Thursday, March 31, 2016

Baro side la'isugu xira Visual studio(Vp) iyo Sql- Wado fudud(Cashirkii 1--aad)


Asc aqiyarey waxan cashirkan ku baran dona sida la isugu xiro Vp iyo Sqlka Waxaana halkaan idiinkaga so jedinayo anigoo ah Engineer C/risaaq maxamed rashiid waana cashirkii 1-aad

Daawo cashirka

Dhacdooyinka Layaabka dunida:Nin aan qubeysan ku dhawaad 60-Sano sheeko xiisa leh+Video



Inta aad ku nooshahay aduunyada waxaad maqleysa ama aadba la kulmeysa dhacdooyin ka yaabiya isla markaana Fajac kugu abuura hadaba aqristoow bal kawaran hadaan ku iraah waxa jira nin aan qubeysan ku dhawaad 60-Sano oo noloshiisa ka mid ah.

Ninkan aya da'diisu waxa ay tahay 80-Sano jir  waxana lagu magacaba Amoo Hadij wuxuuna u dhashay Dalka Iran .

Ninkan aya waxa  la ogeyn waxa ku dhaliyay in uu noloshiisa ciqaabtan u geysto waxana Dadka ku dhaw-dhaw ay shegen in ay maskaxdiisa taam ay tahay oo uusan waalneen dhanka kale waxa uu ninkan ku noolyahay meel ka gaar ah xaafada ay dagan yihiin dadka.

Hadaba daawo dhacdadan



Wednesday, March 30, 2016

Muxaadaro Ku Sabsan ( Seed Naftaada Ugu Soo Jiidi Kartaa Waxaad Jeceshahay) Sh' Abdirisaq Hashi


Asc aqiyarey maanta waxaan idiin so gudbinaya muxaadaro cinwaankedu yahay  Seed Naftaada Ugu Soo Jiidi Kartaa Waxaad Jeceshahay) waxaana ino so jeedinayo  Sh' Abdirisaq Hashi

Ka'faa'iideysi  wacan


Tuesday, March 29, 2016

Sida looga so baxsado Pdf powerpoint video iyo sawir computerka looguna shubto mopilka fiilo la'aan


Waxan cashirkan ku baran donaa Sida looga so baxsado Pdf powerpoint video iyo sawir computerka looguna shubto mopilka fiilo la'aan waxaa jira Barnaamijyo badan oo la adeegsado lkn maanta waxaan adegsaneyna barnaamijka la yiraah Zapya oo aad ku taqanen in si fudud labo mopil ay wax u kala wareegsadan lkn kan waa computer Vs Mopil.

ogeysiiska cashirka:

Soo jediye:Eng c/risaaq maxamed rashiid
Wixii su'aal ah ku so dir :alaqsaa1996@gmail.com


Halka hoose  kala dag Software-ka 

 Halkan ku dhufo si aad u dagsatiti software-ka

Daawo cashirka qaabka lo isticmaalo software-ka



Cashirka 2-aaad :Barashada Sql-ka Sida lo sameyo Database,Table,Insert,Update iyo Delete


Waxan cashirkan ku baran doona Sql-ka waxaan cashirkii hore ku so baranay qeybo kamid ah Koodka lkn maanta waa dhameystireyna si aan u galno Connection-ka.

Ogeysiiska cashirka
Cashirka 2-aad
So jediye:C/risaaq maxamed rashiid
Wixii su'aal ah kuso dir  :alaqsaa1996@gmail.com

Daawasho wacan Cashirkii 2--aad ee sql-ka



Codad-ka cashirka iyo sharaxaadooda:


Koodadka Sql-ka iyo waxa ay qabtaan
Create databse jaamacad :waa koodka lagu abuuro Databse
Note:hakuu doornaato  master
Create table student  (id  int,name  varcher(50),tel   int)     
waa koodka lagu abuuro table-ka
Note: Note:hakuu doornaato  database name jaamacad
Select * from  student:waa markaad rabto in aad soo kiciso Tableka
Insert into student values(‘10’,’rashka’,’06152315’) waxaa la adeegsadaa markaad rabto in aad tableka qoraal galiso
Update student set name=’muuse’where id=’10  waxaa la adeegsadaa markii la rabo in table-ka wax laga badlo sida in la badalo magaca id ama tel-ka
Delete from student where id=’10’ waxa la adeegsadaa markii aad rabto in aad tirtitto hal row
Delete from student waxa la adeegsadaa markii aad rabto in aad tirtitto tableka rows-ka ku jiro dhano

