Ogoow Aqriste Qoraalkan Xuquuqdiisa waxa leh Websit-ka la yiraah https://wajibad.wordpress.com/
Soonka Taraawiixda
Iyo Zakada
فصول في الصيام والتراويح والزكاة
CabdulCasiis Xasan Yacquub
Xafiiska Isu-Kaalmeynta Dacwada iyo Toosinta
Qeybta Jaaliyadaha
Shacbaan, 1410 Hijri
إن الحمد لله، نحمدُه ونستغفره ونستعينه
ونستهديه ونعوذُ بالله من شرورِ أنفسنا ومن سيئاتِ أعمالنا، من يهْدِ اللهُ
فلا مضِلَّ له ومن يضلل فلا هادي له. وأشهد أنْ لا إله إلا اللهُ وحده لا
شريك له وأشهد أنَّ محمداً عبدُه ورسولُه، بعثه اللهُ رحمةً للعالمين
هادياً ومبشراً ونذيراً. بلّغ الرسالة وأدّى الامانة ونصحَ الأمّةَ فجزاهُ
اللهُ خيرَ ما جزى نبياً من أنبيائه. صلواتُ اللهِ وسلامه عليه وعلى جميع
الأنبياء والمرسلين، وعلى صحابته وآل بيته، وعلى من أحبهم إلى يوم الدين.
Mahad Ilaah baa leh, waynu u mahad celin,
kaalmeysan, dembi dhaaf weydiisan, ka magan gali sharka iyo sheydaanka
nafteenna ku lammaanan, falalka aan wanaagsaneyn iyo inay innaga dhacaan
arrimo khilaafsan sharciga daahirka ah – kitaabka Ilaahay iyo Sunnada
Rasuulkiisii (SCW).
Qofkii uu Ilaah hanuunin, habow iyo
heehaab isdaaye, kiise silic iyo saxariir ka doona sarreeye Ilaah ee
siraadka toosan aan raacin, diidanna inuu hannaanka noloshiisa iyo
habdhaqankiisa ka qaato Qur’aanka cadiimka ah iyo Sunnada Rasuulkii
caddaaladda Maxamed (SCW), Rabbina u qoro habow iyo heehaab, qofka sidaa
ah hanuun iyo hooraarsan kala tage, ba’ iyo hoog buuna hirgeli,
adduunka waa u jahwareer; aakhirana jeebado iyo jahannama.
Waxaan qirina in ilaah jirin xaq lagu
caabudo Alla mooyee, Ilaah keliya oo ayan cidna wax la wadaagin, waxaan
qirina in Maxamed yahay addoon iyo rasuul Ilaahay soo diray, nabad iyo
naxariis Ilaah dushiisa ha ahaato nebigeennii, ehelkiisii asxaabtiisii,
iyo cid kastoo xaqa ku raacday (aamiin); kaddib Munaasabadda bishan
Ramadaanka ee barakeysan, waxaan u soo gudbin walaalahay Muslimiinta ee
Soomaaliyeed cutubyadan soo socda, waxaynuna ka baryi Ilaahay inuu ka
dhigo camalkayaga midaynu Ilaahay oo keliya ulajeedno, kagana abaal
dooni, iyo camal uu raalli ka yahay, shareecadiisa waafaqsan, shacbiga
Soomaaliyeedna waxtar u yeesha.
[CabdulCasiis Xasan Yacquub].
TUSMADA
Cutubka 1aad |
Waajib Nimada Soonka |
Cutubka 2aad |
Ujeeddada iyo Faa’idooyinka Soona |
Cutubka 3aad |
Miyaa Soon Laga Dooni Qofka Xanuunsan iyo Qofka Socdaalka ahi? |
Cutubka 4aad |
Waxyaabaha Burin, Jabin, Soonka |
Cutubka 5aad |
Salaadda Taraawiixda |
Cutubka 6aad |
Sakada iyo Faa’idooyin keeda |
Cutubka 7aad |
Hantida ay Sakada ku Waajibto iyo Inta Sako ahaan Looga Bixin |
Cutubka 8aad |
Qolooyinka Mudan Sakada |
Cutubka 9aad |
Sakaatul Fidriga |
Cutubka Koowaad
Waajibnimada Soonka
In la soomaa bisha Ramadaan waa waajib iyo fariido ku sugan kitaabka
Ilaahay iyo sunnada rasuulkiisii (SCW), muslimiintana isku wada raacsan
tahay:
Wuxuu yiri sarreeye Ilaahay:
يَا أَيُّهَا الَّذِينَ آمَنُواْ كُتِبَ عَلَيْكُمُ الصِّيَامُ كَمَا كُتِبَ عَلَى الَّذِينَ مِن قَبْلِكُمْ لَعَلَّكُمْ تَتَّقُونَ
أَيَّامًا
مَّعْدُودَاتٍ فَمَن كَانَ مِنكُم مَّرِيضًا أَوْ عَلَى سَفَرٍ فَعِدَّةٌ
مِّنْ أَيَّامٍ أُخَرَ وَعَلَى الَّذِينَ يُطِيقُونَهُ فِدْيَةٌ طَعَامُ
مِسْكِينٍ فَمَن تَطَوَّعَ خَيْرًا فَهُوَ خَيْرٌ لَّهُ وَأَن تَصُومُواْ
خَيْرٌ لَّكُمْ إِن كُنتُمْ تَعْلَمُونَ
شَهْرُ
رَمَضَانَ الَّذِيَ أُنزِلَ فِيهِ الْقُرْآنُ هُدًى لِّلنَّاسِ
وَبَيِّنَاتٍ مِّنَ الْهُدَى وَالْفُرْقَانِ فَمَن شَهِدَ مِنكُمُ
الشَّهْرَ فَلْيَصُمْهُ وَمَن كَانَ مَرِيضًا أَوْ عَلَى سَفَرٍ فَعِدَّةٌ
مِّنْ أَيَّامٍ أُخَرَ يُرِيدُ اللَّهُ بِكُمُ الْيُسْرَ وَلاَ يُرِيدُ
بِكُمُ الْعُسْرَ وَلِتُكْمِلُواْ الْعِدَّةَ وَلِتُكَبِّرُواْ اللَّهَ
عَلَى مَا هَدَاكُمْ وَلَعَلَّكُمْ تَشْكُرُونَ
[سورة البقرة ١٨٥/١٨٤/١٨٣]
“Kuwa Ilaah rumeeyow waxaa laydinku
waajib yeelay inaad soontaan, sidaynu ugu waajib yeelnayba ummaddahii
idin ka horreeyey, u jeeddada waajibinta soonkaa dushiinna waa inaad
cabsi Ilaah ka kororsataan, uuna idin noqdo -tababar- si aad xumaha iyo
xildarrada isaga dhowrtaan, soonkaa oo ayaamo tirsan ah – ciddii uu
markaa xanuun hayo ama socdaal ah waxaa bannaan inuu afuro dibna ka
qalleeyo. Qofkii aan karinse gabow awgi ama cudur ku lammaanan miskiin
ha quudiyo maalin waliba oo soon laga dooni… kiise quudiya tiro miskiin
ka badan waa kheyr iyo abaal uu naftiisa u hormarsan… Qofkii karase
soonkaa uu fadli iyo kheyr badan.
Bisha Ramadaan oo ah bishii aynu
Qur’aanka soo dejinnay, Qur’aankaa oo hanuun ah, kalana caddeyn xaqa iyo
baadilka… kolkay bishaa soo gasho qof kastoo muslim ah, qaan gaar,
fayow, degaanna ah waa inuu soomaa… Qofkiise uu xanuun hayo ama socdaal
ah waxaa u bannaan inuu afuraa, dibse ha ka qalleeyo, wuxuu Ilaahay
dooni sida idiin fudud iyo dhib la’aan, oo idinlama doonayo culeys…
wuxuuna dooni inaad tirada soonka dhammeystirtaan, deetana takbiir falid
iyo Alla weyneyn guda gashaan iyo idinkoo uga mahad naqa galladdaa
waafajinta soonka.”
Wuxuuna yiri nebi Maxamed nabad iyo naxariis dushiisa ha ahaatee:
« بُنِيَ
الإِسْلاَمُ عَلَى خَمْسٍ شَهَادَةِ أَنْ لاَ إِلَهَ إِلاَّ اللَّهُ
وَأَنَّ مُحَمَّداً رَسُولُ اللَّهِ، وَإِقَامِ الصَّلاَةِ، وَإِيتَاءِ
الزَّكَاةِ، وَالْحَجِّ، وَصَوْمِ رَمَضَانَ ».
[متفق عليه]
Imaam Muslimna wuxuu ku soo wariyey xadiiska Lafdiga ah:
( وَصَوْمِ رَمَضَانَ وَالْحَجِّ البيت)
Macnaha xadiiska waxaa weeye:
“Tiirarka Islaamka ku dhisan yahay
waa shan, qiritaanka in ilaah xaq loogu caabudo uusan jirin Alla keliya
mooyee, Maxamedna yahay rasuul Ilaahay soo diray, oogitaanka salaadda,
bixinta sakada, soomidda bisha Ramadaan iyo gudashada Xajka – qofkii
awooda.”
[Xadiis laysku raacsan yahay].
Mid waliba oo shantaa tiir ka mid ahina
ujeeddo iyo xigmad ballaaran ayaa ka dambeysa, nasiib darrana waxaa ah
in dadka samankan badankood macnaha iyo fahankeeda ka marriin iyo maskax
habaabeyn, madow iyo mugdi badanna ay ka gashay… qaadeenna dhabbo caro
Ilaah keeni, laguna naar tegi.
Wuxuu Ilaahay amray, tiirka horena yahay
ee Islaamka in Ilaah la mideeyo, ee aan cibaadada uu inoo abuurtay cid
kale loo leexin, lala wadaajin, taa oo shirki lagu gaaloobi ah, wuxuu
sharcigu dhigay in lagu gaar yeelo Ilaah baryada gaar ahaan arrimaha
ayan cidaan isaga aheyn karin sida caafimaadka, hanuunka, carruur
weydiisiga iwm aan cid kale laga baryin,
- nebi Ilaah soo diray,
- malag daraja leh,
- awoowe hore,
- weli saalax ah, wuxuu ahaadaba,
Cidna aan lala wadaajin baryada darajaday
doonaan ciddaa ha lahaatee waxaan bannaaneyn iyadana ee falka gaalada
iyo mushrikiintii hore kamid ahaa inay Ilaahay ku baryaan fadliga
Ambiyada iyo Awliyada mootan.
Waxaa kale oo kamid ah wax yaabaha burin
Ashahaadada, cidaan Ilaahay ahayn ee wax loo bireeyo sida qofka yiraahda
hebelow – isaga oo u yeeri cid mootan ama ka maqan – hadday dantaa ii
hirgesha intaa oo neef baan kuu gowraci.
Tixraac qowlka ILaahay:
Tixraac qowlka sarreeye Ilaahay:
،قُلْ
إِنَّ صَلاتِي وَنُسُكِي وَمَحْيَايَ وَمَمَاتِي لِلَّهِ رَبِّ
الْعَالَمِينَ لاَ شَرِيكَ لَهُ وَبِذَلِكَ أُمِرْتُ وَأَنَاْ أَوَّلُ
الْمُسْلِمِينَ
[سورة الأنعام ١٦٣/١٦٢]
:وقال الله تعلي
فَصَلِّ لِرَبِّكَ وَانْحَرْ
[سورة الكوثر، ٢]
Iyo qowlka Rasuulka (SCW):
(،لعن الله من ذبح لغير الله)
عن عَلِيّ – رضي الله عنه – قال حَدّثَنِي رسول الله – صلى الله عليه وسلم – بأَرْبَعٍ كَلِمَاتٍ. ” “لعن الله من ذبح لغير الله، ولعن الله من لعن والديه، ولعن الله من آوى مُحْدِثاً، ولعن الله من غير منار الأرض“.
[رواه مسلم]
Ama inaad sharad iyo nidir la gasho cid aan Ilaahay ahayn.
Tixraac qowlka sarreeye Ilaahay:
يُوفُونَ بِالنَّذْرِ وَيَخَافُونَ يَوْمًا كَانَ شَرُّهُ مُسْتَطِيرًا
[سورة الإنسان، ٧]
:وقال الله تعلي
وَمَا أَنفَقْتُم مِّن نَّفَقَةٍ أَوْ نَذَرْتُم مِّن نَّذْرٍ فَإِنَّ اللَّهَ يَعْلَمُهُ وَمَا لِلظَّالِمِينَ مِنْ أَنصَارٍ
[سورة البقرة، ٢٧٠]
Iyo qowlka Rasuulka (scw):
:عَنْ عَائِشَةَ رَضِيَ اللَّهُ عَنْهَا عَنْ النَّبِيِّ صَلَّى اللَّهُ عَلَيْهِ وَسَلَّمَ قَالَ
( مَنْ نَذَرَ أَنْ يُطِيعَ اللَّهَ فَلْيُطِعْهُ، وَمَنْ نَذَرَ أَنْ يَعْصِيَهُ فَلَا يَعْصِهِ )
[فروى البخاري]
Ama inaad cid u heyso maxabbad iyo kalgaceyl ka badan taa qofka la doonayo inuu Ilaahii abuurtay u hayo.
Tixraac qowlka sarreeye Ilaahay:
وَمِنَ
النَّاسِ مَن يَتَّخِذُ مِن دُونِ اللَّهِ أَندَادًا يُحِبُّونَهُمْ
كَحُبِّ اللَّهِ وَالَّذِينَ آمَنُواْ أَشَدُّ حُبًّا لِّلَّهِ
[سورة البقرة ١٦٥]
عَنْ عبدالله بن مسعود ، قَالَ : سَأَلْتُ رَسُولَ اللَّهِ صَلَّى اللَّهُ عَلَيْهِ وَسَلَّمَ أَيُّ الذَّنْبِ أَعْظَمُ عِنْدَ اللَّهِ ؟ قَالَ : أَنْ تَجْعَلَ لِلَّهِ نِدًّا وَهُوَ
خَلَقَكَ قَالَ : قُلْتُ لَهُ : إِنَّ ذَلِكَ لَعَظِيمٌ ، قَالَ : قُلْتُ :
ثُمَّ أَيٌّ ؟ قَالَ : ثُمَّ أَنْ تَقْتُلَ وَلَدَكَ مَخَافَةَ أَنْ
يَطْعَمَ مَعَكَ قَالَ : قُلْتُ : ثُمَّ أَيٌّ ؟ قَالَ : ثُمَّ أَنْ
تُزَانِيَ حَلِيلَةَ جَارِكَ
Ama inaad cid kaga raalli noqoto ood ku raacdo inay waxay doonaan kuu xalaaleeyaan waxay doonaanna kaa xaaraantimeeyaan.
Tixraac qowlka sarreeye Ilaahay:
اتَّخَذُواْ
أَحْبَارَهُمْ وَرُهْبَانَهُمْ أَرْبَابًا مِّن دُونِ اللَّهِ
وَالْمَسِيحَ ابْنَ مَرْيَمَ وَمَا أُمِرُواْ إِلاَّ لِيَعْبُدُواْ إِلَهًا
وَاحِدًا لاَّ إِلَهَ إِلاَّ هُوَ سُبْحَانَهُ عَمَّا يُشْرِكُونَ
[سورة التوبة، ٣١]
Ama inuu qof dejiyo, ama soo saaro, ama
banneeyo, ama ka raalli noqdo, sharci ama distoor, ama xeeraan ku
saleysneyn, khilaafsanna kitaabka Ilaahay, iyo sunnada rasuulkiisii
(SCW), tixraac qowlka sarreeye Ilaahay:
{ وَمَن لَّمْ يَحْكُم بِمَا أَنزَلَ اللَّهُ فَأُولَئِكَ هُمُ الْكَافِرُونَ }
[Suuradda (5aad) al-Maa’idah, 44]
Arrimahaa oo shirki lagu gaaloobi ah
siday Ilaahay iyo rasuulki (SCW) inoo sheegeen, aayadaha Qur’aanka iyo
axaadiista rasuulka (SCW) ay muujin. Waxaa kaloo ka mid waxyaabaha burin
ashahaadada inaadan dan u gelin, tixgelin, ku dadaalin, ka jeesato
barashada kitaabka Ilaahay iyo ku camalfalkiisa.
{ وَمَنْ أَظْلَمُ مِمَّن ذُكِّرَ بِآيَاتِ رَبِّهِ ثُمَّ أَعْرَضَ عَنْهَا إِنَّا مِنَ الْمُجْرِمِينَ مُنتَقِمُونَ }
[Suuradda (32aad) as-Sajdah, 22]
Sidayna weesadu u leedahay waxyaaba
buriya bay ashahaadaduna u leedahay arrimo buriya, qofkana waxaa laga
dooni inuu barashada kitaabka Ilaahay ku dadaalo, ehlu cilmiga daacadda
ahna la xiriiro, fuliyana wuxuu Ilaahay ugu yeeri taa oo ah macnaha
qaybta hore ee ashahaaada. Macnaha qiritaanka in nebi Maxamed yahay
addoon iyo rasuul Ilaah soo diray ma aha marqaati fur oo keliya, balse
ujeeddada ka dambeysa waa wuxuu ina faray oo aynu ku fartoonno, wuxuu
diidayna ka dheeraanno, sunnadiisana baranno, raacnana, maxabbad ka
badan taynu u heyno maalkeenna, waalidkeen iyo owlaaddeenna u heyno,
rasuulkaa Ilaahayna ku dayanno, hadalka Ilaahay iyo hadalka nebi Maxamed
aynu cidna ka hormarin.
Ujeeddada tiirka labaad ee Islaamka oo ah salaalaadda, waa siduu Ilaahay inoo sheegay:
{
وَأَقِمِ الصَّلاةَ إِنَّ الصَّلاةَ تَنْهَى عَنِ الْفَحْشَاء
وَالْمُنكَرِ وَلَذِكْرُ اللَّهِ أَكْبَرُ وَاللَّهُ يَعْلَمُ مَا
تَصْنَعُونَ}
[Suuradda (29aad) al-Cankabuut, 45]
Oo macnaheedu yahay:
“Oog salaadda, waayo salaaddu waxay qofka ka reebtaa faxshi iyo foolxumoo dhan – xumaha ka hor istaagtaa iyo munkarka.”
Qofkii ayan salaaddiisu xumaha ka reebin, salaad lama iman.
Balse waa salaad dhimman, khashuuc la’aan
iyo qalbi maran lagu tukaday, raadna aan laheyn. Waxaad arki qof
salaadda kula tukan, aan waqtigiisa kaga faa’ideysaneyn barashada wuxuu
Ilaah faray, baar fariisi u carari, ama haasaawe xaaraan ah, sidaana
waqtigiisa ugu cayaari, baarkaa oo heesa in laga sii daayo laga yaabo,
heesahaa miyuusigga wata ee xaaraantaa ah, qof dumar ah ee aan xijaabkii
Islaamka xirneyn ay ragga u adeegeyso, taa oo xaaraan kale ah.
Waxaad arki qofkaa inuu iska geli guri
uusan laheyn idin la’aan, taa oo xaaraan ah, gacan qaadi dumar uu gayo,
taa oo xaaraan ah, la haasaawo iyo fadhi wadaagi dumar uu gayo, guurna
ka dhaxeyn, taa oo xaaraan, hannaanka noloshiisa ay xaaraan u badan
tahay kaddibna ku oran waan tukadaa oo Muslim dhan ayaan ahay!
Waxaa laga yaabaa ragga qaarkood intay
damiir iyo qalbad beeleen, inayan xaasaskooda, gabdhahooda, iyo dumarka
kale ee ku hoos nool ayan ugu yeerin, ku qasbin inay xijaabka Islaamka
oo ah maro ama shuko waasic ah oogadadooda wada asturta qaataan, iyo
inay ragga gaya – guurna ka dhaxeyn – ka xaroodaan. balse u qiraya inay
la sheeko wadaagaan, ninka sidaa ahna ee u gogol dhiga ragga iyo dumarka
inay faaxishad iyo zino ku dhacaan, wuxuu qaaday dhabbaha dayuuskii uu
rasuulkii Ilaahay (SCW) inuu sheegay inuusan janno galeyn, kaa oo kale,
sheydhaan kaaliyaha ah. ragga iyo dumarka isku fitneyn. amarka Ilaahayna
khilaafsan, zinada u gogol dhiga, bal salaaddiisa ka warrama?
Waxaynu ognahay in qofka muslimka ahi
salaadaha faradka ah Ilaahay toddobo iyo toban jeer ka baryo kolkuu
akhrinayo Faataxada inuu ku hanuuniyo dhabbaha toosan ee ah Qur’aanka
iyo Sunnadii rasuulkiisii (SCW) barashadooda iyo ku camal falkooda isla
markaana ka duwo, uusan qaadinna marriinkii kuwa loo carooday oo ah
Yahuudda, waayo iyagoo cilmi u leh diinta baynan ku camal falin… iyo
kuwa ka habaabay xaqa oo ah Nasaarada (Kirishtaanka) ee khalad iyo
qallooc iyo cilmi la’aan Ilaah ku caabuday… Qofka salaad kastoo uu
tukado intaa Ilaah ka baryi, aanse siraadka toosan doonaneyn, daneyneyn,
barashada kitaabka Ilaahay iyo Sunnada rasuulkiisii (SCW) raadsaneyn,
si uu ugu dhaqmo, noloshiisa adduun iyo aakhiraba u hagaagta, hadduu
barto ama xaqa la gaarsiiyo aan ku dhaqmeyn, maxaydun ka oran
salaaddiisa?
Waa salaad qalbi maran iyo khashuuc
la’aan lagu tukan, qofkana uusan dareensaneyn cadamada, weynida,
jalaalka, jamaalka, iyo cisada Rabbiga uunkoo dhan barbaariyey, qofkaana
waa qofay mugdi iyo madow ay kaga jidho in dadku labo makaan
masiirkoodu kala noqon iyo hoygay ku dambeyn janno nasiino iyo nasteexa
leh, ama naar nabsi iyo naclad Ilaah ay kuu wehliso…
Sakada iyo soonka oo iyagana shanta tiir
ee islaamka ka mid ah si gaar ah ayeynu buuggan uga hadli. Xajkana waa
cibaado jaamic ah, kulmineysa ujeeddooyinka ashahaadada, salaadda,
soonka iyo sakada.
Waxaynu u noqon mowduucii kitaabka,
kolkaan idiin soo koobay tiirarka Islaamka ee laba tiir ka mid ah soonka
iyo sakada aynu si gaar ah buuggan ugu hadli doonno, waxaynu oran:
Waxay Muslimiinta isku wada raacsan
yihiin inay fariido waajib ah tahay soomidda bisha Ramadaan, qofkii
diidaa ee taa inkiraa ee soomi diidana, waa qof diintii Islaamka ka
noqday ee gaaloobay.
Waxaana loo soo jeedin inuu ka noqdo
diiddada iyo jaaxidaadda soonka, hadduu ku adkeysto, diiddada soonka iyo
inuusan waajib aheyn waxaa lagu xukumi dil, noqonna ruux gaalnimo ku
dhintay riddoobay oo lama dhaqayo, lama kafnayo, laguma tukanayo,
lagumana aasayo qubuurta muslimiinta, Ilaahay baynu taa ka magan geliye.
Waxaana la waajib yeelay in la soomaa
bisha Ramadaan sannadkii labaad ee hijriyadda, wuxuuna soomay rasuulkii
Ilaahay (SCW) sagaal Ramadaan, soonkuna waa ku waajib qof kastoo Muslim
ah, qaan gaaray, garasho leh, ee soonka kara.
Sidaa awgeed buusan ugu waajib aheyn
qofka gaalka ahi oo aan laga aqbaleyn hadduu soomo illaa uu ka islaamo,
iyo qofka aan tukan, salaaddana ku waajibtay, waayo ka tagidda iyo iska
deynta salaadda waa kufri iyo gaalnimo.
Tixraac xadiiskan rasuulka (SCW):
عن جَابِرًا يَقُولُا
سَمِعْتُ النَّبِيَّ صَلَّى اللَّهم عَلَيْهِ وَسَلَّمَ يَقُولُ إِنَّ
بَيْنَ الرَّجُلِ وَبَيْنَ الشِّرْكِ وَالْكُفْرِ تَرْكَ الصَّلَاةِ
(صحيح مسلم)
Iyo sidoo kale qowlkan rasuulka (SCW):
:عن بريـدة الأسلمي رضي الله عنه عن النبي صلى الله عليه وسلم قال
.” العهد الذي بيننا وبينهم الصلاة ، فمن تركها فقد كفر “
[ رواه أحمد والترمذي والنسائي وابن حبان والحاكم ]
(وقال عبد الله بن شقيق : ” كان أصحاب محمد صلى الله عليه وسلم لا يرون شيئاً من الأعمال تركه كفر غير الصلاة) [ رواه الترمذي ]
Wuxuuna yiri sarreeye Ilaahay:
{فَإِن
تَابُواْ وَأَقَامُواْ الصَّلاةَ وَآتَوُاْ الزَّكَاةَ فَإِخْوَانُكُمْ
فِي الدِّينِ وَنُفَصِّلُ الآيَاتِ لِقَوْمٍ يَعْلَمُونَ}
[Suuradda (9aad) at-Towbah, 11]
Sidoo kalena wuxuu yiri:
.مَا سَلَكَكُمْ فِي سَقَرَ ٤٢، قَالُوا لَمْ نَكُ مِنَ الْمُصَلِّينَ ٤٣
Aayadahan iyo axaadiista aynu soo
sheegnay waxay muujin kufriga iyo gaalnimada qofka aan tukan, sida
awgeed kama ansaxayso soomid qofka aan tukan, saa waa gaale oo waa inuu
tukadaa salaaddana jamaaca ahaan u daa’imaa…
Waxaa sidoo kale diinta looga bixi oo
kufri iyo gaalnima ah inaad bisha Ramadaan oo keliya soonto, salaaddana
tukato, Ramadaanka kaddibna ay taladaadu tahay inaad salaadda ka tagto,
qofka sidaa oo kale ah bisha Ramadaan caabudo sharei jeebkiisa ah ayuu
sameystay iyo diin hor leh, hadduu sidaa la soo banbaxana, bareer u
doorto, kana toobad keeni waayo, waa gaal murtad ah, waxaan seef aheynna
ma leh. Waxaynuna ugu yeeri kaa bisha soon caabuda, iyo matukadahaba
inay Ilaahay ka baqaan, sharcigiisana u hoggaansamaan iskana jiraan
naartaa:
(أُعِدَّتْ لِلْكَافِرِينَ)
[Suuradda (2aad) al-Baqarah, 23]
”Loo diyaariyey oo loogu tala galay gaalada,”
…. oo ay kitaabka Ilaahay iyo sunnada
rasuulkiisa (SCW) bartaan, hannaanka noloshooda ka qaataan,
habdhaqankoodana waafajiyaan, si ay ugu galaan fadliga iyo naxariista
Ilaah, innagana macigood, fadliga iyo naxariista Ilaah jannadaa:
(أُعِدَّتْ لِلْمُتَّقِينَ)
[Suuradda (3aad) Aali Cimraan, 133]
“Loogu tala galay kuwa Eebbahood ka baqa.”
