Wednesday, April 27, 2016

Daawo Muxaadaro Cusub cinwaankedu yahay ilaalinta Amaanada Sheekh Maxamed Idiris


Asc aqiyarey kulanati wanaagsan maanta waxaan halkaan idiin kugu so gudbinaya muxaadaro cinwaankeedu yahay ilaalinta Amaanada waxaana inoo so jeedinayo Sheekh Maxamed Idiris

Daawasho wacan:
   


        

Astaamaha Lagu gorto Maclinka wanaagsan (Warbixin)


Sidee ayaad raad fiican ugu reebi kartaa ardayda aad wax barayso?
Marka hore waa inay kuu cadyihiin arrimahan soo socda
Muxuu yahay ula jeedka ka danbeeya inaad qof hanato?

waxa aad ogataa qofka aad hanan kartidid ayaad saamayna kaga taggi kartid. Wax kale oo aad ogaataa in diinteena islaamka ee aadka u qiimaha badan ay nagu boorinayso in aan dadka hanano oo raad wanaagsan kaga tagno. Waxa aad ku dayanaysaa nabigeenii muhamed(SCW) waayo waxa uu ku guulaystay in uu hanto quluubta dadkii la noolaa, sila markaasna waxa u suurta gashay in uu raad kaga tago oo ay koox-koox u soo galaan diinta islaamka. Waxa aad ogaataa in furaha aad ku gali karto qofka qalbigiisa uu yahay (kelmada waanaagsan) taasna waxa ku tusinaysa in alle yidhi
و قولواالناس حسنا
kula hadla samaan dadka
Waxaan kula jecelahay inaad hanato ardeydaad wax barayso sababtuna waxa weeye:-
1:- inaad badasho akhlaaqda xun oo aad u badasho mid wanaagsan
2:- sadaqa jaariya ayay kuu noqonayaan waayo wanaag kasta oo ay sameeyaan ajar ayaad ku leedahay
3:- inaad noqoto sida roobka oo kale waayo roobku meesha uu ku do’o waa lagu doogsadaa adna noqo mid lagu doogsado
Sidee ugu guuleysan karta in aad arday hanato
Marka hore waxa jira fikiro aad u xun oo loo baahan yahay in la saxo
1:-macalimiinta qaar kood waxa ay aaminsanyihiin haddii ay kula dhaqmaan ardayda dhibir sanaan, naxariis, dabac  sanaan iyo IWM in taasi ku keenayso inuu qiimihiisu hoos u dhaco oo loo qaadanaayo macallin miskiin ah
2:- maclinmiinta qaarkood waxa ay aamisanyihiin in dadnimada macalinka lagu garto qalaf sanaanta, waji tubida, iyo inuu macalinku ka dhigo galaaska dhan sidii xero militari oo kale
3:- waxa jira macalimiinta qaarkood oo si xad dhaaf ah ardayda ugu seta dheereeya oo ka bad-badiya kool-koolinta taasna mafiicna
Ka dheeraw mar walba inaad canaanto, waayo canaantu inta badan ma keento kheyr. Xasuustaadana ay san ka bixin hadalkii uu yidhi adeegihii nebiga(CSW) anas binu maalik “ waligay nabigu ima canaanan imana dhihin waxaan sameeyay maxaad u samaysay, waxaan sameyna maxaad u samayn wayday.

Xuquuqda qoraalka waxa leh www.faaido.com

Wax ka ogow dhoor arimood oo ka caawin kara in aad Subaxdii Goor hore toos-tit (Warbixin xiiso leh)


Waxaan akhristayaasha kula wadaagayaa talooyin muhiim ah oo qofka ku dhaqma ka caawinaysa inuu subaxda hore hurdada ka soo tooso isaga oo firfircoon oo hawlihiisa si dar-dar ah u qabto
Haddii aad tahay dadka waqtiga ay doonayaan aan toosikarin, waxa jira dad ku buuxsada saacada baraarujiyaha ah ama telefanka gacanta ku samaysan.
Hadana waxa dhacda in dadka qaar gaar ahaan kuwa habeenkii hurdadu ku yar tahay marka waqtigii ay rabeen ay saacada baraarujiyaha ah ay ku qayliso in iyaga oo dhalalowsan ay dhakhso u bakhtiyaan, huradadana iska sii wataan, waxaana halkaa ku baaqda hawshii ay u toosayeen iyo muhiimadii baraarujiyuhu lahaa.
Haddaba waxa fiican in qofku saacada baraarujiyaha ah uu dhigo meel isaga ka durugsan oo aanu gacanta la soo gaadhayn haddii uu doono isaga oo sariirtiisa jiifa in uu aamusiiyo, marka ay saacadu qofka ku qayliso, waxa run ah inaanu u adkaysan Karin sidaa awgeed waxa uu ku qasbanaanayaa in uu soo kaco oo aamusiiyo. Sirtuna halkaas ayay ku jirtaa, oo qofku marka uu soo kaco ee masaafadaa soo socdo si uu u bakhtiiyo waxa ka baxaysa shucuurtii hurdo jacayl ahayd ee marka hore furaashka ku sii dhajinaysay, waxaanay ku dhawdahay inuu sidaas isaga soo kaco.
Marka aad huradada ka soo kacdo inta aanad wax kale qaban koob biya ah cab. Waxa la aaminsanyahay koobkaas biyaha ahi soo celinayo fuuq-baxa ee dareerayaasha kala duwan dhididka iyo neefsiga, subaxda hore ku dadaal inaad sii maydhato inta aanad shaqada u bixin, waxa la xaqiijiyay in maydhashada subaxa hore ay leedahay firfircooni dheeraad ah.
Ku dadaal subaxii inaad qoraxda isu yara dhigto, marka uu qofku subaxii qoraxda isu yara dhigo waxa dhacda in jidhka qofka ay gaadhsiiso fariinta maalinmo ah ee lagalay sidaas awgeed jidhku joojiyo hormoonka melatonin oo ah kan uu jidhka habeenkii ku garto in habeenimo la joogo.
Cun quraac caafimaad qabta, quraacda fudud waxa ay jidhka siisaa tamar uu maalintaas oo dhan ku shaqayn karo.
Xuquuqda qoraalka waxa leh www.faaido.com

