Wednesday, February 24, 2016

Waxbadan ka ogoow Bidaarta (Macluumad Faa'iido leh)




Caadi ahaan qofka weyn waxaa madaxiisa ku yaalla ilaa iyo 100,000 oo tin dadka badankiisana waxaa ka dhaca inta u dhaxeysa 40 ilaa iyo 120 timood maalin walba. Arintani waa qeyb ka mid ah caafimaadka caadiga ah ee dhicida iyo dib u soo bixidaba. Balse haddii shaladaadu ay in ka badan intaas soo goyneyso, amaba aad dareemeysid in foodaadii ay dib u noqoneyso waxaa ay u badan tahay in aad markaa qabtid bidaarta la iska dhaxlo waxaana loo yaqaanaa androgenetic alopecia. Waxaa kaloo sababi kara arin caafimaad daro la xiriirta, saameyn daawo aad qaadatid, nafaqo darro, timaha oo aadan si fiican u daryeelin iyo weliba wel-wel iyo walaac ku haya.
Bidaartu waa arin dabiici ah. In ku dhow 50% raga iyo dumarka ayaa in badan oo timahooda ka mid ah ay baaba’aan marka ay gaaraan da’da 40 sanno jir. Arintani waa ay sii xumaataa marka da’du ay sii weynaato gaar ahaan dumarka marka ay dhalmo daayaan. Caadiyan dadka bidaartu ku dhacdo waa ay caafimaad qabaan. Bidaartu waxay saamayn ku yeelataa quruxda iyo muuqaalka qofka waxayna dhaawici kara isku kalsoonaanta.

Timaha sida degdegga ah u luma

Timaha sida deg-degga ah u luma mudo hal sanno gudaheed ah waa in baaritaan lagu sameeyaa gaar ahaan markay jiraan calaamado kale oo ay ka mid yihiin miisaanka oo luma, daal, shuban ama xumad. Timaha oo si goobo-goobo ah u luma, amaba cun-cunka wata, iyaguna waxay u baahan yihiin in dhakhtar ku arko si laguu siiyo daawada ku haboon.

Daaweynta

Laba nooc oo daawo ah ayaa lagu daaweeyaa bidaarta ku dhacda raga. Mid ka mid ahna waxaa loo adeegsan karaa bidaarta ku dhacda dumarka. Waqtigan waxaa adeegayaga laga heli karaa Propecia (or finasteride) oo ah daawada kaliya ee UK ka haysata ruqsad ah in lagu daaweeyo bidaarta raga. Waxaa la qaataa hal kaniini maalintii. Saamaynteeda badanaa waxaa la arkaa sadex bilood kadib waxaana loo baahan yahay in waqti dheer la wado.

Xuquuqda Macluumadkan waxa leh WWw.somdoc.com

0 comments:

Post a Comment