Sunday, July 31, 2016

Waa maxay Faa'iidada uu leyahay Drive Pack Solution halkan ka dagso ogoowna waxqabadkiisa cajiibka ah(Download)


Waa maxay Faa'iidada uu leyahay Drive Pack Solution halkan ka dagso ogoowna waxqabadkiisa cajiibka ah(Download)


Asc aqiyarey kuso dhawaada hooyga barashada Computerka maanta waxan halkan ku baran doona Faa'iidada u leeyahay Driver Pack Solution .

Hadaba aan isla fahano waxa la yiraah Driver Pack Solution 

Driver Pack Solution:waa software ku saamaxayo ama kuu ogolanayo in uu si fudud kuugu so celiyo hadey ka lumaan Driverska Comuterka sida   wirelesska Projecterka ama Usb sidoo kale waxa uu kuso celinaya Programyada ka maqan Computerkaada.


softwarekan wa software aad muhiim u ah waxa uuna ku samaxaya waxyaabaha Comuterkada ka maqan in u kuso celi waxa badana la isticmala markii la Formate gareyo Windowska waayo waxa suurta gal ah in ay ka lumaan Drivers  iyo Programyada qaar.

Waxyaabaha lumi kara markii la formate gareyo waxa kamid ah in uu wirelesska kugu xirmi waayo ama internedka uu ku shaqeyn waayo hadey sida kugu dhacdo ha wal walin ee isticmaal softwarekan raadi Verstionska kala duwan  uu leyahay ha isdhihin haduu mid ku so celin waayo in uu ka diiday ee raadi mid kale.



Hadaba xage ka heli kara Sofwaran

Softwarkan waxad ka heli karta meel walba sida asxbaatada goobaha lagu gado softwarada iyo waliba internetka.

Balse hadii aad dooneso in aad si fudud u hesho oo aad heesato internet Fiican halkaan kala dag.


Ku dhufo halkan si aad uso dagsatiti Softwareka 


side lagu ogada in Computerkada uu ka maqan yahay Drivero hadaba si aad u ogatiti samey waxyaabahan so socdo

Tilaabta 1-aad:start Buttonka ama in aad taabato Windows key ku qor Device Manager
kadibna ku dhufo sida sawirka hoose kaaga muuqda



Tilaabada 2-aad: Markaad ku dhufatay Device Manager waxa uu ku keyna sawirkan hoose kadibna kasii dooro mesha falaarta gaduudan ka muuqato ee ah Device Manager


Tilaabada 3-aad:waxa kuso baxayo Sawirkan hoose sidoo kale dooro mesha falaarta Gaduudan laguugu fiiqay ee ah Device Manager





 Tilaabada 4-aad:waxa ku imaanayo sawirkan hoose kasii dooro qeybta ay ku qoran tahay Device Manager waxa ay ku tala dhinaca gacantada bidix waxa ayna ka hooseysa mesha ay ku qoran tahay Performance




Tilaabada 5-aad:waxa ku imaanayo sawirkan hoose  waa mesha laga ogaado Driverska ka maqan haduu driver ka maqn yahay waxa uu saaraya Calorka Jaalaha haduusan ka maqneena sidan hoose



Side lo isticmala Drive Pack Solution
Step 1


markii aad ku shubato computerka waxaad ku dhufata softwareka waxa uu ku keynaya sawirkan hoose  ku dhufo meesha ay ku qoran tahay Driver Packsolution



Step 2:waxa u kuu keyna sawirkan hoose waxaad leedahay Update All  asagoona raadinayo dhamaan Programyadii ka maqna iyo Driverskii

Step3 ka dooro Update drivers hadi aad labadooda rabtana ku dhufo meesha kore update drivers and istall Programs kadibna ku dhufo Start Installtion wey dhamatay




Wixii suaal ah iigu so dir:
alaqsaa1996@gmail.com
Fadlan Asxaabtada la wadaag adoo share gareynayo

Friday, July 29, 2016

Barashada Computerka:Waa maxay Farqiga u dhaxeyo Windows Update,Upgrade iyo Downgrade (Cashir kooban oo faa’iido leh)



Barashada Computerka:Waa maxay Farqiga u dhaxeyo Windows Update,Upgrade iyo Downgrade (Cashir kooban oo faa’iido leh).




Dad farabadan waxa ay ku warersan yihiin Farqiga u dhaxeyo Erayadan isku dhaw waxana adag oo cashirkan igu kalifay in aan sameyo dad badan oo I weydiiyay su’aalo ku saabsan farqiga u dhaxeyo Erayadan kala ah Update,Upgrade iyo Downgrade taasi oo aan ku aragno Markii aynu isticmaaleyno Windowsyada kala duwan.

Waa maxay Windows Update: windows Update waxa laga wada waa in shirkada soo saartay Operating Systemka ama Windowska sida Microsoft ay ku so dirto waxyaabihii cusba ee lagu so kordhiyay windowska aaad isticmaleso waxana arkeysaa in hadii aadan iska xirin Todobaadkii ama bishii uu ku yiraah update dheh hadamin Computerka.
Faa’iidadiisa waxa waaye oo kaliya in wixii cusub ee lagu so kordhiyay windowskada laguu so diro .

Waa maxay Windows Upgrade:
Upgrade waxa laga wada Tusaale ahan in aad ka Guurto ama iska badasho windows 7 isla markana aad ku shabato windows 8 waxaad sameysay Upgrade ma ahan oo kalya in windows 7 la iska badalo oo lo badalo windows 8 ee waa in markasta kor lo socdaa oo lagu shubta windows windowska ka danbeyo Example kale waa in la iska badalo windows 8 isla markana lagu shubto Windows 10.



