Thursday, May 26, 2016

Qurxi wajigaada Adigoon isticmaleyn Daawo Chemical ah (Qormo xiiso leh)



Ma doonaysaa inaad maqaarkaaga iyo wajigaagu qurux badnaado oo uu dhalaalo adigoon isticmaalin wax chemicals ah, balse isticmaalaya waxyaabo dabiiciya oo waxba kuu dhiimayn? 
Haddaba Waad noqon kartaa qofka aad rabtid waanad gaadhi kartaa bilicda aad rabtid adigoon isticmaalin chemicals ama creame yada dumarka lagu siro. Waxaan aad uga xumahay in uu noqday jidhka dumarku wax laga ganacsado caalamkan aanu ku nool nahay.
Iyada oo la ogaaday inay dumarku ku bixiyaan millions bilicda iyo daryeelka jidhka, Islamarkaana laga faa’iidaysanayo fursadaas oo kolba shirkadi ay soo saarayso cream ama daawo ay leeyihiin waxaas bay kaa goyn ama ka hortagi.
Laakiin xaqiiqdu wax ay tahay in cream ama daawo bilaa chimecals ahi aanay jirin, Markay ugu yartahay waxaa lagu daraa walxaha ka ilaaliya inuu shaygu uusan qudhmin gaadhina karo ama ooli karo mudo badan iyo waliba midabada. Waa markay uugu yartahay chemicals yada lagu daro cosmatics ka maanta.
Kuwaas waxaa inoo dheer chemicals khatar ah oo lagu isticmaalo, saabuunaha, shampoo yada, make up yada iyo cosmetic yada oo dhan oo keeni kara xanuuno xunxun sida cancer iwm.
Haddaba si aynu iskugu qurxino wax yaabaha dabiiciga ah waxaa lagama maarmaan ah inaad markeeda hore aad tahay qof cuna cunto isku dheeli tiran oo u badan khudaarta, caanaha, kaluunka, digiraha iwm.
 Inaad tahay qof seexda hurdo kugu filan oo habeenkii ah iyo waliba caba biyo kugu filan maalin walba. Intaa wixii dheer waxaan muhiim ah inaad taqaanid waxa aad xasaasiyada aad ku leedahay, Waayo wax yaabaha aanu halkan ku sharixi doono way dhici kartaa inaad xasaasiyad ku yeelatid.
Ogowna waxaa dhici karta wax aad xasaasiyad ku leedahay xaga cunitaanka inuu maqaarka waxba u dhimin, ama wax aanad xasaasiyad  ku lahayn waxaa dhici karta inuu maqaarka wax u dhimo oo aad ka xajiimootid. Haddaba inta aanad korkaaga  marin wax ogow jidhkaagu nooca uu yahay iyo waliba waxa uu dhibsanayo.
Waxaad iska soo qaadi kartaa dhiig aad ku ogaanaysid xasaasiyada jidhka ama ku tijaabi meel jidhkaaga ka mid ah oo bal eeg inaad xasaasiyad ku leedahay.
Intaanad wajiga waxba marin fadlan farahaaga sifiican u maydh, wajigana biyo diiran oo cad ku maydh. Waxaad u samaysaa wajigaaga tuwaal yar oo naacim ah oo u gaar ah oo markasta nadiif ah.
Ogowna inaad wax walba wajigaaga ku tijaabisid waxaa ka fiican inaad baratid wajigaagu nooca uu yahay si aad uula macaamishid waxa ku munaasabaya.
Wax yaabahan hoos ku dhigan oo dhami waa wax aad tukaanka cuntada ama jikadaada ka heli kartid oo wali ku siinaya nafaqooyin, nadaafad iyo bilic.
Waxayna kugu caawinayan in uu caafimaadkaagu hagaago haddii uu Allah(swc) kuu qadaro. Markasta isku dar inaad samaysatid in kugu filan markaas uun oo waxba ka dhigin.
Waxa freshka ah baa ka fiican waxa la dhigo, maadama aanu iska ilaalinayso inay bakteeriya ku dhalato.
Wajiga daalan.
Waxaad u baahan tahay :
• Beed/ukun inteeda cad
• Malab saafi ah
• Boorash/ oat meal
Qiyaasta adigu qiyaaso in wajgaaga ama jidhkaaga ku filan. Isku wadda dar kuligood, boorashka yara tun(ridiq) ka dib radi. Kadibna wajiga oo aad biyo cad ku maydhay mari oo ku daa ilaa 25 min kadibna kaga maydh biyo badan oo cad oo meel dhaxaad ah.
Wajiga qalalan:
Waxaad u baahan tahay :
• Avocado
• Malab
• Oliven oil (saliid saytuun)
Isku wadda qas kadibna wajiga oo nadiifa ah saar ilaa 25 min kadib kaga maydh biyo cad oo qandhac ah.
Wajiga aadka u qalalan:
Waxaad u baahan tahay:
• Strewberries
• Double cream
• Malab
• Oliven oil (saliid saytuun)
Isku wadda qas kadibna wajiga oo nadiifa ah saar ilaa 25 min kadib kaga maydh biyo cad.
Wajiga iskugu jira mid daalan oo waliba qalalan:
Waxaad u baahan tahay:
• Beedka inta huruuda/jaalaha ah
• Malab
• Oliven oil
Isku wadda qas kadibna wajiga oo nadiifa ah saar ilaa 25 min kadib kaga maydh biyo cad. Indhahana khiyaar qabow saaro.
Wajiga qoyaya
• Waxaad u baahan tahay:
• Boorash/ oat meal
•(saliid saytuunka) Oliven oil
• Avocado
• Khiyaar/ cucumber
•Yoogar/ Yogurt
Isku wadda qas kadibna wajiga oo nadiifa ah saar ilaa 25 min kadib kaga maydh biyo cad.
Wajiga subaga leh:
Waxaad u baahan tahay:
• Liindhanaan/ lemon
• Beed inta cad
• Malab
Isku wadda qas kadibna wajiga oo nadiifa ah saar ilaa 25 min kadib kaga maydh biyo cad.
markad dawooyinka wajiga marinayso ka ilaaasho indhahaaga/
Waxaan rajaynayaa inay ku anfacaan. Waxaan rajaynayaa inaad iska eegtid wixii xasaasiyad ah inshaAllah.
Xuquuqda Qoraalka waxa leh www.faaido.com

0 comments:

Post a Comment