Friday, December 30, 2016

Walaal Akhri Oo Ka Faa'iideyso Talooyinkan Qiimaha Badan kuwaasi oo ku saacidi kara Aduun iyo Aaqiro-ba.


Walaal Akhri Oo Ka Faa'iideyso Talooyinkan Qiimaha Badan kuwaasi oo ku saacidi kara Aduun iyo Aaqiro-ba:


1- Ku bilow maalintaada Salaadda subax iyo ducooyinka aroorta si aad u hesho horumar iyo badbaado.
2- Wad Istiqfaarta waxay tirtirtaa dunuubtee
3- Ha joojin ducada waa xariga badbaadadee
4- Xusuusnow waxaad tiraahdo Malaa'ig baa qoreysee.
5. Niyaddaada wanaaji xataa hadday meel xun kaala daganayso.
6- Faruhu waxay ku qurxoon yihiin in lagu tasbiixsado
7- Haddii uu kugu bato welwelka iyo fakarku waxaad tiraahdaa "Allaah mooyee Illaah kale ma jiro"
8- Ku gado lacagtaada ducada danyarta iyo jaceylka masaakiinta.


9- Sujuud khusuuc leh oo aad ku dheeraato ayaa kaaga fiican daaraha quruxsan ee dunida.
10- Ka fakar intaadan oran, waxaa jirta oraah meel xun kaa tuurtee.
11- Iska ilaali habaarka kan dulman iyo illinta kaan waxba awoodin.
12- Intaadan wargeysyada akhriyin akhri Kitaabka Alle.
13- Sabab u noqo toosnaanta reerkaaga.
14- Naftaada Daacada Alle ku sandullee, naftu xumaantay amartaaye
15- Dhunko calaacalaha labadii ku dhalay aad liibaantide.
16- Dharkaaga duugoobay, masaakiinta waa u cuseyb ee ku sadaqeyso.

17- Ha caroon, noloshu intaad filayso way ka gaabantahaye.
18- Waxaa kula jira kan ugu awood badan uguna deeqtoon waa Allaah kor ahaaye.
19- Albaabka aqbalaada Alle yeysan kaa xirin macsidaadu.
20- Wax aad dhibta u kaalmaysato waxaa ugu fiican Salaadda.

Talooyinkii: Sheekh Caa'id Alqarnii.
Qore:Abdulahi Nur Colombo
Fadlan Walaal adigoo Mahadsan Share dheh oo la wadaag walaalaha kale si ay u aqriyaan qoraalkan.

Thursday, December 29, 2016

QISO KU TAABANEYSA, DERSI FIICANA AAD KA HELAYSO ( FADLAN WALAAL AKHRI )



Mudo 11 sannadood ah markii guurkoodii ay kasoo wareegtay haweenay iyo ninkeedii ama seygeedii ay is qabeen isuna dhaxeen ayaa waxaa u dhashay ilmahoodi ugu horeeyay oo wiil ahaa. Waxayna ahaayeen Lamaane is jecel iyadoo wiilka u dhasheyna uu u ahaa tufaaxii indhahoodu ay ku doogsanayeen.



Hadaba maalin ka mid ah maalmaha ayaa wiilkoodi oo laba jir ah, ayaa Aabihii arkay dhalo ama qarsho daawo sharoobo ah oo furan. Wuxuu ka daahsanaa shaqo, wuxuu u sheegay xaaskiisa in ay furka ku xirto, armaajada korena saarto. Hooyadi, oo Jikada aad ugu mashquulsaneyd, gebi ahaanba way hilmaantay. Wiilki ayaa arkay dhaladi, wuu qabsaday, wuuna wada cabay. Waxay ahayd sharoobo dadka waaweyn intii loogu tala galay ay ka qaataan, caruurtuna khatar ku ah.

Goortii ilmihii dhacay, Hooyadi ayaa kula carartay cusbitaalka, halkaasoo uu ku geeriyooday. Hooyadi qaracan iyo argagax ayaa isugu darsamay. Waxay ka sii naxsaneyd sida ay Saygeedii ama ninkeedii u wajihi doonto maadaama ay arrinta sahlatay.

Goortii Aabihii oo walbahaarsan yimi cusbitaalki uuna arkay meydka ilmihiisi uu sanadaha badan sugayay, wuxuu eegay xaaskiisii, ilmo ayaa wajigeedi qariyay. wuxuu ku yiri afar eray. Maxaad u maleynaysaa in ay afartaa eray ahaayeen?
Wuxuu ku yiri “Waan ku Jeclahay Gacaliso!!”
Samir iyo Iimaan Allaha naga siiyo.
Ficil celinta ninka ee filan waaga ah waa dabeecad ku dhisan garasho qadarta Alle, Sabur, deganaan iyo fahan nolosha ah. Inkastoo ay xanuun badneyd sida wax u dhaceen hadana Ilmihi waa dhintay. Marnaba dib looma soo celin karo. Wax natiijo ka dhalanmeyso inuu cillad iyo qalad u yeelo Hooyada. Iyaduba way weyday ilmaheedii. Waxay xilligaa u baahneyd waa Tacsi iyo Naxariis. Taasini waa wixii uu siiyay Gacaliyeheedii.