Waa maxay Windows Downgrade:waa cagsiga kii hada micnihiisu waa in laga Guuro midkii cusba ee kuugu jiray islamarkana lo guuro ama lagu shubto mid horay u jiray Tusaale ahan in laga guuro windows 10 lagu shubto windows 8 adigoo markii hore heestay windows 10 waxaad sameysay Downgrade Tusaale kale hadii aad ka guurto windows 8 una Guurto windows 7 adigoo markii hore heestay windows 7 waxaad sameysay Downgrade .

Soo koobid Micno Guud:
hadii aan so koobo mar walba aad hoos aadidi ama aad ku shubato verstion horay u jiray adigoo markii hore Computerka kuugu jiray Verstion Cusub waxa la dhaha Downgrade
Dhanka kale mar walba aad kor aadidi ama aad ku shubato verstion cusub adigoo ka Guurayo verstion hore oo Computerkada ku jiray ina Guurayo mid ka sareyo waxa la dhaha Upgarde.
Fadlan Share gare Adoo dhahayo Like
Qore:EngC/risaaq maxamed rashiid
Email:alaqsaa1996@gmail.com


Thursday, July 28, 2016

Daawo Muxaadaro Cusub oo Cinwaankedu yahay dhawarsanaanta dhalin yarada sheikh Mustafa


Daawo Muxaadaro Cusub oo Cinwaankedu yahay  dhawarsanaanta dhalin yarada sheikh Mustafa

Kulanti wanaagsan aqiyaarey kuso dhawaada Muxaadaro Cusub oo cinwaankedu yahay  dhawarsanaanta dhalin yarada waxaana inoo so jeedinayo sheikh Mustafa.

Daawasho wacan: 

           

Warbiixin Xiiso leh :Daraasad : Dad-ka Buurbuuran oo la ogaaday in Xasuustoda Yartahay Waa maxay sababta?


Warbiixin Xiiso leh :Daraasad : Dad-ka Buurbuuran oo la ogaaday in Xasuustoda Yartahay Waa maxay sababta?



Dadka Buurbuuran ama aadka u cayilan aya la ogaaday in ay xasuustoda aad uga yartahay  oo ay ka xun tahay kuwa aan Buurneen  waxana la shegaay in hadii la weydiiyo qaar kamid ah dadka Buurbuuran waxa ay cunen dhawaan ay ku adag tahay in ay shegan.



Daraasadan aya waxa so bandhigay Xarunta (Quarterly Journal of Experimental Psychology) ayadoona xaqiijisay in tijaabo laga qaaday ku dhawaad 50-qofood oo ah dadka Buurbuuran ayadoona xaqiijisay in aysan xasuusan Karin badankooda waxa ay dhawaan cuneen taasina ay sababto in markale wax cunaan daraasada aya lagu shegay in aarintaasi ay ugu wacan tahay Buurnaanta xad dhaafk ah.

Tuesday, July 12, 2016

DAWO SAWIRO: Maxaad ka taqaanaa maalinta 12ka luulyo masa ogtahey waxeytahey iyo wixii dhacey.




12ka luulyo waa malinta Odayaasha iyo Guurtida Somaliyeed inta aan kanaqaano wixiidhacey iyo waxeytaheyba Halkaan hoose ka aqriso waxadna ogaata in ay tahey qeyb taariiqdaaka ka mid ah. 



12ka july,1993 abaarihii 11 kii subaxnimo, maalin isniin ah waxa ey aheyd maalin madow oo dhamaan bulsha weyntii somaliyeed ee dagneyd magaalada muqdisho ey la ilmeeyeen naxdin iyo caro daraadeed. Maalintaas oo si arxan daro ah loo gumaadey loona xasuuqey odayaal somaliyeed oo aan waxba galabsan kuna sugnaa dhulkoda hooyo iyo ciidooda hooyo ayaa waxaa laayey cadow dhulkooda ku soo duuley Waxeyna,ka arinsanaayeen aayahooda mana eysan aheyn saraakiil ciidan ama xubno dowladeed balse waxey ahaayeen odayaal wax darajaa oo ey xambaar sanaayeen ama ku magacownaayeen ma eysan jirin oo aan ka aheyn da, dooda ilaahey ku maneystey.


  Taas oo aheyd markii ciidamadii cirka ee mareykanka oo saldhigoodu ahaa magaalada muqdisho kana midka ahaa ciidamadii ka socdey qaramada midoobey Ee #Unisom ay ku soo qaadeen weerar qaawan, ayakoo adeegsanaayey ,8 diyaaradood oo ah nuuca qumaatiga u kaca ee loogu yeero cobra iyo hal diyaared oo ah nuuca meelaha fog fog wax ka dila ama ka bomgareeya oo magaceeda loo soo gaabiyo AC,130, ayaa si arxan daraa u duqeeyey xaruntii ey ku shiraayeen odayaashu mudo 17 daqiiqo ah waxeyna la dhaceen ugu Yaraan 16 gantaal oo ah TOM missiles Waxaana ku naf waayey goobtaas ugu yaraan 70 ka mid ahaa odayaashii ku shiraayey goobtii la duqeeyey sidoo kale na waxaa ku dhaawacmey ugu yaraan ilaa 200 oo qof oo isgu jira odayaashii shirku u socdey iyo dadkaloo rayid ah oo ka dhawaa agagaarka goobtii duqeyntu ka Dhacday. Waxaan Leenahay Intii dhimatay alah ha u Naxariisto Samir iyo iimaana Alah Hanaka Siiyo.

Daawo Sawirada: