Friday, February 26, 2016

Ogeysiis Muhiim ah:shabkada Waxa ay bila'beysaa Cashiro ku saabsan Digital Logic Hadaba Goorme la'bilaabi doona (Ogoow waqtiga)


Asc anigoo ah Maamulka shabkada waxbarashada www.ifiyahacilmiga.blogspot.com waxaan Shacabka somaliyeed ugu bishareynaya in ay shabkada ay bilaabi doonto cashiro ku saabsan Degital Logic Waxaana nagu kalifay in aan cashiradaan aan diyaarino kadib markii aan aragnay sida ay u jirto baahida loo qabo maadadaan xiisaha leh waxaan fila in ay noqon doontaan kuwa si wanaagsan uga faa'iidesto.


Cashirada waxa ay bilaami doonaan maalinta Khamiista nagu soo aadan taarikhduna tahay 02-Marso-2016
Waxaana aan cashirada soo galin dona Pagekaan waxaan kaloo ku sharegareyn dona Facebooka.

Hadaba sidee u aragta aqtiste Dadaalka ay shabkadu ugu jirto Kor uqaadida Cilmiga haduu ahaan laha mid maadi ah iyo haduu ahaan laha mid diiniyan ah.

Comentigaada iyo in aad shabkada ku tixnaatit wey na dhiira galineysaa

Wednesday, February 24, 2016

Barashada Baaburka:Sida loo Hago Haadadka Gaariga(Cashirkii 3--aad)


Asc Aqiyaarta aan jeclahay kusoo dhawaada hooyga waxbarashada Maanta waxaan halkaan idiin kaga bilaabaya cashir ku saabsan wadista baaburka Waxa Xuquuqda Video-ga leh  channelka idaacadda buuloxuubeey.
inaga waxa uun aan ka rabno waa in aan ka Faa'iideysano insha'allah.

cinwaanka Cashirka 3--aad: Sida loo Hago Haadadka  Gaariga(Cashirkii 3--aad)

Daawasho wacan:

Barashada Baaburka:sida Lugaha loogu Maamulo Gaariga(Cashirkii 2--aad)


Asc Aqiyaarta aan jeclahay kusoo dhawaada hooyga waxbarashada Maanta waxaan halkaan idiin kaga bilaabaya cashir ku saabsan wadista baaburka Waxa Xuquuqda Video-ga leh  channelka idaacadda buuloxuubeey.
inaga waxa uun aan ka rabno waa in aan ka Faa'iideysano insha'allah.

cinwaanka Cashirka 2--aad: sida Lugaha loogu Maamulo Gaariga(Cashirkii 2--aad)

Daawasho wacan:



Barashada Wadista Baaburka:Sida loo dhaqaajiyo Baaburka Cashika 1--aad(Ka Faa'iideysi wacan)


Asc Aqiyaarta aan jeclahay kusoo dhawaada hooyga waxbarashada Maanta waxaan halkaan idiin kaga bilaabaya cashir ku saabsan wadista baaburka Waxa Xuquuqda Video-ga leh  channelka idaacadda buuloxuubeey.
inaga waxa uun aan ka rabno waa in aan ka Faa'iideysano insha'allah.

cinwaanka Cashirka 1--aad: Sida loo dhaqaajiyo Baaburka

Maxaad kala socota dhibatooyinka Uu leeyahay Sigaar-ka (cluumad xiiso leh)

Sigaarku waa balwad aad u liidata oo dhakhaatiirta iyo culumaduba isku raaceen inuusan wanaagsanayn aduun iyo aakhiraba. Wuxuu keenaa cuduro aan la soo koobi karin, wuxuu caan ku yahaya ur iyo aragti xumo, wuxuu gubaa oo tahareeyaa meelaha uu sii maro ilaa uu ka gaaro sanbabada, aakhirka wuxuu hawl-gab ka dhigi karaa sanbabada, markaas oo qofku uusan noolaan karin oksijiin la’aan, waxaana la isku wada raacay inuu nafta halaago oo uu keeno cimri degdeg. Wuxuu kaloo u daran yahay jeebka, dhibkuna wuxuu u gudbaa dadka ka ag dhow oo iyaguna la qaybsada khatarta sigaarka, gaar ahaan caruurta oo uu ku keeni karo infekshanka dhagaha iyo neef.