Cashirka 1-aad:Barashada Sql-ka Sida lo sameyo Database,Table,Insert,Update iyo Delete


Waxan cashirkaan ku baran doona Barasho kooban oo ku saabsan Sql-ka Maadama aan so galinayo  webka cashiro ka hadlaayo sida la'isugu xiro visual studio (Vp.net) Iyo sql-ka
Hadaba ka faa'iidesi wacan hadaad ka faa'iidesatit Fadlan share gare dhanka kale Cashirkaan waa labo qeyb .

Daawo Video-ga Cashirka Cashirkii 1-aad



Ogeysiiska Cashirka

 Soo jediye Eng c/risaaq maxamed rashiid
 Wixii su'aal ah ku so dir:
alaqsaa1996@gmail.com

Koodka waa kan oo sharxan



Koodadka Sql-ka iyo waxa ay qabtaan
Create databse jaamacad :waa koodka lagu abuuro Databse
Note:hakuu doornaato  master
Create table student  (id  int,name  varcher(50),tel   int)     
waa koodka lagu abuuro table-ka
Note: Note:hakuu doornaato  database name jaamacad
Select * from  student:waa markaad rabto in aad soo kiciso Tableka
Insert into student values(‘10’,’rashka’,’06152315’) waxaa la adeegsadaa markaad rabto in aad tableka qoraal galiso
Update student set name=’muuse’where id=’10  waxaa la adeegsadaa markii la rabo in table-ka wax laga badlo sida in la badalo magaca id ama tel-ka
Delete from student where id=’10’ waxa la adeegsadaa markii aad rabto in aad tirtitto hal row
Delete from student waxa la adeegsadaa markii aad rabto in aad tirtitto tableka rows-ka ku jiro dhano

Wednesday, March 23, 2016

Daawo Muxaadaro cinwaankedu yahay Habaarka Waalidka sheikh Maxamed Ibraahiim Kenyaawi (Ka faa'idesi wacan)


dhamaan Bulshaweynta somaliyeed waxan ku salaamaya salaanta islaamka Asalmu caleykum waraxmatulahi wabarakaatu maanta waxan halkaan idiin kugu so gudbinaya Muxaadaro cinwaankeedu yahay Habaarka Waalidka  waxaana inoo so jedinayo
sheikh Maxamed Ibraahiim  Kenyaawi (Ka faa'idesi wacan)

Daawo Muxaadarada

Barashada Computer Hardware Cashirkii 3-aad by Engineer C/rizaaq mohamed


Kusoo dhawaada Cashirkii 3-aad oo aan ku baran doono Hardware-ka Computerka waxaana halkaan idiin kaga so jedinayo anigoo ah  Enigineer C/rizaaq mohamed Rashiid.

Waxa Cashirada Hardware-ka aan ugu Tala galnay ku dhawaad 6-Cashir. waxaana ku so gabagabeyn doona Koorsadan sida loo Format garey computerka.
Barashada Hardware-ka
Cashirkii 3-aad
So jeediye: Enigineer C/rizaaq mohamed Rashiid
Wixii su'aal ah :alaqsaa1996@gmail.com
Hadaba Daawasho Wacan 
 

Waa maxay Network ?Fahan kooban oo ku saabsan Networking iyo...