Monday, April 25, 2016

Daawo muxaadaro cinwaankedu yahay Cibaadooyinka Fadliga badan By sheikh Mustafa Xaaji ismail


Asc aqiyaarey kulanti wanaagsan maanta halkan waxan halkan aan idiin kugu so gudbinaya muxaadaro cinwaankedu yahay  Cibaadooyinka Fadliga badan  Waxaana inoo so jeedinayo  sheikh Mustafa Xaaji ismail

Daawasho wacan:

Talooyin muhiim ah Sidee ku dooran kartaa Takhasus-ka Jaamacada Aqri warbixin Xiisi leh


Sidee ku doorankartaa
Takhasus-ka Jaamacada 

             Ardada Soomaalida waxaa dhib weyn ka heysta doorashada Takhasus-ka ey dooran lahaayeen marka uu u dhamaado dugsiga sare.

             Qaar ka mid ah ardada wexey galaan kuliyadaha ey dhigtaan asxaabtooda , qaar ka mid ahna waxaa u doora waalidkooda , halka qaar ey ka walwalsanyhiin Takhasus-ka ey dooranlahaayeen maadaama uu u dhamaaday iskoolka qeyta dugsiga sare. Hadaba aqriste waxaan halkaan kuugu soo bandhigayaa sida ugu fudud oo aad ku doorankartid Takhasus-kaaga gaar-ka ah .

            Qofku marka uu dooranayo Takhasus-ka waxaa muhiim ah in uu maskaxa ku haayo shey isla markaana maskaxda ka saaro shey kale .... waxaa muhiim ah in uu maskaxda ku haayo Takhasus-ka uu dooran doono in uu ka danleeyahay farxad galinta naftiisa iyo bulshada uu ka soo jeedo .. waxaa sidoo kale muhiim ah in uu maskaxda ka saaro fikir.ka iyo aragtida dadka kale oo ey ka aaminsanyihiin Takhasus-ka aad dooratay.

              Hadaba su'aasha wexey tahay sidee ku doortaa Takhasus-keyga ?
Marka hore waxaa haboon in aad xaqiijiso afartan waxyaabo:
1. Rabitaan 
2. Awood
3. Ujeedo
4. shaqo helid
waxaa ku bilaawayaa kan hore oo ah :
1. Rabitaan 
sida aad ogsoontahay waxaad ku soo baratay dugsiga sare dhawr maado oo kala duwan , marka waxa aad ku takhasuseysid waa in uu noqdaa waxa aad jeceshahay oo aad xiiseysid marka aad aqrineysid.. hadaba Takhasus-ka kuu qalma waa kan aad xiiseyso oo naftaada jeceshahay.
2. Awood
waa in aad ka ogaataa awoodahaaga xaxga maskax ahaan iyo xaga dhaqaale ahaan , tusaale hadii aad ku fiicantahay xifdinta in aad aado maadooyinka xifdiska u baahan , balse hadii aad ku fiicantahay xisaabta iyo kala furfurka in aad ku biirto maadooyinka u baahan fahanka.
3. Ujeedo
Maxaad kuu qorsheesan in aad xaqiijiso mustaqbalka , maxaad rabtaa in aad wax ka qabato ama heer noocee ayaad rabtaa in aad gaarto , markaas isku day in aad u iilato takhasus-ka kuu xaqiijinkara hamigaaga iyo riyadaada.
4. shaqo helid / Fursad
waa in aad xaqiijisaa Takhasus-ka aad dooraneysid mayahay mid aad ka heli kartid shaqo la xiriirta takhasus kaaga, aadan noqon baaga muundo ama uusan eheen takhasus aanan looga baahneen bulshadaada.
        Balse ogow waxaa dhici kara Takhasus-yo badan oo buuxinaya shuruudaha aan soo sheegay , marka ey taas dhacdo waxaad sameysaa jadwalkaan soo socda .. waxaad sameysaa sida tusalaha oo kale maada kasta waxaad siisaa tiro ka yar 10 darajo , hadii rabitaankaaga sareeyo sii tiro weyn oo ka yar 10 hadii uu yaryahay sii tiro ka yar 10 hadii fursada shaqo aad ka heli kartid taqasuska sareeso sii tiro badan oo ka oo ka yar lambarka 10 sida ku cad jadwalka hoose
↓↓↓ Hadii aadan arkeynin sawirka ku riix mouse ka si uu u weynaado