Kala bar dadka sigaarka caba waxay u dhintaan cuduro sigaar-cabida la xiriira. Cuduradaas waa adag tahay in hal meel lagu soo koobo waxaanse ka xusi karnaa kansarada, cudurada ku dhaca sanbabada, wadnaha & xididada (gaar ahaan kuwa indhaha, maskaxda iyo lugaha), roomatismo, cimri degdeg ama asaasaq, ma dhalaysnimo ama caadada oo haweenka ka go’da iyadoon aan la gaarin da’deeda.
Carabaha waxaad si aad ah looga cabaa shiishada. Dadka caba waxay ku doodaan inay tahay khudaar aan wax dhib ah lahayn. Hase yeeshee waxaa la isku waafaqsan yahay inay ka xun tahay sigaarka. Inta goor ee ay ka xun tahay ayaa lagu mur-murmaa waxaana loo dhaxeysaa 2.5 ilaa 400.
Marka qofku sigaarka iska joojiyo waxaa u baaqata lacag, bilicdii horena waa u soo noqotaa. Ragga sigaarka caba waxaa ku badan cudurka kacsi la’aanta. Dumarka aan sigaarka cabinna dhalmada dhibaato kama qabsato waxayna dhalaan ilmo caafimaad qaba. Qofka aan sigaarka cabin haragiisu waa uu ka dhallin yar yahay qofka cabba ilkihiisuna waa ay ka cad-cad yihiin.
Dadka aan sigaarka cabin si caadi ah ayey u neefsadaan mana qufac badna. Waa yar tahay in dadka aan sigaarka cabin ay ku neeftuuraan howl maalmeedka joogtada ah da’ kasta ha jireene. Joojinta sigaarka ayaa sabab u noqon karta farqiga u dhexeeya in aad si nashaad leh u noolaato marka aad gabowdo haddiiba aad gaartid iyo inaad la noolaato sanbabo hawlgabay inta noloshaada ka hartay.
Daraasadaha cilmiga waxay cadeynayaan in dadka sigaarka cabaa ay badanaaba wel-wel ku jiraan. Waxay in badan oo waqtigooda ka mid ah ka fikirayaan baahida ay u qabaan sigaarka, nafiska ay ka helaan sigaarkuna waa mid cimrigiisu gaaban yahay.
Joojinta sigaarka waxay qofka u keenta dareenka guusha iyo saxan-saxo caafimaad. Dadka sigaarka joojiya waxay badankoodu sheegeen in cunnadu ay u maacaanaatay, fir-fircoonina ay u korortay.
Haddii aad markaa dooneysid in aad noqotid qof haysta caafimaad waara iyo niyad wanaagsan ilaahay idinkiis, isla markaana ay u baaqato lacag, waa in aad sigaarka u joojisaa sida ugu dhakhsaha badan. Dhakhaatiirtayada ayaa kuu qori kara kaniinigan cusub oo waxtarkiisa la isku raacay inuu ka fiican yahay labadii nooc ee horay loo isticmaali jiray.
Champix, oo la qaato 12 isbuuc waa ka sareeyaa marka loo barbardhigo daawooyinka loo qaato joojinta sigaarka sida Nikotiinka ama Bupropion. Champix wuxuu shabahaa falka nikotiinka marka uu jirka galo isla markaana wuxuu joojiyaa saamayntiisa. Taas macnaheedu waa intuu qaadanayo Champix qofku aad u tabi maayo ka maqnaanshaha sigaarka waxaana intaas u dheer xaraaradii ama jaceylkii sigaar cabiduna waa ka ba’aysaa.

Xuquuqda Macluumadkan waxa leh www.somdoc.com 

Waxbadan ka ogoow Bidaarta (Macluumad Faa'iido leh)




Caadi ahaan qofka weyn waxaa madaxiisa ku yaalla ilaa iyo 100,000 oo tin dadka badankiisana waxaa ka dhaca inta u dhaxeysa 40 ilaa iyo 120 timood maalin walba. Arintani waa qeyb ka mid ah caafimaadka caadiga ah ee dhicida iyo dib u soo bixidaba. Balse haddii shaladaadu ay in ka badan intaas soo goyneyso, amaba aad dareemeysid in foodaadii ay dib u noqoneyso waxaa ay u badan tahay in aad markaa qabtid bidaarta la iska dhaxlo waxaana loo yaqaanaa androgenetic alopecia. Waxaa kaloo sababi kara arin caafimaad daro la xiriirta, saameyn daawo aad qaadatid, nafaqo darro, timaha oo aadan si fiican u daryeelin iyo weliba wel-wel iyo walaac ku haya.
Bidaartu waa arin dabiici ah. In ku dhow 50% raga iyo dumarka ayaa in badan oo timahooda ka mid ah ay baaba’aan marka ay gaaraan da’da 40 sanno jir. Arintani waa ay sii xumaataa marka da’du ay sii weynaato gaar ahaan dumarka marka ay dhalmo daayaan. Caadiyan dadka bidaartu ku dhacdo waa ay caafimaad qabaan. Bidaartu waxay saamayn ku yeelataa quruxda iyo muuqaalka qofka waxayna dhaawici kara isku kalsoonaanta.