Waxa aan ku bilaabaya marka waxa uu network yahay iyo networking waa laba eray kala duwan macnahooda.
Waa maxay network am networking? Haddii aad maqashid erayga network macanihiisa dhan waxa uu ku saab san yahay isku xirid. Haddii computer-kaada aad ku xireesid internet-ka si aad u booqatid website-yada aad jeceshay sida wararka inaad ka aqrisid intaba waxa aad isticmaaleesaa waa network. Networking-nne waa sida ay qablayada sida computer-ada, router-ada, ama qalabka networking ay muuqaal ahaan iskugu xir-xiranyihiin. Tusaale ahaan printer sharing ama qeybsashada hal printer oo ku xiran network-ga kaasoo ay qofkasta oo kuxiran network-ga oo printerka kuxiran ay daabacan karaan documents, files, iyo wixii lamida.
Marka a network waa habka isku xirida kombuyuutarada, printer-ada, server-ad, iyo dhammaan qalabyada networking-ka si ay usameeyaan xiriir ay iskula hadli karaan dhexdooda iskune weydaarsan karaan faaylasha..
Haddane waxaa aan ka hadli doonaa qalabayada inta badan loo isticmaalo networking-ka sida waa maxay hub, bridge, router, switch, iyo shaqooyinka ay qabtaan.
HUB: Waa aalad networking-ka oo hadda aanan aad loo isticmaalin balse waagii hore aad loo isticmaali jiray. HUB-ka waxa loogu talo galay in qalbayada networking sida computer-ada iyo server-ka lagu xiro kadibne uu ufududeeyo inay wada xariiraan. Shaqada HUB-ka uu qabto waxaa kamid tusaale haddii aan sawirka hoose usoo qaadano:
hub
Sawirka waa inoo muuqda 4 computer oo kiiba uu HUB-ka dhinac uga xiranyahay. PC1 ilaa PC4 midba waxa HUB-ka uga xiranyahay Port-ga ama godka ku lanbarka ah, sida PC1 HUB-ka waxa uu uga xiranyahay port 1, PC2 port 2 PC3 iyo PC4 sidoo kale, 3 iyo 4 ay HUB-ka uga xiranyihiin sida ay ukala horeeyaan.
Shaqada HUB-ka uuqabanaayo waa haddii PC1 uu fariin udiro PC3, fariintaas waa inay HUB-ka ay sii martaa kadibne PC3. Laakiin waa maxay sida HUB-ka ku ogaanaayo in ay fariin soo gaartay? PC1 waxa diraa waxaa nooc fariin loo yaqaano broadcast, kadibne HUB-ka waxa ay uga soo dhacee port 1 uu PC1 kaga xiranyahay. HUB-ka markuu fariinta kasoo gaarto Port 1 waxa uu fariinta ubadalaa wax loo qayaano (bits) ama zero iyo ones- kadibne waxa uu fariinta kaxawilaa dhamaan ports-ga am godadka asiga ay xiranyihiin computer-ada kale fariintii uusoo PC1 uu uwada xawilaa balse fariintaas kuma celinaayo PC1. Fariinta Port-1 ay kasoo gashay isla port 1 hadane uma celinaayo fariinta laakin Port 2,3,4 wuu usuu xawilaa fariintii PC1 soo diray? Ogoow hee PC1 fariinta waxa uu waday waxaa waaye PC2 uma uusan wadin PC2 iyo PC4. Sababta waxa waaye HUB-ka malahan caqli uu ku ogaado fariinta meesha ay ku soco, malahan maskax uu ku kala saaro yaa soo diray yaase loo diraa ee kaliya fariintuu helo kuli wuu uwada xawilaa marka laga reebo meesha ay fariinta katimid.
HUB-ka waxaa loo yaqaanaa (one collision domain) oo macnaheeda yahay computer-ada kuwada xirin HUB-ka haddii mid kamida uu rabo inuu wax u xawilo midkale, inta uusan xawilin waxa uusameenaa waxa uu dhageesanaa in computer-kale uu wax diraayo iyo inkale. Waayo qaabka ay HUB-ka ugu xiran yihiin waxaa looyaqaanaa “shared network” oo ah kaliya hal computer ayaa halkii mar ba wax diri kara. PC1 haddii uu inta uu dhageesto uu dareemo in ay san PC2,3,4 ay san hadda istic maaleenin fiilooyinka markaas ayuu diri karaa fariintii uu rabay inuu diro. Laakiin tusaale haddii PC1 iyp PC2 ay inta wada dhageestaan fiilooyinka ay go aan sadaan inaa cidkale isticmaaleenin ay halmar soo wada diraan waxaa ka dhacaayo wax loo yaqaano “Collision domain” taasoo sababeeso inay PC1 iyo PC2 ay dib usoo diraan hadane. Fikirkaan waxaa loo yaqaanaa “CSMA/CD” Carrier sense multiple access collision detection. Broadcast domain, waa Haddii hal PC uu fariin diro ay inta kuwada xiran HUB-ka ay fariintaas arkaayaan ama helaayaan.
