Wednesday, March 2, 2016

50 SUÁAL & JAWAABAHOODA OO KU SAABSAN DHIIGGA CAADADA EE DUMARKA KU DHACA & DAHARADOODA.


(WAA SU`AALO IYO JAWAABO)
Waa kitaab af-Soomaali ah
W.Q: Muxammad Mursal Muxammad
إن الحمد لله نحمده ونستعينه ونستغفره ونعوذ بالله من شرور أنفسنا ومن سيئات أعمالنا من يهده الله فلا مضل له ومن يضلل فلا هادي له وأشهد أن لاإله إلا الله وحده لا شريك له وأشهد أن محمداً عبده ورسوله صلى الله عليه وعلى آله وصحبه وسلم تسليماً كثيرا – أما بعد
Mahad iyo ammaan waxaa leh illaah subxaanahu wa ta-caalaa.
Waxaan kaalmo iyo dambi dhaaf weydiisaneynaa allaah. Waxaan sidoo kale weydiisaneynaa in uu naga magan galiyo Shaydaan iyo sharta nafteena.Sidoo kale waxaa hanuunsama ciddii allaah hanuuniyo, ciddii uu dariiqa xaqqa ka lumiyo cidna ma hanuunin karto.
Waxaan qirayaa in uusan jirin ilaah xaq lagu caabudo Allaah mooyee. Nabi Muxammad uu yahay addoonkiisa iyo Rasuulkiisa (sallallaahu caleyhi wasallam).
Intaas dabadeed waxaan halkaan ku soo gudbinayaa kitaabkan.
Kitaabkan waxa uu ku saabsanyahay Axkaamta dhiigga caadada ee ku dhaca dumarka.
Waxa igu kallifay in aan kitaabkaan qoro waxa weeye maadaama uu baabkaan muhiim yahay, sidoo kale aysan garaneynin in badan oo kamid ah maadaama ay culustahay in la fahmo waxa ay fuqahadu kayiraahdeen arrinkaan. Sidaas darteed waxaan door biday in aan qoro kitaab Afka Soomaaliga.
Waxaan ka dhigay kitaabkaan su`aalo iyo jawaabo si uu ugu fududaado dumarka in ay fahmaan mas`alooyinka ka hadlaya Axkaamata dhiigga caadada.
Waxaa laga dalban karaa Kitaabka Masjidka magaalada Linköping(Sweden)
Mobil:( 0046)762325367
E-Mail : salaan105@hotmail.com
CUTUBKA 1AAD:
Suáal 1aad: Waa maxay dhiigga caadada(xaydka)?
Jawaab: Waa dhiig dabiici ah ee ku dhaca dumarka sabab la`aan(sida xannuun ama dhaawac).
Suáal 2aad: Ma leeyahay dhiigga caadada calaamado lagu garto?
Jawaab: Haa sida,
(a) in uu yahay midab madow,
(b) dhiig adag,
(c) ur leh,
(d) aan qalalin(sida xinjir).
Suáal 3aad: Ma jirtaa da` (sanad) go`an oo uu dhiigga caadada ka yimaado (ka bilowda) haweenka?
Jawaab: Maya, da` go`an ma laha, haba ka yimaadee da` kayar sagaal sano waa caado.
Suáal 4aad: Ma jirtaa da` go`an oo uu dhiigga caadada ku dhamaado?
Jawaab: Maya, da` go`an ma laha, haba ka weenaatee 60 sano.
Suáal 5aad: Ma ku dhici karaa dhiigga habeen iyo maalin wixii ka yar?
Jawaab: Haa, xittaa saacad ka yar waa uu heyn karaa.
Suáal 6aad: Ma ku dhici karaa dhiigga caadada haweeney uur leh?
Jawaab: Culumadu waa ay ku kala aragti duwan yihiin arrintaas, balse sida badan ma dhacdo oo waa dhif, haddii ay isku aragto dhiiggaas xilliggii uu ka imaan jiray caadada, markaa wuxuu noqonayaa dhiiigga caadada, marka uu ka joogsado waa ay daahir noqoneysaa.