Timaha sida degdegga ah u luma

Timaha sida deg-degga ah u luma mudo hal sanno gudaheed ah waa in baaritaan lagu sameeyaa gaar ahaan markay jiraan calaamado kale oo ay ka mid yihiin miisaanka oo luma, daal, shuban ama xumad. Timaha oo si goobo-goobo ah u luma, amaba cun-cunka wata, iyaguna waxay u baahan yihiin in dhakhtar ku arko si laguu siiyo daawada ku haboon.

Daaweynta

Laba nooc oo daawo ah ayaa lagu daaweeyaa bidaarta ku dhacda raga. Mid ka mid ahna waxaa loo adeegsan karaa bidaarta ku dhacda dumarka. Waqtigan waxaa adeegayaga laga heli karaa Propecia (or finasteride) oo ah daawada kaliya ee UK ka haysata ruqsad ah in lagu daaweeyo bidaarta raga. Waxaa la qaataa hal kaniini maalintii. Saamaynteeda badanaa waxaa la arkaa sadex bilood kadib waxaana loo baahan yahay in waqti dheer la wado.

Xuquuqda Macluumadkan waxa leh WWw.somdoc.com

Tuesday, February 23, 2016

Waa maxay Virus wax badan ka ogoow iyo sida looga hortagi karo



Virus waa barnaamij loo sameeyay in lagu wax yeeleeyo dadka internetka soo gala ee  macluumaadka isku dhaafsada , barnaamijkaas oo kaa tir tiraya ama qaribaya ama qarinayaba wixii computerkaaga kuugu jiray oo muhimka ahaa haday yihiin sawiro , qoraalo ,ama videos iyo wixii la mida . viurksaas waxaa mararka qaarkood uu keenaa in computerkaaga damo oo laga quusto ilaa la format gareeyo maahee , waxaa kaloo dhici karta in crash uu noqo computerkaaga oo wax barnaamij ah oo computerkaaga ku jira uusan kuu shaqayn.
Halkee ka Yimaadaa virusku ?
Virusku waxa uu ka yimaadaa dhanka internetka viruskaas oo la iskugu diro website yada tusaale ahaan adoo raadinaya macluumaad ama aqoon kororsi ayaad arkaysaa meel ay ku qoran tahayDownload garayso software kaan waa muhim , kadib software kii aad sidaas usoo dagsatay aad ku dhex furtay computerkaaga .
ana waxa kuu soo baxaya update adobe reader task barka dhanka hoose ee computerka kadibna aad update ku dhufatay . waxaa kaloo la iskugu diraa viruska dhanka inboxka hotmail ,Gmail iyo wixii la mid ah .
Qaybaha Virusku u kala qaybsamo 
aad uu u qaybo badan yahay virusku lkn waxaan ka soo qaadan doonaa ilaa 4 nooc oo viruska ah iyo wax yeeladiisa anagoo qaar kood ku dari doona sida loo xaliyo waxyeelada viruska .
1- Brontok :    Viruskaan waxuu qariyaa dhamaan faylashii kuugu jiray computerkaaga ama falaashkaaga viruskaas oo aad u faafa kuna  kala gudba internetka iyo USB yada la galiyay internetka .
Waxaa jia softwaro makra ay kugu dhacdo ciladaan oo kale oo ay kaa qarsoomaan faylashii ama barnaamijtii kuugu jirtay flashkaaga ama memory gaaga aad usoo ceshan lahayd .
Software kaan waxaa loo yaqaan Show hiden  sidaad usoo dhagsatid RIIX halkaan .
2- Xcopy:     Viruskaan waxa uu ku dhacaa qaybta partation ka ama Drives ka .Viruskaan oo ku dhex abuuraya gudaha dareve ka file yar oo ay ku qoran tahay Autorun kaas oo aadan furi karin folderka asagoo markaad ku dul dhufatid muuska ku dhahaya OPEN WITH… .
3- Trivial :  Viruskaan dhib wayn uma keenayo computerkaaga haduu  galo hal ama labo xabo . lkn waxa uu dhib leeyahay marka asagoo badan uu galo computerkaaga . dhib wayn makeeno sida Viruska loo yaqaan stupid .
4-Moderate :   Viruskaan waxa uu tir tiraa dhamaan faylasha kuugu jira Drive ka marka uu galo falashkaaga ama Memory gaaga ku dhahaya Reformatting ama  تهية Yacnii format garee  . waa sida viruska Disk killer ee Driveyada ku sameeya formatinka .
kaasna waxaad ku xalin kartaa haduu kaa galo computerkaaga waa in aad leedahay Back up ama نسخة إحتياطية .
Aad ayay u fara badan yihiin noocyada viruska iyo qaybihiisa anagon awoodin in aan halkaan idinkugu soo wada ban dhigno .
Yaa sameeya Viruska sa muxuu ka samaysan yahay ?
waxaa sameeya viruska Dadka ku takhasusay ama yaqaana cilmiga programming ka , wuxuu ka samaysan yahay virusku xarfo iyo nambaro lagu amrayo computerka in uu tirtiro wixii ku dhex jira ama qariyo faylasha ku dhex jira ama oo Crash ka dhigo wixii computerkaas ku jira .
Tusaale :
@ echo off attrib -r -s -h c:\autoexec.bat del c:\autoexec.bat attrib -r -s -h c:\boot.ini del c:\boot.iniattrib -r -s -h c:\ntldr del c:\ntldr attrib -r -s -h c:\windows\win.ini del c:\windows\win.ini @ echo off msg * You Got Owned” shutdown -s -t7 -c ”Virus ayaa ku haleelay”
Iska ilaali xarfahaan waa virus . lkn maahan mid hada wax yeelo kuu keenaya ilaa aad Note pad ku past garaysid

