iyo tamarta aad naftaada galiso hadba inta uu leeg yahay.
Geel-jirahaa waxay yidhaahdaan “ninba tacabkii Togaay kaa maal” oo la macno ah hadba sida aad u foofiso geelaaga ayuu caanihiisu noqdaa. Sidoo kale maahmaahbaa waxay tidhaahdaa “dadaalaa xaaji Cabaas wuu gaadhaa wuuna dhaafaa”. Xaqiiqadu waxay tahay inaanad noqonahay arday wanaagsan oo guulaysta adigoon naftaada in badan hawlin, in badan wax akhriyin, in badan soo jeedin, oon marar badan qoraal iyo akhris ku foorarin iyadoo saaxiibadaa iska dheelayaan naftaaduna u baahan tahay wehelkooda.
  1. Qorshee waxa aad qabanayso isla markaana kala hormee jadwalkaaga waxbarasho.
Ardaygu waa inuu bartaa qorshaynta, iyo kala-mudnaanta hawlaha uu odorosayo. Qorshayntu waxay ka bilaaban taa inaad is-weydiiso “waa maxay hadafkaagu?”. Tusaale ahaan waxaad tahay arday imika Jaamacada bilaabaya. Maxaa hadaf kuu noqon kara? Waxaad odhan kartaa “sanadkan aan bilaabayo waxaan rabaa inaanan 5-ta maado een dhiganayo midna ka hoosayn 90%”. Hurdo badan, cayaar, iyo dheeldheelba kala tagte mar haddii hadafkaagu noqdo inaad figtaa gaadho. Waxaad markaa u baahan tahay inaad ka fikirto hawlaha aad qabanayso si aad u gaadho darajadaas aadka u saraysa.
2.      Akhri, faham oo dadaal dheeraada bixi duruustaada
Xaqiiqadu waxay tahay in aqoontu ka dhalato, ku kobocdo, ku korto, kuna adkaato akhriska wax ku oolka ah ee fahamku weheliyo. Markaad tahay arday dadaalaya, mustaqbalkiisana dan ka leh, waxaa kugu waajiba inaad wakhti badan u hurto inaad akhrido duruusta laguu soo dhigay, ka shaqayso laylisyada, baadho culuumta la xidhiidha aqoontaada, iyo aqoonta guudba. Sidee baa hadaba ugu haboon oo wax loo akhriyaa? Jawaabtu ma fududa waxaanay u baahan tahay in maqaal ama maqaalo lagu lafa guro.
Laakiin aan ku siiyo hanaan aad loogu bogay oo ka mida hababka wax loo akhriyo. Waa hanaanka afka qalaad loo yaqaan “SQ3R = survey, question, read, recite, review”. Hanaankan haddii aad raacdo waxaad arkaysaa in waxaad akhriyaysaa aanay kuwada dhaafayn ee aad wax kala hadhayso. Eeg talaabooyinka oo si kooban loo sharxay:
3.   Fasalka u soo xaadir si joogta ah
Soo xaadirka joogtada ahi waxay ardayga siisaa fursada ah inaan waxna seegin. Macalinka wanaagsan iyo ka aan wanaagsanaynba wuu ka faa’iidaystaa. Kaliya waxaa kugu filan fikrad galaaska dhexdiisa macalin ka sheegay oon buuga ku qornayn, haddii ay imtixaan ku timaado, waxaa la arkaa in kuwii joogay ay u fududaato halka ay ku adkaanayso kuwii habsaamay. Sideedabana waa caado wanaagsan in aad galaaska soo xaadirtaa, waxaanay kaa saacidaysaa in shaqadaada iyo waajibaadkaagaba aad u gudato si habsami, iyo xilkasnimo iyo masuuliyad leh.
    5.  Adaabta, asluubta iyo nidaamka fiican ku dhaqan.
Aqoon bilaa adaab iyo bilaa asluub ahi waxay kaa dhigaysaa dameer malab la saaray oo kale. Aqoontu waa inay kuu kordhisaa akhlaaq, haybad, iyo hanaan-nololeed wacan. Waa inaad ka dheeraataa liidnimada, xumaanta, iyo dhegxumada si aad u noqoto qof la hirsado oo dadku jeclaystaan in ubadkoodu adiga oo kale noqdaan.
Aqoon iyo akhlaaq wanaagsan oo is weheshaday waxay kaa dhigaan qof dhamays ah. Soomaalidu waxay tidhaahdaa“cilmigu qofna wuxuu ka dhigaa nin, qofna ninamyaw”.Taas  oo macnaheedu yahay haddiiba aanad ahayn nin raganimadiisu aad u xoogan tahay waxay ku soo gaadhsiisaa raga, haddii aad markii horeba nin ahaydna, waxay kaa dhigtaa nimanyaw.
  6.  Wakhtigaaga maamul.
Wakhtigu waa hantida ugu qaalisan ee ilaahay aadamiga ku manaystay. Nin sheekha baa yidhi “wakhtigu waa nolosha”. Noloshu waa daqiiqado, saacado ama maalmo laysu geeyay oo noqday bilo, sanado ama qarniba.
Cimriga aadamuhu wuu xadidan yahay, markaa inta yar ee aad nooshahay waxaa lagaa rabaa inaad camirto, maal-galiso, kuna isticmaasho wax ku anfacaya aduun iyo aakhiroba. Sideebaa wakhtiga loo maamulaa? Jawaabtani ma fududa lagumana soo koobi karo cinwaan-hoosaadkan, ee bal aan si koobkooban kuugu sheego talaabooyinka uun:
  6.  Wakhtigaaga maamul.
Wakhtigu waa hantida ugu qaalisan ee ilaahay aadamiga ku manaystay. Nin sheekha baa yidhi “wakhtigu waa nolosha”. Noloshu waa daqiiqado, saacado ama maalmo laysu geeyay oo noqday bilo, sanado ama qarniba.
Cimriga aadamuhu wuu xadidan yahay, markaa inta yar ee aad nooshahay waxaa lagaa rabaa inaad camirto, maal-galiso, kuna isticmaasho wax ku anfacaya aduun iyo aakhiroba. Sideebaa wakhtiga loo maamulaa? Jawaabtani ma fududa lagumana soo koobi karo cinwaan-hoosaadkan, ee bal aan si koobkooban kuugu sheego talaabooyinka uun:

xuquuqda waxa iska leh :
Cabdiraxmaan Cali Xirsi (Burale),
Email: buraale10@gmail.comSI-ARAG © Weedhsan Corporation

0 comments:

Post a Comment