Mararka qaar walaal waxaan waqti badan ku luminaa yaa mas’uuliyada iyo eeda iska leh haday ahaan lahayeen xiriir lamaane, mid shaqo ama dad aan naqaan, waxaana na dhaafa diiranaanti ay dadka xiriirka ka dhexeeya heli lahaayeen hadday is taageeraan.



Haddaba, miyaysan ahayn wax aad u fudud inaan cafino kuwa aan jecelnahay ee inagu qaldama?
Ogsoonow: Wax kasta sabab ayay ku dhacaan. Noloshu way gaaban tahay. Ku qanacsanow waxa aad heysato. Ha shareysan xanuun, silic iyo saxariir. Badi Saburka. Cafi dadka. Xil iska saar mas’uuliyadaada. Iska tuur xasidka, xinka, maseyrka iyo naceybka, kolkaa waxaad ogaaneysaa in xaaladuhu xaqiiqdii u cusleyn sidii aad marki hore moodeysay.

Fadlan Walaal adigoo Mahadsan Share dheh oo la wadaag walaalaha kale si ay u aqriyaan qoraalkan.
Qalinkii: Farah Cawaash.

Qore:Abdulahi Nur Colombo

Friday, December 2, 2016

Sheko Gaaban Taasi oo Murti Dhaxal gal ah ku jirto (Hadaba Aqris wanaagsan)


Beri baa Boqor ka mid ahaa Boqoradi hore ee dalka Iiraan ayaa maalin ka mid ah maalamaha waxa uu socdaal ku marey gobolo badan oo dalkiisa ah dabeedna dadkiisa ayuu u balan qaaday qofkii uu ka helo xigmad iyo kalmad wanaagsan inuu siin-doono abaal marin aad u wanaagsan oo lagu farxo.
Boqorkii siduu u wareegaayey magaalooyin badan ayuu markii dambe waxuu la kulmay nin Oday ah oo da'diisu tahay 90 jir oo beeraya geed Saytuun ah. markaasaa Boqorkii waxuu ninkii odeyga ahaa uu ku yiri maxaad u beereysaa Geedkaan adigoo da' ah waayo sida la ogyahay geedka saytuunku mudo labaatan sano ka badan ayuu ku baxaa waqtigaasna inaad gaari doonto lama oga oo illaah unbaa garanaya.

Odaygi ayaa intuu qoslay waxuu boqorkii ku yiri; dadkii inaga horeeyey wey beereen anaguna weynu goosanay markaa anaguna waan beereynaa si ay u goostaan jiilasha soo socda ee mustaqbalka iman doona.

Boqorkii ayaa hadalkii aad ula dhacay oo ka helay, waxaana uu ku yiri; kalmad wanaagsan ayaad tiri; sidaa daraadeed, waxaan ku siinaya abaalmarin lacag dhan 400 oo dinaar .. Odaygi ayaa dhoola-cadeeyey, dabadeed boqorkii ayaa weydiiyey oo yiri maxaad u dhoola-cadeysay ? Odaygii ayaa ku jawaabay Geedka Saytuunku 20 sano ayuu ku dhalaa aniguna keygii haddu ii dhalay. sidaas ayuu wanaaga la sameeyo markiiba leeyahay abaalmarin dhaqso ah.

Qisadan waxaanu ka baran karnaa ummad kasta oo meel kuwada nool in jiilba jiilka ka dambeeya uu u dadaalo siduu uga tegi lahaa ama ugu reebi lahaa dhaxal wanaagsan oo anfaca.

Qore:Abdulahi Nur Colombo

Thursday, October 6, 2016

Daawo barashada Adobe Audition sida loo jarjaro codka So jeediye Eng C/risaaq maxamed Rashiid


Daawo barashada Adobe Audition sida loo jarjaro codka So jeediye Eng C/risaaq maxamed Rashiid.


Asc aqiyarey kulanti wanaagsan kuso dhawaada Hooyga Barashada Computerka Maanta waxaan dib idiin kugu bilaabaya Couraskeeni aha Barashada Adobe Audaitionka.


Aqristoow Ha daawan Cashirkaan adoon so daawan Cashirkii 1-aad ee Adobe Audationka


Si aad u daawato Cashirkii hore Riix Halkan

Muxuu ku saabsan yahay maanta Cashirka:

Wixii Suaal igu so dir:alaqsaa1996@gmail.com
Hadii aad ka faa'iido Fadlan Asxaabtada U share gare

Daawasho wacan:







Maxaad Kala socota Hogaamiyaha koriyada woqooyi Kim Jogn un(Xog-Kooban)


Maxaad Kala socota Hogaamiyaha  koriyada woqooyi  Kim Jogn un(Xog-Kooban)


Aqiyarey kuso dhawada Hooyga Barashada Computerka Maanta waxaan Halkaan idiin kugu so Gudbinaya Taarikh Kooban oo ku saabsan kaliya taliyaha koriyada woqooyi  Kim Jogn un.
Xuquuqda Video-ga waxa leh Somali Documentary.
Waxan rajeyna in aad wax badan ka ogaan doonto.