Kumana waajib aha soonka ilmaha saqiirka
ah, tan iyo intay ka qaan gaari, wuxuuna qaan gaar noqon kolkuu shan iyo
toban sano gaaro, ama timaha hoose – caanada – ay ka soo baxaan, ama
shahwad yeesho – mino. Waxaa u dheer qofka dumarka ahi intaa oo calaamad
qaan gaar ah hadday caadadii isku aragto – dhiigga xeydka – hadduu
qofka saqiirka ahi calaamad ka mid ah calaamooyinka aynu soo sheegnay
isku arko wuu qaan gaaray.
Hayeeshee waxaa habboon in ilmaha yar la
amro inay soomaan -hadday awoodaan, dhibna ku aheyn – si ay yaraanta ugu
caadeystaan salaadda iyo soonkaba. Kumana waajib aha soonka qof caqli
beelay waalli darteed ama maan doorsamay ama qof cantatabay ee aan waxba
kala garaneyn… Sidaa awgeed, hadduu qofku yahay da’ isku dardarsamay
aan waxba kala garaneyn, soon lagama doonayo iyo quudinba.
Cutubka Labaad:
Ujeeddada Iyo
Faa’idooyinkiisa Soonka
Magacyada Ilaahay waxaa ka mid ah – Al Xakiim – xakiimna waa ciddii xikmad ku sifowday.
Xikmadduna waxaa weeye hagaajinta amuuraha iyo dhigiddooda halkii loogu tala galay.
Waxaynuna ka garan magacaa ka mid ah
magacyada sarreeye Ilaahay in wax kastoo Ilaah abuuray, ama na amray ee
sharciguu dhigay ah ay ku saleysan tahay xigmad qoto dheer. Soonka uu
Ilaahay jideeyey, addoommadiisana faray, wuxuu xambaarsan yahay
ujeeddooyin waaweyn iyo faa’iidooyin ballaaran.
Waxaa ka mid ah ujeeddooyinka soonka waa
cibaado uu addoonkaa Ilaahay ugu dhowaan Rabbigiis, isagoo qofkii uu ka
tagayo waxyaabaha uu xiseeyo, jeclaantoodana lagu abuuray ee cunto iyo
cabitaan leh, iyo u tagidda ninka haweeneydiisa maalinnimada soonka.
Qofkuna wuxuu arrimahaa u deyn Ilaahay darti, si uu qofku u helo
raalinnimada Ilaahaa abuuray, daartiisa darajada sare iyo karaamada leh
ee jannada ugu guuleysto.
Qofkuna wuxuu ka qaadan halkaa oo uu ka
kororsan darsin iyo cashar ah inuu waxay naftiisa dooni ka hormariyaa
wuxuu Ilaahay dooni, aakhirada iyo adduunka ugu howlgeli sida Rabbi
raalli gelin, markaa buu wuxuu noloshiisa saldhig kaga dhigi, hannaanka
iyo habdhaqankiisa ka qaadan Qur’aanka kariimka iyo Sunnada rasuulka
(SCW) barashadoodana ku dadaali iyo ku camalfalkooda.
Waxaa sidoo kale ka mid ah ujeeddooyinka
soonka inuu qofka kororsodo iimaan iyo taqwo iyo ka cabsasho Ilaah,
iskana ilaaliyo naar xanuun badan, camalkii ka badbaadin lahaana la
yimaado, ay gashana dareen ah inuu carada iyo cadaabta Ilaahay iska
jiraa, taana wuxuu qofku gaari hadduu u guto waajibaadka soonka si dhan,
xilalka islaamino ee bishaa ku hareersanna kaga soo baxo si habboon.
Wuxuu yiri sarreeye Ilaahay (swt):
{يَا أَيُّهَا الَّذِينَ آمَنُواْ كُتِبَ عَلَيْكُمُ الصِّيَامُ كَمَا كُتِبَ عَلَى الَّذِينَ مِن قَبْلِكُمْ لَعَلَّكُمْ تَتَّقُونَ}
Macnaha aayaddana waxaa weeye:
“Kuwa
Eebbe rumeeyeyow, waxaynu waajib idiinkaga dhignay inaad soontaan
sidaynu ugu waajib yeelnayba ummadahii idinka horreeyey, waxaydun mudan
inaad Rabbi ka cabsataan.”
[Suuradda (2aad) Al-Baqarah. 183]
Qofka soomanna waa inuu Ilaah ka baqaa,
ee uu la yimaado wuxuu Rabbi faray oo dhan, kana dheeraado wax kasta ee
uu Ilaah ka reebay, u diiday, ka har yiri, waana ujeeddada ugu weyn ee
soonka laga leeyahay, mana aha ujeeddada iyo danta ka dambeysaa soonka
in qofka la caddibo la dhibo, cunitaanka, cabitaanka iyo u tegidda
xaaskiisa laga cesho, balse waa tababbar si aad xuduudda Ilaahay u
dhowrto.
Wuxuu yiri nebi Maxamed (NNDHA):
:فعَنْ أَبِي هُرَيْرَةَ رَضِيَ اللَّهُ عَنْهُ قَالَ : قَالَ رَسُولُ اللَّهِ صَلَّى اللَّهُ عَلَيْهِ وَسَلَّمَ
( مَنْ لَمْ يَدَعْ قَوْلَ الزُّورِ وَالْعَمَلَ بِهِ فَلَيْسَ لِلَّهِ حَاجَةٌ فِي أَنْ يَدَعَ طَعَامَهُ وَشَرَابَهُ )
[رواه البخاري 1804 ]
Macnaha xadiiska waxaa weeye:
“Qofkaan
iska deyn oo aan ka tagin hadal iyo camal kastoo xun iyo hareer marka
xaqa qowl iyo ficilba, Ilaah kama doonayo inuu iska cuna qabateeyo
cunnada iyo cabitaankiisa.”
[Waxaa soo wariyey Al-Bukhaari]
Qowl suureedka xadiisku tilmaamayo waa
qowl iyo hadal kastoo xun ee xaaraan ah, sida beenta, xanta, war xun u
kala geynta dadka, af lagaaddada iyo hadal kastoo xaaraan ah, waa inuu
qofka sooman ka fogaadaa waxyaabahaa.
Camal suureedka xadiisku tilmaamayana waa
fal kastoo xaaraan ah sida duullimaadyada gardarrada ah ee qabiillada
iyo dadka dhexdooda ah, khiyaanada, dhagarta, dagaallada aan xaqa aheyn
ee aan loola jeedin kor yeelidda kalmadda Ilaahay, boobka iyo dhaca,
laaluushka, ganacsiga kiisa xun, kaydinta badeecadda si dadweynaha loogu
qaaliyo, xijaab la’aanta oo ah dumarka oo aan ka asturan oogadooda sida
timaha, luqunta, wajiga, gacmaha, lugaha iyo dhammaan xubnaha jirkooda
ragga gayaankooda ah, guurna uusan ka dhaxeyn, sida uu Ilaahay Qur’aanku
ku amray, nebi Maxamedna Muslimiinta ku adkeeyey arrintan oo ay dad
badan dhayalsadeen oo ay ku halaagsami haddayan ka soo waaban.
Waxaa kaloo ka mid ah camal suureedka
xadiisku sheegayo is dhexgalka ragga iyo dumarka is gaya – nikaaxna
uusan ka dhaxeyn – xitaa hadday qaraabo iyo xigto yihiin, iyo haasaawe
ama qosol wadaaggood, arrimahaa oo xaaraan ah… sharcigu Islaamku diiday
waxaana yaab leh inay dadku ku yaabaan qofka isagoo khamri cabsan la
arko, ha yeeshee ayan ku yaabeyn haweeney Muslimad baan ahay leh haddana
aan xijaabka Islaamka Ilaah faray qaadaneyn, ragga gaya u soo ban bixi,
ama suuqa soo aadi, ama dugsi, iyadoo ay xubno oogadeeda ka mid ah ay
qaawan yihiin, sida timaha, luqunta, gacmaha, ama maryo khafiif ahba
xiran, ama ciriiri ku ah, ama gaaban, ama surweel iyo shaar xiran,
ninkeeduna ama waalidkeed ama cidda kale ee ka mas’uulka ahi ay ku
eeganayaan arrintaa xishood iyo xushmad la’aanta ah, caasin Rabbi iyo
rasuulki, fitnad lagu duni iyo diin seegi, xaaraan ku cad kitaabka
Ilaahay iyo sunnada rasuulkiisii (SCW) laguna naar tegi.
Waxaa sidoo kale soo geli camal suurka
xun ee xaaraanta ah dhageysiga heesaha miyuusigga wata ee zinada iyo
isutagga xaaraanta ah ragga iyo dumarka isugu yeeri, ama idaacad ha laga
dhagayesto ama cajalade. Waxaad arki qof Muslim baan ahay leh oo
dhageysan ama xaaskiisa gabdhahiisa iyo wiilashiisa u soo iibin cajalado
ku heesaya luuqadii sheydaanka, sida ‘Dhabta miyaan ku saaraa’, ‘Yaa
gareyska kaa fura kuu salaaxa gaaddada,’ fankaa qurmoonka ah ee lagula
dagaalayo diinta iyo asluubta wanaagsan dhageysan. Heesahana samankan
badankood waa labo nooc, kuwo qurmoonkaa dadka ugu yeeraya, foolxumo iyo
faaxishad, zino iyo dhilleysi iwm.
Waxaa sidoo kale ka mid ah camal suurka
xaaraanta ah gelitaanka aflaanta, riwaayadaha, akhriska buugta jaceyl
sheydaanka xambaarsan oo ah dhabbaha loo maro dhilleysiga iyo xishood
la’aanta, waana waajib saaraan Muslimiinta inay ooryahooda, ubadkooda
iyo ciddii ku hoos noolba ay ka manciyaan, kagana digaan foolxumadooda,
kana reebaan aflaanta, riwaayadaha, akhriska buugta jaceyl sheydaanka
iwm.
Waxaa sidoo kale qofka sooman laga dooni
inuu ka fogaado daawashada taleefishanka, waayo shartiisaa aad uga badan
kheyrkiisa, iyo inuu ka dheeraado qofka qamaarka, turubka, iyo inay
ragga dumarka isu ekeysiiyaan, ama dumarka ragga isu ekeysiiyaan, sida
qof haween ahoo surweel iyo shaar xirata, rasuulkii Ilaahayna (SCW) wuu
nacladay dumarkaa ragga dharkooda xidha, Rabbina naxariistiisa ka fogee…
waalidkood, walaalahood iyo xigtada kaga aamustayna dumarkaa
saraawiisha dembigay la wadaagi.
Camalka iyo qowl jaahileedka xadiiska ku
soo arooray ee uu rasuulka Ilaahay (SCW) kaga digayo qofka sooman waa
qofkoo ka taga xilkasnimada, hareer mara xaqa qowl ama ficil ahaan, kuna
xadgudba macruufka, sida qofka oo gurigiisa la mid dhiga guryaha
gaalada, ka dhiga guri aan waji Islaam ah laheyn ee qof waliba iska soo
geli idin la’aan, ninka xaaskiisu ay soo dhoweyn, la fariisan, ama la
haasaawi, ama ay qosol la wadaagi rag gayaankeeda ah, sida ilma
adeerradeed, ilma abtideed, ilma habreeddeed iyo ragga gayoo dhan,
arrintaa oo xaaraan ah, ninkii aan ka hortegin uu rasuulkii Ilaahay
(SCW) inoo sheegay inuu yahay dayuus aan janno tageyn ama ayan ninka
xaaskiisu ama gabdhahiisa ama dumarka kale ee uu mas’uulka ka yahay,
ayan xijaabka qaadan arrinta oo xaaraan ah, Rabbi ka hor imaad, fitneyn
rag, xumo u yeerasho, xishood iyo xushmad la’aan, laga dooni nin kastoo
Muslim ah inuu xal u helo, si uu naar kaga badbaado, Ilaahna raalli kaga
noqdo, oo waa inuu faraa inay xijaabka Islaamka qaataan, sharciga
Ilaahayna u hoggaansamaan.
Guriga qof Muslim ah leeyahay waa in
salaadda lagu wada oogaa tan iyo intuu toddobo jir u yar yahay, aanna
laga oggolaan cidna salaad la’aan waxaan aheyn ilmo toddobo jir ka yar,
ama qof dumar ahoo caadadii qabta – dhiiggii xeydka – intaa waxaan aheyn
waa inay wada tukadaan iyadoo ay ragga masaajidka ku tukan, dumarkana
guriga.
Waa inay dumarka gurigaa ku nool ay ka
xaroonayaan ragga gayaankooda ah, xitaa hadday qaraabo iyo xigto yihiin,
daah gadaashina ay ka salaamaan, hadduu qofka qaraabo dhow yahay,
diintana ku toosan, fitnana aan looga baqeyn, haddii kale may. Ninkana
uusan xiriir la wadaageyn, sheeko, fadhi dumarka uu gayo hadday dumar
yimaadaan ay dumarka la joogi, ragna ragga, isdhex galna jirin iyo fadhi
wadaag, siduu sharciga Ilaahay dhigi.
Wuxuu yiri sarreeye Ilaahay (swt):
قُل
لِّلْمُؤْمِنِينَ يَغُضُّوا مِنْ أَبْصَارِهِمْ وَيَحْفَظُوا فُرُوجَهُمْ
ذَلِكَ أَزْكَى لَهُمْ إِنَّ اللَّهَ خَبِيرٌ بِمَا يَصْنَعُونَ ٣٠،
وَقُل لِّلْمُؤْمِنَاتِ يَغْضُضْنَ مِنْ أَبْصَارِهِنَّ وَيَحْفَظْنَ
فُرُوجَهُنَّ وَلا يُبْدِينَ زِينَتَهُنَّ إِلاَّ مَا ظَهَرَ مِنْهَا ٣١
[Suuradda (24aad) al-Nuur, 30/31]
وَإِذَا سَأَلْتُمُوهُنَّ مَتَاعًا فَاسْأَلُوهُنَّ مِن وَرَاء حِجَابٍ ذَلِكُمْ أَطْهَرُ لِقُلُوبِكُمْ وَقُلُوبِهِنَّ
[Suuradda (33aad) al-Axzaab, 53]
Wuxuu yiri nebi Maxamed (NNDHA):
عن عقبةَ بنِ
عامِرٍ رَضِيَ اللهُ عنهُ، أَنَّ رَسُولَ اللهِ صَلى اللهُ عليهِ وسلمَ
قالَ: ((إِيَّاكُمْ وَالدُّخُولَ عَلَى النِّسَاءِ)) فَقَالَ رَجُلٌ مِن
الأَنْصَارِ : يا رَسُولَ اللهِ، أَفَرَأَيْتَ الْحَمْوَ ؟
.(قَال: (الْحَمْوُ المَوتُ
[ رواه البخاري ، فتح الباري 9/330]
:عن عبدالله بن عباس رضي الله عنهما قال
:سمعت النبي صلى الله عليه وسلم يخطب يقول
((لا
يخلُوَنَّ رجلٌ بامرأة إلا ومعها ذو محرم، ولا تسافر المرأة إلا مع ذي محرم
))، فقام رجل فقال: يا رسول الله، إن امرأتي خرجت حاجَّةً، وإني
اكتُتِبْتُ في غزوة كذا وكذا، قال: ((انطلق فحُجَّ مع امرأتك))؛ متفق عليه
Waana inay dumarka gurigooda ku eg yihiin
waxaan dan weyn aheynna ayan kaga baxeyn, kolkay dan u bixina haweentu
iyadoo si wacan u xijaaban baxdaa,”
Tixraac qowlka sarreeye Ilaahay:
{وَقَرْنَ فِي بُيُوتِكُنَّ وَلا تَبَرَّجْنَ تَبَرُّجَ الْجَاهِلِيَّةِ الأُولَى}
[Suuradda (33aad) al-Axzaab, 33]
يَا
أَيُّهَا النَّبِيُّ قُل لِّأَزْوَاجِكَ وَبَنَاتِكَ وَنِسَاء
الْمُؤْمِنِينَ يُدْنِينَ عَلَيْهِنَّ مِن جَلابِيبِهِنَّ ذَلِكَ أَدْنَى
أَن يُعْرَفْنَ فَلا يُؤْذَيْنَ وَكَانَ اللَّهُ غَفُورًا رَّحِيمًا
[Suuradda (33aad) al-Axzaab, 59]
Iyadoo idin kaga qaadan bixitaankeedaase
cidda ka mas’uulka ahi, ninkeeda. Waalid, walaal – waxay ahaadaanba –
hadduu maya yiraahdana ka joogeyso.. Waayo rasuulkii Ilaahay wuu
nacladay, naxariis Eebbana heli meyso qofka dumarka ahi ee gurigeeda ka
baxda idiin la’aanta cidda ka mas’uulka ahi – xitaa hadday deriska aadi…
Tixraac qowlka rasuulka Ilaahay:
عن ابنِ عمـر رضـى الله عنهما قال النبى صلى الله عليه وسلم ((لا تمنعـوا إماء الله مسـاجد الله)) رواه مـسلم
وعن عبد الله بن عمر – رضي الله
عنهما – قال:إن النبي صلي الله عليه وسلم قال:((إذا استأذنت أحدكم امرأته
إلى المسجد فلا يمنعها)),قال فقال بلال بن عبد الله والله لنمنعهن, وفي لفظ
مسلم:((لا تمنعوا إماء الله مساجد الله))
.هذا الحديث يقول النبي صلي الله عليه وسلم:((إذا استأذنت أحدكم امرأته إلى المسجد فلا يمنعها))
Raggana waxaa laga dooni inayan dumarka
ku eegan, kagana aamusin dumarka ku xadgudubka diinka Ilaahay oo ay
sharciga Ilaahay la aamusin, si ay noloshooda adduunka iyo aakhiradaba u
hagaagto, dumarkana ay sharciga Ilaahay raggooda ugu yeeraan, hadday
ragga xumo doon yihiinna ay arrintooda kala tashadaan ehlu diinka
daacadda ah… haddayse reer wanaagsan ka dhalatay Ilaahay ka baqa
arrintiisa ha u bandhigto.
Waxaa sidoo kale xadgudub ah, khilaafsan
diinta Islaamka iyadoo duqeyda, carruurta, iyo dumarka lagula tartamo
fuulitaanka gaadiidka, sida basaska oo lagu ciriiriyo, iyagoo xoog lagu
maquuninayo, arrintaa oo diinteenna khalad kaga tarjumi iyo dhaqanka
suubban, gunnimana ah…
Waana waajib Muslimiinta saaran in
gaadiidka dadweynaha ee xaafadaha u kala goosho rag iyo dumar loo kala
sooco. Sidaa awgeed buu hadduu qofka sooman tixgeliyo aayaddaa iyo
xadiiskaa aynu soo sheegnay, arrimahaa xaaraanta aynu soo xusnay ka
fogaado, wuxuu u noqon soonka macallin xaqa ku barbaariya, qofka
adaabtiisa dhisa, saluuggiisa toosiya, bishii Ramadaanna waxay dhammaan
qofkii oo is beddelay, is beddel dhan, isbeddel ka muuqan naftiisa,
akhlaaqdiisa, saluuggiisa, iyo gurigiisaba, guri kasta kolkuu hagaagana
bulshadoo dhan baa haggaagi, ciriiriga iyo abaartana laga bixi Ilaahay
idanki.
Waxaa sidoo kale ka mid ah ujeeddooyinka
iyo xigmadda soonka ka dambeysa inuu ogaado qofka hantida leh, garowsado
galladaha Eebbe, iyo helitaanka cuntada, iyo cabitaanka uu u fududeeyey
iyo guursigaba, markaa buu qofka dareemi dhibaatada cunto iyo cabitaan
la’aanta iyo dhibaatada xaas la’aanta, markaa buu qofka Ilaah u mahad
naqi, wuxuu farayna uusan wax kale ka hormarineyn kana gaabineyn.
Sidoo kale wuxuu qofka dhab u dareemi
shacuurta iyo xaaladda walaalahi Muslimiinta ee saboolka ah ee aan heli
karin cunto iyo cabitaan iyo inay guursadaan, markaa buu Muslimiinta
dhabta ah u asxaan iyo sadaqo fali, arrimahaana ka kaalmeyn… Waxaa sidoo
kale ka mid ah ujeeddooyinka iyo xigmadaha soonka inuu qofku barto sida
uu naftiisa u xukumi lahaa u ilaalin lahaa xumaha kaga xakameyn lahaa,
si uu qofka ugu hoggaamiyo naftiisa. Waxa danteeda ah adduun iyo
aakhiraba, Ilaahna dooni, qowlka iyo ficilkiisana waafajin kitaabka
Ilaahay iyo Sunnada rasuulka (SCW).
Wuxuuna qofka ka xoroobi inuu noqdo qof
sida xoolaha oo kale ah aan karin inuu naftiisa ka hayo waxyaabaha xun
ay naftu iyo sheydaanka ugu yeerayaan, sida isutagga ragga iyo dumarka
xaaraanta ah, cabitaanka khamriga, cabbitaanka sigaarka – sigaarkuna
wuxuu soo geli waxyaabaha xun ee waxyeelleyn nafta qofka, dhaqaalahiisa,
caafiimaadkiisa, diintiisa, si guudna loogu xaraantimeeyey kitaabka
Qur’aanka iyo Sunnada rasuulka (SCW) iyo wax kasta ay Rabbi iyo rasuulki
xaarintimeeyeen, saa dan uma ahee adduun iyo aakhiraba.
Wuxuu sidoo kale qofka ka fogaan, iskana
dhowri inuu udhaafaa xudduudda Ilaahay ee uu xadgubo. Waxaa kaloo uu
leeyahay soonku caafimaad, sida ay qireen dhaqaatir Muslim iyo gaalaba
leh. Intaa waa ujeeddooyinka iyo faa’iidooyinka soonka aynu caqligeenna
kooban ku garannay iyadoo ay jiri karaan amaba jiraanba ujeeddooyin kale
ee intaynu soo xusnay ka weyn, ka muhiimsan ee uu xog-ogaal u yahay
Allahaa xakiimka ah, caliimka ah, garashadeenna gaabanna ayan tiigsan
karin.
Cutubka Saddexaad:
Miyaa Soon Laga Dooni Qofka
Xanuunsan iyo Qofka Socdaalka ahi?
Wuxuu yiri sarreeye Ilaahay (swt):
{وَمَن
كَانَ مَرِيضًا أَوْ عَلَى سَفَرٍ فَعِدَّةٌ مِّنْ أَيَّامٍ أُخَرَ
يُرِيدُ اللَّهُ بِكُمُ الْيُسْرَ وَلاَ يُرِيدُ بِكُمُ الْعُسْرَ}
[Suuradda (2aad) al-Baqarah, ]
Macnaha guud ee aayadda waxaa weeye:
“Qofkii
xanuunsanna ama socdaal ah, hadduu xanuun ama socdaal awgiis la afuro –
ha qalleeyo soonkaa waajibka ah oo ha iska gudo ayaamaha kale – kolkuu
bogsado ama socdaalka u dhammaado – wuxuu Ilaahay dooni inuu idiin
fududeeyo arrimahiina, oo idiin lama doonayo dhibaato.”
[Suuradda (2aad) Al-Baqarah 185]
Qofka bukaanka ahina waa inuu laba xaaladood mid yahay:
Midda hore inuu xanuunkaa haya yahay
xanuun ku lammaanan ee joogto ah, inuu ka bogsado aan laga rajo qabin,
qofkaasi oo kale soonku waajib kuma aha, waayo ma uu karo soonka,
wuxuuse quudin maalin kasta oo soon laga dooni ruux miskiin – sabool –
ah. Qofkaana wuxuu yeeli karaa inuu kulmiyo masaakiin tiradooda ay
gaareyso cadadka ayaamaha soonka, casha siiyo ama qado, sida uu yeeli
jiray Anas bin Maalik – Ilaah ha ka raalli noqdee – kolkuu duqoobay.