BRIDE: Bridge waxaa loo isticmaalaa inuu kala qeybiyo networks-ka. Tusaale ahaan haddii uu bridge ka leeyhay laba god, midkasta uu hub kaga dhaganyahay, bridge-ka sida sawirka ka muuqata,  waxa uu logically ukala qeybiyey broadcast domain-ka uu hub-kasta leeyahay, oo haddii mid kamida computer-ada hub-ka kuxiran uu broadcast diro magaarayo hub-ka kale ee dhinaca kale uga dhan bridge-ka. Bridge sidoo kale waxa uu ogyahay meesha hub-kast uu isaga kaga xiranyahay taasoo ufududeeneesa sifudud inuu ugu kala xawilo fariimaha. Dhinackasta ee bridge-ka hubka kaga dhagan waa hal collision domain, gabi ahaanne waa hal broadcast domain.
brid
Switch: Switch-ka waxaa layiraahdaa waa Hubk-ka oo kale balse ka godadban kana caqlibadan. Haddii aan soo qaadano isla sawirka kore balse HUB-Ka aan SWITCH kubadalno bal aan aragno waxa SWITCH-ka ugaduwan yahay Hub-ka.
swi
Haddii aan dhahdo PC1 ayaa raba intuu Ping udiro PC3. Waxa ugu horeeya uu SWITCH-ka sameenaayo ah inuu marka hore maskaxdiisa ku duubo halka Ping-ga uu ka yimid kadibne uu meel maskaxdiisa kamid dhigto. Kow waxa uu SWITCH-ka ogaanaayo ayaa ah in PC1 uu isaga kaga xiranyahay port 1 ama godka koowaad, kadibne SWITCH-ka waxa uu sidoo kale ogaanaa Mac-address-ka PC1 markaas uu ku duubaa maskaxdiisa. PC1 Ping-ga uu diray waxa ay broadcast taasoo SWITCH-ka markuu helo uusan marka ugu horeesa garaneenin meesha PC3 kaga dhaganyahay. Si aan usii caddeeyo aan nu dhahdo PC1 ilaa PC4 waxa leeyihiin IP adress-ka 192.168.1. ilaa 192.168.1.4. Lanbarka ugu danbeeya waxa uu Ip address-ka sida 1.1 PC1 1.2 PC2 1.3 PC3 1.4 PC 4. Aan ku laabano Ping-ga PC 1 diray markii ugu horeesay oo uu “ping 192.168.1.3” diray, SWITCH-ka ne ogaaday halka PC1 ka ga dhaganyahay asiga iyo mac-address-ka PC1.
SWITCH-ka markuu intaas ogaado markaan ugu horeesa ma yaqaano PC3 halka uu yaalo, marka SWITCH-ka waxa uusameenaa waxa uu diraa broadcast message taasoo wadagaa reesa PC2,3, iyo 4. Kadib PC 2, iyo PC4 way arkaayaan fariinta laakiin maadama iyaga kusoconin way indha tiraayaan, balse PC3 ayaa kajawaabaaya broadcast-iga oo dhahaaya waa ikanaa kadibne waxa uu PC1 usoo diraa Mac-addresskiisa SWITCH-ka uu soo marinaa kadibne SWITCH-ka markaan waxa uu ogaaday halka PC1 iyo PC3 kaga dhagan yihiin isaga iyo Mac-address-kooda sidaas uu ugu duubaa maskaxdiisa. Haddii ay markale rabaan inay isla hadalaan SWITCH-ka uma baahna inuu broadcast diro balse waxa uu yaqaanaa halka midka wax soo diraaya iyo kan helaaya ay kaga dhaganyihiin sidaas uu fariinta ugu kala gudbinaa iyadoo aysan PC2 iyo PC4 aysan waxba kala socon. Sidaas ayaa looyiri SWITCH-ka uga caqlibadan yahay habka. SWITCH-ka hadda inta badan asaga ayaa loo isticmaalaa goobaha ganacsiyada iyo shirkaddaha.
ROUTER: SWITCH-ka waxaa loo isticmaalaa in computerada gudaha shirkada yaala uu midba midka kale kula xariiro. Kawaran haddii aan rabno inay computer-adaas ku xirmaan “Internet”-ka maxaa noo fududeenkara. Sida aad qiyaastay waa si computer-ada gudaha shirkada ay ula xariiraan “internet”-ka waa in SWITCH-ka kuxiran computer-ada guha aan router kusiixir naa si ay computer-ada ay isku xariiraan wixii gudaha iyagoo SWITCH-ka isticmaalaa waayo router uma baahana balse haddii ay rabaan in ay internet ka ay ku xirmaan, ama si kale aan udhaho, Haddii computerada ay dibadda uga baxaan shirkadda (Internet_-ka waxaa qasaba inaan router isticmaalno kaasoo ku xirin internet-ka kadibne uu uqeybiyo computer-ada gudhaha shirkadda ku jira. Sida sawirka hoose idinka ga muuqata.
rout
Cables: Fiilooyinka: Waxaa jira noocyo kala duwan oo loo adeegsado in la iskula xir xiro qalabyada networking sida routers-ka, switches-ka, computer-ada, kuwo ugu muhiimsan waa.
  1. Straight-through cable: Waa midda standard-ka u ah oo loo isticmaalo in la isku la xiro computer-ada midne diraha yahay midne fariinta helaayo. Straight-through cable waxaa loo isticmaa in la iskula xiro,Switch-to-router, Hub-to-pc-ama-server, ama switch-to-pc ama server.
  2. cross-over cable: Switch to switch, Switch to hub, Hub to hub, Router to router, PC to PC, Router to PC
  3. rolleover cable: Fiiladaan router-ada cisco ayey qaas utahay waxaane loo isticmaalaa in router ama switch (console port)-giisa.  koow markaa router-ka aad hagaajineesid ayaa fiiladaan soo qaadanee dhinac waxaa uga xiree router-ka (console)-portigiisa, dhinaca kale computer.
Intaas waxaa ku eg casharkii basics of networking.