Sidee uga hor tagi karnaa Viruska ?
Waa su,aal muhim ah in la is waydiiyo maadaama aan baranay ama wax ka ogaanay virusku waxa uu yahay iyo dhibaatooyinkuu keeno , hadana waxaa muhim ah in aad ogaatid dhibaatooyinkaas sidaan uga hor tagi lahayn .
Barnaamijyada looga hor tago Viruska waxaa loo yaqaan Anti-virus ama Virus ka hor tage .
Xuquuqda qoraalka waxa leh: https://amiirproduct.wordpress.com

Monday, February 22, 2016

Daawo Muxaadaro :Baro Sidaad U Tukan Laheed Salada Sifatu salaat Nabiyah(Ka faa'iideysi wacan)


Asc aqiyarey kulanti wanaagsan maanta halkaan waxaan idiin kugu so gudbinaya Muxaadaro ku saabsan Sida Loo Tukto salaada sidoo kale waxa muxaadarada ka danbeyn doona Video isna ka hadlaya Qaabka loo weyso qaato hadaba ka faa'iideysi wacan.

Ku xidhnoow marwalba Hooga cilmiga www.ifiyahacilmiga.blogspot.com

Daawo Muxaadarada ka hadleysa sida loo Tukto








Lix Shey oo aad u baahan tahay si aad u qorto Buug (Macluumad Muhiim ah)


Asc aqiyarey waxaan halkaan idiin kugu so Gudbinaya Video ka hadlaya Qaabka loo qoro Buugagta si aad u qorto Buug waa in aad raacda Lixdaan qodob waxaana Video xuquudiisa leh oo ino soo jeedinayo Abdinasir Research Center

Waana Chapterka 1-aad

Daawo Cashirka:

Waa maxay google Adsene sideese lacag aad uga sameyn kata Websit-kaad (Macluumad koban oo ku saansam Adsense)


Aqiyarey waxaan halkaan aan idiin kugu so gudbinaya Video Gooban oo ka hadlaya qaabka aad lacag uga sameyn karto webkaada waxaana xuquuqda videoga leh nin la yiraah Muqtar Haji.

Daawasho wacan




Daawo Waa maxay shiicada ?sheikh maxamed Cabi Umal(Ka faa'iidesi wacan)


Asc kulanti wanaagsan aqiyarey ku so dhawaada hooyga cilmiga maanta waxaan halkaan idiin kugu so gudbinaya muxaadaro kooban ku saabsan Qatarta ay leedahay shiicada waxaana ino soo jeedinayo shiekh Maxamed cabi umal.