Wuxuu sidoo kale qofku yeeli karaa inuu u
qaybiyo qaddar dhan kiilo iyo bar oo bariis ah, ama gallay, iwm hadba
waxaa ka cunna ah dalkaa, masaakiin tiro ahaan gaaraya tirada maalmaha
soonka. Waxaa kaa xanuunka joogtada ah uu hayo la mid ah qofka da’da ah
ee aan soonka karin. Wuxuu halkii soonka quudin masaakiin, sidaynu horay
u soo xusnay… Tan labaad, qofka inuu xanuunsado, xanuun uusan horay u
qabin ee ah mid markaa ku yimi, sida xummad, qandho markaa qabatay iwm,
kaana seddex xaaladood buu mid yahay:
- Xaaladda 1aad: Inuusan
soonka dhib ku aheyn, wax dhibaato ahna ayan ka soo gaareyn hadduu
soomo, markaa soonka waa ku waajib, waayo cudur daar ma leh.
- Xaaladda 2aad: Inuu
soonku ku culus yahay, ha yeeshee uusan waxyeelleeneyn caafimaadkiisa,
markaana ma habboona inuu soomaa kolba hadduu soonku dhib ku yahay,
Ilaahayna rukhsad afurid ah siiyey.
- Xaaladda 3aad: Inuu soonku waxyeelleyn caafimaadkiisa, markaana waa xaaraan inuu soomaa, dhibaatada naftiisa ka soo gaari kadha soonka awgeed.
Wuxuu yiri sarreeye Ilaahay (swt):
{وَلاَ تَقْتُلُواْ أَنفُسَكُمْ إِنَّ اللَّهَ كَانَ بِكُمْ رَحِيمًا}
[Suuradda (4aad) an-Nisaa, 29]
Macnaha aayadda waxaa weeye:
“Naftiinna ha dilina, Ilaahay waa kii idiin naxariistee.”
Sidoo kale wuxuu yiri sarreeye Ilaahay:
{وَلاَ تُلْقُواْ بِأَيْدِيكُمْ إِلَى التَّهْلُكَةِ}
Macnaha guud ee aayadda waxaa weeye:
“Naftiinna ha dhibana ee dhaqaaleeya, turaanturro adduun iyo tahluko aakhiro ha u horseedine.”
Sida in sharciga Ilaahay la khilaafo, waa
gef uu qofka naftiisa ka geli, dulmi iyo istahlukeyn, waayo qofkii
sharciga Ilaahay khilaafa dhabbahii naartuu qaaday.
Waxaana laga soo wariyay nebi Maxamed (NNDHA) inuu yiri:
(لا ضرر ولا ضرار)
Waxaana lagu ogaan karaa waxyeellada
soonku qofku u leeyahay inuu qofka shakhsi ahaantiisa dareemo arrintaa,
ama inuu sheego dhakhtar lagu kalsoon yahay. Markay arrintu sidan tahay,
qofkuna uu cudurka ku kallifo inuu afuro, isagoo qofkaa ka
faa’ideysanaya fasaxaa afuridda ah ee Ilaahay u fidiyey, wuxuu qofkaa
dib ka qalleyn maalmahuu afuray kolkuu bogsado, hadduuse qofku dhinto
intuusan caafimaadin ka hor, waxaa ka dhici qallahii, waayo wuxuu Ilaah
faray inuu soomo ayaamo kale, mana uusan gaarin. Qofkii dhintase isagoo
soon lagu lahaa waajib ah, awoodayna inuu qalleeyo, ha yeeshee aan
qalleyn, waxaa ka soomi xigtadi, tixraac qowlka rasuulka (SCW):
(لقول النبي صلى الله عليه وسلم: ( من مات وعليه صيام صام عنه وليه
Macnaha xadiiska waxaa weeye:
“Qofkii dhinta isagoo soon lagu leeyahay waxaa ka soomi weligiis.”
[Waa mutafaq (xadiis laysku raacsan yahay].
Ama wuxuu ka quudin – halka soonka –
miskiin, siinna quud dhan kiilo iyo bar cuntada dalkaa qaalibka ka ah,
sida bariiska, galleyda, iwm.
Waxaana qofkaa laga gudi soonkaa, ama cid
la quudin si looga gudo hadduu qofkaa soonkaa lagu lahaa dhinto isagoo
karay inuu iska gudo, waqti uu iska gudayna heystay… Tusaale ahaan qof
baa wuxuu nidir ku galay hadduu wiil u dhasho, ama shaqo helo, ama
imtixaan ku baaso inuu Ilaahay darti seddex cisho u soomo, hadday u
hirgasho wuxuu Ilaahay ka baryey, soonkaa nidirka ah baa ku waajibay
kaddib buu qofka wuxuu ku tashaday inuu iska gudaa, saa wuu geeriyooday
intuusan iska gudin, markaa waxaa ka gudi xigtadiis oo waa ay ka soomi.
maalmahaa lagu lahaa, ama maalin kastoo soon lagu lahaa ah cid miskiin
ah ka quudin…
Mana ay bannaana inuu qofka soon Ramadaan
ah ee lagu lahaa dib u dhigto – isagoo kara inuu iska gudo – oo uu
Ramadaankii kale ku soo galo, sida qof dumar oo caadadii ay ku dhacday,
sidaana maalmo soon Ramadaan lagu yeeshay, ama qof socdaal ama xanuun la
afuray sidaana soon Ramadaan ah lagu yeeshay, inuu isagoo kara, cudur
daar sharci ah aan heysan inuu Ramadaan kii kale ku soo galo.
Qofkii uu ku soo galana, waxaa ku waajibi
inuu qalleeyo kolkay bisha Ramadaan dhammaato, wuxuuna is raacin inuu
qalleeyo soonkaa lagu yeeshay ee uu cudur la’aan dib u dhigay illaa uu
kii kale ku soo galay iyo quudin miskiin inta maalmood ee soon lagu
leeyahay, quudinta miskiinkana waa kafaarada soonka uu dib dhigtay.
Dadka socotada ahna waa labo qaybood:
Qaybta hore: Qof
u jeeddada safarkiisa ay ka dambeyso inuu cudur daar afurid helo, kaana
uma bannaana afurka, waayo Ilaah looma xeeledeysan karo, sidaana qofku
cudur daar kuma leh.
Qaybta labaad: Qofaan safar kiisa ugala jeedin inuu cudur daar ku helo kaana seddex xaaladood buu mid yahay:
XAALADDA 1AAD: Inuu
soonku dhib ku yahay, waxyeelleyna, markaana waa xaaraan inuu soomaa,
waayo nebi Maxamed (NNDHA) wuu soomanaa kolkay duullimaadkii furitaanka u
socdeen, markaa baa waxaa soo gaaray inuu dadku soonkii ku adkaaday,
dhibna ku yahay, ayna dhowrayaan wuxuu rasuulku falo, markaa ayuu wuxuu
dalbay nebi Maxamed -NNDHA- koob biyo ah casarkii kaddib, cabbayna
dadkoo eegaya. Markaa kaddib baa waxaa loo sheegay inay dadku qaar weli
sooman yihiin, markaa buu wuxuu yiri:
“Kuwaa waa caasiyiinta -kuwaa waa caasiyiinta.”
Waxaa soo wariyey Muslim.
Naska xadiiska oo carabi ahina waa sidan:
XAALADDA 2AAD: Inuu
soonku dhibayo dhib aan weyneyn, markaana uma habboona soonka, waayo
fasaxii Ilaahay siiyey buu ka tagay, naftiisii aheyd inuu dhaqaaleeyana
dhib u geystay.
XAALADDA 3AAD: Inuusan
soonku dhib ku aheyn, markaana wuxuu yeeli sida u roon oo ay naftu
rabto, oo hadduu doono wuu soomi, hadduu doonana afuri, tixraac qawlka
sarreeye Ilaahay:
{يُرِيدُ اللَّهُ بِكُمُ الْيُسْرَ وَلاَ يُرِيدُ بِكُمُ الْعُسْرَ}
[Suuradda (2aad) Al-Baqarah 185]
Oo macnaheedu yahay:
“Wuxuu Ilaah dooni sida idiin fudud ee idiin habboon oo idinla dooni mahayo dhibaato.”
Hadday qofku u siman yihiin inuu soomo
ama afuro, waxaa habboon inuu soomaa, siduu falayba rasuulkii Ilaahay
(SCW) kuna soo aroodhay Saxiixul Muslimka: Waxaa Abii Al-Dardaa Ilaah ha
ka raalli noqdee laga soo wariyey inuu yiri:
“Waxaynu la socdaalnay nebi Maxamed
-NNDHA- bil Ramadaan, cadceedduna aad u kululeyd, heer rag innaga mid ah
madaxa sacabbadooda saarteen kuleylka jira awgeed. Waxaana innaga
soomanaa oo keliya rasuulkaa Ilaahay (SCW) iyo Cabdullaahi Bin Rawaaxa –
Ilaahay ha ka raalli noqdee.”
Cutubka Afraad:
Waxyaabaha Burin,
Jabin, Soonka
Waxyaabaha soonka buriya waa toddoba:
MIDDA KOOWAAD: Ninka oo
xaaskiisa u taga maalinnimada, waana ninka oo laboodkiisa geliya
dheddigoodka xaaskiisa. Qofka soomanna hadduu qofka dumarka ahi ugu tago
sidaynu soo xusnay, soonkiisu wuu buri, hadday isu tagiddaana dhacdo
maalin Ramadaan ah, soonkuna waajib ku ahaa, markaa waxaa ku waajib
noqon kafaaro gud adag foolxumada ficilkiisa awgeed, oo ah inuu qoor
furo – xureeyo addoon muslim ah, hadduusan awoodin, ama waayo qoor uu
furo, waa inuu soomaa laba bilood oo isdaba joog ah, hadduusan inuu
soomaa awoodin, markaa wuxuu quudin halkii soonka lixdan miskiin.
Tixraac xadiiskan rasuulka (SCW):
Hadduusanse soonku waajib ku aheyn, sida
qof musaafir ahoo xaaskiisa u taga, ama xanuunsan, wuu qalleyn soonkaa,
kafaara gudna lagama doonayo.
MIDDA LABAAD: Qofka oo
ay mino – biyo shahwo ah – kaga timaaddo dhunkasho ama gaadda saar iwm,
hadduuse qofka xaaskiisa dhunkado, waxnana ka iman, wax lagu leeyahay ma
jiraan, waxbana kuma jabnaa sidaa, gaar ahaan hadduu qofka is hubo,
iskana adag yahay.
Tixraac qowlka Caa’isha – Ilaahay ha ka raalli noqdee:
MIDDA SEDDEXAAD: CABIDDA
AMA CUNITAANKA. Wuxuu soonka kaga jabi hadday qofka calooshiisa gaarto,
halkuu doono ha ka qaatee – afka ama sanka – noocay doontana ha ahaato
cuntadaa ama cabitaankaa, mana bannaana inuu qofku cabbo ee uu neef
qaato uunka ka baxa uunsiga iwm, waayo waxay gaari calooshiisa.
MIDDA AFRAAD: Wax kasta
ee soo gali kara macnaha cunitaanka iyo cabidda sida cirbadaha nafaqo
sidka ah ee uu qofku kaga maarmayo cuntada iyo cabitaanka. Cirbidahase
aan nafaqo sidka aheyn laguma afurayo.
MIDDA SHANAAD: Qofkoo is
dhiig bixiya, dhiig bixin jirkiisa saameyn, dhiig bixinta yarse sida
baaritaan qofka lagu sameyn iwm, qofka kuma afurayo, waayo dhibaato ma
leh.
MIDDA LIXAAD: Qofkoo kas
isu matajiyo, sida qofkoo iska soo saaro cunto iyo cabitaan uu qaatay
hadduuse matagga iski kaaga yimaado soonkii wuu kuu jiraa.
Tixraac xadiiskan rasuulka (SCW):
MIDDA TODDOBAAD: Caadada
dumarka – dhiigga xaydka – iyo nafaasada oo ah dhiigga la socda
dhalmada ee dumarka ka yimaada, Arrimahaa soonka burin aynu soo xusnay
waxay qofka soonka ka jabin, qofkana afurin haddii seddex shuruud la
helo.
- SHARDIGA KOOWAAD: Inuu qofka xukunkeeda ogyahay iyo waqtigaba.
- SHARDIGA LABAAD: Inuu xusuusan yahay.
- SHARDIGA SEDDEXAAD: Inuu isaga doorto, oo aan qasab iyo sandulle looga dhigin.
Hadduu – masalan – qofka dhiig xun iska
saaro ee uu istoobo isagoo qaba, maleynna inaan istoobidda lagu afurin,
soonkiisa wuu u jiraa oo waa saxiix, waayo wuu moogaa xukunka, wuxuuna
yiri sarreeye Ilaahay:
{وَلَيْسَ عَلَيْكُمْ جُنَاحٌ فِيمَا أَخْطَأْتُم بِهِ وَلَكِن مَّا تَعَمَّدَتْ قُلُوبُكُمْ}
[Suuradda (33aad) al-Axzaab, 5]
Macnaha aayadda waxaa weeye:
“Dembi
idin kama soo gaarayo waxii gef ah ee aydun ogeyn, ula kac la’aannaa
idiinkaga dhacay, wuxuuse dembi idinka soo gaari waxaad kas iyo ogaal
ugu dhacdeen.”
Wuxuu sidoo kale yiri sarreeye Ilaahay:
{رَبَّنَا لاَ تُؤَاخِذْنَا إِن نَّسِينَا أَوْ أَخْطَأْنَا}
[Suuradda (2aad) al-Baqarah, 286]
Oo macnaheedu yahay:
“Rabbow ha noo qaadin oo dembi ha nooga qorin waxaynu illowno ama gef ahaan inooga dhaca.”
Sidaa waxaa ka baryey Ilaahay Mu’miniita.
Markaa buu wuxuu yiri Ilaahay:
(( قد فعلت ))
Oo macnaheedu yahay:
“Yeelay!”
Waxaana ku soo arooray Saxiixeynka:
Waxaa laga wariyey Caddiyi Bin Xaatim –
Ilaahay ha ka raalli noqdee – inuu labo kheyd, mid madow yahay, midna
cad yahay barkinta hoosteeda gashtay, markaa buu eegaa habeenkii, saa
wax uma muuqdaan isagoo sidaa moodi macnaha qowlka sarreeye Ilaahay.
Kolkuu u sheegay arrintaa uu sameeyey rasuulkii Ilaahay (SCW).
Wuxuu yiri rasuulkii Ilaahay (SCW):
“Waxaa loola jeedaa caddowga maalinta iyo madowga habeenka.”
Mana amrin inuu soonkiisa ku celiyo.
Hadduu qofkana wax cuno isagoo is leh
weli waagu ma baryin ama gabbalkii wuu dhacay, kaddib uu ogaado inay
arrintu aheyn siduu mooday, soonkiisa waa saxiix oo wuu u jiraa, celisna
ma leh, waayo waqtiguu moogaa…
Waxaa ku soo arooray Saxiixul Bukhaariga.
Waxaa laga soo wariyey Asmaa Binti Abii Bakar – Ilaahay ha ka raalli noqdee – inay tiri:
“Waxaynu afurnay cahdigii Nebiga (NNDHA) maalin ay cirka daruur qarisay, markaa kaddib ayey cadceeddu soo baxday.”
Waxay moodayeen inay dhacday, kaddib
arrintu ma ayan noqon sida ay moodeen, oo qorraxdii baa soo baxday
inkastoy afureen… Hadduu qallahu waajib yahay wuu u caddeyn lahaa
rasuulkii Ilaahay (SCW) waayo Ilaahay diin dhan buu ku soo diray
nebigiisii (SCW).
Hadduu arrintaa rasuulka (SCW)
caddeeyeyna, wayna soo gaarsiin lahaayeen saxaabadii – Ilaahay
dhammaantood ha ka wada raalli noqdee – waayo Ilaah baa kafaala qaaday
dhowrista iyo xafidaadda diinta, maadaama ayanna na soo gaarsiin
asxaabtii, waxaynu halkaa ka ogaan inuusan nebigu (NNDHA) amrin, kolba
hadduusan amrinna, waxaynu ogaan inayan waajib aheyn in la qalleeyo…
Ha yeeshee waa inuusan qofka is dhigan,
barashada axkaamta diinta ku dadaalo, rugaha iyo masaajidda ay diinta ka
socdaan ku xirnaado, ehludiinka daacadda ah la xiriiro, oo ayan aheyn
xukunkaa uu moog yahay dhayalsasho awaamirta Ilaahay iyo ka jiifsasho
barashada waxa uu faray iyo waxa uu ka joog yiri… waxaa sidoo kale qofka
la dooni inuu hubsado waxa uusan yaqiintooda heyn.
Qofkuna hadduu intuu is illoobo wax cuno
ama cabbo, kama jabayo soonkii oo halkiisii buu ka wadi, mana afurayo,
tixraac qowlka nebi Maxamed (NNDHA):
Macnaha xadiiska waxaa weeye:
“Qofkii intuu is illoobo – isagoo sooman – waxcuna, ama wax cabba, soonkiis ha dhammeystirto, Ilaah baa quudiyey e.” [Xadiis mutafaq ah].
Qofkuna haddii lagu qasbo oo sandulle
looga dhigo inuu wax cuno ama cabbo, ama isagoo luqluqan ay biyo
calooshiis u fakadaan -isagoon u qasdin – ama intuu riyooda maalin
isagoo sooman shahwo mino baxo, soonkii kama jabayo, oo wuu u jiraa,
waayo arrimahaa oo idil kas cad uma uusan falin, mana aha arrimo uu ku
tala galay isaguna door biday.
Cadayashadana soonku kuma jabo, balse waa
sunno, qofkuna waqtiguu doonuu cadaysan karaa ama billowga maalinta ama
dhammaadkeeda, ama dhexdeeda. Waxaana u bannaan qofka sooman inuu falo
wax ka fududeeya dhibka, harraadka, iyo kuleylka soonka, sida isagoo
biyo isku qaboojiya iwm, waayo nebi Maxamed (NNDHA) wuxuu madaxa isaga
shubi jiray biyo isagoo sooman, harraadka uu dareemi awgeed, Ibnu
Cumarna – Ilaah ha ka wada raalli noqdee isaga iyo aabbihiba – intuu
duub maro ah qoysto ayuu is marin jiray isagoo sooman.
Haweeneyda xaamilada ah iyo midda ilmaha
nuujinna waxaa u bannaan inay afuraan hadday ilmahooda u baqaan – ilmaha
uurka ku jira, ama ilmaha ay markaa nuujin – waxaana ku waajib ah inay
qalleeyaan, miskiinna quudiyaan iyagoo labadaba isku dari.
Tusaale ahaan haweeney baa iyadoo ilmo ay
nuujin u baqi afurtay bishii Ramadaan oo dhan, markaa waxaa ku waajib
noqon inay qalleyso, soddon miskiinna oo ah tirada maalmahay afurtay
quudiso, habka quudinta waa iyadoo 30 miskiin u qaybiso bariis ama
galley iwm – hadba quudka dalkaa qaalibka ka ah – qaddar dhan kiilo iyo
bar ama ay isugu yeerto iyadoo ninkeeda ama ragga ka mas’uulka ah la
qorsheyn 30 miskiin qado ama casho siiso, ama waxaa u bannaan inay qiimo
dhan qado 30 qof ay u dhiibto qof ehlu diin daacad ah ee qayb weyn kaga
jira fidinta diinka Ilaahay si ay nolosha dadka u hagaagto, amni iyo
ammaanna loogu noolaado, qofkaas oo gaarsiin lacagtaa, uguna iibin
raashin reero diinta ku wanaagsan ee sabool ah, tusaale ahaan hadday
qado meel dhexaad ah tahay qiimaheed Shilin Soomaali 300, qofka dumarka
ahina ay afurtay bil soon oo dhan iyadoo ilma ay nuujin ama uurka ku
jira u baqi, way qalleyn lacag dhan Shilin Soomaali 9000 u dhiibi daaci
diinta ku wanaagsan si uu masaakiinta uga quudiyo.
Haddayse haweenta xaamilada ah ama ilmaha
nuujin ay naf ahaantooda u baqaan, markaa way afuri dibna ka qalleyn,
ha yeeshee quudin lagama doonayo, inay qallahaa raaciyaan, oo waa ay
qalleyn oo keliya. Waxaa sidoo kale u bannaan qofka sooman inuu
candhuuftiisa liqo, inuu ilig ama gows iska rido – inkastoo ay habboon
tahay inuu habeenka u dib dhigto, hadduusan xanuun badan ku heyn. Waxaa
sidoo kale u bannaan labada isqaba hadday habeennimada Ramadaan isu
tagaan, ama qofkii isku junuubo inuu meyrashada subaxnimada u dib
dhigtaan. Arrimahaana waa yusriga iyo dhib la’aanta Ilaah ina la dooni.
Bisha Ramadaanna waxaa ku jidho habeen,
habeennada sannadka ugu kheyr badan, oo ah habeenka Laylatul Qaddarka,
habeenkaa oo ajar iyo lagu heli deeq Ilaah ka badan tuu qofku ku heli
lahaa kun bilood oo ah 83 sano iyo afar bilood.
Wuxuu yiri rasuulkii Ilaahay (SCW):
Macnaha xadiiskana waxaa weeye:
“Qofkii
habeenka Leylatul Qadarka salaad habeenkii u kaca qiyaamu leylka –
taraawiixda – isagoo Ilaahay darti ugu kici kagana abaal dooni, Ilaahay
wuxuu u dhaafaa waxii horay dembi uga dhacay.”
Qofka dumarka ahina waxaa wanaagsan inay
gurigeeda ku tukato taraawiixda iyo qiyaamu leylkoo dhan, hadduu
masaajidka ka fog yahay, gaadiid gaar ahna ayan heysan, ama jidku aamin
aheyn. Waxaana qofka muslimka ah laga dooni inuu si gaar ah u daneeyo,
una eegto habeenka Leylatul Qadarka, kuna duceysto ducadii uu rasuulka
(SCW) baray Caa’isha – Ilaahay ha ka raalli noqdee – ee ahayd:
Oo macnaheedu yahay:
“Allow waxaad tahay cafiye cafinta jecel ee i cafi.”
Waxaa soo wariyey Al-Tirmidi, saxayna.
Qofkuna ha ka eego Leylatul Qadarka, oo
si gaar ha u daneeyo tobanka cishee ugu dambeeya ee Ramadaan, gaar ahaan
habeennada 21aad, 23aad, 25aad, 27aad iyo 29aadka. Habeenka Leylatul
Qadarkana waxaa soo daaddaga malaa’igta oo dhammi, iyagoo salaamaya,
nabadgalyana u fidin Mu’miniinta tan iyo intay qorraxda habeenkaa –
Leylatul Qadarka soo bixi – iyadoo aan fallaaro laheyn, sida ku soo
aroodhay xadiiskan:
Maxaa ka wanaagsan habeenkaa aan
kululeyn, qaboobeynna, ee ku dadaal walaalkay Muslimka ahow badsashada
kheyrka iyo inaad Ilaahay ugu dhowaato samafallo kala duwan. Waxaana
wanaagsan inaad fariisato ood ku ictikaafto masjid jaamic ah adigoo
Ilaahay kaga abaal dooni, ictikaafkaa oo aad ka billaabi gabbal dhaca
habeenka ay bisha Ramadaan tahay 21ka kuna dhammeyn gabbal dhaca
maalinta ugu dambeysa ee Ramadaanka.
Tixraac xadiiskan Caa’isha – Ilaahay ha ka raalli noqdee – ay rasuulka (SCW) ka soo warisay:
Waxaana aan ugu yeeri walaalahay
Soomaaliyeed meel kasta ay joogaan inay bisha Soon ay ka faa’iideystaan,
xumo oo idil ka fogaadaan, bishaa iyo wixii ka dambeeyaba daacadda
Ilaahay lasumaan, ku dadaalaan, addooma dhab ah Eebbe u noqdaan, dadkuna
isu naseexeeyaan wanaagga lays faro, xumaha layska reebo, rugaha ay
casharrada diiniga ah ka socdaan laga wada qayb qaato, cilmiga laga soo
bartana la dhaqan galiyo.
Qof kastana bishaa waxaan kheyr aheyn
Ilaahay uusan ku arag, samaha loo kala tartamo. Soonkana sidaynu horay u
soo xusnay fadli weyn buu leeyahay iyo deeq Allaah – faradkiisa iyo
naafiladiisaba.
Waxaa laga soo wariyey Sahal bin Sacad in nebiga (NNDHA) yiri:
Macnaha xadiiskana waxaa weeye:
“Waxay jannadu leedahay irrid la yiraahdo al-Rayaan, waxaana la oran aakhirada aaway ehlu-soomkii? Kolkuu galo qofka ugu dambeeya ee iyaga ah, ayaa irridkaa la xiri.”
[Waxaa soo wariyey al-Bukhaari iyo Muslim].
Siduu qofkana uga mid noqdo kuwaa ha ku
dadaalo soonka faradka ah ee bisha Ramaadaan, iyo soonka sunnada ah ee
uu rasuulka ummaddiisa ku boorriyey, waxaana ka mid ah inuu qofka bisha
Soonfur (Shawaal) lix cisho ka soomo, shardina ma aha inuu qofka is
xijiyo:
Wuxuu yiri rasuulkii Ilaahay (SCW):
Macnaha xadiiskana waxaa weeye:
“Qofkii
bisha Ramadaan sooma, dabadeedna raaciya lix maalmood ee uu ka soomo
bisha Soonfur, wuxuu la mid yahay qof cimrigiisii oo idil soomay.”
[Waxaa soo wariyey Muslim].