Daawasho wacan:





Wednesday, September 28, 2016

Halkan Kala soco Websit kaasi oo aad Ka heli karto Software's Crack ah iyo Serial Number-kooda (Cashir muhiim ah)


Halkan Kala soco Websit kaasi oo aad Ka heli karto Software's Crack ah iyo Serial Number-kooda (Cashir muhiim ah).


Waxa jira Softwars badan Dadka Waxa ay u isticmaalan Softwada si ay baahidooda ay ugu daboolan Badana Softwarada Ugu muhiimsan waa qaali si marka lo isticmaalo Softwarada Qaaliga  ah adoon gadan karin waxa lagu sameya Crack Maxa yeelay qof walba ma gadan karo Softwarada Lacagta ah.


Hadana ta waxa dheer hadaan nahay Bulshada Soomaliyeed wey nagu adag tahay in aan helno Softwar Orginal ah ama Aaan iibsano waxa iska jira Daruufo kala duwan hadey ahan lahed dhanka lacagta iyo hadey ahaan lahed waciyaga iyo Tichnologyada halka ay gaartay.


Hadaba yaan war idin ku daaline Maanta hadaan nahay bahda Ifiyaha waxan halkan idiin kugu so bandhigeyna Websit oo aad ka heli karto Softwars Crack ah ama aan lacag ahen kuwaasi oo la socdo Serial Numbers-kooda.


Hadaba halka hoose Kaga bogo Websityad-kaas  haka walwalin qatar kuma arag yacnii wax Damage ah oo computerkada wax yeelenayo

Booqo websitkaas

http://www.crackheap.net/ 




Qore Eng C/risaaq maxamed Rashiid
Wixii Su'aal iigu so dir:alaqsaa1996@gmail.com

Maxaad kala socotaa Taarikhdii S/Guud Maxamed Cali Samatar(Halkan kaga bogo)


Maxaad kala socotaa Taarikhdii S/Guud Maxamed Cali Samatar(Halkan kaga bogo).


Allaha u naxariistee S/Guud Maxamed Cali Samatar wuxuu ka mid ahaa saraakiishii ciidamada Soomaaliyeed ee ugu horeeyay ee debeda wax barasho u aadda, markay soo noqdeena iyagu dhisay ciidamadii qaranka,  21 Octoobar sanadkii 1969 wuxuu ka mid ahaa saraakiishii afgembiday dowladii ra’yidka ahayd.


S/guud Maxamed Cali Samatar wuxuuna ka mid noqday golihii sare ee kacaanka raggii ugu muhiimsanaa, waa kuwii ka dhigay Soomaaliya dowlad casri ah oo la jaanqaadda nidaamkii dowliga ahaa, wuxuu waqti dheer ka ahaa dowladii kacaanka madaxwayne ku xigeenka kowaad iyo wasiirka gaashaandhigga, ugu dambayntii wuxuu noqday ra’iisal wasaarihii dowladii kacaanka.


S/Guud Maxamed Cali Samatar  wuxuu ahaa nin aad u furfuran oo kasban kara qof kasta iyo bulsha kasta oo uu la kulmo, waana sarkaalkii ugu horeeysay ee Soomaali ah ee abid gaara derejada Sareeye/Guud, tan iyo derejooyinkaa sarsare ee uu gaaray S/Guud Samatar wuxuu ku gaaray aqoontiisa, xirfadiisa iyo kartidiisa uu u leeyahay shaqadiisa, wuxuu ka mid ahaa raggii ka dambeeyay horumar kasta oo uu wadankeenu gaaray xilligaas, wuxuuna ahaa kii dhisay ciidankii ugu xoogga waynaa uguna tababarka fiicanaa Afrikada madow, taas oo uu ku mutaystay In loogu yeero General kii kowaad ee Afrika.


S/Guud Maxamed Cali Samatar wuxuu ahaa nin furfuran oo kasbada cid kasta oo ay kulmaan ama wada shaqayaan, taas ayaa waxa ay ka yeeshay nin ay aad u jecel yihiin dhamaan ciidamadii qaranka, ciidamada caadiga ahi waxay u jeclaayeen si aanay u jeclayn saraakiishii iyaga madaxda u ahayd markaas, taas oo had iyo jeer si xoog leh looga dareemi jiray ciidamada dhexdooda, sidoo kale wuxuu ahaa nin ay guud ahaan jecelaayeen shacabka Soomaaliyeed.