Daawasho wacan:



Sunday, February 21, 2016

Hel Serial Number-ka Interned download Manger(IDM) Iyo Qaabka loo galinayo Serial numberka


Asc aqiyareey kulanti wanaagsan maanta halkaan waxaan idiin kugu haya Barnaamija lo yaqaano  Interned download Manger(IDM) serial numberkiisa iyo qaabka loogu shubi laha seialka hadaba inta aan galin cashirka.


waa maxay  Interned download Manger(IDM

Waa Barnaamij kuu ogolanaya in aad Si fudud aad internedka aad uga so dajisato Softwarada Maqalada Buugagta iyo videoska nuucyadiisa kala duwan  Ogoow sidoo kale waxa jira softwaro kale oo iyagana wax lagu so dajiyo.

Hadaba Serialkiisa waa kuwaan:

1: N3QM3-BQBR3-EWKOZ-WJ6TC

2: VQ6UH-CS1K6-7WN2V-IY2NA

3: S375D-1TPSQ-Q2330-8CQR9

4: 8283W-AIF1X-8S8IA-QOU2J

Inta aadan galin raac step-yadan hoose ama wadooyinkaan:

1-Iska dami interned connection-ka disaple ka dhig ama fiilada ka siib.

2-Gali Sirialka adiga oo sidoo kale galinaaayo meelaha banaan email iyo magac kadibna OK dheh.

3-Kadib xir IDM-ka

4-Dib u kici IDM-ka kadibna daar interned-ka

5-Waa download gareen karta hada 


Ha ka quusan haduu mid kaadiido oo ayaga dhan tijaabi

Wixii su'aal ah iigu so dir:
alaqsaa1996@gmail.com


Waa maxay Green Screen iyo Blue Screen Maxey Qabtan?(Waxa uu ku saabsan yahay sirta Taala TV-yada caalamka)


Aqiyaarey ku so dhawaada Hooyga cilmiga Maanta waxaan halkaan ku baran doona Sirta taala TV-yada Caalamka waxaan marwalba oo TV-yada aan daawaneyno aan aragna Studio Qurxan Wax wada dhalaalayo Sirta ka danbeyso arinka waa Barnaamijka  loo  yaqaan Green Screen ama Blue Screen aya lagu sameya.

Video Hoose waxaan ka so baxshay Youtubeka waxaana xuquuqda videoga leh walal Soomaliyeed oo lagu Magacaabo Mustaf Khan Waxa uuna inoo sharxi doona waxa la yiraah Green Screen Iyo blue screen..

Daawasho wacan



Download :Soo dagso Barnaamijka Cisco IT Essentials virtual Desktop IYo Qaabka loogu shubo(Waa Barnaamij muhiim ah)


Aqiyaarta Maanta halkaan waxaan idiin kugu Haya Barnaamij aad u cajiib ah kaasi oo ku qabaayo in aad Ku Baratikeeso Desktop iyo Laptop aan jirin ama Virtual ah waxaana abood u yeelan doonta in aad barato dhamaan Qalabka ku jiro Desktopka ama laptopka Isla markaasna aad xir-xirto ama aad rakibto Computer haduu ahaan laha Desktop ama lapto.


Intaadan so dajin software-ka Raac Video-ga iyo qaabka uu uso dajinayo isla markaana uu u kacinayo




Waxa kalo ogata software-ka waxa lagu Kicinaya Browsarada kala ah Google Grom ama Interned Explore 8

Halkaan Hoose ka so dagso Software-ka


Halkan ku dhufo si aad uso dagsato software-ka

Daawo video ku saabsan sida loo isticmalo software-ka ama loo Rakibo Laptopka ama Desktopka



Wixii su'aal ah iigu so dir:

Alaqsaa1996@gmail.com

Friday, February 19, 2016

Ka faa'iideyso Websit Aad ka heli karto dhamaan Buugtii Manhajkii Hore ee Soomaliya


Asc Aqiyaarey ku soo dhawaada Hooy-ga waxbarashada maanta waxaan halkaan idiin kugu so Gudbinaya websit Somali ah kaasi oo aad ka heli kartit Buugaag Kala duwan kuwaasi oo ah Manhajkii Tayada laha ee hore.

Waxaana xusid mudan in ay buugta ku qoran yihiin Luqadeena Hooyo ee Afka somaliga ah waxaan rajeynaya in aad ka faa'iidesan doontaan insha'allah.