Suáal 7aad: Imisa ayey ugu badnaan caadadu heyn kartaa haweeneyda?
Jawaab: Ma laha waqti go`an laakiin haddii bisha oo idil uu hayo dhiig caado ma ahan ee waa dhiig furan, iyadoo sideeda ah ayay tukaneysaa, soomeysaa.
Suáal 8aad: Imisa maalmood ayuu haweenku ku dhacaa caadada (dhiigga) sida qaalibka?
Jawaab: Sida ay u badan yihiin dumarku wuxuu hayaa 6 maalmood ama 7 maalmood.
Suáal 9aad: Waa sidee haddii uu haweeneyda dhiigga ku dhici jiray bishiiba tusaale 10 maalmood , kaddibna uu noqday 12 maalmood iyo wixii la mid ah ?
Jawaab: Waxuu noqonayaa dhiiggaas caado, oo ma tukaneyso mana ay soomeyso.
Suáal10aad: Waa sidee haddii haweeney dhiigga caadada xilliga uu ku dhici jiray is badalo (sida in uu ku dhici jiray bilowga bisha, hadda uu ku dhaco dhamaadka bisha)?
Jawaab: Marka dhiiggu uu hayo waa caado (ma tukaneyso mana soo meyso,), marka uusan heyn waa ay tukaneysaa, soomeeysaa.
Suáal 11aad: Maxaa ka reeban haweeneyda caadada (dhiigga) qabta?
Jawaab: Salaadda, soonka, in ay dawaafto kacbada, in masjidka ay ku nagaato(joogto) , galmada, in kitaabka qur`aanka ay taabato, in lafuro xilliga ay caadada qabto.
Suáal 12aad: Ma aqrin kartaa qur`aanka haweeney caada qabta?
Jawaab: Haa, haddii baahi ay jirto (sida in ay ka baqeyso in ay ilowdo qur`aanka, ama haddii macalin qur`aan ay tahay iyo wixii lamid ah maxaa yeelay ma jiro daliil sax ah ee diidaya in ay aqriso qur`aanka, laakiin ma taaban karto kitaabka qur`aanka ah waayo waxaa jira daliil diidaya).
Suáal 13aad: Ma ku waajib baa haweeneyda caadada qabtay in farjigeeda ay fiiriso inta aysan waqiga salaadda subax soo galin ?
Jawaab: Maya, balse waa in ay fiirisaa xilliga hurdada ka hor iyo waqtiyada salaadaha ay soo galayaan.
Suáal 14aad: Maxaa u bannaan haweeneyda dhiigga caadad ka joogsaday welina aan qubeysan?
Jawaab: Waxaa u bannaan soon qura (kaliya).
Suáal 15aad: Ka warran haddii haweeney ay ka daahir noqoto dhiigga caadada salaadda subax kahor welina aysan qubeysan ma soomi kartaa maalintaas?
Jawaab: Haa.
Suáal16aad: Ma taaban kartaa haweeneey caada qabta kitaab tafsiir ah ama xadiis?
Jawaab: Haa.
Suáal 17aad: Ma akhrin kartaa haweeney caada qabta adkaarta (wardiga)?
Jawaab: Haa, sida istighfaarta (Astaghfirullaah), takbiirta (Allaahu akbar), tasbiixda(Subxaanallaahi), taxmiida(Alxadulillahi), tahliil (Laa ilaaha illalaahu) iyo wixii lamid ah ee la soo guuriyay.
Suáal 18aad: Maxaa ku waajib ah ninka haddii uu galmo la sameeyo xaaskiisa iyadoo caada qabta?
Jawaab: Waa in uu bixiyaa diinaar ama diinaar barkiis (diinaarku waa 4.25 garaan dahab ah).