Allaha u naxariistee S/Guud Maxamed Cali Samatar dhinac kasta oo laga eego wuxuu ahaa nin dhexdhexaad u ah ummadda Soomaaliyeed, hamigiisa keli ahina wuxuu ahaa siduu wadankiisa horumar u gaarsiin lahaa.
S/guud Maxamed Cali Samatar ayaa  ku geeriyooday dalka Mareykanka iyadoo madaxweynaha Soomaaliya mudane Xasan Sheekh Maxamuud uu ummadda Soomaaliyeed uga tacsiyeeyay geerida naxdinta leh ee ku timid Marxuum Maxamed Cali Samatar.
Ku xidhnoow Marwalba Hooyga Barashada Computerka www.Ifiyahacilmiga.blogsot.com 
Alaqsaa1996@gmail.com

Xuquuqda Qoraalka waxa leh :www.mrsomalia.com/

Wednesday, September 21, 2016

Barnaamijka Dhaqanka:Halkan kala soco Murtida Todobaadka Taasi oo Noloshaada wax badan ka badali Doonto


Asc kulanti wanaagsan aqiyarey meel walba oo aad joogtan kuso dhawaada Barnaamijka Dhaqanka kaasi oo aan idiin so Gudbiyo Todobaad walba Murti iyo waxyaaba dhaqanka Soomalida Ku qotoma.


Hadaba Todobaadkan Barnaamjika Murtida aan kuso qaadan doono Waxa waaye :

Geed ba ku cataabay ku calaacalay "Gudinyahey hadii gobalkeega kugu jirin ima gooyseen"

Bari baa waxaa Geedo meel ka baxaayo u yimid Nin waxa uuna ku codsaday in ay siiyan Gudin  laan uu ka dhigto  Daabka misaarta ama Faashka .

Geedihii wey aqbaleyn codsiga uu uso jeediyay Ninkii waana uu Goostay ninkii ayaa durbadiiba bilaabay in uu Goosto ama daba jaro dhamaan Geedihi markaas aya waxa Geedihii ay ku calaacaleyn "Gudinyahey hadii gobalkeega kugu jirin ima gooyseen" Gudin waxa laga wadaa Daaabka misaarta ama Faashka sidaan wada ogsoonahay Misaarta afkeeda Hore kama Maaranto Gudin la'aan ama Daab la aan sidaasi awgeed hadeysan ka ogolaan laheen Geedaha in uu ninka Goosto Laaantii dhibaatadaa uma imaan lahen.


Hadaba maxey tahay Nuxurka ama Waxyaabaha aan ka baran karno Murtida ama Sheekada 
Muhiimada Murtida ma ahan oo Geedo ee waxa laga dhigtay oo kaliya hadal qabsi lkn waxa ay Si toos ah ugu socotaa Bila'aadanka.

Sidaan wada ogsonahay 21-Sano mudada ku dhaw ee aan Dowlad la'aanta aan nahay waxa Dalka so maray dhibaatooyin farabadan  waxa arkeysaa nin masuul ah oo ay u yeerinayan waxa uu sameyn laha Dowlado shisheye dabcan mudadii aan dowlada la'aanta nahay Dowladaha shisheye si Toos kuuguma so bareeri karan lkn waxa ay kuuso dirayan dad soomali ah oo lugooysmo iyo dibandaabyo wada .



Qore:Eng C/risaaq maxamed Rashiid
Email:alaqsaa1996@gmail.com  

Wednesday, September 14, 2016

Download Software :Halkan kala dag Softwareka lagu magacaabo Freemake Video Downloader muxuuse yahay Faa'iidada uu leeyahay sideese lo isticmaala (Cashir muhiim ah)

  Download Software :Halkan kala dag Softwareka lagu magacaabo Freemake Video Downloader muxuuse yahay Faa'iidada uu leeyahay sideese lo isticmaala (Cashir muhiim ah)


Asc kulanti wanaagsan aqiyaarey kuso dhawaada Hooyga Barashada Computerka maanta waxaan raba in aan halkan idiin kugu so bandhigo Software Muhiim ah  kaasi oo aan hubo in uu ka caawin doono in aad si fudud Youtubeka aad wax ugala so dagto.

Ogoow hadii aadan si fiican u arag sawirada Click ku sii ama ku dul dhufo sawirka aad rabtit si aad ugu  aragto si fiican

Muxuu yahay Freemake Video Downloader:waa  Software loogu talagalay in si Fudud wax uu kaaga so dajiyo internetka siiba waxa uu caan u yahay in youtubeka aad wax kala so dagto.


Muxuu ugaga duwan yahay Softwarekan softwarada Kale ee wax looga so dajiyo internetka:

Softwarekan waxa uu ugaga duwan yahay kuwa kale waxa uu si fudud kuugu so dajinaya Player list ama Videos badan hal mar.


Hadaba maxa la dhaha Youtube Player list:Player list waxa ku arkeysaa Youtubeka dhexdiisa waxaana uu ku ogolanaya in aad ka hesho Videos badan oo isku xiran Tusaale ahan  waxa hal meel la aiskugu keynay  videos oo muxaadaro Diini ah   marka softwarekan
Freemake Video Downloader waxa uu sameynaya -Video oo muxaadarada ah in aad hal mar u dirto shaqo halka softwarada kale ay kaa raban in aad hal hal video uso dagsatit video aad rabto.