Waa maxaya IP Address? waxbadan ka baro Fahan ku saabsan waxa la yiraah IP address


Aaladkasta oo ku xirmi karta internet-ka waxaa qasaba inay lahaato waxa loo yaqaaqo “IP PROTOCOL” loo soogaabiyey IP.
IP waxa loogu talo galay in “data” ama warbixin uu hal computer kaqaado una gudbiyo computer kale. Waa midka u sahla in laba aalad oo “Internet”-ka kuxirin inay is dhaafsadaan adeegyada ay ubaahan yihiin. Labo computer oo kuwada xiran hal “internet” sida kan guryaha ku xiran malahaan karaan hal “IP” address ooo isku mida sida 10.1.1.1. Waa in midkasta uu asiga “IP” address ugooniya lahaado. Mararka qaar ay taasi dhacdo waxa arkeesaa fariinyar oo kusoo qormeesa computer-kaada oo “Another device is using your ip address, duplicate address detected” oo ah macanaheeda computer-kale ayaa isticmaalaya IP address aad isticmaaleesid waa inaa badashaa ama laxariir “Network administrator” si uu kuu caawiyo- Waxaa ula jeedaa in labo computer eysan hal IP address ay san halmar wada isticmaali Karin.
Tusaale: Arday wada dhigata hal class soo lagama yaabo in ay jiraan labo arday oo isku magaca oo mararka qaar xitaa magaca aabaha iyo kan awoowaha iskaga eg. Haddii mid kamida aan uwaco labadaas arday halmar ay soo wada jeesanaayaan. Laakiin haddii aan ardaykasta aan siiyo ID lanbar asiga u qaas ah kadibne markii xiisada lagu jiro aan ugu yeero ID lanbarkiisa, waxa soo jeesanaaya ama ila hadlaaya kaliya waa ardayda ID lanbarkiisa aan ugu yeeray, inta kale iyaga sooma jeesanaayaan. Tusaale waxaa ula jeeda si looga fogaado is fahan waa waa in ardayd kasta ID lanbar gooni ah lasiiyo, labo ardayne aysan lahaanin ID lanbar isku midda.
Waxaa jira dhowr nuuc oo IP addresses oo kale ah IPv4 iyo IPv6 “V” waa “version”. Sababta labo kala nooc oo IP addresses u jiraan waa IPv4 waxaa lasoo isticmaalaayey sanado badan iyadoo aduunkoo dhan ay isticmaalaayeen waxaa la ogaaday inuu sii dhamaanaayo waayo computer-kasta oo dunida yaala IP address gooni ah ayuu rabaa sidaas darteen ayaa waxaa lasoo saaray IPv6 oo marne aanan dhamaaneenin si kastoo loo isticmaalo. Hadda waxa aan ka hadlaayo waa IPv4.
IPv4 waxaa loo qeybiyaa “Classes” waxaane jira 5 “classes” balse sadex oo kaliya ayaa la isticmaalaa labada kale aad looma isticmaalo. IPv4 32 (bit) dhirirka waxa uuna ka kooban yahay 4 (octet) sida 4.4.4.4. meelkasta oo dhibic u dhaxeeso waa octet. Halkii octet waxa uu ka kooban yahay 8 (bit). Bits waa o ama 1. Dib ayaa ka sharixi doonaa markaa subnetting-ka gaarno.
IPv4 classes waa:
  1. Class A
  2. Class B
  3. Class C
Class-kasta waxa uu leeyahay IP addresses lagu aqoonsado oo kale ah
Class A waa lanbarada u dhaxeeya     0 ——– 126
Class B waa lanbarada u dhaxeeya      127——191
Class C waa lanbarada u dhaxeeya      192——-223
Class A IP address-kastoo udhaxeexa  0 ilaa 126 sida 10.0.0.0, 125.0.0.0 waa Class A Ip address. Sidoo kale Class B iyo C waa lamida lanbarkastoo udhaxeeya inta ay ka koobanyihiin waad ku aqoonsaneesaa IP address-ka Class-ka uu ka tirsanyahay. Tusaale 172.16.1.0 waxa ay ka tirsantahay Class B.
