Friday, July 29, 2016

Barashada Computerka:Waa maxay Farqiga u dhaxeyo Windows Update,Upgrade iyo Downgrade (Cashir kooban oo faa’iido leh)



Barashada Computerka:Waa maxay Farqiga u dhaxeyo Windows Update,Upgrade iyo Downgrade (Cashir kooban oo faa’iido leh).




Dad farabadan waxa ay ku warersan yihiin Farqiga u dhaxeyo Erayadan isku dhaw waxana adag oo cashirkan igu kalifay in aan sameyo dad badan oo I weydiiyay su’aalo ku saabsan farqiga u dhaxeyo Erayadan kala ah Update,Upgrade iyo Downgrade taasi oo aan ku aragno Markii aynu isticmaaleyno Windowsyada kala duwan.

Waa maxay Windows Update: windows Update waxa laga wada waa in shirkada soo saartay Operating Systemka ama Windowska sida Microsoft ay ku so dirto waxyaabihii cusba ee lagu so kordhiyay windowska aaad isticmaleso waxana arkeysaa in hadii aadan iska xirin Todobaadkii ama bishii uu ku yiraah update dheh hadamin Computerka.
Faa’iidadiisa waxa waaye oo kaliya in wixii cusub ee lagu so kordhiyay windowskada laguu so diro .

Waa maxay Windows Upgrade:
Upgrade waxa laga wada Tusaale ahan in aad ka Guurto ama iska badasho windows 7 isla markana aad ku shabato windows 8 waxaad sameysay Upgrade ma ahan oo kalya in windows 7 la iska badalo oo lo badalo windows 8 ee waa in markasta kor lo socdaa oo lagu shubta windows windowska ka danbeyo Example kale waa in la iska badalo windows 8 isla markana lagu shubto Windows 10.



Waa maxay Windows Downgrade:waa cagsiga kii hada micnihiisu waa in laga Guuro midkii cusba ee kuugu jiray islamarkana lo guuro ama lagu shubto mid horay u jiray Tusaale ahan in laga guuro windows 10 lagu shubto windows 8 adigoo markii hore heestay windows 10 waxaad sameysay Downgrade Tusaale kale hadii aad ka guurto windows 8 una Guurto windows 7 adigoo markii hore heestay windows 7 waxaad sameysay Downgrade .

Soo koobid Micno Guud:
hadii aan so koobo mar walba aad hoos aadidi ama aad ku shubato verstion horay u jiray adigoo markii hore Computerka kuugu jiray Verstion Cusub waxa la dhaha Downgrade
Dhanka kale mar walba aad kor aadidi ama aad ku shubato verstion cusub adigoo ka Guurayo verstion hore oo Computerkada ku jiray ina Guurayo mid ka sareyo waxa la dhaha Upgarde.
Fadlan Share gare Adoo dhahayo Like
Qore:EngC/risaaq maxamed rashiid
Email:alaqsaa1996@gmail.com


0 comments:

Post a Comment