Halkan hoose kala Dag ama ka Dowload Gareeso:
نتيجة بحث الصور

 Halkan ku dhufo si aad u dagsato Softwareka Freemake


Side loogu shubaaSoftware-ka :


Step 1: ku ku dhufo meesha ay ku qoran tahay halkan kaso dagso kadib install ku dheh /Download and install Freemake Video Downloader.

Ogoow hadii aadan si fiican u arag sawirada Click ku sii ama ku dul dhufo sawirka aad rabtit si aad ugu  aragto si fiican

Dooro luqada aad rabto Kadibna Ok dheh

setup


Step2:Dooro Next Button

setup-1

 Step3:Dooro ama Jeeg saar ay Iaccept  kadib ku dhofo Next Button

setup-2

Step4:Dooro Custom installation kadib dheh Next Button

setup-3

Step5:Dooro  ka dooro Full installation kadib ku dhufo Next Button

setup-4

Step6:Dooro Launch si uu kuugu so kacsho kadib kasi dooro Finish Button wey dhamaatay

setup-5


Ogoow hadii aadan si fiican u arag sawirada Click ku sii ama ku dul dhufo sawirka aad rabtit si aad ugu  aragto si fiican

  Qaabkan ayuu kuugu so kaca Softwareka

interface

Sidee lo isticmaala Software-ka:

Step1:  waxaad aadeysaa Youtubeka daar Video aad rabto
نتيجة بحث الصور

Step2:markaad daarto Video-ga aad rabtay soo Koobi gare  video URL-KA
 Si aad wax ugu so download garesid softwareka waxa sameyne Waxa so koobi gareynesaa URL-KA aad rabto Tusaale ahan URL-KA waxa la dhaha markaad Video aad daartit ama aad websit gasho waxa kor saaran yacnii meesha Lagu qoro websityada magacooda aya URL-KA ah URL-kaas aya so Koobi gareyne si aad u fahanto waxan ka hadlaayo eeg sawirka hoose:


eeg meesha Falaarta laguugu tilmaamay meeshas aya waxa kaso Koobi gareynesa qoraalka ku qoran lkn waxa shardi ah inta aad so Koobi gareyn waa in aad Video-ga aad  ravtay daarto.

Ogoow hadii aadan si fiican u arag sawirada Click ku sii ama ku dul dhufo sawirka aad rabtit si aad ugu  aragto si fiican


Video URL

Tusaale aniga waxaan doortay video-gan waxaana raba in aad Download gareyo markaad Video-ga ku dhufato so Koobi gare qoraalka ku qoran meesha laguu calaameyay ee Gaduudan
Si aad u aragto eeg sawirka hoose.

Ogoow hadii aadan si fiican u arag sawirada Click ku sii ama ku dul dhufo sawirka aad rabtit si aad ugu  aragto si fiican



Step3:Soo Kici Software-ka kadibna ku dhufo ama riix Buttonka ay ku qoran tahay Past eeg Sawirka hoose meesha laguu calaameyay:


 Step4:Dooro video  Quality-ga aad jaceshahay in uu noqto  sidiisa ku daa kadib ku dhufo Download Fadlan dooro meesha aad ku save-gareyneso eeg Sawirka Hoose:



Step5:kadib waxa uu bilaabaya shaqadii


Step6:Wuu dhameyay kadib ku dhufo Showin folder



 step7:kadib waa ku dhamaatay ku raaxeso



 Hada waxaan sameynay qaabka lo so dajiyo hal Video hadaad rabto in aad so dagsato video-s badan Tusaale Dhoor xabo oo is leh in ay halmar kuso dagan waxa sameyne sida so socoto.

Ogoow Aqristoow Channel kasta ma lahan Player list marka hadaad ka weyso raadi kuwa kale.

Ogoow hadii aadan si fiican u arag sawirada Click ku sii ama ku dul dhufo sawirka aad rabtit si aad ugu  aragto si fiican

Step1: Soo kici Youtubeka













Step2:Raadi muxaadarada ama Musalsalka aad rabto ama Channelka aad rabtay ani waxan raadina channel lagu magacaabo AL-BADAR CHANNEL   kadib markii uu kuu keyno dooro channelka aad rabto.


Ogoow hadii aadan si fiican u arag sawirada Click ku sii ama ku dul dhufo sawirka aad rabtit si aad ugu  aragto si fiican













Step3:kasii dooro Channelka aad dooratay qeybta ay ku qoran tahay player list

Ogoow hadii aadan si fiican u arag sawirada Click ku sii ama ku dul dhufo sawirka aad rabtit si aad ugu  aragto si fiican














Step4:kadib dooro Cashirki aad rabto in aad so dagsatiti Fadlan si fiican u eeg Qoraalada aSawirka ku qoran

Ogoow hadii aadan si fiican u arag sawirada Click ku sii ama ku dul dhufo sawirka aad rabtit si aad ugu  aragto si fiican












Step6:kadib markaad dooratay waxa arke Videoska aad rabtay tiradooda Tusaale ahan Cashirka 1 cashirka 2 cashirka 3


Ogoow hadii aadan si fiican u arag sawirada Click ku sii ama ku dul dhufo sawirka aad rabtit si aad ugu  aragto si fiican














Step7:dooro URL-kooda so koobi  gare kadib softwareka imow kuna dhufo Past wey dhamaatay waxa maree wadada hadayay aan marnay
.
 