Waxayna u noqon sida qof cimrigoo idil
soomay, waayo waxay Rabbi iyo rasuulki inoo sheegeen in qofka halkii
wanaag uu la yimaado toban looga dhigi, sidaa awgeed hadduu qofka soo
soomay bil Ramadaan oo dhan waa 30 cisho, kaddibna hadduu lix maalmood
ka soomo Soonfur, isugeyntooda waa 36 cisho, markaa buu Ilaahay siduu
ballan qaadan 36daa maalmood ka soo qaadi ajar ahaan 360 maalmood, waayo
halkii maalin qofka Ilaahay toban maalmood buu uga qori xagga ajarka.
Sidaa buu qofka hadduu soomo bisha
Ramadaan, dabadeed raaciyo lix maalmood ee uu bisha soonfur ka soomo uu
ula mid yahay sida qof cimrigi oo idil soomanaa. Waxaa kaloo ka mid ah
soonka sunnada ah ee uu rasuulka innagu boorriyey, kheyr badanina uu ku
jiro soonka maalmaha Isniinta iyo Khamiista, waayo waa labo maalmood ay
ka war bixiyaan malaa’igaha dadka, ee qofka acmaashiisa Ilaah loo
bandhigo waxaana wanaagsan in qofka laga warbixiyo isagoo kheyrka soonka
ku jiro ee sooman, rasuulkana (scw) wuu ku dadaali jiray soomidda
maalmahaa, waana laba maalmood soomiddoodu ajar badan lagu helo, tixraac
qowlka rasuulka (scw):
Waxaa kaloo ka mid ah soonka sunnada ah
ee rasuulka innagu booriyey, kulana dardaarmay asxaabtiisa inuu qofka
bil kasta ka soomaa seddex maalmood, waxaana wanaagsan inuu ku beegaa
qofka maalmaha cadadka ah 13ka, 14 ka iyo 15ka ee bisha Islaamka.
Tixraac qowlka rasuulka (SCW):
Seddexdaa maalmood qofkii bil walba ka
soomaanaa, waa sida qof bishii dhammaanteed wada soomay waayo halkii
xasano qofka Ilaahay toban buu uga dhigaa, sidaa awgeed bay seddexdii
maalmood soddon uga dhigan yihiin xagga ajarka. Waxaa kaloo ka mid ah
soonka sunnada ah ee qofka u wanaagsan inuu soomaa soonka Caashuuraa ee
ah sagaalaadka iyo tobanaadka bisha Muxarram ee ah bisha Xajka xigta,
waana markii uu Ilaahay halaagay Fircoon, badbaadiyeyna Muuse – nabad
dushiisa ha ahaatee, rasuulkana (SCW) wuu soomi jiray, ummaddiisana ku
boorriyey inay soomaan Caashuurada.
Tixraac qowlkiisa (scw):
Waxaa kaloo wanaagsan in la soomaa
maalinta Carafada la taagan yahay oo ah maalinta ka horreysa Iidda
Carafo, taana waa qofka aan xaj ku jirin ee aan markaa xajineyn. Soonka
waajibka ahna waa soonka nidirka ah iyo kafaara gudka.
Soonka reebban waa soonka uu qofka xajka
ku jiro soomo maalinta Carafada, iyo inaad Jimco ama Sabti soon ku gaar
yeesho, ha yeeshee dhibaato ma leh hadduu Jimco kugu yimaado adigoo soon
waday, sida qofka sooma bishii seddex maalin sunno ah 13ka, 14ka iyo
15ka, hadday ku soo hagaagaan Khamiis, Jimce iyo Sabti, markaa dhibaato
ma leh. Sidoo kale waxaa ka mid ah soonka reebban soonka maalinta aan la
hubin inay soon tahay – inay Ramadaan tahay iyo in kale. Soonka sunnada
ahna niyeysi hore shardi uma aha, oo uma baahna qofkoo aan ku seexan
habeenkii inuu soomaa ayuu wuxuu go’aansan karaa subaxnimada intuusan
wax cunin inuu soomaa.
Soonka faradka ahise – Ramadaanka – waa shardi qofka inuu habeennimada niyeysto.
Tixraac qowlka rasuulka (scw):
Macnaha xadiiskana waxaa weeye:
“Qofkaan inuu soomaa – soonka faradka – go’aansan, niyeysanna aroornimada ka hor, soomid kama ansaxi.”
[Waxaa soo wariyey Axmed iyo ehlu-Sunanka, waxaana saxay Ibn Khuzeymah].
Niyeysiga soonku ma aha in kor lagu dhawaaqo oo la yiraahdo:
‘Nawaytu farada soomi can adaa’ in.’
Ama iimaamka ku dhawaaqo ma’muumiintana
ka daba jiibiyaan, waayo sidaa nebiga iyo asxaabtiisaba kama ayan
sugnaan, waana bidca diinta ku cusub, habow leh, ee dadku ha iska
daayeen. Sida nebiga iyo asxaabtiisa ka sugnaatayna waa inuu qof kasta
gaarki qalbiga ka niyeysto, ku tala galo habeennimada inuu soomaa isagoo
ugu diyaar noqon soonkaa suxuur iwm.
Waxaa sidoo kale bidca ah ducada layska
daba akhrin ee kor loogu dhawaaqo, qofkana waxaa habboon inuu iskii u
duceysto, afkiisa hooyo ku duceysto hadduusan Carabiga aqoon, waqtiyada
ducada la aqbalana si gaar u eegto, sida kolkuu sujuudi, labada aadaan
dhexdooda – aaddanka hore iyo aqimmada, atixiyaadka dambe kaddib iyo
intuusan qofka salaamo noqsan, saacadda Jimcaha ku jidha iwm.
Waxayna sunnada ku jidhaa ee habboon in
afurka la dadejiyo, oo kolka Maqribka la addimo toban daqiiqo fursad ah
dadka la siiyo ay ku yari afuraan, dabadeedna masjidka la soo aado si
jamaacad ahaan loogu tukado.
Wuxuu yiri rasuulkii Ilaahay (scw):
Macnaha xadiiskana waxaa weeye:
“Dadka weli kheyr bay ku sugan yihiin intay afurka dadejinayaan.”
[Waxaa soo wariyey al-Bukhaari iyo Muslim].
Qofkuna waxaa wanaagsan hadduu awoodo
inuu cumreysto bisha Ramadaan, waayo cumrada Ramadaanka la gutaa waxay
leedahay ajar la mid taa xajka.
Tixraac qowlka rasuulka (SCW):
Ogaadaana, walaalayaal, inayan bannaaneyn
sidaynu soo sheegnayba in hadduu qofka rukhsad uu Ilaah siiyey awgeed
la afuro sida xanuun, socdaal, haween caadadii awgeed la afurtay ama
nafaasad, qallahaa ku waajibay ay dib u dhigtaan illaa uu Ramadaankii
kale ku soo galo.
Qofkii sidaa yeelana ee dhayalsaday inuu
iska gudo soonkaa lagu yeeshay – isagoo aan cudur daar laheyn – waxaa ku
waajibi inuu qalleeyo, islamarkaana miskiin quudiyo, tusaale ahaan
qofbaa 21 maalmood soon farad ah lagu leeyahay, hadduu Ramadaankii kale
qofku ku soo galo isagoon iska gudin, waa inuu kolkuu Ramadaankaa ku soo
galay dhammaado, ciiddana laga baxo billaabo inuu iska gudaa soonkaa –
21kaa maalmood – lagu lahaa, isla markaana quudiyo 21 miskiin oo ah
kafaara gudka soonkaa deynka ku ahaa ee uu dib dhigtay cudur daar
la’aan, wuxuu qofka wax quudin yeeli karaa dhowr siyaabood, sida:
A – Inuu 21 qof oo miskiin ah wadajir qado ama casho u siiyo, waana inay dadkaa u quudin diinta ku toosan yihiin.
Tixraac xadiiska:
Macnaha xadiiskana waxaa weeye:
“Saaxiib haka dhigan cidaan mu’min aheyn, raashin kaagana ha siin cidaan Ilaahay ka baqin.”
B – Inuu qof ehlu-diin dhab ah, dadkana
diinta ugu yeera, wax soo saar diineed leh, sida qof duruus xoog leh
akhriya, cajalado dadka diinta bara duubay ama buugag Islaamka u adeegi
qora u dhiibo lacag raashin u goyso 21 qof, tusaale ahaan hadday qado
meel dhexaad tahay 300 Shilin Soomaali. Waxaa 300 lagu dhufan 21 qof,
300 x 21 = waa Shilin Soomaali 6,300. Si uu qofkaa daaciga ah raashin
ugu iibiyo qoysas diinta ku wanaagsan ee sabool ah.
C – Inuu qofkaa min kiilo iyo bar raashinka dalkaa ka cunnada ah sida bariis, galley iwm u qaybiyo 21 miskiin.
D – Inuu qado siiyo ama casho qof miskiin
ah 21 cisho. Qofka soomanna ha badsado akhriska Qur’aanka, inuu sadaqo
la baxaa, iyo samahoo dhan.
Wuxuu yiri rasuulkii Ilaahay (SCW):
Macnaha xadiiskana waxaa weeye:-
“Qofkii
afuriya qof soomanaa, wuxuu Ilaahay u qoraa ajarka ciddaa soomaneyd oo
kale, hayeeshee waxba kama nuqsaamayaan ajarka ciddii soomaneyd.”
[Waxaa soo wariyey al-Tirmidi, wuxuu yiri waa xadiis sanad wanaagsan, saxiix ah].
Qofkuna sidoo kale ha badsado tasbiixda, sida inuu yiraahdo:
Oo macnaheedu yahay:
“Ilaahow adigaa nuqsaan ka maran, mahadina ay kuu sugnaatay.”
Iyo qowlka:
Oo macnaheedu yahay:
“Ilaah baa weyn.”
Iyo qowlka:
Oo macnaheedu yahay:
“Ilaah
mooyee ilaah kale ma jiro cid wax la wadaagtana ma ay jiraan mahad iyo
lahaanshoo idil isagay u sugnaatay, isagaa wax dila, waxna nooleeya, wax
walibana isagaa kara.”
Sidoo kale qofka ha badsado dembi dhaaf weydiisiga, sida inuu yiraahdo:
Oo macnaheedu yahay:
“Ilaahow dembi dhaaf baan kuweydiisan kuuna toobad keeni.”
Sidoo kale waxaad badsan ku salliga nebiga (SCW). Waayo xuskaa Ilaahay waa beer aad ku abuurin jannada.
Wuxuu yiri rasuulkii Ilaahay (SCW):
Macnaha xadiiskana waxaa weeye:
“Inaan
iraahdo ‘Subxaanallaah’, iyo ‘Alxamdu-lillaah’, iyo ‘Laa ilaaha illal
Laah’, iyo ‘Allaahu akbar’ baan ka jeclahay kana doorsan lahaa waxa
kastoo adduunka jira, cadceeddana u soo baxday.”
Qofkuna ha u asxaan falo bishaa iyo
qeyrkeedba agoonta iyo masaakiinta, waayo rasuulka Ilaahay wuxuu ahaa
kan ugu deeqsisan dadka, wuxuuna aad u deeq badnaa bisha Ramadaan,
waxaana aad u wanaagsan in sakada lala baxaa Ramadaan kasta. Qofkuna ha
ku dadaalo inuu salaadda subax kaddib masjidka fadhiyo, Ilaahay ku xuso,
Qur’aanka walaalladi Islaamka kula akhristo tan iyo intay cadceedda ka
soo bixi, kaddibna laba rakcadood tukado.
Qofkuna kolkuu tukado, naftiisa xuska
Ilaahay ku daahir yeelo iyo gudashada faraa’idda Ilaah u xil saaray, ama
kolkuu isagoo soomanaa afuro yuusan wasakh iyo qurun dhex dabaalin, oo
ma aha inay indhahiisu noqdaan indho sheydaan, oo yuusan ku eegin
dumarka uu gayo, guurna aan ka dhaxeyn, iyo waxyaabaha xun oo dhan,
carrabkiisuna yuusan noqon carrab sheydaan, carrab dadka lagu xanto,
lagu ximiyo, carrab dan la’aan u hadlo, oo dadka nolosheeda iyo
arrimahooda gaarka ah ka sheekeeya – dumarkaba ha u bateen, inkastoo rag
badan ay arrinta dumarka kala mid noqdeen, oy hadda ku biireen.
Qofkuna yeynan dhagahiisu noqon dhago
sheydaan, dhago wax xun lagu dhageysto sida xanta, xinta, wararka aan
qofka khuseyn oo aan isaga la xiriirin sida inta is furtay, inta is
qabatay, inta isku carootay, inta is colaadisay iwm.
Wuxuuna yiri rasuulka ilaahay (scw):
Macnaha xadiiskuna waxaa weeye:
“Wuxuu qofka wanaaga Islaam kiisu ku jiraa inuu ka tago, danna u gelin waxaan khuseyn.”
Yeynan noqonna dhagaha qofka dhago
sheydaan, dhago heesahaa iyo fanka qurmoonka dhagaysta. Qofkana yuusan
yeelan af iyo addin sheydaan dadka uu ku waxyeelleeyo, addimo uu
caweysyada tumashada uu ku tago, ama af uu dadka ku af lagaaddeeyo. Qof
kastana oo ‘Muslim baan ahay’ leh ha iska jira oo ha ka fogaado inuu wax
sawirro ama isa sawirro, sawir aan dan weyn keenin sida sawir
baasaboor, teesaro leesan iwm, iyo inuu qofku ku dhaarto cidaan Ilaahay
aheyn, waayo ku dhaarashada cidaan Ilaahay aheyn waxay ka mid tahay
shirkiga yar qofka geyn oo ku ridi shirkiga weyn oo gaalnimo ah, qofkii
ku dhaca, isagoon ka toobad keeninna dhintaa uu naar ku waari daa’in iyo
abad.
Sidoo kale waa inuu qofka iska jiraa kana
fogaadaa isu ekeysiinta gaalada, cabitaanka sigaarka, istustuska,
doodaha baadilka ah, xiiridda garka, cunitaanka ribada iyo ka shaqeynta
bunuugta ribada bixiya, ama qaata, caymis gelinta nolosha iyo hantida
iyo markhaati beenaadka, aflagaaddada, macaasidoo dhan qowl iyo ficilba,
cuquuqidda waalidka, goynta riximka, xasadka, gacaltooyada gaalada,
daryeel la’aanta salaadda iwm. Arrimahaa oo giddi xaaraan ah, sheydaanka
innagu boorrin, Rabbi iyo rasuulkina inoogu digeen si ay noloshayada
adduunka ugu hagaagto, aakhiradana samaan Eebbe u hantinno ee Ilaah
mahad ha innaga gaaddo, gallada Islaamka, galladda salaadda, gallada
soonka iyo galladahiisa badan awgeed.
Cutubka Shanaad:
Salaadda Taraawiixda
Taraawiixdu waa kicidda habeennada bisha
Ramadaan jamaaca ahaan salaad loogo kaco, wuxuu waqtigeeda ka billaaban
salaadda cishaha kaddib illaa waa beriga. Nebiguna (NNDHA) ummada wuu ku
boorriyey Qiyaamka Ramadaanka, oo wuxuu yiri:
:عَنْ أَبِي هُرَيْرَةَ قَالَ قَالَ رَسُولُ اللَّهِ صَلَّى اللَّهُ عَلَيْهِ وَسَلَّمَ
” مَنْ صَامَ رَمَضَانَ إِيمَانًا وَاحْتِسَابًا غُفِرَ لَهُ مَا تَقَدَّمَ مِنْ ذَنْبِهِ ”
[رواه البخاري 38 ومسلم 760]
Macnaha xadiiska waxaa weeye:
“Qofkii
bisha Ramadaan u kaca habeenkii salaad, si iimaannimo ku dheehan tahay,
isagoo Ilaah kaga ajar iyo abaal dooni, wuxuu Ilaahay ka dhaafaa
dembiyadiisa hore»
Waxaana ku soo arooray Saxiixul Bukhaariga:
“Waxaa
laga soo xigtay Caa’isha – Ilaah ha ka raalli noqdee – in nebigu -NNDHA-
uu habeen masjidka qiyaamul leyl ku tukanayey, markaa bay dadkii qaar
la tukadeen, habeenkii xigay ayuu haddana u kacay salaaddii, markaa bay
dadkii soo bateen habeenkii saddexaad iyo afraadna ururkii u batay, ha
yeeshee kama uusan soo qayb gelin nebiga, kolkuu waagu baryay ayuu u
sheegay dadkii oo wuxuu ku yiri:
‘Waxaan
arkay sidaad yeesheen, waxaana iga reebay inaan idiin soo baxo baqdin
aan ka baqay in laydun ku farad yeelo -waxay aheyd Ramadaan.”
Sunnada
rasuulkana waxay ku jirtaa in Qiyaamu Leylka Bisha Ramadaan –
Taraawiixda – lagu soo koobo 11 kow iyo toban rikcadood – waayo Caa’isha
– Ilaah ha ka raalli noqdee – ayaa la weydiiyey:
“Sidee bay aheyd salaadda nebiga NNDHA Qiyaamul Leylka?”
Markaa bay waxay tiri:
“Kama badin jirin Ramadaanka iyo qeyrkiba kow iyo toban rikcadood.”
[Xadiis mutafaq ah].
Waxaana Muwadda’a ku soo arooray oo laga
soo xigtay Maxamed bin Yuusuf – oo kalsooni ah – inuu ka soo xigtay
al-Saa’ib bin Yaziid -oo saxaabi ah – in Cumar bin Khaddaab – Ilaah ha
ka raalli noqdee -amray Ubaya bin Kacab iyo Tamiima ad-Daari in Qiyaamu
Leylka Ramadaanka ay dadka tujiyaan kow iyo toban rikcadood… Haddii laga
badiyana 11 rakcadood waxba kuma jabno, waayo nebigu ayaa la weydiiyey
Qiyaamu Leylka wuxuu yiri:
عَنْ عَبْدِ اللَّهِ بْنِ عُمَرَ رضي
الله عنهما قَالَ : سَأَلَ رَجُلٌ النَّبِيَّ صلى الله عليه وسلم – وَهُوَ
عَلَى الْمِنْبَرِ – مَا تَرَى فِي صَلاةِ اللَّيْلِ ؟
.قَالَ :
مَثْنَى , مَثْنَى ، فَإِذَا خَشِيَ أَحَدُكُمْ الصُّبْحَ صَلَّى
وَاحِدَةً ، فَأَوْتَرَتْ لَهُ مَا صَلَّى . وَإِنَّهُ كَانَ يَقُولُ :
اجْعَلُوا آخِرَ صَلاتِكُمْ بِاللَّيْلِ وِتْراً
“Waa laba laba rakcadood, hadduuse midkiin ka baqo waaberiga, wuxuu tukan rakcad keliya ee u watarin rakcadahuu tukaday.”
Wuxuu xadiiskan ku soo arooray
Saxiixeeynka. Ha yeeshee waxaa habboon in la dhowro tiradii rasuulka
(SCW) oo ah 11 rikcadood, qunyar loo tukado, aan qiyaamkana iyo akhriska
Qur’aanka la dadejin, xaaladda dadkana la dhowro, lana tixgeliyo.
Waxaana muslimiinta laga dooni inay ku
dadaalaan oogidda iyo ka qayb galka salaadda taraawiixda, oo ayan ku
dayacin hadba masjid aadistiis, waayo qofkii la billowda salaaddaa
imaamka tan iyo intuu ka baxo, waxay u dhigan tahay isagoo habeenkii oo
dhan salaad u taagnaa, xitaa hadduu jiifsado gurigiisa salaaddaa kaddib
ee uusan habeenkii oo idil salaad u soo jeedin. Waxbana kuma jabna inay
dumarka masjidka jamaacadda kula tukadaan, waase inay iyagoo dhab u
xijaaban, oogadooda wada asturan tahay tin illaa cirib tagaan, wax
udgoon ah haba yaraatee uusan ka soo udgeyn, kaga soo qayb galaanna
salaaddaa si xishood iyo xushmad ku dheehan tahay, iskana ilaaliyaan
inay waddooyinka istaagaan , ama dhex bartankeeda maraan.ama ku sheekeystaan.
Waana inuu masjidka leeyahay meel gaar ah
ee daboolan dumarka loogu tala galay, mashaqana ayan kala kulmeyn
imaanshada masjidka, haddayse mashaqo kala kulmi imaanshadiisa, sida
inay gaari rag iyo dumar isku ciriirin, aan lagu kala xishooneyn u soo
raaceyso, ama xaafad fog ay deggan tahay aan masjid dhow laheyn
taraawiixda lagu tukado, ama ay saq dhexe socon – iyadoo fitnad ayan ka
nabad galeyn. Hadday intaan soo xusnay mid ka mid ah jidho, ma aha inay
haweenta muslimadda ahi ay taraawiixda u soo baxdo, balse waa inay
gurigeeda ku tukutaa. Waxaynuna ognahay inuu sharcigu dhigay inay qofka
dumarka ee muslimadda ahi ay u wanaagsan tahay inay salaadaha faradka ah
qolkeeda ku tukato, taraawiixda ka sakow, sidaa awgeed ma bannaana inay
taraawiixda u soo baxdo iyadoo fitnad u bandhigan, ciriiri iyo nabad
galyo la’aan la kulmi.
Waxaana dumarka mu’miinta ah tusaale ugu
filan Asmaa binti Abii Bakar as-Siddiiq – Ilaahay ha ka raalli noqdee –
ka xishootay inay gaadiiday nebiga (SCW) iyo nafar asxaabta kamid ah ay
saarnaayeen, soo fuusho iyadoo meel gaar ah loo banneeyey iyadoo
daallan, gurigeeda iyo ninkeeda u soo adeegatay. Bal ka warrama dumar
Islaam sheegan gaadiid aan la kala xishooneyn, isku soo ciriirin,
iyadoonan adag ayan jirin, amaba leh taraawiix baynu u soconnaa –
haweenta mu’minadda dhabta ahi waa tii gurigeeda ku tukata haddii ayan
si Ilaahay raalli ka yahay masjidka ku soo gaareyn.
Cutubka Lixaad:
Sakada iyo Faa’idooyin keeda
Sakadu waa farad waajib ah ee ka mid ah
faraa’idda Ilaahay, ina saaray. Waana mid ka mid ah tiirarka Islaamka,
uguna muhiimsan labada shahaado iyo salaadda kaddib:
Waxayna waajibnimadeeda ku caddahay oo lagu qeexay kitaabka Ilaahay ee Qur’aanka iyo Sunnada rasuulkiisii (SCW).
Qofkii inkira ee qiri diida
waajibnimadeeda ee yiraahda waajib ma aha gaalow, islaamkiina sidaa kaga
bax, markaana labaa la kala doorin: inuu ka toobad keeno hadalkaa ama
dil baa lagu xukumi, maadaamuu riddoobay, diintiina ka noqday.
Qofkiisa mudulnimo awgeed (bakheylnimo)
la bixin waayo, ama si dhan aan u gudan, ee wax ka reebta sako ku
waajibtay, wuxuu ka mid noqon daalimiintaa cuquubada Ilaahay mudan iyo
cadaabtiisa.
Wuxuu yiri sarreeye Ilaahay:
وَلاَ
يَحْسَبَنَّ الَّذِينَ يَبْخَلُونَ بِمَا آتَاهُمُ اللَّهُ مِن فَضْلِهِ
هُوَ خَيْرًا لَّهُمْ بَلْ هُوَ شَرٌّ لَّهُمْ سَيُطَوَّقُونَ مَا
بَخِلُواْ بِهِ يَوْمَ الْقِيَامَةِ وَلِلَّهِ مِيرَاثُ السَّمَاوَاتِ
وَالأَرْضِ وَاللَّهُ بِمَا تَعْمَلُونَ خَبِيرٌ
[Suuradda (3aad) Aali Cimraan, 180]
Macnaha aayadda waxaa weeye:
“Yeynan
moodin kuwaa bakheylaya, deeqda iyo galladda Eebbe siiyey, aan xaqu lagu
leeyahay ka bixineyn, sida sakada iwm inay kheyr la hareen, balse waa u
shar deeqdaa ay bakheyleyn, waynu ku maran doonaan ee lagu cadaabi
hantidaa iyo deeqdaa ay bakheyleen maalinta qiyaamaha.”
Waxaana ku soo arooray Saxiixul Bukhaariga:
Macnaha xadiiska waxaa weeye:
‘‘Waxaa Abii Hureyrah – Ilaahay ha ka raalli noqdee – laga soo xigtay, inuu rasuulkii Ilaahay (SCW) yiri: “Qofkii
Ilaahay uu maal siiyey, aanse sako ka bixin, wuxuu Ilaahay uga
suureeyaa maalkiisa ugana dhigaa maalinta qiyaamaha mas labood ah,
tintii madaxiisa ay ka hoobatay, ee aan wax timo ah madaxa ku laheyn,
sun badni iyo da’ weyni awgeed, dhibco madowna ku leh indhaha dushooda,
intuu isku maro qofkaa muslimiinta sakada ka bakheylay, afka iyo labada
dibnood ka qabto ayuu wuxuu ku oran: ‘Maalkaagii baan ahay, kaydkaad
dhigatay baan ahay ee aad ka soo tagtay Sakada aadan ka bixin.’’