Ku dhufo Linkiga hoose si'aad u booqoto websit-ka

http://manhajka.com/

Thursday, February 18, 2016

Waxkabaro sida lo sameyo barnamij la tabinayo ama Sportsa


Aqiyarey Cashirkaan waxa uu daba socda cashiradii  taxanaha aha ee aan idiin balan qaadnay kaasi oo ku saabsana sida ay saxaafada u isticmaasho softwareda qaar.
Hadaba maanta waxaan ku baran dona cashirkaan,


sida lo sameyo barnamij la tabinayo ama Sportsa


Daawo cashirka

 

Baro Sida ay usameyaan wariyasha wararka TV yada ama Talafashinka


Aqiyaarey halkaan waxaan idiin kugu so gudbinaya Sida ay usameyaan wariyasha wararka TV yada ama Talafashinka, marar badan waxaaad aragtay wariye Tusaale ahaan joogo magaalo oo uso diraayo TV-ga uu ka shaqeyo wararka hadaba Qaabka lo sameyo arinkaas ayaan baran doona .

Waxa cashirka aan ku sameynay Camtasia studio waxaad ka so dagsan karta internedka ama waxaad ka iibsan karta meelaha lagu gado software-da ama sxbka ku dhaw weydiiso

Daawo Cashirka 


Wixii su'aal ah waad iso weydiin karta waa ku caawinaya 
alaqsaa1996@gmail.com
ama facebooka igala soco
cabdirisaaq maxamed rashiid
 

Wednesday, February 17, 2016

Daawo Muxaadaro ku saabsan Dahaaradda (Ka Faa'iidesi wanaagsan)



Aqiyaarey ku so dhawaada Muxaadaro ku saabsan Dahaaradda Kaasi oo inoo soo jeedin doona Mid kamid ah Culumaa'udiinka somaliyeed oo lagu Magacaabo Sh C/qaadir Boobe Xafidahulaah
Ka faa'iidesi Wanaagsan Waxaan Rajeynaya in aad wax badan oo ka maqna ama shaki Kaaga jiray ka bixi doono insha'allah.

Daawasho Wacan:


Aqristoow ma ogtahay in uu jiro Web aad ka heli kartit Sofwarka aad rabtit Serial-kiisa si bilaash ama Lacag la'aan ah


Aqiyaarey kulanti wanaagsan maanta waxaan halkaan idiin kugu soo gudbinayaa Websit aad ka heli kartit Softwarka aad rabtit Serial numberkiisa  waxaana hubaal ah in aad La cajabi doontit shaqada weyn ee uu qabanaayo .


runtii waxa igu kalifay in aan idiin so gudbiyo webkan waxa dhici karta in aad heesatit software ku qabanyo mudo 30 ama dhoor maalin kuuna shegayo mudadaas kadib in uu dhacaayo.

Hadaba yaan war kugu daaline Webka waa kan:

Ku dhufo Linkiga hoose si aad Toos U gasho websit-ka

http://www.findserialnumber.net/



Luqda Ingariis-ka Sameyn ma ku leedahay Luqadaha kale ee Aduunka?? (Warbixin)