Dhamaad 
Qore:Eng C/risaaq maxamed Rashiid

Fadlan hadii aad ka faa'iiday Asxaabtada la wadaag
Wixii su'aal iigu so dir :alaqsaa1996@gmail.com


Tuesday, September 13, 2016

(Murtida Isbuuca) :Barnaamijka Dhaqanka Tudobaadka waxan ku soo qaadan doona Dhoor murti oo dhaxal gal ah sameyna ku leh Nolosha Admiga. (ka faa'iidesi wacan)






(Murtida Isbuuca) :Barnaamijka Dhaqanka Tudobaadka waxan ku soo qaadan doona Dhoor murti oo dhaxal gal ah sameyna ku leh Nolosha Admiga. (ka faa'iidesi wacan)


Kulanti wanaagsan aqiyarey meel walba oo aad joogtan kuso dhaawada Hooyga Barashada Computerka waxan hawada idinka leeyahay Ciid wanaagsan kulu caam wantum biqeer hadaba Isbuucan Barnaamijka Dhaqanka Tudobaadka waxan ku soo qaadan doona Dhoor murti oo dhaxal gal ah sameyna ku leh Nolosha Admiga.



Waxaan ka codsanaya hadey jiran wax qaladaad ah aan qoray Fadlan iigu so Dir Emailka alaqsaa1996@gmail.com :

Hadba murtida 1-aad ee aan ku so qaadan doono Barnaamijkena waa:

Sadax sadaxba lagu xalaaleya :

1-Warka balanba lagu xalaaleyaa: 2-Badarna Zuusba lagu xalaleyaa:
3-Xoolo birbaa lagu xalaleyaa:

1-Warka balanba lagu xalaaleyaa:Waxa laga wada hadii ay laba qof ay dhigtaan balan markii ay dhiganayeen balanta wey wada hadlayen hadaba warkii ay is weydaarsanayen waxa uu ku xalaalowi kara  in balantii la rumeyo oo aysan noqon oo kaliya wax afka uun ku koobna.



2-Badarna Zuusba lagu xalaleyaa:muhimada waxa laga wada in miisanka si cadaalad ah loo waafajiyo waxa aad gadeeso waxaana wanaagsan in si Fiican aad u miisanto ama u cabirto waxa aad iibineyso hadii kale waxa uu kugu noqonaya xaaran.

3-Xoolo birbaa lagu xalaleyaa:Waxa laga wada hadii aad rabto in aad xoolo gowracdo lagu gowraco mindi  dabcan waxa uu ku xalalowaya in la gowraco oo la marsiiyo sharuudihii ay diinteena suuban u dajisay gowracida  waxa jira habab kale oo lid ku ah diinta kuwaasi oo ah in xoolaha lagu dilo koronto makiin xabad iyo wixii lamid ah.


Hadaba aqristoow waxa laga doonaya in aad so sheegto waxa laga wado murtidaan so socoto si aad iskugu daydo Fadlan Comment ahan uso qor ama Facebooka Comment uga soo dhiibo .


Sadax kaama Baaqato
1-Huftin low kama baaqato
2-Kalaan waalid kaama baaqato
3-Kaba subag kaama baaqato

Wednesday, August 24, 2016

Sidee lo xaliya cilada ah how to fix your facebook temporarily locked Si aad u xaliso Raac Tilaabooyinkan so socdo By Engineer C/risaaq maxamed


Asc aqiyarey kuso dhawaada Hooyga Barashada Computerka maanta waxaan halkaan idiin kugu so gudbinaya Cashir kooban oo aad muhiim u ah waxa uuna ku saabsan yahay sida lo xaliyo cilada Your Facebook Temporery Locked.


Runtii arintan aniga ayey igu dhacday markaad istiraah Facebooka fur ama kici waxa uu ku leeyahay Facebookagada si kumeel Gaar ah aya lo xiray si aad u xaliso samey tilaaboyinkan so socdo waxana laga yaba in ay kugu adkaato.