Wuxuuna yiri sarreeye Ilaahay:
وَالَّذِينَ يَكْنِزُونَ الذَّهَبَ وَالْفِضَّةَ وَلاَ يُنفِقُونَهَا فِي سَبِيلِ اللَّهِ فَبَشِّرْهُم بِعَذَابٍ أَلِيمٍ ٣٤،
يَوْمَ يُحْمَى عَلَيْهَا فِي نَارِ جَهَنَّمَ فَتُكْوَى بِهَا
جِبَاهُهُمْ وَجُنُوبُهُمْ وَظُهُورُهُمْ هَذَا مَا كَنَزْتُمْ
لأَنفُسِكُمْ فَذُوقُواْ مَا كُنتُمْ تَكْنِزُونَ ٣٥
[Suuradda (9aad) at-Towbah, 34/35]
Macnaha aayaddana waxaa weeye:
“Kuwa
dahabka iyo qalinka – maalka – kaydin aan sakada Ilaahay ku waajib
yeelay ka bixineyn, waxaad ugu bishaareysaa cadaab xanuun badan, maalin
lagu kululeenayo naarta jahannama, markaa baa foolalkooda,
dhinacyadooda, dhabarradooda lagu gubi oo lagu kaawayadeen, laguna oran,
‘Waa waxaad naftiinna u dhigateen, ee bal dhadhamiya dhibka waxaydun
keydineyseen.’”
Wuxuu yiri rasuulkii Ilaahay (SCW):
“Qofkii geel lahaa sako ku
waajibtayna aan ka bixin inta qofkaa caloosha loo seexiyo, marna
dhabarka, gacmahana loogu fidiyo dhul siman ayaa geeliisii oo orod iyo
xoog badan lagu soo deyn oo ay ku dul tuman, kuna durdurin, kolkay tii u
dambeysay dul marto oo ay ku tumato, baa tii ugu horreysay kusoo
laaban, sidaa bayna ugu durdurin geeliisii, uguna tuman qofkaa sakada
aan ka bixin, iyagoo isu daba maraya, tan iyo inta loo kala garsoori
addoommada maalin qaddarkeedu yahay konton kun oo suno, maalmaha aad
tirsataan oo kale ah, isagoo dhibkaa iyo cuqubadaa ku jiri, kaddib ayuu
jannada ama naarta dhabbaheeda qaadi, oo uu geli midduu Ilaah ka
muteystay iyadoo loo eegi siduu camalkiisa kale ahaa.
Qofkii ari lahaana, sako ku waajibtay
aan ka bixin, inta qofkaa caloosha loo seexiyo, marna dhabarka,
gacmahana loogu fidiyo dhul siman ayaa arigiisii oo xoog iyo hilib badan
lagu soo deyn oo ay ku dul durdurin kuna tuman iyagoo qoobabkooda la
dhacaya, geesahoodana ku hirdinaya, kumana jiri doonaan ari geesa
qalloocan, ama aan geesa laheyn, kolkay tii u dambeysay ay ku tumato
iyadoo ku dili qoobabkeeda, kuna hirdin geesaheeda, baa tii ugu
horreysay ku soo laaban, sidaa buuna cadaabtaa iyo dhibkaa ugu jiri tan
iyo inta loo kala garsoori addoomada, maalin qaddarkeedu yahay kanton
kun oo sano maalmaha aad tirsataan oo kale ah, kaddib ayuu jannada ama
naarta dhabbaheeda qaadi oo uu geli, hadba midduu Ilaahay ka muteystay
iyadoo loo eegi siduu camalkiisa kale ahaa.”
Wuxuuna ku soo wariyey Muslim qowlka rasuulka (SCW):
Macnaha xadiiska waxaa weeye:
“Qofkii
geel ama lo’ ama ari lahaa aan sakadeeda bixin waxaa lagu salladi iyagaa
xoog badan, buuranna, markaa bay ku dili qofka geesahooda, lana dhici
cagafyahooda iyo qoobabkooda kolkay tii u dambeysay ay ka faaruqdo baa
waxaa ku soo laaban tii ugu horreysay, dhibkaa iyo cadaabtaa buuna ku
jiri tan iyo inta loo kala garsoori dadka.”
Taana waa ciqaabta qofka sakada aan dan u
galin kana bakheyla walaalahi muslimiinta, isagoo sidaa ugu caasin
Rabbi iyo rasuulki, cadaawadna ugu muujin muslimiinta, iyo inayan
walaaltooyo ka dhaxeyn. Ciqaabtiisa adduunkana waa in xoog iyo sandulle
looga qaado iyo dagaal taana waxaa fulinteeda iska leh hoggaanka
jamaacada muslimka, markaana waa labo qofkaa sakada bakheylnimo u
diiday: inuu ku halaagsamo dagaalkaa, ama sakada oggolaado. Waxaynuna
ognahay in Abii Bakar as-Siddiiq – Ilaahay ha ka raalli noqdee – uu la
dagaalay qolooyinkii diinta ka noqday, dhimashadii nebiga (SCW) kaddib
ee sakada diiday.
Uuna yiri:
Macnaha hadalka Abii Bakarna waxaa weeye:
“Wallaahi hadday ii diidaan waxar keliyaay waqtigii rasuulka bixin jireen, sako ku waajibtayna ah, inaan kula dagaali!”
Waxaana sidaa ku waafaqay asxaabtii oo
dhan – Ilaahay ha kawada raalli noqdee – wada jir bayna ula dagaaleen
qolooyinkii riddoobay, oo uma ayan kala ayan harin. Waxaana ku soo
arooray Saxiixul Muslimka ee iyadana muujin ciqaabta qofka sakada aan
bixin xadiiskan.
Macnaha xadiiskana waxaa weeye:
“Qof
kasta oo dahab ama qalin – ama maal u saaxiib ahaaday – xaqa Ilaahay aan
ka gudan sida sakada iwm, wuxuu Ilaahay ku abaal mariyaa maalinta
Qiyaamaha inuu xoolahiisa kaga dhigo weelal dab ah, lagu soo kuleleyn
naarta jahannama, markaa baa lagu gubi, laguna kaawiyadeen foolkiisa,
dhinacyadiisa, iyo dhabarkiisa, kolkay yari qaboobaanba dib baa loo
kululeyn, cadaabtaa buuna ku jiri maalin dhererkeeda la eg yahay konton
kun oo sano, tan iyo inta loo kala garsoori addoommada.”
Sakaduna waxay leedahay faa’idooyin
badan, mid diineyd, mid dhaqan iyo dhaqaale, iyo mid bulshaba. Waxaynuna
ka xusi arrimahan soo socda:
Waxaa ka mid ah faa’idooyinkeeda diinta:
- Waa fulin iyo oogid tiir ka mid ah tiirarka Islaamka ee uu qofku ku helayo ladnaan adduunyo iyo liibaan aakhiro.
- Waxay qofku u dhoweyn Rabbigiisa,
kordhin iimaankiisa, arrintaa oo ay kala mid tahay falidda arrimaha kale
ee Ilaah inoo xilsaaray.
- Wuxuu qofku ku muteysan ajar badan iyo gallad Eebbe iyo xoolaha oo u barakooba (tarma).
Wuxuu yiri sarreeye Ilaahay:
” يَمْحَقُ اللَّهُ الرِّبَا وَيُرْبِي الصَّدَقَاتِ وَاللَّهُ لاَ يُحِبُّ كُلَّ كَفَّارٍ أَثِيمٍ ”
[Suuradda (2aad) al-Baqarah, 276]
Macnaha aayadda waxaa weeye:
“Alla ribada wuu baraka tiraa, sadaqaadkana koriyaa, sawaab aakhiro ee badanna qofkiisa kaga qoraa.”
Sidoo kale wuxuu yiri sarreeye Ilaahay:
وَمَا
آتَيْتُم مِّن رِّبًا لِّيَرْبُوَ فِي أَمْوَالِ النَّاسِ فَلا يَرْبُو
عِندَ اللَّهِ وَمَا آتَيْتُم مِّن زَكَاةٍ تُرِيدُونَ وَجْهَ اللَّهِ
فَأُولَئِكَ هُمُ الْمُضْعِفُونَ
[Suuradda (30aad) ar-Ruum, 39]
Macnaha aayadda waxaa weeye:
“Waxaad
ribo ahaan u bixiseen, si dadka dhexdooda ay maalkiinna ugu kordhaan,
Ilaahay xaggiisa idiin kagama kordhayaan, waxaadse sako ahaan ula
baxdeen, idinkoo wajiga Ilaahay ku doonaya, kuwaa weeyaan, kuwa aan u
laba laabayo ajarka iyo kheyrka ay la yimaadeen.”
Wuxuuna yiri nebi Maxamed (NNDHA):
Macnaha xadiiskuna waxaa weeye:
“Qofkii
saddaqo ahaan ula baxa xabbad timir ah qaddarkeed, uu xalaal ku
kasbaday, Ilaahayna ma aqbalo waxaan kasab xalaal ah aheyn, Ilaahay
midigtiisuu ku qaataa, kaddibna u koriyaa ciddii la baxday, sida midkiin
u koriya ilmaha yara, illaa ay saddaqadiisa noqoto sida buur oo kale.” [Waxaa soo wariyey al-Bukhaari iyo Muslim].
Ilaahay wuxuu qofka ugu cafiyaa gafafkii ka dhacay, uguna dhaafaa dunuubta, siduu yiri rasuulkii Ilaahay (SCW):
عَنْ مُعَاذِ
بْنِ جَبَلٍ ، قَالَ : كُنْتُ مَعَ النَّبِيِّ صَلَّى اللَّهُ عَلَيْهِ
وَسَلَّمَ فِي سَفَرٍ فَأَصْبَحَتْ يَوْمًا قَرِيبًا مِنْهُ وَنَحْنُ
نَسِيرُ ، فَقَالَ : ” أَلا أَدُلُّكَ عَلَى أَبْوَابِ الْخَيْرِ ؟
الصَّوْمُ جُنَّةٌ ، وَالصَّدَقَةُ تُطْفِئُ الْخَطِيئَةَ كَمَا يُطْفِئُ الْمَاءُ النَّارَ ، وَصَلاةُ الرَّجُلِ فِي جَوْفِ اللَّيْلِ
Macnaheeduna waxaa weeye:
“Sadaqadna
– oo loola jeedo sakada waajibka ah iyo sadaqada tadawaca ah ee uu
qofku isagu garto – waxay baqtisaa oo ay ka meertaa qofka dunuubta, sida
ay biyahuba u damiyaan dabka.”
Faa’idooyinka Dhaqan Dhaqaale
Wuxuu qofka kaga mid noqon ehlu kheyrka
samaha iyo sifaalaha wanaagsan lagu tilmaamo. Waxay muujin naxariista
qofka iyo maxabbada uu u hayo walaalahi islaamka ee maxaysatada ah,
qolooyinka naxariista dadka u galana, galladda iyo naxariista ar-Raxmaan
bay ku guuleysan. Waxtarka uu qofku u galo walaalahi islaamka – xoog
ama xoolo ama aqoon kordhin – kay ahaataba, waa sharaf qalbiga sharaxda,
walaalahaa islaamkuna ay kugu jeclaan, maxabbad iyo kalgaceyl kuugu
heyn. Sakadu waxay qofka ka daahirisaa, oo ay ka meyrtaa laxejeclada,
mudulnimada iyo xumahoo dhan.
Siduu yiri sarreeye Ilaahay:
{خُذْ مِنْ أَمْوَالِهِمْ صَدَقَةً تُطَهِّرُهُمْ وَتُزَكِّيهِم بِهَا}
[Suuradda (9aad) at-Towbah, 103]
Macnaha aayaddana waxaa weeye:
“Waxaad
xoolahooda ka qaadda saddaqo – sakada – aad iyaga ku daahirineysid, una
ducee, ducadaadu naxariis bay u tahay, Eebbana waa kii maqal iyo cilmi
badan.”
Faa’idooyinkeeda Bulshannimo
- Waxay dabooli baahida fuqarada ee bulshada ku badan.
- Sakadu waxay xoojisaa muslimiinta, heer wanaagsan gaarsiisaa.
Waxay ka hor istaagi fuqarada inay
xaasidnimo qalbigooda ugu qaadaan walaalahood maalqabeennada ah, waayo
hadday arkaan fuqarada inayan waxba ugu ool hantida maalqabeennada – ha
yaraato ama ha badnaato – waxaa laga yaabaa inay colaad iyo cadaawad
qalbiga ugu qaadaan hantileyda, kolba haddayan tixgelin, danna u galin
xuquuqdooda, ayanna baahi tirin. Haddayse kaydkooda wax ka siiyaan
kolkuu sannad ka soo wareegaba sida bil Soon kasta arrimahaa way
tirtirmi, muxabbad iyo kalgaceylna ka dhaxeyn. Waxay tayo iyo taran
ahaanba u kordhin maalka iyo kheyrka qofka muslimka ah, tixraac qowlka
rasuulkii Ilaahay (SCW):
Oo macnaheedu yahay:
عَنْ أَبِي هُرَيْرَةَ ، قَالَ : قَالَ رَسُولُ اللَّهِ صَلَّى اللَّهُ عَلَيْهِ وَسَلَّمَ :
.مَا نَقَصَتْ صَدَقَةٌ مِنْ مَالٍ ، وَلا زَادَ اللَّهُ عَبْدًا بِعَفْوٍ إِلا عِزًّا ، وَلا تَوَاضَعَ أَحَدٌ لِلَّهِ إِلا رَفَعَهُ اللَّهُ
“Saddaqo maal kuma nuqsaamo.”
Oo hadday tiro ahaan u naaqisto, tayo iyo
taran ahaan u naaqusin meyso, balse Ilaahay kheyr kale oo tarma buu
qofka ugu hibeyn. Faa’idooyinka kor ku xusan waxay inoo muujin ahmiyadda
ay sakada u leedahay nolosha qofka iyo bulshadaba ee mahad Ilaahay
hanaga gaadho, Allahaa xigmadda iyo cilmiga aan la koobi karin u saaxiib
ahaaday.
Maalka ay Sakadu ku Waajibto
Maalka ay sakadu ku waajibto, waxaa
inoogu faahfaahiyey qowl iyo ficil iyo qiridba rasuulkii Ilaahay (SCW),
waayo Qur’aanka si guud ayuu Ilaahay kaga hadlay sakada, oo kuma
faahfaahin, waayo sunnada nebiga ayaa leh caddeynta iyo faaqidaadda,
siduu Ilaahay subxaanahu watacaalaa inoo sheegay, oo ay aayaddani
muujin:
” وَأَنزَلْنَا إِلَيْكَ الذِّكْرَ لِتُبَيِّنَ لِلنَّاسِ مَا نُزِّلَ إِلَيْهِمْ وَلَعَلَّهُمْ يَتَفَكَّرُونَ ”
Macnaha aayaddana waxaa weeye:
“Waxaynu
kugu soo dejinnay xuskan – sharafta iyo qiimaha ah – Qur’aanka, si aad
dadka ugu caddeyso, waxa xagga Rabbigood kaga yimi, waxay mudan inay
wanaagga garowsadaan, xaqaana u dhug yeeshaane.” [Suuradda (16aad) al-Naxl, 44].
Waxaana ka mid ah aayadaha dadka faraya
sakada iyadoo si kooban -ee u baahan in la faaqido – kaga hadashay
sakada, mowduucaa sadaqaadka si guud u soo qaadan – ee u baahan in si
gaar ah loo biyaamiyo, qowlka sarreeye Ilaahay:
”يَا أَيُّهَا الَّذِينَ آمَنُواْ أَنفِقُواْ مِن طَيِّبَاتِ مَا كَسَبْتُمْ وَمِمَّا أَخْرَجْنَا لَكُم مِّنَ الأَرْضِ”
[Suuradda (2aad) al-Baqarah, 267]
Macnaha aayaddana waxaa weeye:
“Kuwa Eebbe rumeeyow wax ka bixiya waxa xalaal idinku soo galay ee aad shaqeysateen, iyo waxaynu dhulka idiinkaga soo saarnay.”
Waxay aayaddu taabatay in sako laga
bixiyo hantida uu qofka leeyahay, iyo waxa dhulka kaga soo baxay. Sidoo
kale wuxuu sarreeye Ilaah yiri:
” يَا أَيُّهَا الَّذِينَ آمَنُواْ أَنفِقُواْ مِمَّا رَزَقْنَاكُم ”
[Suuradda (2aad) al-Baqarah, 254]
Macnaha aayadduna waxaa weeye:
“Kuwa Eebbe rumeeyow wax ka bixiya deeqdaynu idin siinnay.”
Waxay aayaddan ina fari inaynu wax la
baxno guud ahaan, haddaba waxaa soo geli sako, saddaqo iskaa ah iyo
qeyrkoodba. Aayadda hore ma ayan caddeyn inta ay la eg yihiin hantida
iyo xoolaha ay sakadu ku waajibi oo la yiraahdo NASAAB, nasaabkuna waa
qaddarka hadday hantida iyo xoolaha ay gaaraan sakada laga bixin, sidoo
kale aayaddu ma ayan caddeyn, waxa dhulka ka soo baxa ee sakada laga
dooni sida sareenta, iyo timirta, iyo waxa aan sakada laga dooneyn sida
khudradda iyo fawaakihda, – tusaale ahaan.
Aayadda labaadna si guud ayey u amartay in wax lala baxo oo ma ayan qeexin:
In loola jeedo nafaqadaa la bixin sakada
iyo in kale, haddii sakada loola jeedo maxaa sako laga bixin? Noocma?
Immise ayaa laga bixin? Arrimahaana waxaa u xilsaarsan sunnada nebiga
(NNEDHA) inoona biyaamisay:
Waxaa sako in laga bixiya leh, oo ay ku waajibtaa:
- Dahabka iyo
- Qalinka iyo
- Lacagaha kala duwan.
… ee Silcidaha – badeecadaha – iibka u
bandhigan iyo kuwa keydka ah ee qiimaha wanaagsan lala dooni, muddana
ooli kara. Maal dhulka hoosti ku aasnaa ee la helay, waxaana la yiraa
Rakaaz oo ah hanti ay dadkii hore aasteen. Macaadinta waxtarka leh, sida
birta, batroolka, dhuxul dhagaxeedka iwm.
Xoolaha oo ah:
Miraha dhulka ka baxa ee quudashada iyo kaydsashada gala sida sarreenta, galleyda, timirta, masaggada iyo sisinta.
Goormey Sakadu Waajibtaa?
Cutubka Todobaad:
Hantida ay Sakada ku Waajibto
Iyo Inta Sako ahaan Looga Bixin
Sakada ku waajibka ah hantida qofka
muslimka ah, waxay leedahay sharuud lagama maarmaan ah in la helaa,
sakaduna ku waajib noqon meyso hantidaa haddii sharuuddaa la waayo,
sharuuddaa oo ah:
Lahaansho dhan oo ah inay hantidaa ku
jidho gacanta cidda leh, xor u yahay maamulkeeda, waxaana soo geli
lahaanshada dhan iyo maalka gacantaada ku jira, amaah aad ku leedahay
dad aad kolkaad doonta ka heli kadho, ee inay iska bixiyaan awooda,
iyaguna aan inkirsaneyn. Bislaanshaha miraha beeraha, waayo sako lagama
doonayo miraha intayan adkaan, iyo sidoo kale timirta intayan bislaan oo
ayan ceyriin bixin.
Wuxuu yiri sarreeye Ilaahay:
” وَآتُواْ حَقَّهُ يَوْمَ حَصَادِهِ ”
[Suuradda (6aad) al-Ancaam, 141]
Macnaha aayaddana waxaa weeye:
“Xaqa lagu leeyahay ka baxsha maalinta aad beerta goyneysaan.” [Suuradda al-Ancaam].
Inay sannad ka soo wareegtay – xoola –
nasaabka uu qofku milkaday, nasaabkuna, sidaynu horay u soo sheegnay waa
inta hadday hantidu gaadho sako laga dooni. Shardigan ah in sannad
kastaba sakada laga bixiyaa waxay ku kooban tahay dahabka, qalinka,
lacagta, xoolaha iwm. Inay qaddar ahaan nasaab gaaraan, oo ah xadka
maalka hadduu gaaro sakadu ay ku waajibto, nasaabkuna mid ma aha oo
wuxuu ku xiran yahay hadba waxa sakada laga bixin, tusaale ahaan
nasaabka xoolaha la mid ma aha kan dahabka, qalinka, lacagaha iyo miraha
beeraha, waxaynuna si gaar ah kaga hadli mid waliba nasaabkeed, oo ah
inta hadday gaaraan sako laga dooni.
Dahabka iyo Qalinka
1- Dahabka:
Nasaabka dahabka – hadduu ceyriin yahay
iyo haddii kaleba – wuxuu ahaa berigii rasuulka (SCW) labaatan Diinaar, –
Diinaarkaa oo dahab ahaa – halkii Diinaarna wuxuu la ekaa,
miisaankiisuna ahaa toddobatan iyo labo (72) xabbo oo sareen meel
dhexaad la il bixiyey ah, miisaankeeduna yahay garaam ahaan seddex
garaam iyo bar, taqriiban.
Sidaa awgeed, haddii seddex garaam iyo
bar lagu dhufto labaatan Diinaar, waxay noqon toddobaatan garaam, oo ah
qaddarka hadduu dahabka la eg yahay la dooni in sakada laga bixiyo,
sidaa awgeed qofkii leh dahab gaaraya toddobaatan garaam ama lacag goysa
ama ka badan, xowlna uu ka soo wareegay (sannad) waxaa ku waajib ah
inuu sako ka bixiyaa… sakada ku waajibka ah dahabkana waa boqolkiiba
laba iyo bar, sidaa daraaddeed waxaa ku waajib ah toddobaatankaa garaam
laba garaam oo rubuc la’.
Waxii toddobaatan ka batana waa iyaga iyo
xisaabtooda, intay gaaraanba, boqolkii garaamba waxaa laga dooni labo
iyo bar garaam, ama dhigankood oo lacag ah.
2- Qalinka:
Nasaabka qalinkana waa shan waqiyadood,
waqiyaddiina waxay aheyd afartan Dirham oo qalin ah waqtigii rasuulka
(SCW), marka kolkii afartan lagu dhufto shan waqiyadood, waxay noqon
laba baqol oo Dirham,, oo ah nisaabka qalinka.
Tixraac xadiiska rasuulkii Ilaahay (SOW):
Macnaha xadiiska waxaa weeye:
“Shan waqiyadood waxii ka yar sako kuma waajibto.”
Halkii Dirham wuxuu miisaankiisa ahaa kow
iyo konton xabbo oo sareen ah, garaam ahaan dhan labo garaam iyo tobon
dhig seddex dhig garaam (2.3) markii lagu dhufto laba boqol oo Dirham
waxay noqon afar boqol iyo lixdan garaam oo ah nasaabka qalinka. Waxaana
sako ahaan laga bixin boqolkii laba iyo bar sida dahabka.
Sidaa awgeed, waxaa laga dooni afar boqol
iyo lixdankii garaam ee qalin ahba sako dhan kow iyo toban garaam iyo
bar, ama dhigankood lacagtaa wareegeysa ah, sidaa daraaddeed qofkii leh
afar boqol iyo lixdan garaam oo qalin ah ama lacag goyn karta xoolna
(sannad) uu ka soo wareegay, waxaa ku waajib ah inuu sako ka bixiyaa
dhan boqolkiiba labo iyo bar.
Geela
Geela hadduu tiro ahaan shan neef gaaro sakaa ku waajibta, tixraac qowlka rasuulkii Ilaahay (SCW):
Macnaha xadiiska waxaa weeye:
“Geelu hadday shan neef hoos ugu dhacaan sako laguma leh.”
Sidaa awgeed, nasaabka geelu waa shan
neef, qofkii leh shan neef oo geel ah waa inuu kolkuu xool – sannad –
soo wareegaba, sako ka bixiyaa dhan neef ari ah.
Lo’da
Lo’da nasaabkeedu waa hadday soddon neef
gaaraan, qofkii soddon neef oo lo’ ah leh sannadna ay ka soo wareegtay
lahaanshadaa waa inuu sako ka bixiyaa. Sakadeeduna waa weyl ama dibi gu’
jir ah, waxaana u daliil ah xadiiskan Mucaad – Ilaahay ha ka raalli
noqdee:
Macnaha xadiiska Mucaadna waxaa weeye:
“Wuxuu ii diray rasuulkii Ilaahay
(SCW) Yaman, wuxuuna i amray inaan soddoonkii neef ee lo’ ah ka qaado
dibi ama weyl gu’ jir ah, afartankii neef ee lo’ ahibana qaalin neef lo’
ahoo laba jir ah.”
Ariga
Arigana waxay sakadu ku waajibtaa oo
nasaab u ah afartan neef. Ciddii afartan neef oo ari ah leh, riyo iyo
ido ama isku dhex jir waxay ahaadaanba, sannadna ka soo wareego, waa
inuu sako ka bixiyaa dhan ceesaan neef ari ah oo sannad dhammeystay,
sannadkii labaadna gashay. Tixraac xadiiskan Anas – Ilaahay ha ka raalli
noqdee:
Macnaha xadiiska waxaa weeye:
“Sakada arigana waxaa laga bixin
kuwooda daaqa, hadday afartan neef gaaraan illaa iyo boqol iyo labaatan
neef, neef keliya, tirada 120 ka badan illaa iyo labo boqol (200) waxaa
sako ahaan looga bixin laba neef oo ari ah.” [Waxaa soo wariyey al-Bukhaari – Ilaahay ha u naxariistee].
Miraha
Miraha beeraha ka soo go’a nasaabkoodu waa hadday gaaraan shan owsuq, tixraac qowlka rasuulkii Ilaahay (SCW):
Macnaha xadiiska waxaa weeye:
“Wixii shan wisiqadood ka yar sako kuma
waajibto wisuquna waa lixdan koombo, koombadiina waa afar illaa afar iyo
bar mugga laba sacabbadood ruux calaacalo meelo dhexaad ah leh, ama
koombo labo kiilo iyo bar qaad ah.
