Tuesday, March 22, 2016

Sidee Computerka spyware ama Verus-ka u gala Qaabkeese looga hortagi karaa (waxbadan ka ogoow)


Sidee virus-ka ama spyware-ku u haleelaan computer-ka?
Waxaa jira kumanaan wado oo eey computer-ka ku haleeli karaan spyware, virus iyo noocyada kale ee marlware-ka.
Aflixi.com wuxuu idin soo gudbinayaa qabab dhoowr ah uu computer-ka ku haleelaan virues-ka:
Inaad ogolaato adigoo akhrinin
Mida ugu caansan ee computer-ka virus-ka ugu dhoco waa in qofka uu aqbalo wixi shaashada uga soo muuqdo asigoo akhrinin qababka ay users-ka u aqbalaan wixi u soo boqo ayagoo akhrinin:
1.       User-ka isticmaalaya internet-ka waxaa mararka qaar u soo boqo fariimo dhahaya computer-kaada wuxuu u baahanyahay scan ee click sii si loo scan gareeyo.
2.       Marki aad program ku shubaneeyso ama update-gareeyneeyso waxaa kuu soo baxaya fariin ku dhaheeysa ku shubo programs dheeraad ah (qeeybaha check boxes-ka la saari lahaa xitaa horay aye u saaranyihiin).

Soo Dajinta software virus leh
Marki aad software(program, utilities, games, updates, demos iwm) iska hubi halka aad software-ka kasoo dajisaneeyso inuu yahay web lagu kalsoonyahay.
Software-ka marka uu kuu soo dago kadib iska scan garee sidaa isaga hubiso in software-ka uu bad qabo.

Email attachments
Computer-ka wuxuu infected noqon karaa marka uu user-ka furo email wato attachment isla markaan attachment-ga uu ka koobanyahay malicious code. Hadii xitaa email-ka uu kaaga yimid qofaa isla shaqeeysaan, qofaa saaxibo tihiin ama qof qooyskaada ka mid ah mar walbo taxadarkaada lahaaw.
Qaacid guud ayaa jirto oo ah Ha furin email aad sugeeynin

Hard Disk, Flash ama Disc leh virus
Hard Disk, Flash ama Disc walbo oo computer-ka galiso waxaa macquul ah inuu leeyahay virus isla markaana si fudud uu u saameeyn karo.

Antivirus computer-ka kuma jiro
Hadii aad isticmaaleeyso Micsosoft Windows waxaan aad kugula talineeynaa inaad computer-ka ku shubato antivirus iyo spyware protection.

Xuquuqda qoraaalka waxa leh www.aflixi.com

0 comments:

Post a Comment