Dabcan waxa laga yaba in uusan ku weydiin qaabkan ee uu ku weydiiyo ID lkn midan waxa uu ku weydiinaya Sawiro badan oo ah dadka aad Freindska ku ah waxa uuna ku siina 3 fursad oo hadi aad aqoon weydo Skip aad iska dhihi karto waxa uu ku weydiina ku dhawaad 5 suaalod mid kastana waxa uu ku leeyahay waa kuma muuqalkan waxa ka saxan oo kaliya hal qof
Eeg Tusaale ahan qaabkan hoose Su’aasha sida ayuu ku weydiina:


Runti xalka waa fudud yahay si hadii lo fiirshana waa adag yahay  maxaa yeelay wey kugu adkaneysaa hadii lagu dhaho sheek qofka leh sawirkan ama so saartay dabcan waxa uu noqon karaa qofka qof aadan aqoon sidoo kale adoo taqaanid ayuu waxa uu saran kara sawir uu qof kale leeyahay si kastaba  raac Tilaaboyinkan so socda.


1-mar walba oo aad so gasho waxa uu ku weydiina 5 su’aal si aad u sameyo waxa sameynee  marka uu ku weydiiyo oo u ku dhaho ma taqaan sawirkan  waxaad sameyne waa sawiree yacnii shaashada hadii aadan aqoon sida lo sawiro shaashada waxa ka eegi karta halkan hoose si aad u barato.

Si aad u barato sida shaashada Computerka lo sawiro ku dhufo halkan


Markaad sawirto sawiradii iyo magacyada waxa geynee Paintiga waa so simee waxa muhiim ah sawirka iyo magacyada hoose waa so jaree kaidb hal meel kuwada save gare si aysan kaaga dhumin.
Tusaale sawirka qaabkan  hoose ee kaaga muuqda aya u same u diyaarene :


Markaad sida sameyso sawirka waxa ku keydsane meel kamid ah computerkada.
Waxaaad dhahe Skip oo ah ma aqaan sawirada aad I weydiisay hadana waxa uu ku weydina suaal kale oo tii cml ah lkn waa sawiro cusub iyo magacyo cusub sidii kii hore aya isna sawiree  asana computerkada ku savegare waxa dhehe hadana Skip.


Sidoo kale su’aal kale ayuu ku weydiina oo kuwii hada cml sida aan sameynay hada le sameyne skip  dheh hadana.


Su’aalaha aad dhahday Skip oo la micno ah ma aqaan wey ka dhamaanayan waayo waxa fursad laguu siiyay kaliya in aad dhihi karto Skip oo la micno ah ma aqaan kaliya 3-Su’aal.


Gadib ayu waxa uu ku weydiina su’aal kale oo la micno ah kuwii aan hada sameynay ma dhihi kartit Skip waxa sameyne waa isku daye  su’aasha uu ku dhahay kaso saar magacyadaan sawirka ku muuqdo tusaale ahan Sawirka cali aya aragtay hoosna waxa lagu so bandhiga magaca cali waayo sawirka asaga leh hadii aad aqoon weydo waxaad sameyne sidii hadayay waa sawiree kadibna ku dhufo submit.


Mid kasto sidan cml aya u sawiree markad wada sawirto waxa uu ku leeyahay waa ku dhacday ama waa qaladay yacnii su’aalaha qaar aya qaladay  marka markale so gal ama isku day  mar walba  waxa laga yaba hadana meshii bilowga in uu ku keyno oo uu kuso bilaabo su’aalaha hadii uu kuso bilaabo wadadii hada mar sawir dhamaan sawirada  iyo magacyada ku jira suaal kasta balse hadii ku keyni waayo waxa uu raba in aad saacada sugtit mar kale kuso laabo .

Waxa jirta marka tusaale Subixii aya isku dayday waxaad sameysay waa wada sawirtay su’aal kasto ee uu ku weydiiyo  suaalihii uu ku weydiiyay saakay aya arke qaar kamid ah  marka aad sameyneso markaas ka dooro magaca ay iskaga midka yihiin tusaale  sawir kii hore ku jiray hada ku aragto suaasha cusub waxa doorane markaas magic labada dhinac ku jiro hadii aad aqoon weysid suaasha uu ku weydiiyay wa sawiree kadib skip dheh  midkad taqaanid dooro.

Tusaale eeg Labadan su’aal  mida hore waxaan sawiray waqti kale halka midka 2-aadna aan sawiray sidoo kale waqti kale balse waxa ay iskaga mid yihiin oo kaliya hal magic oo ah hibo Ismail.

Eeg Sawirka 1-aad:



Eeg Sawirka 2-aad:

Gabagabo markaad wada shegto jawaabaha waxa uu abood ku siina in aad badali karto  waxa uuna ku keynaa  meel ay ku qoran tahay gali paswordka cusub gali Passwordkii hore waa ku shaqeyay waxa waajib ah 5 su’aal in aad ka jawaabto 3 suaaalna waxaad dhihi kartaa Skip waxa ay isku yihiin su’aalaha ilaa 8 Suaal .

Dhamaad

Fadlan share gare Likena saar
Wixii suaal ah iigu so dir hadii aad fahmi weyday cashirka :alaqsaa1996@gmail.com

Tuesday, August 23, 2016

Barashada sida lo sameyo websit Free ah Cashirkii 4--aad side lo qurxiyaa websitkaaaga By Engineer C/risaaq maxamed


Asc kulanti wanaagsan aqiyarey kuso dhawaaada Hooyga barashada Computerka maanta waxann halkan idiin kugu so gudbinaya Cashiradii taxanaha aha ee aan uga hadleynay sida lo sameyo websit Free ah.