Sidaa awgeed qofkii leh shan wisiqadood
oo xubuub ah – badar – masaggo, galley, sareen, iwm ee beertiisa uga soo
go’day waa inuu ka bixiyaa sako dhan kolka waxii beerta ka soo go’ay
tobon dhig loo dhigo, dhig taana waa hadday biyaha roobka ama ilaha ay
ka waraabeysay, amaba ay tahay mid iska soo baxda aan biya laga waraabin
haddiise makiinado, qalab iyo ceelal laga waraabinayey markaa waxaa
laga bixin sako dhan kolka mirahaa beerta toban dhig loo dhigo, dhig
barki sidaa awgeed shantii awsuqba waxaa sako ahaan looga bixin wisiq
barki ama rubuci, hadba xaaladda beerta iyo biyaha ay ka waraabtay iyo
qalabka loo adeegsaday.
Waxaana u wanaagsan qofka beeraleyda ah
ee Rabbi iyo rasuulki rumeysan inuu sameysto weel qaadi kara labo kiilo
iyo bar, afar iyo bar mug sacabbo qof calaacalo meel dhexaad leh, uu ku
kiileeyo badarka iyo mirahaa beerta uga soo go’ay lixdankii koombo
markaa waa wisiq, qofkii shan wisiq leh, sako ha ka bixiya dhan nus
wisaq ama rubaci, sidaynu horay u soo sheegnay, haddaba sida waraabku
beerta ahaa, ama ha ka bixiya boqolkii koombaba, toban koombo haddii ay
biyaha roobka iwm ku soo baxday, ama boqolkii koombaba 5 koombo haddii
qalab iyo biyaha ceelasha iwm loo adeegsaday. Waxaana la dooni sidaynu
horay u soo sheegnay inay koombadu tahay afar iyo bar mug qaad sacabbo
ruux calaacalo meel dhexaad ah leh, ama laba kiilo iyo bar qaad ah.
Rakaaska:
Rakaazka waa maal dhulka hoosti ku aasnaa
ee la helay waxaana sako ahaan ku waajibto shan meel, meel. Tixraac
qowlka rasuulka (SCW):
Macnaha xadiiskuna waxaa weeye:
“Rakaaskuna oo ah xoolo dhulka hoosti
ku aasnaa ee laga helay, dadkii horena ay ka tageen waxaa ku waajibta,
sako ahaanna loogo bixin, kolka shan dhig loo dhigo, dhig.”
Sidaa awgeed qofkii helaa kansi dhulka ku
aasan ee ah kayd ay dadkii hore ka tageen, waa in marka la helaba laga
bixiyaa sako dhan boqolkiiba labaatan oo ah shan dhig, dhig.
Macaadinta
Waxaa macaadiinta laga bixin sako dhan
boqolkiiba laba iyo bar sida dahabka, qalinka iyo lacagaha. Ha yeeshee
lalama sugayo xool, oo ah inay sannad ka soo wareegto. Sidaa awgeed,
kolkuu la soo baxaba kaa macdanlaha ah qayb dhan nasaabka dahabka ama
qalinka, horay buu sakadooda ka bixin oo la sugi mahayo inuu sannad ka
soo wareego – xool.
Xulyadda:
Oo ah dahabka iyo qalinka iwm ay dumarka
xidhaan, sakana waxay ku waajibi haddii uu nasaab gaaro, qofkaa
dumarkana ay kayd ahaan ula jeeddo, xirashadeeda ka sakow, ayanna cidna u
oggoleyn inay amaahiso oo ay tabal caaro ahaan u siiso. Sidaa awgeed
hadday xulyaddaa ah dahabka ama qalinka iwm ay dumarka xidhaan ayan
dhammeyn nasaab, ama isku qurxin keliya loola jeedo, inay cid amaahisana
ayan waxba ka qabin markaa sako lagama doonayo.
Masaaladdani waa masalad laysku khilaafay
waxaana jira adillo xoog leh ee muujin inay sako ku waajibto dahabka,
qalinka iyo xulyadda ay dumarka xidhaan kolba hadday nasaab gaari, sidaa
awgeed waxaa door roon. u shaki bax ah haweenta muslimadda ah inay sako
ka bixiso dahabka ama xulyaddeeda hadday nasaab gaadho 70 Garaam oo
dahab ah ama 460 Garaam oo qalin ah ama ka badanba, isku qurxin ha ula
jeeddo ama yeyan ula jeedine.
Caddeyn La Xiriidha
Sakada Xoolaha
Geela:
Qofka muslimka ah hadduu leeyahay geel
tiro ahaan gaari shan neef illaa iyo sagaal neef oo geel ah, sannadna ay
ka soo wareegto lahaanshadaa, waxaa ku waajib ah inuu sako ka bixiyo
dhan neef ari ah. Hadduuse leeyahay toban neef illaa iyo afar iyo toban
neef oo geel ah, waxaa ku waajib ah inuu sako ka bixiyo dhan laba neef
oo ari ah. Hadduu leeyahay shan iyo toban neef illaa iyo sagaal iyo
toban neef oo geel ah, waxaa ku waajib ah inuu ka bix iyo sako dhan
seddex neef oo ari ah.
Hadduu leeyahay labaatan neef illaa iyo
afar iyo labaatan neef oo geel ah waxaa ku waajib ah inuu ka bixiyo sako
dhan afar neef oo ari ah. Hadduu leeyahay shan iyo labaatan neef illaa
iyo soddon iyo shan neef oo geel ah, waxaa ku waajib ah inuu ka bixiyo
sako dhan nirig gu’ jir ah sannad dhammeysatay, sannadkii labaadna u
gashay. Hadduusan geeliisa ka dhex helin nirigtaa oo kale wuxuu bixin
qurbac – neef geel oo lab ah laba jir – 2 sano dhammeysatay, gu’gii
seddexaadna ay u billaabatay.
Kolkay tirada geelu gaaraan soddon iyo
lix (36) illaa iyo shan iyo afartan neef oo geel ah, waxaa ku waajib ah
inuu ka bixiyo sako dhan qaalin – neef geel oo dheddig ah labo sano
dhammeysatay, gu’gii seddexaadna ay u billaabatay. Kolkay tirada geelu
gaaraan lix iyo afartan illaa iyo lixdan neef oo geel ah, waxaa ku
waajib ah inuu ka bixiyo sako dhan qaalin – neef geel oo dheddig ah –
seddex sano dhammeysatay, gu’gii afaraadna ku jidha.
Kolkay tirada geelu gaaraan kow iyo
lixdan illaa iyo shan iyo toddobaatan neef oo geel ah, waxaa ku waajib
ah inuu ka bixiyo sako dhan qaalin afar sano dhammeysatay, gu’gii
shanaadna ku jidha. Kolkay tirada geelu gaadho lix iyo toddobaatan illaa
iyo sagaashan neef oo geel ah, waxaa ku waajib ah inuu ka bixiyo sako
dhan laba qaalmood oo laba jirra ah gu’gii seddexaadna u socda. Kolkay
tirada geelu gaadho sagaashan illaa iyo boqol iyo labaatan neef oo geel
ah, waxaa ku waajib ah inuu ka bixiyo labo qaalmood ee seddex jirra ah,
gu’gii afaraadna u billowday.
Kolkay tiradu boqol iyo labaatan kor u
dhaafto, afartankii neef oo geelaba, waxaa laga bixin qaalin – neef geel
oo dheddig ah ee laba jir ah, gu’gii seddexaadna u billowday, kontonkii
neef oo geelana, waxaa laga bixin qaalin seddex sano dhammeysatay
gu’gii afaraadna u socdo. Halkanna waxaynu ku soo qaadan qorshe
muujinaya tirada geela iyo sakada waajibka ah in laga bixiyaa:
Qorshaha Tiro (1)
ee Muujinaya Sakada Geela
Tirada ka billaabata illaa iyo sakada laga bixin sannadkiiba waa:
- 5 9 neef ari ah
- 10 14 laba neef oo ari ah
- 15 19 saddex neef oo ari ah
- 20 24 afar neef oo ari ah
- 25 35 nirig gu’ jir ah – gu’gii labaadna u socdo ama qurbac laba jir ah, gu’gii seddexaadna ku jira
- 36 45 qaalin laba jir ah, gu’gii saddexaad gashay
- 46 60 qaalin saddex jir ah gu’gii afaraadna ku jidha
- 61 75 qaalin afar jir ah gu’gii shanaadna ku jidha
- 76 90 laba qaalmoodoo laba jirra ah, gu’gii saddexaadna ku jira
- 91 120 laba qaalmoodoo saddex jirro ah gu’gii afaraadna ku jira
Hadday tirada geelu dhaafto boqol iyo
labaatan waxaa waajib ah in afartankii neef oo geelaba laga bixiyo
qaalin labajir, gu’gii seddexaadna ku jidha, kontonkii neef oo geelana
qaalin seddexjir ah, gu’gii afraadna ku jidha.
(B) LO’DA
Qofkii muslim ahee leh soddon neef illaa
iyo soddon iyo sagaal neef oo lo’ ah, waxaa ku waajib ah inuu ka bixiyo
sako dhan dib gu’ jir ah, hadduu leeyahay qofkaa afartan illaa iyo
sagaal iyo konton neef oo lo’ah, waxaa ku waajib ah inuu ka bixiyaa sako
dhan weyl laba jir ah. Hadduuse leeyahay lixdan illaa iyo sagaal iyo
lixdan neef oo lo’ ah, waxaa ku waajib ah inuu ka bixiyaa sako dhan labo
dibiyoo gu’ jirra ah.
Hadduu leeyahay toddobaatan illaa iyo
sagaal iyo toddobaatan neef oo lo’ ah, waxaa ku waajib ah inuu ka
bixiyaa sako dhan weyl laba jir ah iyo dibi gu’ jir ah. Intaa kaddib
soddonkii neef oo lo’ ahiba, waxaa laga bixin sako dhan dibi gu’ jir ah,
afartankii neef ee lo’ ahina weyl laba jir ah, sidaa baa lagu socon
intay gaaraanba. Halkanna waxaynu ku soo qaadan qorshe kale ee muujinaya
tirada lo’da iyo sakada waajibka ah in laga bixiyaa.
Qorshaha Tiro (2)
ee Muujinaya Sakada Lo’da:
Tirada ka billaabata illaa iyo sakada laga bixin sannadkiiba waa:
- 30 39 dibi gu’ jir ah
- 40 59 weyl laba jir ah
- 60 69 laba dibiyoo qu’ jirra ah
- 70 79 weyl laba jir ah iyo dibi gu’ jir ah
Kaddib hadday tirada lo’da gaadho
siddeetan iyo ka badan, waxaa laga bixin soddankii neef lo’ ah dibi gu’
jir ah, afartankiina weyl laba jir ah, sidaa awgeed siddeetankii neef oo
lo’ ah laba weylood oo laba jirra ah ayaa sako ahaan looga bixin,
sagaashankiina seddex dibi oo gu jirra, boqolkiina weyl laba jir ah iyo
laba dibiyoo ee gu’ jirra ah.
(C) ARIGA
Qofkii muslim ahee leh afartan illaa iyo
boqol iyo labaatan neef oo ari ah, waxaa ku waajib ah inuu ka bixiyaa
sako dhan neef ari ah, hadday boqol iyo labaatan dhaafaan tirada ariga
ah illaa iyo labo boqol oo neef, waxaa waajib ah in laga bixiyaa sako
dhan labo neef oo ari ah, hadday labo boqol tiradu dhaafto ilaa iyo
seddex boqol waxaa waajib ah in laga bixiyaa sako dhan seddex neef oo
ari ah, hadday seddex boqol tiradu dhaafto illaa iyo afar boqol, waxaa
waajib ah in laga bixiyaa sako dhan afar neef oo ari ah, hadday tiradu
dhaafto afar boqol illaa iyo shan boqol, waxaa waajib ah in laga bixiyaa
sako dhan shan neef oo ari ah, shan boqol arigu hadduu kor u dhaafo,
boqolkii neef oo ari ahba neef ayaa laga bixin. Halkanna waxaynu ku soo
qaadan qorshe muujinaya tirada ariga iyo sakada waajibka ah in laga
bixiyaa.
Qorshaha Tiro (2)
ee Muujinaya Sakada Ariga:
Tirada ka billaabata illaa iyo sakada laga bixin sannadkiiba waa:
- 40 120 neef ari
- 121 200 laba neef oo ari ah
- 201 300 saddex neef oo ari ah
- 301 400 afar neef oo ari ah
- 401 500 shan neef oo ari ah
Arrimo la xiriira sakada xoolaha:
Midda hore:
Tirooyinka dhex yaalka ah sako lagama
doonayo. Tirada dhex yaalka ah waa tirada u dhaxeysa tirooyinka sakada
la saaray, laguna farad yeelay. Waxaana laysku raacsan yahay inayan sako
ku waajibin, tirooyinka dhex yaalka ah waxay gaar ku yihiin oo keliya
sakada xoolaha, sakadase laga bixiyo miraha beeraha, dahabka, qalinka
iyo lacagaha, tirooyin dhexyaal ah ma leh, waxii nasaabkaa qaddaran ka
kordhana, hadba intay dhan yihiin baa sako looga bixin, ama ha yaraato
ama ha badnaatee…
Tusaale tiro dhex taal ah haddaynu geela
ka soo qaadanno waa sida qof muslim ah oo leh sagaal neef oo geel ah,
wuxuu sako dhan neef ari ah ka bixin shan neef oo geel ah, afarta
hadhayse waxba kama bixinayo illaa ay tirada geelu korodho oo ay noqdaan
toban, markaa waxaa laga bixin sako dhan labo neef oo ari ah… Haddaynu
tusaale lo’da ka soo qaadanno, waa sida qof muslim ah oo leh soddon neef
oo lo’ ah, wuxuu ka bixin sako dhan dibi gu’ jir ah, hadday tiradii
soddonka aheyd mid ama ka badan dhaafto sako laguma leh intaa soddonka
dheer, illaa ay gaaraan afartan.
Sidaa awgeed tirada u dhaxeysa soddon
illaa iyo afartan – lo’daynu ka hadliye – waa dhex taal oo sako laguma
leh. Haddaynuna tusaale ariga ka soo qaadanno, waa sida qof muslim ah oo
afartan neef oo ari ah leh, wuxuu ka bixin sako dhan neef ari ah kolkay
sannad ka soo wareegto, hadday tirada afartan dhaafto, tiradaa dheeriga
ah sako lagama doonayo illaa ay tiradu gaadho boqol iyo labaatan,
markaa baa waxaa laga bixin sako dhan laba neef oo ari ah. Sidaa awgeed
tirada u dhaxeysa afartan illaa iyo boqol iyo labaatan -arigaynu ka
hadliye waa dhex taal oo sako laguma leh.
Arrinta labaad: In
noocyadii is lehba laysu geeyo tusaale ahaan idaha iyo riyahu waa laba
nooc waase laysku wada tirin, oo laysku dari midna laga soo qaadi,
waxaana sako ahaan loo bixin labadaa hadba kii tiro ahaan badan.
Arrinta seddexaad:
Qolooyinka ay xoolaha isugu jiraan iyagaa dib isugu laaban – ee kaga
wada xisaabtami. Tusaale ahaan, hadday jiraan laba qof oo ay xoolo,
geel, lo’ iyo ari leh isugu jiraan ee uu nin keliya raaco, xoolahaa oo
meel keliya ka wada daaqa, sidaana isugu dhafan, marka wuxuu yeeli saka
ururiyaha, wuxuu ka qaadi sakada waajibka ku ah deeto iyagaa isku laaban
qoladii wada laheyd.
Masalan, hadday isugu jiraan ari tiro
ahaan dhan afartan, wuxuu sako ururiyahu ka qaadi neef ari ah, markaa
buu kii xoolahiisa ceesaanta laga qaaday – neefkaa ariga ah ay ka wada
xistaabtami cidday xoolaha isugu jidhay, waayo sako ururiyaha wuxuu eegi
xoolaha isku jira, tirinna, sakada ku waajibtayna ka qaadi, dabadeedna
waxaa ka wada xisaabtami, oo dib isugu noqon qoladii wada laheyd. Ma
bannaana in xoolo isku jiray la kala saaro, ama xoolo gaar kala ahaa
laysu geeyo si sakada looga baxsado.
Tixraac xadiiskan:
Macnaha xadiiska waxaa weeye:
“Rasuulkii Ilaahay (SCW) wuxuu diiday
oo ka digay in laysu keeno xoolo gaar kala ahaa, ama la kala saaro
xoolo wada jiray, si sakada looga baxsado.”
Haddaynu tusaale arrintaa ka soo
qaadanno, waa sida laba qofoo wada leh, oo ay isugu jiraan ari tiro
ahaan dhan labo boqol iyo laba neef, waxaa ku waajib ah sako dhan seddex
neef oo ari ah kolkayse ka war helaan inuu sako ururiyihii soo hayo,
kala saaraya xoolaha oo mid waliba gaar ula bixi arigiisii, mid waliba
wuxuu yeelan boqol neef iyo neef keliya, markaa baa waxaa ku waajib
noqon laba neef oo ari ah, halkii seddexda neef ay ku waajibi laheyd,
hadday xoolahooda sidii hore isugu jiri lahaayeen.
Ama inuu mid kasta oo iyaga ka mid ah
leeyahay afartan neef oo ari ah ayna u kala soocan yihiin, isuguna
jirin, ha yeeshee kolkay ka war helaan inuu soo hayo sako ururiyihii,
isu geyn xoolahii, si ayan ugu waajibin waxaan neef keliya aheyn, waayo
haddii sidooda loo daayo, oo aan xoolaha laysku darin, waxaa afartankii
neef oo gaar ahba ku waajibi neef ari ah, laakiinse hadday isku daraan,
oo ay mid noqdeen, waxaa ku waajibi siddeetankaa ari ee wada jira, neef
ari ah oo keliya..
Arrinta shanaad:
shardiga daaqa ee xoolaha ku xiran. Waxay qabaan jamhuurta ehlu cilmiga
inay xoolaha daaqooda birriga ay shardi tahay waajib ah in la helaa, si
sako looga qaado…
Sidaa awgeed, qofkii leh xoolo calaf ku nool ah, aan dhirta miran, sako
laguma leh, xataa hadday nasaab – tiradii sakada ku waajibeysay – ay
gaadho.
Tixraac qowlka rasuulkii Ilaahay (SCW):
Macnaha xadiiskana waxaa weeye:
“Hadday qofka xoolahiisa daaqa ee la raaco tiro ahaan ka yar yihiin afartan neef oo ari ah, sako kuma waajibto.” [Waxaa soo wariyey al-Bukhaari].
Marka qowlka rasuulka ee ah – qofka
xoolahiisa la raaco ee dhirta dhulka ka soo baxa mirta ee daaqa – waxay
ka qaateen jamhuurta in raaciddaa iyo daaqa xoolaha ay shardi tahay
waajib in la helaa, si sako xoolaha looga qaado, oo ay ugu waajibto.
Sidaa bayna ku socdeen, oo sako kama ayan qaadi jirin xoolaha raashin ku
noolka ah, ee la biilo – qoob xirka ah – iyadoo la tixgelinayo qiimaha
raashinka, xerooyinka, shaqaalaha iyo qalabka loo adeegsan naaxinta iyo
nafaqeynta xoolahaa.
Arrinta lixaad: Fardaha sako kuma waajibto, tixraac qowlka rasuulkii Ilaahay (SCW):
Haddiise loogu tala galay tarmin iyo iibin, waxaa jira qowl oranaya sako waa laga bixin, waana sida wanaagsan ee door roon.
Arrinta toddobaad:
waxaraha, tirada waa lagu dari, ha yeeshee sako ahaan looma qaadanayo
iyada iyo xoolaha la nafaqeeyeyba ee hilboon, in la cunaana loogu tala
galay.
Waxartuna waa dheddigoodda ay ri’du
dhashay, ee yaraanka ah, uu ari jirahu gacmahiisa ku qaadi karo
yaraanteeda awgeed, iyo iyadoo aan socon karin. Waxartaa oo kale tiradu
wuu ku darsan sako ururiyaha, ha yeeshee sako ahaan uma qaadanayo,
wuxuuse sako ahaan u qaadan ariga kiisa roon.
Sidoo kale ma qaadanayo ri’da buuran ee
hilibka iyo cunitaanka leh, sidoo kale ma qaadanayo ri’ ilma heysata ee
barbaarin ilmaheeda, sidoo kalena ma qaadanayo ri’ ilma sidda ee xaamil
ah, waayo intaynu xusnay waa xoolaha kuwooda wanaagsan, rasuulkii
Ilaahayna (SCW) wuxuu ku yiri Mucaad – Ilaahay ha ka raalli noqdee:
Macnaha xadiiskuna waxaa weeye:
“lska jir, oo iska ilaali inaad ka qaadato xoolahooda inta wanaagsan.”
Waa xoolaha kuwooda il qabadka leh, sida
gaarka ahna loo tirsado, kana magacaaban xoolaha kale, waayo arrintaa
waa dhib loo geysan maalka qofka muslimka ah, in dhib loo geystaa qofka
muslimka ahna waa xaaraan… kuwa liitana sako ahaan looma bixinayo balse
kuwa meel dheexaadka ah, xagga roonaanta u janjeera.
Caddeyn La Xiriddha
Sakada Laga Bixin Miraha
Iyo Xubuubta Beeraha ka soo Go’a:
A – Miraha
Waxaynu ula jeednaa miraha halakan seddex
waxyaabood oo kala ah timirta, seytuunka (waxay Soomalidu seytuun
yiraahdaan jawaafaha, ha yeeshee seytuunka aynu ka hadli waa kaa
saliidda laga miiro) iyo canabka, waayo qeyrkood kama sugnaan nebiga
(NNEDHA) iyo asxaabtiiba, inay sako ku waajibto – waa miraha dhirta –
qofkii daliil ka dhigta aayadda ku soo aroodhay Suuradda al-Baqara, oo
aynu horay ku soo sheegnay, ee ah qowlka sarreeye Ilaahay:
Ee yiraahda sakada way ku waajibtaa waxaan seddexdaa aheyn, waxaynu
leennahay aayadda waa guud mar, sunnada rasuulkaana caddeysay.
Mana uusan amrin rasuulkii Ilaahay (SCW)
Ansaartii oo beeraley aheyd inay sako ka bixiyaan waxaan aheyn mirahaa,
miraha kalese wax sako ah kama uusan qaadi jirin. Sidaa daraaddeed,
waxay qabeen jamhuurta inayan sako ku waajibin fawaakihda, sida tufaaxa,
rummaanka, iyo, sidoo kale inayan khudradda sako ku waajibin, sida
qaraha, sidoo kale kuma waajibto sako baquusha sida basasha iyo toonta,
sidoo kale cowska xoolaha sako ma leh.
Waxay sakada ku waajibtaa miraha iyo
xubuubta – badarka – kaydsiga iyo quudashada leh, raashin noqon kara
lagu nool yahay ama la kaydin karo, ha yeeshee cowska xoolaha loo dhigo,
basasha, toonta, tufaaxa, rummaanka, qaraha iwm sako ma leh oo lagama
doonay… Waayo kaydsi iyo raashimasho – quudasho – ma galaan oo hadday
quudasho, raashin galaan, kaydsi bayan galayn, hadday kaydsi galaanna,
quudashayan galeyn, miraha iyo xubuubta inay kaydsi iyo quudasho –
raashimasho – leeyihiin baana laga dhigan karaa tilmaan muujin inay sako
ku waajibto iyo in kale. Quudna waa waxa dadka raashinka u ah ee uu
qofka ku nool yahay hadduu helayaba.
Sakada Laga Dooni Miraha
iyo Xubuubta Beeraha
Sakada ku waajibka ah miraha iyo xabuubta
beeraha waa kolka toban loo dhigo mirahaa dhig, sidaa awgeed qofkii
malkada oo ay u soo go’do qaddar nasaab gaari oo ah shan wisiq oo timir
ah ama sisin ama seytuun, ama canab, waxaa ku waajib ah sako. Hadday ka
waraabto biyaha ilaha, roobka, webiyada, ama dhulka ka qaadato biyaha,
waxaa ku waajib ah sako dhan toban dhig kolka loo dhigo dhig. Haddiise
waraabkeeda ceel iwm ay ka helaysay, qalab iyo makiinado loo adeegsaday
waxaa ku waajib ah sako dhan toban dhig kolka loo dhigo, dhig barki.
Tixraac qowlka rasuulkii Ilaahay (SCW):
Fiiro gaar ah:
Arrinta koowaad: Canabka
hadduu sabiib noqon kara, waxaa sako laga bixin kolkuu sabiib noqdo,
hadduu gaaro shan wisiq, seddex boqol oo koombo, koombo afar iyo bar mug
qaad ah – sacabbo meel dhexaad ah ama 2 kiilo iyo bar.
Seytuunkana iyo sisinta sako waa laga
bixin kolka la shiido, waxaana sakada laga bixin saliiddooda hadday
nasaab gaaraan oo ah shan wisiq.
Arrinta labaad: cajowda
aan timir noqon karin, canabka aan sabiibka noqon karin iyo seytuunka
aan saliidda noqon karin, waa la qaddarin intay geedahooda ku yaalaan
haddii la arko inay nasaab gaari, kolka sidooda lagu iibiyo ayaa qiima
dhan sakadooda oo lacag ah la bixin kolka la iibsho.