Qaabka computer-ada u isticmaalaan IP address-ka si ay iskula hadlaan. Waxa aan tusaale usoo qaadanaa sawirka hoos ku qoran.
basic
sida sawirka nooga muuqata waxaa ujeednaa computer 1 oo kuxiran “Switch A” godkiisa 1 iyo computer 2 oo asine “Switch A”-ka kaga xiran godka 2.
Haddii Computer 1 uu rabo inuu PING udiro computer 2, sidee “Switch A”-ka ku ogaanaa fariinta halka ay ka timid iyo meesha ay usocoto? Aan hal hal kuugu kala qaado tilaabooyinka saxda ah ay kadhacaya sida fariin meel uga tagi laheed meelkalene utagi laheed. Marka laga eego xagga networking-ka sida fariinta isku diraan waa il biriqsiyo laakin waxaan rabaa inaa kuu sharaxo habka ay iyo dariiqadda ay maraan.
Tilaabada ugu horeesa waa computer 1 waxa uu rabaa inuu PING udiro computer 2 asigoo isii marinaayo “Switch A”-ka. Balse PING waxa ku hoos qarsoon sida idinkaga muuqata 1 oo computer 1 hoosyaala. Koow
Marka computer 1 uu diraayo PING ga waxa ay kaboobantahay
Source IP: halka PING ga lasoo diraayo oo ah (computer 1)      IP: 1.1.1.1
Destination ip: oo ah halka ay fariinta kusocoto (computer 2) IP: 2.2.2.2
Source mac-address: oo ah lanbarka(hardware) ka ee (computer 1) AAA
Destination mac-address: oo ah lanbar(hardware)ka ee (computer 2) xxxxx
Si computer 1 u diro PING marka hore waa inuu yaqaanaa Mac-address-ka computer ka uu PING ga udiraayo o ah (computer 2). Haddii uusan aqoonin waxa galinaa booska Mac-address-ka computer 2 xxxxx kadibne si broadcast message- ahaan ayuu udiraa taas ay gaareeso “Switch A”.
Tlaabada kuxigta waa markii uu “Switch A” kahelo hello broadcast message ka timid computer 1 waxa uu markiiba ogaanaa mac-address-ka computer 1 oo ah AAAA iyo godka uuga dhaganyahay oo ah port 1, kadibne uu maskaxdiisa ku duubaa taas uusan iloobeenin markale. Kadib “Switch A” waxa uu fiirinaa halka ay
Ping ga ka imaatay waa maxay mac-address-ka (AAA )computer ka soo diray Ping  oo ah computer 1, iyo halka uu uga dhaganyahay asiga oo port 1, kadibne uu maskaxdiisa kuu duubaa meesha computer 1 isaga kaga xiranyahay. Kadibne waxa uu fiirinaa halka uu Ping ga ku soco mac-address ka computer 2 taasoo uu awalkiiba horeba aan lagu soo darin PING ga. Kadibne waxa uu sameenaa “Switch A” fariinta ayuu udiraa computer waliba oo asiga ku xiran. Fariinta waxa aa helaaya computer 2 kadibne computer computer 2 waxa uu arkaa IP address-ka computer 1 iyo mac –address ka computer 1 kadibne waxa uu dub ugu celeninaa oo uu computer 2 computer 1 udiraa mac address-kiisa si computer 1 ugu fududaato inuu fariinta saxda uu soo diro. Fariinta uu computer 2 diraayo waxa ay sii maree “Switch A” kaasoo markaane yaqaana halka uu computer 2 isga kaga xiranyahay port 2 iyo mac address ka computer 2 BBBB. “Switch A” horey ayuu uyaaqaanay halka uu computer 1 kaga xiranyahay iyo mac-address ka uu isticmaalaayo kadibne uu ugudbinaa jaawaabtii uu soo celiyey computer 2.
Computer 1 marka uu helo fariinta waxa uu arkaa mac-address-ka computer 2 kadibne uu haddii uu markale wax udiraayo booska mac-address-ka computer 2 magalinaayo xxxxx maadaama uu yaqaano.
Sidaas ayaa computer-ada fariin isku gu diraan, haddii aad intaas fahantid waa taqaanaa basics networks.