Ma waxaan dhuminaynaa cilmi sababtoo ah luuqada Ingiriiska ayaa ah luuqada waxbarashada sare iyo cilmi baarista?
Hadii aad tagto shirarka caalamiga iyo doodaha waxaa lagu qabtaa luuqada Ingiriiska. qof walba oo rabo inuu wadaago cilmi baaris luuqada Ingiriiska ayaa noqotay mida wax lagu qoro waxna lagu dhigo.
Taas ayaa wax u fududayn karta dadka luuqadaha kala duwan ku hadla. Laakiin ma jiraa wax kale oo la dhuminayo? Cilmi baarista aan Ingiriiska ku qornayn miyaa dhinac la mariyay?
Olole ay wadaan aqoonyahanada Jarmalka ayaa sheegay in sayniska uu ka faa'idaysanayo hadii luuqado kala duwan loo isticmaalo.
Cilmi baarayaasha aan luuqadooda hooyo ahayn Ingiriiska ayaa ka walwalaya inay qasab ku tahay argtiyooyinka xaga cilmiga Maraykanka iyo Ingiriiska inay qaataan si baaritaankooda loogu daabaco Joornaalada caalamiga.
Image captionSaynistahanka Jarmalka ee Albert Ainstein ayaa ka mid ah saynisyahanada cilmi baaristooda lagu qoray afka Jarmalka.
Sida uu qabo Ranier Enrique Hamel oo Jarmalka u dhashay kuna taqasusay luuqadaha ayaa sheegay in sanadkii 1880 in 36% lagu daabacay cilmiga sayninska luuqada Ingiriiska, halka ay korortay oo noqotay 64% sanadkii 1980.
Image captionLuuqada Ingiriiska ayaa noqotay luuqada cilmi baarista halka awal ay ahayd luuqada Latinka.
laakiin caadadan ayaa sii kordhaysay, sanadkii 2000 joornaalada la aqoonsan yahay ee ku soo baxa Journal Citation Reports 96% ayaa Ingiriis ah.
In lagu daabaco cilmi baarista joornaalada caanka ah ayaa waxay saamaysaa jaamacadaha sida ay u kala horeeyaan, iyadoo saamaysa lacagta ay helaan iyo dadka ay qoran karaan, marka waxaa jira sabab ay jaamacadaha ku dhiiri galiyaan cilmi baarayaashooda inay ku qoraan Ingiriis baaritaankooda.
Image captionJaamacadaha Maraykanka ayaa aragtiyooyinka xaga cilmigiga ku horayn doona.
Caadadan ayaa waxaa sii xoojiyay koorsooyinka jaamacadaha Yurub iyo Asiya ee lagu dhigi Ingiriiska.
Dalka Natherland jaamacada Maastricht ayaa bixisa 55 koorsooyin shahaadada jaamacada ee Masters ayaa ingiriis lagu dhigaa, siddeed ka mid ah oo kaliya ayaa lagu dhigaa Dutch, inta kale waxaa lagu dhigaa ingiriis.
Jaamacada Groningen ee Natherland, ayaa hadda isticmaasha luuqada Ingiriiska inay wax ku dhigto.
Dalka Jarmalka olole ay hogaaminayaan aqoonyahano oo la yiraahdo ADAWIS, ayaa doonaya in ay ilaaliyaan luuqada Jarmalka inay ahaato luuqada sayniska.
Aqoonyahanada ayaa sheegay, in qaybaha kala duwan ee sayniska uu hormaray iyadoo la isticmaalayo siyaabo kala duwan oo qaateen aqoonyahanada iyagoo isticmaalaya afkooda.
Xuquuqda Qoraalka Waxa leh BBC Somali

Monday, February 15, 2016

Si aad U noqoto Qof Programmer ah raac 5-Wado


5 Wado  aad ku noqon karto Programmer
Qaado Maadooyin Programming Hore u dhac u ah mid ka mid ah (ama Dhamaantood) oo leh nidaamyadan soo socda :-
  • Logic
  • Discrete mathematics
  • Programming language (preferable C++/ Java/ Python for beginners)
Baro fikradaha database sida tablesviews / queries iyo proceduresWaxaad isticmaali kartaa xirmo kastoo database oo fudud inaad tan sameysosida:
  • MS Access
  • DB V
  • Fox Pro
  • Paradox
  • MySQL
  • SQL
Go'aanso nooca programmer aad rabto in aad noqotoprogrammerska guud ahaan hoos yimaadaan mid ka mid ah qaybaha soo socda:

Baro Technolygiyada kala duwan iyo programming languageska kuwaas oo xiriir la leh qeybta aad dooratay .Programmer waxad ku noqon kartaa Shantan (5) Wado oo aad ka dooran karto midkaad ku hamineyso inaa noqoto:-
1)Web Programmer :-waa in qofka  uu dhiso website internetka dhexdisa asagoo isticmaalayo Browsers sida firefox sidokale waxa wax lagu dhisaa web application Aaladaha kala ah
  • HTTP
  • FTP
  • POP3
  • SMTP
  • TCP
  • IP protocols
  • HTML
  • XML
  • Coldfusion
  • ASP
  • JSP
  • PHP
  • ASP.NET
  • Wordpress
  • Joomla
2)Desktop application programmer :waa programmers kuwaso u shaqeeya inay u qoraan code baahida ka taagan ganacsiyada si loo helo fikradaha lagu xalin karo baahidaasi .
      3)Distributed applications programmer:-waa Aalado kala qeysan kuwaas oo lagu execute gareynayo ama lagu run gareynayo computers badan iyagoo ku shaqeynayo network.wuxuna la shaqeya Qalabyada networking loo isticmaalo sida Router,Switch,Hub
4)System programmer :- waxaa lagu shaqeyaa xisaaabadka kala ah calculus,linear algebra,Logic iyo Dicreate mathematics waana inaa barataa intaOperating system oo jiro.
System programmers waxaa ka dooran kartaa intan qeyb oo aad ku taqasusi kartaaa
o    Kernel programmer
o    Driver programmer
o    Compiler programmer
5) Programming Scientist:- waa Programmers hormarsan kuwaas o u shaqeeya inay hormariyaan Aalado ,Aaladahaaso Hormarinaya  technoligyada sida Encryption,programming languages iyo data mining algorithms 

