Tuesday, February 6, 2018

Sidee lo Save gareysta Qoraalada,Sawirada ku jira Internetka Adigoo isticmaalaya Opera Menu si aad u daalacato Markaad Offline-ka tahay Ama Qadka aadan ku jirin +Qoraal+Sawir



Asc aqiyaarey meel walba oo aad joogtan kuso dhawaada Hooyga Barashada Computerka Maanta haduu Eebe Subxaanuhu Watacala Idmo Waxaan idiin la wadaagi doona Cashir  Yar Islamarkaana Faa'ido leh.

Dabcan Hadii aad Taqaan Waa sidii la rabay balse waxaan Cashirkan ugu Talagalay in ay ka Faa'iidestan Walalaha Soomaliyeed ee Aaan Garaneen.

Cinwaanka Cashirka waa:

Sidee lo Save gareysta Qoraalada,Sawirada  ku jira Internetka Adigoo isticmaalaya Opera Menu  si aad u daalacato Markaad Offline-ka tahay Ama Qadka aadan ku jirin.

Wali Makugu dhacday Aqristoow Dhacdadaan:

Waxa laga yaaba Mararka Qaar in aadan Isticmaaleyn Alaada Internet-ka islamarkaan aadan heli Karin  Ama Waxa laga yaba in aad Safar tahay Ha ahaado midkuu Doono  Baabur,Tareen ama Diyaarad marka waxa laga yaaba in aad u baahato waxyaabo aad isku mashquuliso sida  Aqrinta sheekoyin Taarikho iyo Qoraalo kale si aad intaa u hesho Buug iyo Internetkii aad ka heli lahed macluumadka ma heesatit    Maxaa Xal ah.


Opera Menu

Ciladaa waxa kuu xalin kara Browser-ka la yiraah Opera Menu.

Hadaba Maxa la dhaha  Browser:

Browser :waxa la dhaha  Waa Application ku saamaxayo  ama ku ogolaanayo in aad ku Daalacato Websit-yada .

Browser-ada ugu Caansan ya  kamid ah:
  1. Mozile.
  2. Opera Menu
  3. Internet Explore
  4. Google Chrom.
  5. Iyo kuwa kale oo inta lagu so koobi Karin
Marka sida Daraadeeda  Opera Menu waxa uu kamid yahay Browsara-da  Ugu Caansan.

Hadaba Cashirka aan Guda galo :

Opera Menu waxa uu ku saamaxa in aad Ku Save Gareysato ama ku xafidato Qoraalada Aad marka Internet-ka Heesato Aqrinsanesid si aad Markaad Interneedka ka baxdo aad u aqrisato.


Sidee lo So Dajiya Ama Loogu Shubta Mobile-ka Opera Menu Raac Tilaabooyinka:

Step 1: Dooro  ama Fur Playstore oo ah Meesha Applicationada laga so dagsado:

Image titled Install Opera Mini Step 1

Step 2: Markuu Playstore ku Furmo Meesha Searching-ka ku qor  Magaca Applicationka  adoo qoraayo Opera Menu markuu kuso baxana Ku dhufo ama Taabo Applicationka Opera Menu:


Image titled Install Opera Mini Step 2

Step 3: Markuu kuso baxo Opera menu kadib ku dhufo Install :

Image titled Install Opera Mini Step 3


Step 4: Markuu ku shubmo kadib Open dheh Si aad Cashirkeena u guda galno :


Image titled Install Opera Mini Step 4



Markaad ku Shubatay Opera menu Mobile-ka kadib Sidee lo Save Gareya  Marka Qoraalada aad rabto:

Raac Talaabooyinkan Hoose:

Tilaabada  1-aad: Fur Applicatinka Opera Menu --Markaad Furto waxa Arke Sawirkan hoose oo kale:

Natiijada sawirka how to save text using opera menu  step by step with images

Marka Furto Appllication-ka Opera Menu so Diyaarso Warbixinta ama Sheekada ama Qoraalka aad rabto in aad Save gareysato  Markaad Diyaarsato Raac Tilaabta 2aad .

Ogow Adoo so diyaarsan Qoraalkii  aad Save gareyn lahed Ma Sameyn kartit Tilaabada 2aad:


Tilaabada  2-aad:  Ku Dhufo ama Taabo Caalamada Sadaxda- dhibic ee is kor saran  ee ku taalo Qeybta kore Dhinaca Midig ee Application-ka Raac Tilmaanta Sawirka hoose :




































Tilaabada  3-aad:  Markaad ku dhufato  ama Taabato Caalamada Sadaxda- dhibic ee is kor saran  ee ku taalo Qeybta kore Dhinaca Midig  waxa kuso baxaayo Sawirkaan Hoose  Kadib ka Dooro Meesha ay ku qoran tahay Save For Offline  kadib ok dheh:



































Tilaabada  4-aad:  Qoraalkii aad Rabtay Sidaas aya ku Save gareysatay markaad Rabto ayaad Aqrisan karta adoo heesan xita Wax Internet ah.


Hadaba Sidee loso Bixiya Wixii aad Save Gareysatay ama Diinwaan Galisay :

Raac  Tilmaamahan Hoose:

Step 1: ku dhufo Qeybta hoose Dhinaca Midig Calaamada Koobaabinta Ama Calamada Opera ee hoos ku taal Raac Tilmaanta Sawirka hoose:

























Step 2: Markaad ku dhufato Calaamada Opera ee Hoos Taal Qeybta Midig Waxa kuso baxayo Sawirkan hoose kadib waxaad ka sii Doorata Meesha ay ku qoran tahay Offiline Pages ku Dhufo:

























Step 3: Markaad ku dhufato  Offiline Pages  Kadib waxa kuso baxayo Inta Qoraal ee aad Save Garystay Midkaad Rabto aya Furi karta :


























Ogoow Aqristoow Xuquuqda Sawirada Waxa leh Websit-yada Kala ah:


https://www.wikihow.com/

https://www.makeuseof.com

Xuquuqda Qoraalkana Waxa leh Anigo ah C/risaaq MRashid Ahmed

Fasax ayaadna u tahay Aqristoow in aad u adeegsato Hab waxbarasho Dhamaan qoraalada ku jira IfiyahaCilmiga

Dhamaad

Waxa idiin  Diyaariyay : Eng C/risaaq MRashiid Axmed

Wixii Suaal iigu so dir Alaqsaa1996@gmail.com


0 comments:

Post a Comment