Tuesday, February 23, 2016

Waa maxay Virus wax badan ka ogoow iyo sida looga hortagi karo



Virus waa barnaamij loo sameeyay in lagu wax yeeleeyo dadka internetka soo gala ee  macluumaadka isku dhaafsada , barnaamijkaas oo kaa tir tiraya ama qaribaya ama qarinayaba wixii computerkaaga kuugu jiray oo muhimka ahaa haday yihiin sawiro , qoraalo ,ama videos iyo wixii la mida . viurksaas waxaa mararka qaarkood uu keenaa in computerkaaga damo oo laga quusto ilaa la format gareeyo maahee , waxaa kaloo dhici karta in crash uu noqo computerkaaga oo wax barnaamij ah oo computerkaaga ku jira uusan kuu shaqayn.
Halkee ka Yimaadaa virusku ?
Virusku waxa uu ka yimaadaa dhanka internetka viruskaas oo la iskugu diro website yada tusaale ahaan adoo raadinaya macluumaad ama aqoon kororsi ayaad arkaysaa meel ay ku qoran tahayDownload garayso software kaan waa muhim , kadib software kii aad sidaas usoo dagsatay aad ku dhex furtay computerkaaga .
ana waxa kuu soo baxaya update adobe reader task barka dhanka hoose ee computerka kadibna aad update ku dhufatay . waxaa kaloo la iskugu diraa viruska dhanka inboxka hotmail ,Gmail iyo wixii la mid ah .
Qaybaha Virusku u kala qaybsamo 
aad uu u qaybo badan yahay virusku lkn waxaan ka soo qaadan doonaa ilaa 4 nooc oo viruska ah iyo wax yeeladiisa anagoo qaar kood ku dari doona sida loo xaliyo waxyeelada viruska .
1- Brontok :    Viruskaan waxuu qariyaa dhamaan faylashii kuugu jiray computerkaaga ama falaashkaaga viruskaas oo aad u faafa kuna  kala gudba internetka iyo USB yada la galiyay internetka .
Waxaa jia softwaro makra ay kugu dhacdo ciladaan oo kale oo ay kaa qarsoomaan faylashii ama barnaamijtii kuugu jirtay flashkaaga ama memory gaaga aad usoo ceshan lahayd .
Software kaan waxaa loo yaqaan Show hiden  sidaad usoo dhagsatid RIIX halkaan .
2- Xcopy:     Viruskaan waxa uu ku dhacaa qaybta partation ka ama Drives ka .Viruskaan oo ku dhex abuuraya gudaha dareve ka file yar oo ay ku qoran tahay Autorun kaas oo aadan furi karin folderka asagoo markaad ku dul dhufatid muuska ku dhahaya OPEN WITH… .
3- Trivial :  Viruskaan dhib wayn uma keenayo computerkaaga haduu  galo hal ama labo xabo . lkn waxa uu dhib leeyahay marka asagoo badan uu galo computerkaaga . dhib wayn makeeno sida Viruska loo yaqaan stupid .
4-Moderate :   Viruskaan waxa uu tir tiraa dhamaan faylasha kuugu jira Drive ka marka uu galo falashkaaga ama Memory gaaga ku dhahaya Reformatting ama  تهية Yacnii format garee  . waa sida viruska Disk killer ee Driveyada ku sameeya formatinka .
kaasna waxaad ku xalin kartaa haduu kaa galo computerkaaga waa in aad leedahay Back up ama نسخة إحتياطية .
Aad ayay u fara badan yihiin noocyada viruska iyo qaybihiisa anagon awoodin in aan halkaan idinkugu soo wada ban dhigno .
Yaa sameeya Viruska sa muxuu ka samaysan yahay ?
waxaa sameeya viruska Dadka ku takhasusay ama yaqaana cilmiga programming ka , wuxuu ka samaysan yahay virusku xarfo iyo nambaro lagu amrayo computerka in uu tirtiro wixii ku dhex jira ama qariyo faylasha ku dhex jira ama oo Crash ka dhigo wixii computerkaas ku jira .
Tusaale :
@ echo off attrib -r -s -h c:\autoexec.bat del c:\autoexec.bat attrib -r -s -h c:\boot.ini del c:\boot.iniattrib -r -s -h c:\ntldr del c:\ntldr attrib -r -s -h c:\windows\win.ini del c:\windows\win.ini @ echo off msg * You Got Owned” shutdown -s -t7 -c ”Virus ayaa ku haleelay”
Iska ilaali xarfahaan waa virus . lkn maahan mid hada wax yeelo kuu keenaya ilaa aad Note pad ku past garaysid

Sidee uga hor tagi karnaa Viruska ?
Waa su,aal muhim ah in la is waydiiyo maadaama aan baranay ama wax ka ogaanay virusku waxa uu yahay iyo dhibaatooyinkuu keeno , hadana waxaa muhim ah in aad ogaatid dhibaatooyinkaas sidaan uga hor tagi lahayn .
Barnaamijyada looga hor tago Viruska waxaa loo yaqaan Anti-virus ama Virus ka hor tage .
Xuquuqda qoraalka waxa leh: https://amiirproduct.wordpress.com

0 comments:

Post a Comment