Wednesday, February 17, 2016

Luqda Ingariis-ka Sameyn ma ku leedahay Luqadaha kale ee Aduunka?? (Warbixin)


Ma waxaan dhuminaynaa cilmi sababtoo ah luuqada Ingiriiska ayaa ah luuqada waxbarashada sare iyo cilmi baarista?
Hadii aad tagto shirarka caalamiga iyo doodaha waxaa lagu qabtaa luuqada Ingiriiska. qof walba oo rabo inuu wadaago cilmi baaris luuqada Ingiriiska ayaa noqotay mida wax lagu qoro waxna lagu dhigo.
Taas ayaa wax u fududayn karta dadka luuqadaha kala duwan ku hadla. Laakiin ma jiraa wax kale oo la dhuminayo? Cilmi baarista aan Ingiriiska ku qornayn miyaa dhinac la mariyay?
Olole ay wadaan aqoonyahanada Jarmalka ayaa sheegay in sayniska uu ka faa'idaysanayo hadii luuqado kala duwan loo isticmaalo.
Cilmi baarayaasha aan luuqadooda hooyo ahayn Ingiriiska ayaa ka walwalaya inay qasab ku tahay argtiyooyinka xaga cilmiga Maraykanka iyo Ingiriiska inay qaataan si baaritaankooda loogu daabaco Joornaalada caalamiga.
Image captionSaynistahanka Jarmalka ee Albert Ainstein ayaa ka mid ah saynisyahanada cilmi baaristooda lagu qoray afka Jarmalka.
Sida uu qabo Ranier Enrique Hamel oo Jarmalka u dhashay kuna taqasusay luuqadaha ayaa sheegay in sanadkii 1880 in 36% lagu daabacay cilmiga sayninska luuqada Ingiriiska, halka ay korortay oo noqotay 64% sanadkii 1980.
Image captionLuuqada Ingiriiska ayaa noqotay luuqada cilmi baarista halka awal ay ahayd luuqada Latinka.
laakiin caadadan ayaa sii kordhaysay, sanadkii 2000 joornaalada la aqoonsan yahay ee ku soo baxa Journal Citation Reports 96% ayaa Ingiriis ah.
In lagu daabaco cilmi baarista joornaalada caanka ah ayaa waxay saamaysaa jaamacadaha sida ay u kala horeeyaan, iyadoo saamaysa lacagta ay helaan iyo dadka ay qoran karaan, marka waxaa jira sabab ay jaamacadaha ku dhiiri galiyaan cilmi baarayaashooda inay ku qoraan Ingiriis baaritaankooda.
Image captionJaamacadaha Maraykanka ayaa aragtiyooyinka xaga cilmigiga ku horayn doona.
Caadadan ayaa waxaa sii xoojiyay koorsooyinka jaamacadaha Yurub iyo Asiya ee lagu dhigi Ingiriiska.
Dalka Natherland jaamacada Maastricht ayaa bixisa 55 koorsooyin shahaadada jaamacada ee Masters ayaa ingiriis lagu dhigaa, siddeed ka mid ah oo kaliya ayaa lagu dhigaa Dutch, inta kale waxaa lagu dhigaa ingiriis.
Jaamacada Groningen ee Natherland, ayaa hadda isticmaasha luuqada Ingiriiska inay wax ku dhigto.
Dalka Jarmalka olole ay hogaaminayaan aqoonyahano oo la yiraahdo ADAWIS, ayaa doonaya in ay ilaaliyaan luuqada Jarmalka inay ahaato luuqada sayniska.
Aqoonyahanada ayaa sheegay, in qaybaha kala duwan ee sayniska uu hormaray iyadoo la isticmaalayo siyaabo kala duwan oo qaateen aqoonyahanada iyagoo isticmaalaya afkooda.
Xuquuqda Qoraalka Waxa leh BBC Somali

0 comments:

Post a Comment