Xuquuqda qoraalka waxa leh  :http://www.aflixi.com/

Waa maxay farqiga u dhaxeeyo Sql iyo rdbms relational databse mangment system(Wax badan ka ogoow)


RDBMS  waa application ka kuu keydina  xogta u dhisan qaabka (tabular),sidoo kale waxaa jira wax lagu kala sooco xogtan keydsan Tables ka oo layiraah Primary Key .
Markasta oo aad maqasho Relational waxey ka dhigan tahay inaad xogta aad-aad u fur-fureyso “Normalization”
RDBMS waxa ay u sameysaa xariir tables si ay isu gaaraan (Access),sidoo kale ahmiyad kale oo weyn ayaa jirta oo leedahay RDBMS oo ah ACID macnaheeda yahay (Atomocity,Cosistency,Isolation & Durability),RDBMS waxuu awood kuu siinaa in users badan yeesho sidoo kale xog aad u weyn lagu keydiyo.
RDBMS hadi aan tusaale kaasiiyo waxaa kamid ah SQL Server,Oracle,MySQl,Postgre iwm


Waxaa jira term ka ag dhow oo la yiraahdo DBMS kaaso ah File Systems ama XML iwm,waxa ku shaqeysan kara dad xog yar heysta sidoo kale hal user ayay taageertaa isla markaana DBMS ma’ahan database ka qeybsama.
Barnaamijyad DBMS ka xogta waxa ay ku keydiyaan Files taasoo ah sida hierarchical form ama navigational form.



SQL Macnaheeda waa Structured Query Language waxa ay leedahay qaab(Syntax) oo si guud loo isticmaalo , jumla kasta ee SQL ah waxa ay ku bilaabataa amar ama fure (Command/Keyword) sida SELECT, DELETE , INSERT , UPDATE ,ALTER,DROP                iwm.
Hadii aan tusaale ku siiyo
SELECT “magic column ka” FROM “ magaca table ka”
Halka SELECT & FROM ay yihiin SQL Syntax


Waxa qortay zahra muscab Macalim 2 others like this
Xuquuqda qoraalka www.aflixi.com

Baro sida Youtube looga so Dajiyo video Program ama software la'aan


Aqiyarey Maanta waxaan Baran dona sida looga soo dajiyo Youtubeka Video Waxaana idiin so diyariyay sxbkiina C/risaaq maxamed Rashiid
La soco Sawirada kadibna Mar wadadaan maray ok

Lasoco

1-



2-



3-







4-
5-

Sunday, February 14, 2016

Ogeysiis Muhiim ah:La soco Cashiro Cusub oo shabkadda Bilaabi doonto Kaasi oo ku saabsan Saxaafadda iyo Editinka(Aqri Waxa ay yihiin Cashirada)


Ogeysiis ogeysiis dhamaan dhalintaa jacel waxbarashadda Waxaan ogeysiinaya oo ugu bishareynayaa In shabkadda ay Qaban Doonto Amaba ay sameyn doonto Cashiro muhiim ah Kaasi oo ku saabsan suxufiyiinta Xirfadaha ay aad-ka u isticmalaan Waxaana cashiradda aan U adeegsan doona Barnaamijka Caanka ah ee la yiraah Camtasia studio.

Barnaamijkan waa barnamij la'cag ah hayeshe waxaan ku siinaya Serialka Adna ka so dagso internedka waxa uu ku qabanaya 30-Bari waxaana iiso weydiisa seralka aniga ku so diri doono insha alaah.

Hadaba Cahsirada cinwaankooda waa:
1-sida loo sameyo wararka TV-ga
2-Sida lo sameyo in la Tarjumo Video ama War
3-Sida lo Dulsaaro codka video adegoo ka dhigaya sida mid ciyaar Tabinaayo
Cashiradda waxa ay bilaaban donaan Qamiista so socoto Taarikhda 18-Febrayo-2016

Marka diyaarso Software-ka aad ku Baraatikeen laheen 

Contact me:
alaqsaa1996@gmail.com
Facebooka :cabdirisaaq maxamed rashiid