Wednesday, September 21, 2016

Barnaamijka Dhaqanka:Halkan kala soco Murtida Todobaadka Taasi oo Noloshaada wax badan ka badali Doonto


Asc kulanti wanaagsan aqiyarey meel walba oo aad joogtan kuso dhawaada Barnaamijka Dhaqanka kaasi oo aan idiin so Gudbiyo Todobaad walba Murti iyo waxyaaba dhaqanka Soomalida Ku qotoma.


Hadaba Todobaadkan Barnaamjika Murtida aan kuso qaadan doono Waxa waaye :

Geed ba ku cataabay ku calaacalay "Gudinyahey hadii gobalkeega kugu jirin ima gooyseen"

Bari baa waxaa Geedo meel ka baxaayo u yimid Nin waxa uuna ku codsaday in ay siiyan Gudin  laan uu ka dhigto  Daabka misaarta ama Faashka .

Geedihii wey aqbaleyn codsiga uu uso jeediyay Ninkii waana uu Goostay ninkii ayaa durbadiiba bilaabay in uu Goosto ama daba jaro dhamaan Geedihi markaas aya waxa Geedihii ay ku calaacaleyn "Gudinyahey hadii gobalkeega kugu jirin ima gooyseen" Gudin waxa laga wadaa Daaabka misaarta ama Faashka sidaan wada ogsoonahay Misaarta afkeeda Hore kama Maaranto Gudin la'aan ama Daab la aan sidaasi awgeed hadeysan ka ogolaan laheen Geedaha in uu ninka Goosto Laaantii dhibaatadaa uma imaan lahen.


Hadaba maxey tahay Nuxurka ama Waxyaabaha aan ka baran karno Murtida ama Sheekada 
Muhiimada Murtida ma ahan oo Geedo ee waxa laga dhigtay oo kaliya hadal qabsi lkn waxa ay Si toos ah ugu socotaa Bila'aadanka.

Sidaan wada ogsonahay 21-Sano mudada ku dhaw ee aan Dowlad la'aanta aan nahay waxa Dalka so maray dhibaatooyin farabadan  waxa arkeysaa nin masuul ah oo ay u yeerinayan waxa uu sameyn laha Dowlado shisheye dabcan mudadii aan dowlada la'aanta nahay Dowladaha shisheye si Toos kuuguma so bareeri karan lkn waxa ay kuuso dirayan dad soomali ah oo lugooysmo iyo dibandaabyo wada .



Qore:Eng C/risaaq maxamed Rashiid
Email:alaqsaa1996@gmail.com  

0 comments:

Post a Comment