Monday, May 9, 2016

Qaababka la isaga Daweeyo Murugadda (Qormo kooban)


in la murugoodo ama aan la faraxsanaan waaa iska caadi marka ay wax qaldamaan ama uu qof kaa dhinto, dareemadani waxa ay badanaa la tagaan wakhtiga waadna ka soo fiicnaanaysaa.
haddaba murugada waxa ka mid ah:
  • in aad dareento degganaansho la’aan
  • in aad dareento inaad mar walba daalan tahay
  • rabitaanka cuntada oo kaa luma
  • in aad dareento rajo la’aan wax laguma fale ciirsi-laawe ah
  • in aad in badan hurudo ama aad iska waydo hurdo
haddaba akhriste sidee ula tacaali kartaa murugada?
  • tallaabada koowaad ee lagu bogsanayaa waa inaad alle u carartaa, oo aad waydiisataa inuu murugada iyo wal-walka kaa qaado
  • waa inaad quraan akhriska badisaa
  • waa inaad aad cuntaa cuntooyin nafaqa leh kana fog cuntooyinka qashinka ah
  • isku day inaad hesho 7-8 sacadood oo hurda ah habeen kasta
  • fir-fircoonow xataa hadii aadan dareensanayn sidaas
  • qorshayso hawl maalmeed
  • ka fogow diiqad haddii ay suura gal tahay, ama aad kaligaa noqoto
  • ku biir kooxo taageero oo noqo qof firfircoon
  • la xidhiidh qof ku xusuusiya alle ama citikaaf samee
daaweynta murugadu waxa ay ka dhalataa is bedal ku yimaada dareenka, qofka tasoo khal-khal galinaya dheecaanada maskaxda.
Xuquuqda waxa iska leh: faaido.com

0 comments:

Post a Comment