Arrinta saddexaad:
Noocyada kala duwan ee miraha, ha yeeshee magaca kore wadaaga, waxaa
sakada laga bixin noocooda meel dhexaadka ah, oo lagama bixinayo sakada
nooca xun ee mirahaa. Sida timirta oo kale, waxay leedahay noocyo aad u
wanaagsan, iyo noocyo aad u xun, noocooda meel dhexaadka ayaa laga bixin
arrintan oo ah tusaalahii rasuulka (SCW), uu siiyey Mucaad – Ilaahay ha
ka raalli noqdee:
Macnaha xadiiskana waxaa weeye:
“lska jir oo iska ilaali inaad sako ahaan uga qaaddo hantidooda inta wanaagsan.”
Iyo qowlkii Cumar bin Khaddaab – Ilaahay ha ka raalli noqdee:
Macnaha hadalka Cumarna – Ilaahay ha ka raalli noqdee – waxaa weeye:
“Waxaraha ku tiri ariga sakada la dooni in laga qaado, ha yeeshee ha uga qaadan sako ahaan.”
Waxaa sako ahaan loo qaadan riyaha kuwooda roon waayo, waxarahu waxay soo geli xoolahooda gaarka ah.
Arrinta afaraad: Miraha,
sida looska, qumbaha, iyo fawaakihda sida tufaaxa, liinta, bambeelmada,
cambaha, iwm ee gaaraya shan wisiq iyo ka badan waxaa qofka u door
roon, u shaki baxna ah diintiisana u dhowrsanaan badan, inuu sako ka
bixiyo hadduu qiimo wanaagsan ku iibiyo, koluu ka bixiya xitaa
boqolkiiba laba iyo bar lacagtaa ka soo gashay, sida sakooyinka dahabka,
qalinka iyo lacagta, sidaynu ka niri oo kale sakada fardaha ee la
koriyo loona tarmiyo si loo iibiyo.
Arrinta shanaad: Hadduu
malabku tira badan yahay, gaarana shan qandaar ee malab ah waxaa door
roon, diin dhowrsina ah, in sako laga bixiyo, koluu ka bixiyo xitaa
boqolkiiba laba iyo bar lacagtaa ka soo gashay, sida dahabka iyo
qalinka. Waxaana ka soo arooray sakada malabka xadiis daciif ah, sidaa
awgeed waxay jamhuurta culumada qabaan inaan sako laga bixineyn, gaar
ahaan kolkii la arkay inuusan malabka qaddar ahaan gaarin tiro dhan shan
wisiq ama ka badan, ha yeeshee waxaa qofka u wanaagsan, dhowrsanaanta
diineed ku jidhaa in sako laga bixiyo malabka hadduu gaaro shan wisiq.
Arrinta lixaad: Qofkii
beer timir ama xubuubta kaleba iibiya inta aan la goyn waxay sakadooda
saaran tahay oo ay ku waajibi kaa iibsaday, ha yeeshee hadduu heshiisku
yahay inuu bixiyo sakada iibiyaha, markaa iibiyahay sakada ku waajibi oo
laga dooni… Qofkiise iibiya kolkay soo go’aan ama bislaadeen,
xilligoodiina gaareen, sakadooda waxay ku waajibtaa iibiyaha – khilaaf
la’aan.
B – Xubuubta
Waxaa loola jeedaa oo la yiraa xubuub,
cuntada quudka iyo kaydsashada leh ee raashinka ay dadka ku nool yihiin
ah sida, masaggada, galleyda, sareenka, digirta salbukada, bariiska iwm.
Qofkay u soo go’aan tiro dhan shan wisiq iyo ka badan waxaa ku waajibay
inuu sako ka bixiyaa, tobon dhig kolkuu u dhigo mirahaa u soo go’ay
dhig buu sako ahaan u bixin, taa waa hadday qalab iyo makiinado la’aan
ku soo baxday, biyaha roobka, ama webiyada ama ilaha ka waraabtay. Ama
kolka toban dhig loo dhigo, dhig barki, taana waa haddii qalab casri ah,
makiinado, iwm loo adeegsaday.
Fiirooyin Gaar Ah:
Arrinta koowaad: waxii
nooc ee is leh kolka sakada la bixin waa laysu geyn, dahabka iyo qalinka
waa laysu geyn, tusaale, qof muslim ahbaa wuxuu leeyahay dahab iyo in
yar oo qalin ah, wuxuu eegi inta qalinka ah, dahab ahaan ay dhan yihiin,
dahabkii uu heystay buu ku dari, hadday nasaab gaaraan oo ah
toddobaatan garaam (70g) iyo ka badan sakadii ayuu ka bixin kolkuu xool
ka soo wareego, sidoo kale sareenka, masaggada, galleyda, iyo bariiska
iwm waa laysu geyn tiro ahaan, hadday shan wisiq gaaraan saka baa ku
waajibta, haddii kale sako ma leh. Sidoo kale digirta, salbukada,
luubbiyada waa laysu geyn tiro ahaan, hadday shan wisiq gaaraan sako baa
ku waajibta, haddii kale sako ma leh.
Seytuunkana wuu noocyo badan yahay iyo
sidoo kale timirta, haddii mid waliba oo iyaga ka mid ah shan wisiq
gaaraan – inkastoo noocyo kala duwan yihiin, magaca korese wadaaga sako
baa ku waajibta, haddii kale sako ma leh. Arrinka labaad: Deynku kama
ridayo qofka sakada miraha iyo abuurka soo go’a: Deynka qofka wuxuu ka
ridaa sakada la doonayey inuu ka bixiyo dahabka, qalinka iyo lacagaha.
Tusaale ahaan qof muslim ah ayaa wuxuu heystaa lacag dhan Shilin
Soomaali 315,000 (seddex boqol iyo shan iyo toban kun oo Shilin).
Waxaana lagu leeyahay deyn dhan 300,000
(seddex boqol oo kun) marka qofkaa wuxuu yeeli wuxuu kolka hore bixin
deynka lagu leeyahay oo ah seddex boqol oo kun oo Shilin, dabadeed waxaa
u soo hari shan iyo toban kun oo shilin, wuxuu eegi inta ay ka joogaan
70 garaam oo dahab ah suuqa dahabka, ama 460 garaam oo qalin ah haddii
lacagta u soo hartay iyo qiimaha toddabaatan garaam ee dahab ah ama 460
garaam oo qalin isla eg yihiin, ama ay lacagtiisu badan tahay, wuxuu ka
bixin sako dhan boqolkiiba laba iyo bar, haddayse ka yar tahay lacagta
uu heysto qiimaha 70 garaam oo dahab ah, ama 460 garaam oo qalin ah sako
laguma leh illaa inuu isagu qofka iski u dooni mooye uu kheyr iyo sama
falid ugu gol leeyahay iyo abaal aakhiro inuu dhigto.
Ha yeeshee deenku kama ridayo qofka
sakada ku waajibi miraha iyo xubuubta beeraha, iyo sidoo kale xoolaha,
qofkii ayna u soo go’aan kun qindaar oo miro beereed ah, laguna leeyahay
deyn dhan boqol shilin {Sh. So. 100/-) tusaale ahaan, waa inuu sakada
ku waajibta beertaa u soo go’day bixiyaa, intay gaadhaba deenka lagu
leeyahay, waayo sakadu halkan waxay ku waajibtaa oo ay ku xiran tahay
beerta, laguna leeyahay, oo laguma leh, kumana xirna qofka, oo way kaga
duwan yihiin beeraha iyo xoolaha arrintan dahabka, qalinka iyo lacagaha.
Wuxuu qofka beerta u soo go’day ka gudi
karaa deen isla beertaa, haddii deenkaa ay beerta la xiriirto, kuna
tacalluqdo, sida isagoo u soo amaahday ama iibsaday beerta miro abuur
ah, qalab, makiinado, iwm. Kolkay arrintu sidan tahay, wuxuu qofka ka
gudi beerta deenka uu u soo galay, inta u hartayna sako ka bixin.
Arrinta waa ra’yiga culumada qaarkood waana ra’yi wanaagsan, naxariista
iyo wanaagga Islaamka uu ku caan yahay ka tarjumi.
Arrinka seddexaad: sako
laguma leh nin beer cid la wadaaga, oo ayan qaybta u yeeshay gaareyn
nasaab. Haddii ay – tusaale ahaan – beer timir ah, ama canab ama
seytuun, ama sisin, ama beer nooc kale ah, sida galley iwm – mirahaa ay
sakadu ku waajibto – ay ka dhaxeyso dhowr qof, kolkay beerta u soo
go’dayna qaybsaday – qofba intiisii qaatay, wuxuu qof waliba eegi qaybta
uu helay, hadday gaari qaybtiisa nasaab – shan wisiq – sako ayuu ka
bixin, qofkii in ka yar nasaab ay ku soo hagaagtana sako kuma waajibto,
oo laguma leh… Waxaynu horay u soo sheegnay in nasaabka beerahu ama inta
hadday gaaraan ay sakadu ku waajibi tahay shan wisiq, waxaynuna niri
wisiqii waa lixdan koombo qaadi afar illaa iyo afar iyo bar, mug sacabbo
qof calaacalo meel dhexaad ah leh, ama qofkii miisaan heysta koomba
qaadi kadha laba kiilo iyo bar shanii wisiq haddaba waa seddex boqol oo
koombo, ama 750 kiilo garaam.
Silcadaha Iibka u Bandhigan
Silcadaha ama badeecadda beecshurada loogu tala galay sako ayaa ku waajibta, tixraac qowlka rasuulka (SCW):
[Waxaa soo wariyey al-Bayhaqi, iyo Daara-Qudni, waxaana saxay al-Xaakim.]
Macnaha xadiiskana waxaa weeye:
“Geela sakada ku waajibta ayaa laga bixin sidoo kale lo’da iyo dharka.”
Qowlka – iyo dharka – waxaa laga
daliilsaday in waxii la mid ah oo ah wax kastoo iib u bandhigan beec
shurana ah inay sakada ku waajibto, geela iyo lo’dana hadday iib u
bandhigan yihiin, xoolo ahaan looma sakeynayo, balse waxaa sako looga
bixin silcad iyo badeecad ahaan.
Waxaana sidoo kale daliil u ah in silcidaha iyo badeecadaha iibka u bandhigan sakadu ay ku waajibto xadiiskan Abii Daa’uud:
Macnaha xadiiskana waxaa weeye:
“Wuxuu na fari jiray rasuulkii Ilaahay (SCW) inaynu sako ka bixinno silcidaha – badeecadaha – iibka u yaal.”
Silcidaha – badeecadaha – iibka u bandhigan sako ku waajibimeyso in seddex sharuud la helo mooyee:
Lahaansho dhan:
Oo ah inuu qofka leeyahay, milkigiisana
ay ku jidho silciddaa -badeecaddaa – oo ayan deyn uusan xasilin karin
iyo wax la mid ah kaga maqneyn.
Inay sannad ka soo wareegtay lahaanshadaa.
In ganacsi loola jeedo.
Hadduu shardi is dhimo sako kuma
waajibeyso badeecadda ama silciddaa iibka u bandhigan. Habka sakada
looga bixin waxaa weeye in la eego marka hore badeecaddaa ma mid socotaa
mise waa mid kayd ah. Hadday tahay mid socota ee ninka leh soo gali
kana bixi, kolkuu gadaba iyadoo kale iib u keensan si uu u sii iibiyo,
badeecadduna ayan muddo fadhineyn, balse uu iibin, deetana soo iibsan,
si uu u iibiyo, sida dukaammada cuntada, dharka, qalabka dhismaha,
qalabka cuntada iwm dadka leh carwooyinka iyo dukaammada noocaa ah,
waxaa ku waajib ah inuu qiimeeyo hantida dukaankiisa taal sannadkii mar –
masalan Ramadaan – bil Soon kasta.
Hantida dukaanka taal qiimo ahaan intay
gaari iyo lacag caddaan ah waxa u heysto ayuu isku dari, hadday gaari
nasaab oo ah toddobaatan garaam oo dahab ah lacag goyn karta ama afar
boqol iyo lixdan garaam oo qalin ah lacag goyn karta wuxuu ka bixin sako
dhan boqolkiiba laba iyo bar dhammaan hantida dukaanka taal iyo lacag
caddaan wuxuu hayo…
Haddayse badeecaddu tahay mid gaar ah ee
uu ganacsadahu iibin oo keliya kolkay qiimo wanaagsan u gaadho, ee uu
sicirkeeda kordho xitaa hadday sannado la jidho uusan iibineyn inuu
qiimo wanaagsan ku helo mooyee, isaga oo aan ugula jeedin arrintaa
cadaadinta iyo cunaqabateynta dadweynaha iyo ganacsi dulmi fal ah ayanna
aheynna waxaa u kaydin raashin ama qalab dhismo loo baahan yahay si uu
dadka qaali ugu iibiyo kolkay waayaan waayo arrinta waa gef iyo dulmi
laga galayo dadweynaha qofkeedana uu aakhiro ka shallaayi kolkuu arko
intaa malyan oo qof ee xasaanaadkiisa qaybsan, ama dunuubtoodii qaar
isaga loo saarin, dulmiga uu ka galay awgeed, halka ganacsadaha aaminka
ah, run sheegga, badeecaddiisa faa’iido yar ee go’an saaran, Ilaahna ka
baqa uu la saf noqon maalinta qiyaamaha anbiyada, addoommada wanaagsan
iyo shuhadada.
Sidaa awgeed badeecadda gaarka ah ee
sidaa aan loola jeedin, laguna tala galay in la iibiyo hadday qiimo
wanaagsan gaaraan ganacsadahuna uusan iibineyn xitaa hadday sannad iyo
ka badan ka soo wareegto, inuu sicir wacan ku helo mooyee, sida ka
mushtarka dhulalka, guryaha, xoolaha ee fardo, geel, lo’ iyo ari leh,
qalabka guryaha iyo xafiisyada iwm ee uusan ganacsadahu ka shaqeyn,
balse ay tahay mid u xareysan ee kayd u ah, si uu u iibiyo kolkuu qiimo
wanaagsan ku helo, sakada badecadda noocan oo kale ah sida ay culumada
qaar qabaan aragtidooda ayna la wanaagsanaatay, yusriga iyo
fududaanteeda awgeed iyo sida ay naxariista ugu jidho, waayo waxay dhigi
inuu qofka sako ka bixiyo ganacsiga noocan oo kale ah qofka leh kolkuu
iibiyo, hal sano oo keliya buuna ka bixin, xitaa haday dhowr sano ay la
jidhay badeecaddaa, ganacsina u bandhigneyd, taana waa hadday nasaab
gaadho – 70 garaam oo dahab ah ama 460 garaam oo qalin ah lacag goyn
karta ama ka badan.
Wanaagga iyo rifqiga arrintaa ku jirana
waxaa weeye waxaa dhici kara qof muslim ah inuu lacag u heystay guri ka
bixiyo, si uu uga faa’ido, haddii qiimaha dhulka ama guryaha kor u
kacaan, waxaa soo wareegi sannad isagoo aan iibin, markaa buu wuxuu
dareemi dhib iyo culeys haddii sako laga dooni waayo wax lacag ah ma
heysto dhaafsiisan wuxuu quudan lahaa, markaa buu dhib iyo culeys
dareemi, saa wuxuu sako kaga bixiyo ma heystee badeecaddaa inuu faa’iido
ka helo uu doonayey.
Marka waxay wanaagga ku jidhaa in fursad
la siiyo illaa uu ka iibiyo silcaddaa ama badeecaddaa, xitaa hadday
dhowr sano ku qaadato, hadduuse iibiyo isla markaa buu sako ka bixin
muddo dhan sannad oo keliya, waayo haddaynu niraahno sako ka bixii
sannadahii oo dhan, waxaa dhici kara inuu ribixii u helii lahaa iyo ka
badanba ay sakadu la tagto, waxii waxeelleyn qofkana islaamku ma qirayo,
oo ka mid ah islaamka.
Waana inaynu ogaannaa inayan jirin arrin
Kitaabka ama Sunnada ku soo aroortay ee mas’aladan si gaar ah uga hadli,
ama laysku raacsan yahay ee mowqaf keliya laga qaatay. Hadduuse qofka
muslimka ahi awoodo inuu sannad kasta sako ka bixiyo, waa sida
wanaagsan, kheyrkuna ku jiro, qofkana darajo adduun iyo mid aakhiro ku
heli, iyo Ilaahay subxaanahu watacaalaa raallinnamadiisa, sakada uu
qofka iski u gartana iyadoo ayan ku waajibin cirib wanaagsan ayey u
yeelan qofka adduun iyo aakhiraba, qayb ka mid ah xadiiskiina waa tuu
ahaa:
Oo macnaheedu yahay:
“Inay cidda leh ay iyaga doonaan sidaa mooyee.”
Qofkuna hadduu badeecadda ama silciddaa
qiimaha wanaagsan uu ku doonayey durbaba uu iibiyo, isla markaa buu sako
ka bixin oo lama dhowrayo sannad. Sakada ku waajibtana waa boqolkiiba
laba iyo bar, sida sakada dahabka, qalinka iyo lacagta. Tusaale ahaan
qof baa wuxuu ku iibiyey guri lacag dhan Shilin Soomaali 8,000,000
(siddeed milyan) wuxuu ka bixin sako ahaan lacag dhan Sh. So. 200,000
hadduu gurigaa ku iibiyo bil gudaheed, ama ay iibintiisu ku qaadato shan
sannadood.
Deymanka
Deyn waa waxa qofka lagu leeyahay lacag
ama badeecad ah iwm muddo go’anna loogu qabtay soo celinta iyo gudidda
deenkaa amaba aan loogu qaban. Siduuna qofka muslimka ah deymesane u
noqon karo buu deyn u yeelan karaa. Sidaa awgeed qofka deynta leh kolkuu
sannadka dhammaado, sida bil Soon kasta- ayuu wuxuu eegi wuxuu badeecad
heysto iyo lacag caddaan ah, iyo deymaha uu dadka ku leeyahay, hadday
yihiin deyman ay iska gudi karaan dadkaa uu ku leeyahay, iyaguna ay
qirsan yihiin, wuu ku tirin hantida uu heysto sakana dhammaantood ka
wada bixin,- badeecadda, lacagta caddanka ah ee u heysto iyo deymahaa uu
dadka ku leeyahay awoodda inay iska bixiyaan, qirsanna.
Hadduuse deymahiisa uusan rajo ka qabin
inuu helaa, ama mugdi badan uu kaga jiro xasilintiisa, sida inuu qofka
uu ku leeyahay uu yahay sabool aan iska bixin karin, wax dhaqaale ahna
aan laheyn, ama cidda uu ku leeyahay deynka ayan qirsaneyn, balse ay
inkirsan yihiin ama ay ka sagasaagayaan bixinta deynta lagu leeyahay.
Markay arrintu sidan oo kale tahay qofkaa wuxuu deynkaa mugdiga ku jiro
uu sako ka bixin kolkuu qofkuu ku lahaa ka helo, wuxuuna bixin sako
muddo sannad ah, xitaa haddii dhowr sano deynkaa la qabay, waxayna
arrintaa kala mid tahay ganacsiga iibka wanaagsan u xayiran.
Qofkase deymeysanaha ah kolkuu sannad
dhammaado ayuu wuxuu eegi waxa lacag, dahab, qalin iyo badeecad
gacantiisa ku jira ee isagu leeyahay, kaddib wuxuu tirin deymanka lagu
leeyahay, iyadaa ayuuna bixin ugu horreyntii, kaddibna wuxuu eegi
hantida u hartay intay la eg tahay, hadday sako ku waajibto macnaha
nasaab ay gaari ama ka badan, sako ayuu ka bixin, haddayan nasaab
gaareense, sako laguma leh. Tusaale ahaan qof muslim ah ayaa wuxuu
heystaa, leeyahayna afar boqol oo kun oo shilin, xoolna – sannad – ka
soo wareegay, waxaase lagu leeyahay deyn dhan afar boqol oo kun ama ka
badan, qofkaa sako laguma leh…
Hadduuse heysto leeyahayna lacag dhan
seddex boqol iyo soddon kun, laguse leeyahay deyn dhan shan iyo toban
kun, wuxuu ka jari deynkaa lacagta uu heysto, oo waxaa u hari seddex
boqol iyo shan toban kun, sakana ka bixin, shan iyo tobanka kunse sako
kama uu bixinayo, waayo cid kale baa leh oo isagu ma leh, cidda leh
baana sako ka bixin kolkay gaadho lacagtaa ama ka horba. Taana waa
hadday nasaab gaaraan lacagtaa deynka kaga maqnaa iyo tuu heysto.
Horayna waxaynu u soo xusnay in lacagtu
hadday gaadho qiimaha ay joogaan toddobaatan garaam oo dahab sakadu
markaa ku waajibi, haddayse gaareyn qiimo taddobaatan garaam oo dahab
ah, ama afar boqol iyo lixdan garaam oo qalin ah sako ma leh in cidda
leh ay iyagu iskood u gartaan inay sako ka bixiyaan hantidooda mooyee,
inkastoo ayan nasaab gaareyn, arrintaa oo ah arrin aad u wanaagsan,
qofkiisana uu abaal iyo deeq Allaah ku heli…
Fiirooyin gaar ah:
Arrinka koowaad: Mas’aladda sakada
deymaha khilaaf dheer baa ka jira madaahibta dhexdooda waxaynu arrintan
ka qaadannay mad-habka Maalik waayo wuxuu arrimahan daliil uga dhigtay
camalkii Cusmaan bin Caffaan Ilaahay ha ka raalli noqdee, iyo camalkii
Cumar bin CabdulCasiis – Ilaahay ha u naxariistee, ku dayashada madaxdii
hanuunsaneyd ee Islaamka ayaana ka kheyr badan inaynu qowl ra’yi ah
qaadanno.
Arrinka labaad: Haddii uu qofka muslimka
ahi deyn ku leeyahay ruux sabool ah, sako ahaan intuu u niyeysto kama
cafin karo, waayo faqiirkaa wuu liitaa mana iska bixin karo deynkaa,
sidaa awgeed ruuxa deynta leh lacagtaa ma aha lacag uu heysto ee
gacantiisa ku jidha, balse waa mid ka maqan, mugdi badan uu ku jiro
helitaankeeda, waxaynu horay u soo sheegnay in sharuudda sako bixinta ay
ka mid tahay milkasho taam ah, qofna sako kama bixin karo hanti uusan
heysan, inuu helina ka war qabin, sidaa daraaddeed deynkaa oo kale sako
kama bixinayo tan iyo intuu ka heli deymeysanaha, xitaa hadday dhowr
sano ku maqnaato, kolkuu ka helana sannad keliya sako dhan buu ka bixin,
taana waa hadday nasaab qiimaha deynkaa ay gaari.
Maalka iyo Dakhliga
Dadka soo Gala
Waxaana loola jeeda hantidaa qofka
Muslimka ka soo gala dhaxal, hibo, deeq, shaqo, kireyn gaadiid, kireyn
guri ama dukaan, ama dhul, mishahaar iwm.
Miyaa sako laga dooni hantidaa? Ma xool –
sannad – inuu ka soo wareegaa la dooni? Mise xool iyo muddo gaar ku ah
ee sako laga bixin ayey leeyihiin?
Jawaabtuna waxaa weeye:
Maadaama maalkaa qofka soo galay dahab,
qalin, ama lacag tahay sakaa ku waajibta, waayo sakadu waxay ku
waajibtaa dahabka, qalinka, lacagta waxa iibka u bandhigan, xoolaha, iyo
miraha beeraha iwm.
Sidaa awgeed qofkay lacag soo gasho, ka
soo gasho dhaxal, deeq, kiro, shaqo uu hayo, waa inuu sako ka bixiyaa
kolkuu sannad dhammaadaba – sida bil Soon kasta – tusaale ahaan- ama
qofkaa hadday lacag kale meel u taal, sannadna ka soo wareegay, wuxuu
isugeyn lacagtaa sannadka ka soo wareegay iyo tan shaqada iyo waxa la
midka ka soo gashay, sakana ka bixin hadday nasaab gaaraan.
Qofka Muslimka ahina hadduu maal dhaxal,
deeq, shaqo, ama kiro guri, gaadiid ama dhul iwm ay ka soo gasho wuxuu
ka biili naftiisa, ehelkiisa, saddaqana kala bixi, kolkuu sannad soo
wareegana, ayna u soo haraan hanti nasaab gaari, sako ayuu ka bixin,
haddayse jiraan maal kale uu horay u heystay sannadna ay ka soo
wareegtay, maalkan dambena uu soo galo wuu isugeyn sakana ka bixin,
lamana sugayo inay lacagta dambe xool – sannad uu ka soo wareego, sida
uu Abuu Bakar – Ilaahay ha ka raalli noqdee – yeeli jiray tusaale ahaan
qof baa waxuu heystaa lacag dhan 315,000 oo Shilin, sannadna ay ka soo
wareegtay heysashadiisa, miishaarna soo qaatay ama kiro, deeq iwm dhan
35,000 oo Shilin, wadartooda waa 350,000 oo Shilin, markaa 350,000 oo
Shilin buu wuxuu ka bixin sako dhan baqolkiiba laba iyo bar, macnaha
sako ahaan wuxuu uga bixin lacag dhan 8,750 oo Shilin Soomaali ah.
