Wednesday, January 20, 2016

Waa maxay Masuuliyad(Wax badan ka ogoow)Qalinkii Rashka



In la barto Mas’uuliyad waxa ay qof walba  ka kaalmeysa Sidii uu ugaran laha Qeybta uu ka leeyahay ama uu ka joogo Dadweynaha uu ku dhexnoolyahay,sidoo kale waxa ay ka kaalmeysa sidii uu qofka uga qeyb qaadan laha ilaalinta hantida umadda ka dhaxeysa,waxa kaloo  a y ka kaalmeysa sidii uu u ogaan laha xuquuqda uu leyahay iyo mida ay ku leeyihiin bulshada.

Xilka qofka saaran waxa  ka mid ah Kuwaan so socdo:

1-Ilaalinta hantida dadka ka dhaxeysa sida qalabka Dugsiyada,qalabka isbitaalada,korantada,qalabka Biyaha ee ceelasha Dowlada Warshadaha iyo wixii la mid ah.
2-Ilaalinta deriska iyo hantidooda sida Guryaha iyo dukaannada.
3-Ilaalinta dadka jilicsan sida waayeelka ,Dumarka,Carruurta iyo Masaakiinta.
4-Ka xishoodka Dad-ka kaa waa weyn.
5-Edab kula dhaqanka dadka aad isugu timaadan Basaska,Dugsiyada iyo Suuqyada.
6-Wax ka qabashada Munkarka iyo Gaalo iska yeelka .Ha ka aamusin Hadii aad aragto dhaqana xumo diinta islaamka ka horjeedo.
7-Iska ilaalinta waxa ay dadka dhibsanayaan sida Cayda,Buuqa baadan,Muranka iyo dagaalka.
Dadka dhibka u geysta dadka iyo hantidooda waxa ka maqan aqoonta Mas’uuliyadda ee islaamka tilmaamay.Rasuulka (NNKH)waxa uu yiri “Qof walba waa Mas’uul,Waxaana wax laga weydiin doona wixii loo dhiibey sidii uu yeelay”

Qof kasta waxa uu xaq u leeyahay:

1-In uu meesha uu doonayo tago ama dego.
2-In uu nabadgelyo u helo naftiisa ,xoolihiisa iyo Qoyskiisa.
3-In la ixtiraamo oo la dhawro Sharaftiisa.
Qof kasta waxa laga Doonaya a oo xaq loogu leeyahay arrimaha soo socdo:
1-In la socdo waxyaabaha hareerihiisa Ka dhacaayo.Waa in uu ku dadaalaa sidii uu xumaanta uga hortagi laha.Af iyo adinba
2-Waa in uu u hoggaansamo  Amarada Diinta islaamka ee ina faraysa wanaag.






0 comments:

Post a Comment