Suáal 19aad: Ma laga doonayaa haweeneyda wixii salaadooyin ahaa ee soo maray xilligii caadada, haddii ay daahir noqoto?
Jawaab: Maya.
Suáal 20aad: Ma laga doonayaa haweeneyda wixii soon ahaa ee soo maray xilligii caadada haddii ay daahir noqoto?
Jawaab: Haa.
Suáal 21aad: Ma laga doonayaa haweeneyda in ay soo qalleyso salaadda haddii waqtiga salaaddu soo gashay ay caado ku dhacdo?
Jawaab: Haa, haddii ay daahir aheyd muddo hal rakco lagu tukan karo.
Suáal 22aad: Ma laga doonayaa salaadda haddii haweeyneyda caadada ka joogsato muddo rakco lagu tukan karo?
Jawaab: Haa.
Suáal 23aad: Waa sidee haweeney sooneyd haddii uu dhiiggu ka yimaado iyadoo xilliga afurka in yar ka haray?
Jawaab: Soonkaas waa ay soo qaleyneysaa daqiiqadba haka hartee.
Suáal 24aad: Waa sidee haweeney caada qabta haddii ay niyeeysatay soon iyadoo filaysa(u maleyneysa) in barrito ay daahir noqoneysa?
Jawaab: Haddii ay toosto waqtiga salaadda subax ka hor iyadoo dhiigu ka joogsaday waa ay soomi kartaa, laakiin haddii ay toosto waqtiga salaadda subax soo galay ma soomi karto maalintaas waayo ma oga xilliga uu ka joogsaday dhiigga.
Suáal 25aad: Ma isticmaali kartaa haweeneyda caadada qabta daawa dhiigga joojisa si bisha ramadaan ay u wada soonto?
Jawaab: Haa haddii laba shardi laga helo daawadaas sida
(a) in daawada aysan dhib keeneynin isticmaalkeeda taana waxaa cadeeynkara dhakhaatiirta.
(b) In uu u fasaxo ninkeeda haddii la qabo.
Suáal 26aad: Ma isticmaali kartaa haweeney daawo dhiigga keenta si caado uga timaado?
Jawaab: Haa haddii laba shardi laga helo
(a) In ujeedada aysan aheyn in ay salaadda iyo soonka uga xeeleysato(katagto).
(b) In ninkeeda uu u ogolaadaa.
Suáal 27aad: Sidee bey yeeleysaa haweeney dhiiggu uu ka imaanayo maalmo kadibna uu ka joosanayo kadibana uu kusoo laabanayo dhowr jeer bishii?
Jawaab: Dhiiggu markuu yimaado waa caado, ma tukaneyso mana qubeysaneyso, marka uu ka joogsado waa daahir waa ay tukaneysaa waan ay soomeysaa.
Suáal 28aad: Ma jiraa calaamada lagu garto dhiigga in uu joogsaday(ay daahir noqotay)?
Jawaab: Haddii ay aragto biyo cad (wuxuu yimaadaa dhamaadka xilliga xaydka), ama in uu wada istaagay, taana waxa ay ku garan kartaa haddii ay galiso maro kadibna ay wax soo raaci waayaan.
Suáal 29aad: Waa sidee haddii haweeneydu marka ay daahir noqoto kadibna ay aragto wax biyo la moodo malaxda(Sufrah), ama biyo wasakh ah oo carun ah(Kudrah)?
Jawaab: Haddii ay isku aragto arrinkaan muddada caadada ay qabtay waa caado(xaylka), laakiin haddii uu ka yimid marka ay mudada caadada dhaamatay kadib ma aha dhiig caado, waxba laga ma soo qaadayo waa ay iska nadiifineysaa.
Suáal 30aad: Waa sidee haddii uu ka yimaado haweeneyda biyo ama carun xilliga caadada ka hor?
Jawaab: Haddii uu yahay dhiigga caadada hor dhiciisa waa caado(sida in xanuun lee yahay.