Haddii ay qofka Muslimka ah – tusaale
ahaan – bishii soo gasho mishaar ama kiro ama deeq dhan 5,000 oo Shilin,
ama Doollar ama Riyaal, ama ka badan ama ka yar, kolkuu sannad
dhammaado tusaale ahaan – bil Soon kasta – ayuu wuxuu eegi lacagta uu
heysto iyo intay dhan tahay hadday nasaab gaari – qiimo goyn karta
toddobaatan garaam oo dahab ah, ama 460 garaam oo qalin ah – sako ayuu
ka bixin dhan boqolkiiba laba iyo bar, haddayanse nasaab gaareyn sako
laguma leh. Waana inay dadka ogaadaan inay jiraan culumo tiri nasaabka
dahabka waa 85 garaam, qalinkana 595 garaam; taqdiirtaa laysku
khilaafayna sababteeda waxaa weeye kala duwanaanta miisaanka la
adeegsaday, ama kala roonaanta miraha sareenta ee qaddarinta loo
adeegsaday. Hayeeshee taynu doorrannay baa shaki bax ah, saboolkana
udoor roon.
Sakada Lacagta
Waxaynu ula jeednaa lacagaha kala duwan
sida Doollaarka, Faranka, Riyaalka, Dirhamka, Geniga, Shilin Soomaaliga
iwm ee hadda la isticmaalo halkii Diinaarkii dahabka ahaa iyo Dirhamkii
qalinka ahaa ee wax lagu kala iibsan jiray waqtigii rasuulka (SCW).
Maadaama ayna arkaan jamhuurta fuqahada
in dahabka iyo qalinka laysu geeyo, ee dahabka qalinka loo geeyo,
qalinkana dahabka loo geeyo, si loo eego inay nasaab gaari haddii laysku
daro iyo in kale, hadday nasaab gaarina mid inta laga soo qaado – kolka
laysu geeyo kaddib – sako laga bixiyo, tusaale ahaan qof baa leh 60
garaam oo dahab ah, iyo qalin udhigma, laqiima ahna 10 garaam oo dahab
ah, marka qofkaa wuxuu ka soo wada qaadi 70 garaam oo dahab ah… kaddibna
ogaan qiimaha lacageed ee 70 garaam. Haddii la yiraahdc qiimahooda waa
315,000 oo Shilin ka bixin sako dhan Sh.So. 7,875 (boqolkiiba laba iyo bar).
Wax diidayana ma jiraan inuu qofka
lacagta uu heysto dahab ku qiimeeyo ama qalin, kaddibna sako ka bixiyo
hadday nasaab gaari, hadduu nasaabka dahabka yahay toddobaatan garaam
sidaynu horay u soo sheegnay, qofuna uu heysto hanti qiimo ahaan dhan
toddobaatanka garaam ama ka badan wuxuu ka bixin sakada laga dooni oo
kale kaa dahabka nasaab gaari heysta ama ka badan, waana sidoo kale
qalinka, nasaabka qalinka waa 460 garaam, qofkii heysta 460 garaam oo
qalin ah iyo ka badan ama lacag goyn kadha sakada ku waajibta ayuu
isagana ka bixin oo ah (boqolkiiba laba iyo bar).
Iyadoo aynu ogsoonnahay in qofka dahabka
heysta ama qalinka ay yihiin wuxuu sako ahaan u bixinayo hadba lacagta
dalkaa laga isticmaalo, oo dahab ama qalin ma bixinayo – sida qaalibka
ah, iyadoo wax diidi ayan jirin hadduu dooni inuu isla ceyntooda sako
ahaan u bixiyo.
Sidaa awgeed qofkii muslim ah ee heysta
lacag-sannad uu ka soo wareegay – doonayana inuu ogaado lacagta uu
heysto inay sako ku waajibto, iyo in kale, wuxuu u tegi dahablaha,
weydiinna qiimaha toddobaatan garaam oo dahab saafi ah, ama afar boqol
iyo lixdan garaam oo qalin ah, kolkuu u sheego dahablaha qiimahooda ayuu
wuxuu qofkaa eegi in lacagta uu heysto ay dhan tahay intuu dahablahu
sheegay iyo in kale, hadday dhan tahay waa inuu sako ka bixiyaa dhan
boqolkiiba laba iyo bar, hadday ka yar tahayse sako ma leh, inuu qofka
isagu iski u garto mooyee.
Waxaana la dooni inay dadka ogaadaan in
nasaabka lacagaha waraaqaha ah ay sannad waliba is beddeli karaan, waayo
sicirka dahabka ayey la socdaan. Waana inay dadku arrintaa fiiro gaar u
yeeshaan, gaar ahaan culumada, oo ayan cuskan, tixraacinna qiimo hore,
sida in la yiraahdo nasaabka lacagta waa 200 oo Shilin Soomaali ah,
taana waa khalad, waayo hadday qiimaha 70 garaam oo dahab aheyd 200
Shilin, 200 sano ka hore, isla heerkii maanta ma taagna, Ilaah baana
xog-ogaal ah.
Cutubka Sideedaad:
Qolooyinka Mudan Sakada
Ayaa la Siin Sakada…?
Ehlu sakada waa qolooyinka sakada mudan
ee la siin, Ilaahayna isaga ayaa naf ahaantiisa ku biyaamiyey oo
magaacaabay dadkaa, wuxuu yiri sarreeye Ilaahay:
Wuxuu Ilaahay magacaabay siddeed qolo:
Qolada 1aad:
fuqarada, waana kuwa saboolka ah ee aan dhaqaale heysan, dakhlina laheyn
marka hadduusan qofka heysan wuxuu ku biilo naftiisa iyo ehelkiisa waa
faqiir sakada mudan.
Qolada 2aad: masaakiinta,
waana kuwa dakhli iyo dhaqaale aan ku filneyn leh marka waxaa loo
dhammeystiri kuwaa in baahidooda oodda, hadduusanse qofka heysan wax
lacag ha yeehee leeyahay il dhaqaale sida shaqo ama mishaar ama daneysi
in ku filan oo dakhli ah soo gelin markaa lama siinayo oo ma mudna.
Tixraac qowlka rasuulkii Ilaahay (SCW):
Macnaha xadiiska waxaa weeye:
“Qayb kuma leh cid dhaqaale ku filan leh ama qof xooggan oo shaqeysta.”
Qolada 3aad: Qolooyinka
u xilsaaran ururinta sakada, waana kuwa uu u xilsaaray imaamka
muslimiinta inay hantileyda ka soo ururshaan oo ay siiyaan qolooyinka
mudan ama dhowrista sakadaba iwm marka waxaa sakada laga siin qaddar la
eg hadba inta howshoodu tahay, xitaa hadday maalqabeen yihiin.
Qolada 4aad: kuwa
qalbigooda la abaabin, imaankoodana kor loo soo qaadi, sida cid sha’ni
iyo makaanad weyn ku leh bulshada, hayeeshee aan iimaan xoog leh lahayn,
sakada ayaa wax laga siin si iimaankooda u xoogoobo markaa bay waxay
noqon qolo diinka Ilaahay dadka ugu yeera, iyo tusaale lagu daydo.
Hadduuse qofka yahay mid Islaamkiisu daciif yahay, hayeeshe uusan ka mid
aheyn qoladaa aynu soo sheegnay, balse uu ka mid yahay dadweynahaa,
miyaa la siin sako si iimaankiisa u xoogooba?
Waxay culumadu qaar arkaan, qabaanna in
la siinayo waayo maslaxadda diinta ayaa ka weyn tan oogada wakaa
faqiirka sakada wax laga siin si loo haqabtiro baahida jirkiisa, sidaa
awgeed haqabtirka baahida qalbigiisu u qabo iimaan ayaa weyn waxtar
badanna. Culumada qaarna waxay qabaan inaanan la siineyn uusanna sakada
mudneyn, waayo danta ka ratibmi xoojinta iimaankiisa waa dan gaar ah,
qof keliya ku kooban.
Qolada 5aad: kuwa
la qoor furi, waxaana soo geli iibsashada iyo madax furka muslimiinta
addoomo ahaan loo heysto iyo xureyntooda – iyadoo sakada laga bixin iyo
kaalmo u fidinta mukaatabiinta is qoor furi iyo lacag ku furashada
maxaabiista Muslimiinta ay cadowga Islaamka dagaal ku qabsadeen.
Qolada 6aad: deymeysanayaasha,
haddayan heysan waxay deynta isaga gudaan, kuwaa iyaga ah waxaa sakada
laga siin qaddar dhan ee ka gudi kadha deynta lagu leeyahay ama ha
yaraato deyntaa ama ha badnaatee, xitaa hadday isaga filan yihiin xagga
quudka – biilka – tusaale ahaan, hadduu jiro qof leh il dhaqaale ay ka
soo galaan biil ugu filan quudinta naftiisa iyo reerkiisa, hayeeshee
lagu leeyahay deen uusan awoodin inuu iska gudaa, waxaa laga siin sakada
wuxuu deynkaa isaga gudo mana bannaana inuu qof uu ka rido kana daayo
deyn uu qof ku leeyahay, sako ahaanna u niyoodo, waayo waa hanti aan
gacantiisa ku jirin.
Waxaana la dooni qofkaa deenkaa laga
bixin, inuu yahay deenka uu qabo miduu ujeeddo iyo hadaf sharciga
waafaqsan uu u galay, sida deyn uu naftiisa iyo ehelkiisa ka biilay, ama
dad colaadi dhex taal uu ku heshiisiiyey iwm.
Culumaduna way isku khilaafeen hadduu
deymeysanahu yahay wiil la dhalay ama waalid, miyey sakadu ku baxdaa si
uu isaga gudo deynka lagu leeyahay?
Jawaabta toosanna waxaa weeye inay
bannaan tahay. Wayna u bannaan tahay qofka sakada bixin inuu aado qofka
xaqa leh uuna siiyo xaqiisa – deymeysanaha oo aan ka warqabin – taana
waa hadduu qofka sakada bixin ogsoon yahay inuusan deymeysanahaa iska
gudi kareyn deynkaa.
Qolada 7aad:
inaad kor ka yeelidda magaca Ilaahay sakada u bixiso oo ah halganka iyo
jihaadka loogu jiro Ilaahay darti iyo inuu diinkiisu kor ahaado, sidaa
awgeed waxay sakadu ku baxdaa oo la siin mujaahadiinta u dagaalamaya
Ilaahay darti, sidoo kale waxaa maalka sakada laga iibin qalabka
dagaalka ay adeegsanayaan mujaahidiinta u halgama siday kor u ahaan
laheyd kalmadda Ilaahay, kitaabkiisana wax loogu xukumi lahaa iyo
sunnada rasuulkiisii (SCW) garsoorna looga dhigan lahaa.
Waxaana ka mid jidka iyo sabiilka Ilaahay
barashada aqoonta waxtarka leh ee waafaqsan sharciga Ilaahay, sidaa
awgeed baa waxaa la siin qofka cilmi doonka ah sako ahaan qarash u
suurageliya raacashada cilimiga iyo waxbarashada, sida iibsashada
kutubta iyo qeyrkood, taana waa hadduusan heysan dhaqaale arrintaa u
suura geliya ee uu sabool yahay. Sidoo kale waxaa sakada la siin daaciga
dadka diinta ugu yeera, hadduusan dakhli laheyn, si uu ugu faro
marnaado fidinta diinta nolosheenna ah.
Qolada 8aad: jid-hayaha
oo ah qofka socdaalka ahi ee waxii uu ku safri lahaa ay ka go’een,
waxaa la siin saka ahaan dhaqaale – qarash – dalkiisii gaarsiiya, waase
inuu safarkiisu yahay safar bannaan, ee aan macsi la xiriirin, Allana
iyo rasuulkiisa uusan ku khilaafeyn, yahay safar sharciga Ilaahay
waafaqsan.
Intaynu soo sheegnay weeyaan qolooyinka
sakada mudan Ilaahay kitaabkiisa ku xusay, inoo sheegayna inay fariido
tahay iyo xil uu ina saaray, innaguna waajib yeelay, cilmi iyo xigmadna
ku fadhida, Ilaahayna waa Caliim – aqoon u saaxiib ahaaday – Xakiim –
wuxuu amraa ay xigmad ballaaran salka ku heyso. Mana ay bannaana in
waxaan aheyn intaynu soo xusnay sakada lagu bixiyo, sida dhismaha
masaajidda iyo hagaajinta waddooyinka, waayo Ilaahay subxaanahu
watacaalaa waa u tilmaamay xusayna qolooyinka mudan, isagoo iyaga keliya
ku koobay. Koobidda noocaa ahna waxay muujin inayan cidaan qolooyinkaa
la magaacabay aheyn ayan mudneyn in sakada la siiyaa.
Haddaynu dhab u eegno oo aynu ka fakarno jihooyinka aynu niri sakada way ku baxdaa, waxaynu arki inay labo qaybood yihiin.
Qayb sakada u baahan, iyo qayb ay iyagu
muslimiintu u baahan yihiin, arrintan waxay inoo muujin xigmadda weyn ee
ku dheehan sakadaa Ilaahay innagu waajib yeelay iyo in ujeeddada ka
dambeysaa ay tahay dhismo bulsho dheella tiran, is heysata, isku duuban,
bulsho dan wadaag ah, dareen qura wadaaga, gacaltooyo iyo maxabbad ay
ka dhaxeyso iskaashi iyo kaalmo isu fidin. Islaamkuna kama daryeel
la’aan oo ma xadeyn wax soo saarka qofka fardiga ah iyo lahaanshada gaar
ahaaneed isla markaana hoggaanka uma sii deyn dadka cudurka mudulnimada
iyo laxa jaclada qaba, oo ma siin xurriyadda inay naftooda u
hoggaansamaan iyo hawadooda baadilka ah.
Islaamkuna waa hanuunshaha, hagaagshaha
ku hoggaamin ummadaha kheyrka Ilaah, una hibeyn barwaaqo iyo baraare,
mahaddana Ilaah baa leh barbaariyey cid iyo wax kastoo uunka jira…
Cutubka Sagaallaad:
Sakaatul Fidriga
Sakaatul Fidriga waa fariido uu farad
yeelay rasuulkii Ilaahay (SCW), kolkuu Ramadaanka dhammaadana la bixiyo,
waana mahdin Ilaahay looga xamdi noqi galladdaa waafijinta ah ee uu
qofkaa muslimka ahi waafajiyey soonka, ka qayb galka salaadda
taraawiixda iyo qiyaamkaa barakeysan. Sakaatul Fidrigu waa camalka uu
qofka ku khatimayo bisha Soon, isagoo Ilaah ka rajeyn deeqdeeda iyo
abaalkeeda, waana sadaqo uu ku taageeri walaalki muslimka ee saboolka
ah, si uu ugu deeqtoomo inuu cid wax weydiisto maalinta iidda, ayaantaa
farxadda muslimiinta ahna si wanaagsan uu u iido.
Wuxuu AIlaah ku farad yeelay Sakaatul Fidriga….
- qof kasta oo muslim ah,
- lab,
- dheddig,
- saqiir,
- kabiir.
Waxayna ku waajibtaa qofka muslimka ah
iyo inta uu mas’uulka ka yahay quudintooda ee xaas, caruur iyo boy leh –
adeegayaal – waxaana inoo caddeeyey qaddarkeeda rasuulkii Ilaahay (SCW)
sida ku soo aroodhay xadiiska Ibnu Cumar – Ilaahay isaga iyo aabbahiba
ha ka wada raalli noqdee:
Qaddarka Sakaatul Fidriga waa koombo
qaadi afar iyo bar mugga sacabbo ruux calaacalo meel dhexaad ah leh, ama
laba kiilo iyo bar. Waxaana sako ahaan loo bixin quudka qaalib ahaan
laga quuto dalkaa, sida ….
- bariiska,
- galleyda,
- massagada,
- timirta,
- sareenka iwm.
Qofkana waxaa u kheyr badan, u
wanaagsanna inuu quudka kiisa wanaagsan ee nafciga badan leh faqiirka u
dooro. Wuxuuna yiri Abii Saciid al-Khudriyi – Ilaahay ha ka raalli
noqdee:
Macnaha xadiiskuna waxaa weeye:
“Waxaynu u bixin jirnay Sakaatul
Fidri ahaan, xilligii rasuulka (SCW) saac – koombo labo kiilo iyo bar
qaad ah – cunto ah, cuntadayadana waxay aheyd sareen, zabiib, caano
fadhi ahoo la qallaliyey iyo timir.” [Waxaa soo wariyey al-Bukhaari].
Sidaa awgeed lacag looma bixin karo
Sakaatul Fidriga, ama gogol, ama dhar iwm haddii ayse suuroobi weydo
inuu qofkaa quud la quuto uu bixiyo, aad u adkaato, daruurad iyo ka
fursan waa wuxuu u bixin karaa lacag, halkii cuntada, si ayan u joogsin
fariidadaa…
Waqtiga ugu wanaagsan in la bixiyo
Sakaatul Fidrigana waa inta u dhaxeysa salaadda Subax iyo salaadda
Ciidda wayna bannaan tahay inuu qofka bixiyo maalin ama laba maalmood ka
hor dharaarta Ciidda. Waxayna waajibtaa Sakaatul Fidriga habeenka ay
ciiddu soo geli, salaadda Ciidda dabadeed qofkii bixiya waa u sadaqo.
Tixraac xadiiskan Sunanta ku yaal:
Macnaha xadiiska waxaa weeye:
“Wuxuu nebigu -NNDHA- u waajib yeelay
Sakaatul Fidriga inay ka daahiriso qofkii soomanaa waxii laqwi ka
dhacay iyo haasaaw iyo in la quudiyo masaakiinta, qofkii baxsha salaadda
ciidda kahor waa u sako, qofkii salaadda ciidda kaddib baxshaana waa u
sadaqo sadaqaadka kamid ah.” [Waxaa soo wariyey Abuu Daawuud iyo Ibnu Maajah].
Waxaana xaaraan ah in dib looga dhigo Sakaatul Fidriga maalinta Ciidda inay daruuf iyo dan kuu geyso mooyee.
Tixraac qowlka rasuulka (SCW):
Macnaha xadiiska waxaa weeye:
“Ka deeqtoonsiiya maanta -masaakiinta ayaa loola jeeda iyo fuqarada muslimka ah – inay cid wax weydiistaan.”
Sidaynu horay u soo xusnayna way bannaan tahay inuu qofka Sakaatul Fidriga bixiyaa maalin, labo, iyo seddex cisho ka hor.
Tixraac xadiiskan Maalik:
“Waxaa Naafic laga soo xigtay in Ibnu
Cumar – Ilaahay ha ka wada raalli noqdee isaga iyo aabbahiba: “Uu u
diri jiray Sakaatul Fidriga qofka laysugu ururin labo ama seddex cisho
ka hor.”
Yaa la Siin Sakada Fidriga ?
Waxaa leh Sakaatui Fidriga oo la siin fuqurada iyo masaakiinta, tixraac xadiiska:
Ha yeeshee waxaan u soo jeedin lahaa qof
kastoo dooni inuu diinka iyo kalmadda Ilaahay ee kor ahaato in sakada
iyo Sakaatul Fidrigaba degmo kasto ay isugu ururiyaan kooda ugu diin
dhowrid badan, aqoon iyo camal fal ahaanba, si uu isaguna ugu sii
gudbiyo qolooyinka mudan ee diinta Ilaahay ku wanaagsan si Islaamka laga
tagay loogu soo noqdo, dadkana diinta loogu sheego, naar iyo naclad
Eebbe looga badbaadiyo.
Waana in laga dhowro sakada iyo Sakaatul
Fidriga cid kastoo qabuuraha iyo mootida caabudda sida kuwa anbiyada iyo
awliyada mootan barida, ama cidaan Ilaahay aheyn, ama sharad u galo,
ama qofka sheegtay inuu ka warqabo waxaa dhici, ama kuwa sixirka dhiga,
ama ku dhaqma, ama matukadayaasha ama kuwa dejiya, soo saara, sharci aan
kii Ilaah aheyn iyo sunnada rasuulkiisii (SCW) ama banneeya xukun aan
kii Ilaahay aheyn iyo rasuulkiisa, ama ka raalli noqdo, ama danuubta
banneysta, ama Ilaahay, rasuulkiisa iyo mu’miniinta kujees jeesa, sida
kuwa ku jees jeesa dumarkaa Ilaah u hoggaansamay ee oogadooda asturtay,
xijaabkii Ilaahay faray qaatay, xishoodka iyo xushmadda weheshaday,
diidayna inay qaadaan dhabbaha dumarka qiimaha jaban ee xishoodkii
tuuray, diraca, maryaha gaaban iyo qaawanaan ku suuq wareegay, ragga isu
bandhigi, naftooda iyo qeyrkood fitneyn, Rabbi iyo rasuulki caasiyey,
doortay in naarta jahannamo xaabo looga dhigo iyo inay dumarka gaalada
la mid noqdaan.
Ama ku jeesjeesa dhallinyaradaa Ilaahay
mideeya, u hoggaansan, muwaxidiinta ah, musalliinta, garka aan xiiran –
maadaamuu rasuulka amray inaan la xiiran, Rabbina ina faray inaynu
rasuulka raacno, gar xiiridduna ay xaaraan ka tahay qofka Muslimka ah,
tixraac xadiiska:
Ama dhallinyaradaa surweellada ama
toobabka ay xiran yihiin aan qoobabka ka shishe marin waayo ninka
Muslimka ahi waa ka xaaraan inuu dharka uu xiran yahay qoobabka ka
shishe mariyo, tixraac qowlka rasuulka (SCW):
Dumarkaana la faray inay dheereystaan dharkooda si ay cagahooda u qariyaan.
Haddase – walaa xowla walaa quwata illaa
billaah – raggii ay dheereysteen, dumarkiina ay gaabsadeen… Sidaa awgeed
dadkaa ku jees jeesa ehlu diinka waa in laga dhowraa sakada iyo kuwa
qabuuraha barya iyo kuwa aan soo xusnay oo dhan ee salaadda aan tukan
ama mootida barya inkastoy tukadaan iwm. Sakada kuma baxdo iyo Sakaatul
Fidriga waayo nasuusta Qur’aanka iyo Sunnada rasuulka gaalnimay ku
xukumeen qofkii la yimaada arrimahaa, haddii looga digay, qofkuna ku
madax adeegay.
Labo Mas’aladood:
MAS’ALADA KOOWAAD: Way bannaan
tahay in Sakaatul Fidir qof keliya leeyahay loo qaybiyo laba miskiin ama
ka badanba. Sidoo kalena way bannaan tahay in dhowr Sakaatul Fidir
miskiin keliya la siiyo, waana mad-habka jamhuurta.
MAS’ALADA LABAAD: Way ka dhici
oo lagama doonayo Sakaatul Fidriga ruuxa aan heysan in ka badan wuxuu
maalintaa iidda biilan lahaa isaga iyo reerkiisa waxayna ku waajibtaa
ruuxii heysta wuxuu ku biili lahaa naftiisa iyo reerkiisa maalinta iidda
iyo ka badan.
Gunaanadka kitaabka waxaan ugu yeerayaa
walaalahay Soomaliyeed meel kasta ay joogaan, inay aad ugu dadaalaan
barashada diinta, xayaatadoodana saldhig ugu dhigaan. Haddaad nolol
adduun iyo mid aakhiro dooni, dagganaan, kheyr, nuur iyo naruuro leh,
Ilaahay Kitaabkiisa baad ka heli. Waxaan ugu yeeri walaalahay
Soomaaliyeed meel kasta ay joogaan inay goobta Islaamka dhab u galaan,
oo ayan debedda ka tagnaan, xusuusinna qowlka sarreeye Ilaahay:
Macnaha guud ee aayaddana waxaa weeye:
“Kuwa Eebbe rumeeyow wada gala
Islaamka uu qofka kaga nabad geli xumo oo idil – sharafta iyo qiimahana
uu ku helayo adduun iyo aakhiraba, si dhanna u qaata idinkoo wada fulin
dhammaan awaamirta xagga Rabbigiin idiin kaga timi iyo rasuulkiisii
(SCW) oo ha raad raacina sheydaanka, waayo waa idin cadow daran.”
Qofkii doonayana inuu amarka iyo yaboohaa
Ilaahay u hoggaansamo wuxuu ku dadaali, u dheereyn barashada sharciga
Ilaahay iyo sunnada rasuulka (SCW) daahirka ah iyo dhaqan-gelintooda,
qofka aan hoggaansaminna cidaan naftiisa aheyn wax yeeleyn mahayo.
Wuxuu yiri sareeye Ilaahay:
Macnaha guud ee aayaddana waxaa weeye:
“Waxaad tiraahdaa – nebi Maxamed ayaa
lala hadli – kuwa hoogay ee ba’ay, khasaaray guul darrada ku dhacday
waa kuwa naftooda ku waayey iyo ehelkoodaba naarta, in cadaabtaa loo
kaxeeyana la amri maalinta Qiyaamaha, taana weeyaan khasaarada weyn ee
aan laga soo waaqsaneyn.”
Waxaan Ilaah ka baryi inuu ina waafajiyo,
ina barana cilmiga kiisa nafaca leh, iyo ku camalfakiisaba iyo inuu
innaga aqbalo acmaashayada aynu isaga keliya kaga abaal dooni, nabad iyo
naxariisna dushiisa ha haato nebigeennii Maxamed, ehelkiisii,
asxaabtiisii, iyo cid kastoo xaqa ku raacday…
Nabiga ﷺ
Allaah Kor ahaaye wuxuu yiri:
“Dhowra salaadaha iyo salaadda dhexe oo istaaga Allaah horti idinkoo adeecsan.”
[Suuradda Al-Baqara: Aayadda 238].
Taraawiixda iyo Sakada
CabdulCasiis Xasan Yacquub
Xafiiska Isu-Kaalmeynta Dacwada iyo Toosinta
Qeybta Jaaliyadaha
Sanduuqa Boostada: (20824) Riyaad, Sucuudiga
Tel. 4030251
Faakis: 4030142
Shacbaan, 1410 Hijri