Haduu ku dhaafay Cashiradan waxad ka heli karta  webka  qeybtiisa Tuttorials-ka adoo kasii dooranayo Cashirada Bloga sidoo kale Linkigan hoose ku dhufo si aad u aragtit Cashirada kale.


Ku dhufo halkan si aad u heshid Cashiradii kale ee ku dhaafay

Soo jeediye:Engineer C/risaaq maxamed rashiid
Wixii Suaal ah iigu so dir alaqsaa1996@gmail.com
Fadlan hadii aad ka Faa'iido  Like saar asxaabtadana la wadaa adoo dhahayo Share


Cinwaanka Cashirka waa:

Barashada sida lo sameyo websit Free ah Cashirkii 4--aad side lo qurxiyaa websitkaaaga By Engineer C/risaaq maxamed

Daawo Cashirka:

                                   



                                    








Wednesday, August 17, 2016

Wax badan ka ogow 20-ka wadan ee ugu isticmaalka badan internedka Somaliyase kaalinte ku jirtaa aduunka xaga isticmaalka!?


Aqiyarey meel walba oo aad jogtaan kuso dhawaada hooyga Barashada Computerka maanta waaxan halkan idiin kugu so Gudbinaya wadamada ugu isticmaalka badan xaga internetka.


 runtii aduunka waxa maalinba maalinta ka danbeesa si kordhaayo heerka wanaagsan ee laga garaayo Tichnlogyada maxa yeelay waxa ay noqotay waxa ugu horeyo ee hormar lagu gaari karo .
hadii aad maqashid wadan hebal aa hor mar gaaray micnahedu waa tichnlogyada ayuu meel fiican ka gaaray.


Hadaba  aqristoow halkan hoose waxaan kugu so Gudbinaya 10-ka Wadan ee ugu isticmaalka badan Internetka sidoo kale waxan idiin so gudbinaya soomaliya aduunka kaalinte kaga jirta xaga isticmaalka internedka.



hadaan ku hormarno somaliya aya waxa ay Gashay kaalinta 164-aad waxaana ka hoosey wado badan oo ay kamid yihiim  kuwooda ugu caansan  burundi Gabon Sierra leone Djibouti iyo kuwa kale
Hadaba eeg liiska wadamada somaliya ka hooseyo:


20-ka wadan ee ugu isticmaalka badan internetka Sanadan 2016-ka waxa ay ukala sareyan sida tan:


INTERNET USERS - JUNE 30, 2016
#
Country or Region
Population,2016 Est.
Internet Users
30 June 2016
Internet
Penetration
Growth (*)
2000 - 2016
Facebook
30 June 2016
1
China1,378,561,591721,434,547
52.3 %
3,106.4 %
1,800,000
2
India1,266,883,598462,124,98936.5 %
9,142.5 %
157,000,000
3
United States323,995,528286,942,362
88.6 %
200.9 %201,000,000
4
Brazil206,050,242139,111,185
67.5 %
2,682.2 %
111,000,000
5
Japan
126,464,583
115,111,595
91.0 %
144.5 %
26,000,000
6
Russia146,358,055103,147,691
70.5 %
3,227.3 %
12,000,000
7
Nigeria
186,879,760
97,210,000
52.0 %
48,505.0 %
16,000,000
8
Indonesia
258,316,051
88,000,000
34.1 %
4,300.0 %
88,000,000
9
Germany80,722,79271,727,551
88.9 %
198.9 %
31,000,000
10
Mexico
123,166,749
69,000,000
56.0 %
2,443.9 %
69,000,000
11
United Kingdom64,430,42860,273,385
93.5 %
291.4 %
39,000,000
12
France
66,836,154
55,860,330
83.6 %
557.2 %
33,000,000
13
Philippines
102,624,209
54,000,000
52.6 %
2,600.0 %
54,000,000
14
Bangladesh
162,855,651
53,941,000
33.1 %
53,841.0 %
21,000,000
15
Vietnam95,261,02149,063,762
51.5 %
24,431.9 %
40,000,000
16
Iran82,801,63347,800,000
57.7 %
19,020.0 %
n/a
17
Turkey80,274,60446,196,720
57.5 %
2,209.8 %
46,000,000
18
Korea, South49,180,77645,314,248
92.1 %
138.0 %
17,000,000
19
Thailand68,200,82441,000,000
60.1 %
1,682.6 %
41,000,000
20
Egypt90,067,79333,300,000
37.0 %
7,300.0 %
32,000,000
TOP 20 Countries4,959,932,0422,640,559,365
53.2 %
926.7 %
1,035,800,000
Rest of the World2,380,161,938970,816,448
40.8 %
835.3 %
626,433,530
Total World Users7,340,093,9803,611,375,813
49.2 %
900.4 %
1,662,233,530