Suáal 31aad: Maxaa ku waajib ah haweeneyda haddii uu ka istaago dhiigga?
Jawaab: In ay qubeysato iyo in ay soo guddo wixii soon waajib ahaa ee lagu lahaa.
Suáal: 32aad: Maku waajib baa haweeneyda dhiigga caadada ka joogsday in dharkii u xirnaa ay badasho haddii uusan dhiig gaarin marada?
Jawaab: Maya.
Suáal 33aad: Ma sameeyn kartaa haweeneyda galmo iyadoo weli aysan dhiigga ka qubeysanin?
Jawaab: Maya.
Suáal 34aad: Ma ku waajib baa haweeneyda marka ay dhiigga ka qubeysaneyso in ay timaha furfurto?
Jawaab: Maya, waa haddii ay biyaha gaarayaan timaha salkooda, laakiin haddii aysan gaareynin jeer la furfuro markaa waa la furfurayaa.

CUTUBKA 2AAD: Dhiig furanka(Istixaadah)
Suáal 35aad: Waa maxay istixaada (dhiig furan)?
Jawaab: Waa dhiig furan ku yimaada farjiga oo aan ka joogsaneyn haweeneyda waxaana sabab u ah xidid furma.
Suáal 36aad: Ma jiraa farqi(kala duwanaan) u dhaxeysa dhiigga caadada iyo dhiiga istixaadada (dhiig furanka)?
Jawaab: Haa, sida
(a) Dhiigga istixaadada(dhiig furanka), waa casaan(guduud), balse dhiigga caadada waa madow.
(b) Dhiigga istixaadada waa khafiif (jilicsan), balse dhiigga caadada waa adeyg.
(c) Dhiigga istixaadada waa uu qallalaa(engagaa), balse dhiigga caadada ma qallalo.
Suáal 37aad: Sidee sameeyneysaa haweeneyda mustaxaada ah (dhiiggu furmo)?
Jawaab: (1) Haddii ay ku dhici jirtay caadada ka hor istixaadada (dhiig furanka), waxa ay tirsaneysaa xilligii caadada ay ku dhici jirtay, marka uu dhamaado waqtigaas(tiro la eg waqtiga uu ku dhici jiray) waa ay qubeysaneysaa, waa ay tukaneysaa waana ay soomeysaa iyadoo dhiigga istixaadada(dhiig furanka) ka socdo.
(2) Haddii ay san caada ku dhici jirin ka hor istixaadada(dhiig furanka) ,balse dhiiggu uu kala duwan yahay noociisa, (a)marna uu ka imaanayo dhiig madow adag oo ur leh, waxa uu noqonayaa dhiiggaas dhiig caado ah oo ma tukaneysa mana ay soomeyso, (b) haddii uu marna uu ka imaanayo dhiig sida (guduud, jilicsan, ur laheyn) waa dhiiga istixaadada (dhiig furan) markaas waa ay tukaneysaa, soomeysaa iyadoo dhiigga ka socdo.
(3) Haddii ay san caada ku dhici jirin ka hor istixaadada(dhiig furanka), dhiigguna uusan kala duwaneyn waxa ay xisaabsaneysaa 6 maalmood ama 7 maalmood hadba inta ay tirsadaan haweenka ku dhaw iyada ( sida hooyadeed ama walaalaheed ama eedooyin ama habaryaro).
Haddii ay 6 maalmood caadada ku dhacdo iyadan 6 bey tirsaneysaa inta kalana waa ay tukaneysaa waana ay soomeysaa iyadoo dhiigga ka socdo waayo istixaado,
Haddii haweenka qaraabada la ah ay 7 maalmood caado ku dhici jirtay sidoo kale 7 maalmood bey xisaabsaneysaa.
Suáal 38aad: Maxaa looga baahan yahay haweeneyda istixaada ku dhacdo marka ugu horeysa?