Xuquuqda qoraalka waxa leh www.somalinetworking.com

Tuesday, March 22, 2016

Sidee Computerka spyware ama Verus-ka u gala Qaabkeese looga hortagi karaa (waxbadan ka ogoow)


Sidee virus-ka ama spyware-ku u haleelaan computer-ka?
Waxaa jira kumanaan wado oo eey computer-ka ku haleeli karaan spyware, virus iyo noocyada kale ee marlware-ka.
Aflixi.com wuxuu idin soo gudbinayaa qabab dhoowr ah uu computer-ka ku haleelaan virues-ka:
Inaad ogolaato adigoo akhrinin
Mida ugu caansan ee computer-ka virus-ka ugu dhoco waa in qofka uu aqbalo wixi shaashada uga soo muuqdo asigoo akhrinin qababka ay users-ka u aqbalaan wixi u soo boqo ayagoo akhrinin:
1.       User-ka isticmaalaya internet-ka waxaa mararka qaar u soo boqo fariimo dhahaya computer-kaada wuxuu u baahanyahay scan ee click sii si loo scan gareeyo.
2.       Marki aad program ku shubaneeyso ama update-gareeyneeyso waxaa kuu soo baxaya fariin ku dhaheeysa ku shubo programs dheeraad ah (qeeybaha check boxes-ka la saari lahaa xitaa horay aye u saaranyihiin).

Soo Dajinta software virus leh
Marki aad software(program, utilities, games, updates, demos iwm) iska hubi halka aad software-ka kasoo dajisaneeyso inuu yahay web lagu kalsoonyahay.
Software-ka marka uu kuu soo dago kadib iska scan garee sidaa isaga hubiso in software-ka uu bad qabo.

Email attachments
Computer-ka wuxuu infected noqon karaa marka uu user-ka furo email wato attachment isla markaan attachment-ga uu ka koobanyahay malicious code. Hadii xitaa email-ka uu kaaga yimid qofaa isla shaqeeysaan, qofaa saaxibo tihiin ama qof qooyskaada ka mid ah mar walbo taxadarkaada lahaaw.
Qaacid guud ayaa jirto oo ah Ha furin email aad sugeeynin

Hard Disk, Flash ama Disc leh virus
Hard Disk, Flash ama Disc walbo oo computer-ka galiso waxaa macquul ah inuu leeyahay virus isla markaana si fudud uu u saameeyn karo.