Jawaab: Waa in ay qubeysataa isagoo dhiigga ka socda, maadaama uusan kala joogsaneyn, farjigana dhaqdaa, sidoo kalana ay xirataa cuf (sida xaafayad iyo wixii la mid ah), ayna u weysa qaadataa salaad walba laakiin waa in ay iska dhaqdaa farjiga ka hor weysada.
Suáal 39aad: Ma ku waajib baa haweeneyda istixaada qabta in ay salaad walba u qubeysato?
Jawaab: Maya,
Suáal 40aad: Ma la sameeyn kartaa ninkeeda galmo haweeneyda istixaadada qabta?
Jawaab: Haa.
Suáal 41aad: Ma taaban kartaa haweeneyda istixaadada qabta kitaabka qur`aanka?
Jawaab: Haa.
CUTUBKA 3AAD
Dhiigga dhalmada (Nifaaska)
Suáal 42aad: Sheeg muddada ugu yar dhiigga dhalmada(Umusha) uu hayn karo haweeneyda?
Jawaab: Mudda go`an ma laha.
Suáal 43aad: Sheeg muddada ugu badan ee haweeneydu dhiigga dhalmada hayn karo?
Jawaab: Waa 40 maalmood, waa inta ugu badan ay umusha ku jiri karto.
Suáal 44aad: Waa sidee haddii dhiigga dhalmada ka joogsado 40 cisho ka hor?
Jawaab: Waa ay daahir noqoneysaa, waa in ay qubeysataa, tukataa.
Suáal 45aad: Waa sidee haddii dhiigga dhalmada dhaafo 40 cisho?
Jawaab: Waxa ay noqaneysaa mustaxaado (dhiig furan qabta), iyadoo uu dhiiggu ka socdo ayay qubeysaneysaa, markaa kadibna salaad walba way u weysa qaadaneysaa, soomeysaa.
Suáal 46aad: Waa sidee haddii dhiiggu dhaafay 40 cisho kadib balse la gaaray xilligii uu ku dhici jiray dhiiggga caadada?
Jawaab: Markaas waa ay sugeysaa illaa uu ka dhammaado xilligii caadadu hayn jirtay kadibana mustaxaado (dhiig furan) ay noqoneysaa, oo sideeda bey ku tukaneysaa kuna soomeysaa.
Suáal 47aad: Maxaa ka mamnuuc ah haweeneyda umusha ah (dhiigga dhalmada ka socdo)?
Jawaab: Waxaa ka mamnuuc ah waxii ka mamnuuc ahaa haweeneyda caadada qabta.
Suáal 48aad: Ma la furi karaa (dalaaqa) haweeneyda mudada uu ka socdo dhiigga dhalmada?
Jawaab: Haa.
Suáal 49aad: Maalin ramadaan wax ma cuni kartaa haweeney caada qabta ama nifaas (dhiigga dhalmada) qabta?
Jawaab: Haa, laakiin waxaa fiican in aysan dadka hortiis ku cunin.
Suáal 50aad: Haweeney caadadu ka joosatay ama nifaaska (dhiigga) dhalmada waqtiga casarka ma duhur iyo casar baa laga doonayaa (laga rabaaa)?
Jawaab: Maya, casar uun bey tukaneysaa, sidoo kale haddii ay waqtiga cishaha daahir noqoto waxa ay tukaneysaa cishaha qura.
انتهى بحمد الله تعالى فالله أسأل أن يجعل هذه الوريقات مباركاً نافعاً لي ولإخواني المسلمين وأن يغفر لي فيه زللي وتقصيري وجهلي والحمد لله أولاً وآخراً وظاهراً وباطناً والله أعلى وأعلم وصلى الله على نبينا محمد وعلى آله وصحبه وسلم
Dhammaad



Waa la daabacan karaa idan laáan.
Waxaa Diyaariyey:Muxammad Mursal
pppppp
Xuquuqda qoraalka waxa leh shabkada http://www.somaanta.com

0 comments:

Post a Comment