Antivirus computer-ka kuma jiro
Hadii aad isticmaaleeyso Micsosoft Windows waxaan aad kugula talineeynaa inaad computer-ka ku shubato antivirus iyo spyware protection.

Xuquuqda qoraaalka waxa leh www.aflixi.com

Hadii aad dooneyso in Battery-ga Computerka waqti badan kuu hayo Raac Talabooyinkaan (Talooyin muhiim ah)


Battery-ga laptop-ka waa qalab aad u muhiim ah waliba marka uu cusubyahay laptop-ka ama battery-ga wuxuu u baahanyahay in la daryeelo oo laga warqabo halkaan waxaan idin kugu soo gudbineeynaa talooyin ka caawin kara in batter-ga computer-kaada dabka haayo in mudo ah.
Mark uu cusubyahay battery-ga
·         Markaad laptop ama battery cusub soo gado waxaa aad iyo aad loo soo jediyaa in battery-ga uu damba ku jiro mudo dhan 24 saac. Charger-gareeynta 24 saac batter-ga waxeey ka dhigeeysa mid full charge ah isla markaana wuxuu ka caawinayaa in battery-ga noloshiisa dheeraato.
·         F.G: marka uu full charger dhoho waa inaadan sugin ilaa uu battery low ka dhahaayo mar alaalo markuu gaaro rate-ka uu ubaahdo charger-ka inuu qaato ayaa muhiim ah

Battery-ga ka bixi computer-ka hadii in mudo aadan isticmaaleeynin
·         Hadii badanaa aad laptop-ka isticmaaleeyso asigoo kujira korontada isla markaana uu yahay full charger ama uusan aheeyn (marka uu batter-ga haleeysanyahay) batter-ga ka saar computer-ka oo si toos ah dabka kasii meesha ugu dhaw.
·         Hadii aadan qorsheeyneeynin inaad laptop-ka isticmaasho wax ka badan bil battery-ga waa inuusan ku sii jirin laptop-ka hadii xitaa computer-ka uu dansanyahay.
·         Marki aad battery-ga computer-ka ku soo celineeyso waxaa muhiim ah inta aad computer-ka isticmaalin ka hor battery-ga charger full ka dhigto.

 Isticmaal Hibernate
Isticmaalid hibernate isticmaal inta aad isticmaali leheed sleep marki aad hibernate u dirto computer-ka wax dab ah dhan ma isticmaalaayo hadaba hadii aadan isticmaaleynin computer-ka waxaa haboon inaad hibernate y dirto.

Computer-ka ka fogee heerkurka
·         Battery-ga iyo computer-ka waxaa u fiican in laga fogeeyo kuleeylka sababtoo ah kuleeylka wuxuu sababa in battery-ga uu dhakhsi dhamaado.
·         Computer-ka si kuleeylka uga ilaaliso qeeybta maraxawada wixi ku aadan ka leexi si kuleeylka computer-ka ku jiro uu banaanka uga soo saaro taas cagsigeeda waxeey keeneeysa in computer-ka uu kuleelka ku laabto.
Xuquuqda qoraalka waxa leh www.aflixi.com
salmaan yare likes this

Thursday, March 17, 2016

Layaabka Aduunka:Waliga ma aragtay Malaay sida Roobka cirka uga so da'aayo Daawo video-ga


Inta aad joogto dunida  waxaad arkeysa wax aad la yaabto oo goor hore ayey somalidu ka maah-maahday dhacdooyinka naadirka ku ah Dhagaha bila'aadanka maah-maahooyinkaas waxa kamid ah Cimrigaada Geel dhalayo wuu ku tusaa.

Hadaba waxaan halka hoose idiin kugu soo gudbinaya dhacdo aad loola yaabay taasi oo ah in Malaay uu sida roobkii Cirka uga so da'aayo.

Waxba yaan hadal idin ku daaline aan wada daawano.