Hadaba marka aad isku soodardarto tirooyinka hadii ey wadarta takhasus wato ey ka badan tahay kuwa kale wadar tooda  ogow takhasus-kaas ayaa kuu  qalma ee asaga dooro.

 F.G Takhasus adag ma jiro ee takhasus ka adag waa kan aanan kuu qalmin , kan aanan kuu qalminna waa kan aanan buuxin shuruudaha , hadaba adiga ayaa go'aanka iska leh.

Xuquuqda qoraalka waxa leh www.aqoonsoor.blogspot.com

Waa afkaarta Dr. Tariq al.suweydan , Prof. Tariq al-habiib iyo muuqaalo dhalinyaro galisay youtube-ka.

Maxey tahay Raadaddka ay ku reebi karaan Filimanta xun xun Maskaxdaada iyo dhibaatoyinka laga dhaxlo arintaas


Waxan halkaan idiin kugu so gudbinaya Filim yar ama Video kooban kaasi oo ka hadlaya Dhibaatoyinka uu leeyahay Filimaanta xun-xun iyo waxyaalaha laga dhaxlo.

Video-gan waxaan kaso xigtay Websitka la yiraah http://www.aqoonsoor.blogspot.com

Daawo Video-ga isla markaana asxaabtaada la share-gare


Thursday, April 21, 2016

Waa maxay Paltalk sideese loogu shuban kara Computerkaada Qormo xiiso leh



 
Waa maxay Paltalk sideese loogu shuban kara Computerkaada Qormo xiiso leh

Xuquuqda qoraalka waxa leh www.Somalitalk.com
Waa Maxay PalTalk
Paltalk waa barnaamij suurtagal ka dhigaya in si toos ah loogu wada hadli xiriiri karo Computerka, Maqal iyo muuqaal. Barnamaijka PalTalk waxa uu hirgeliyaa in dad badani ay hal mar dhegeysan karaan qof ku hadlaya magarafoonka (ama Video), taas oo suurta gal ka dhigeysa in barnaamijkaas looga faa'iideysan karo hab wanaagsan oo ah in cilmiga iyo macluumaadka la isku weydaarsan karo ama laga dhegeysan karo muxaadaro, iwm.
Waxaa xusid mudan in aaladda Internet-ku ay yeelan karto faa'iido badan marka si wanaagsan loo adeegsado, taas oo jirta ayaa hadana waxaa lagama maarmaan ah in markasta si weyn looga taxadaro adeegsiga aaladaas Internet-ka oo yeelan karta halisteeda - waxaa Internet-ka lagu macnayn karaa 'bad-weyn' aadan garanayn waxa kaaga soo bixi doona.
Xaggee Barnaamijka Paltalk laga heli karaa?
Xaggee laga Soo Rogan Karaa PalTalk?
Waxaa laga soo rogan karaa shabakada Internetka ee PalTalk: www.paltalk.com
Sidee Computerka Loo Soo Gelin Karaa PalTalk?
Ugu horayn soo rogo barnaamijka PalTalk, si aad u soo rogatid raac habkan:
  1. Boogo website-ka PalTalk.com [www.paltalk.com]
  2. Guji barta ay websitekaas kaga qoran tahay 'Download' [Eeg sawirka hoose]
  3. Sida sawirka hoose ka muuqata, waxaa markaas soo bix doona bogga sida tooska ah looga soo rogan karo barnaamijka Paltalk. Guji meesha ay baalka soo baxay kaga qoran tahay 'Download'.
  4. Waxaa markaas suurtagal noqonaya in kambuyuutarka lagu xafido fayl-ka xambaarsan barnaamijka, si taas loo sameeyo, guji barta ay shaashada soo bixi doonta kaga qoran tahay 'Save' - Cabirka faylka oo ah 2.08 Mbytes, waxa laga yaabaa in uu qaato muddo 4 daqiiqo ah, waa marka la adeegsanayo khadka Internetka ee nooca 'Dial-up' ee xawligiisu yahay 56K. Haddiise la adeegsado Khadka dheereeya ee DSL, markaas waqtigu intaas waa ka yaraan doonaa.
  5. Marka la gujiyo 'Save' ee shaashada sare, waxaa faylkii ku soo xawilmi doonaa kambuyuutarka.
  6. Kaddib fur faylkii ['open' ama 'run'] - waa faylka aad soo rogatey ee xambaarsan barnaamijka paltalk.
  7. Guji 'Next', kaddib akhri xeerka u deggan adeegsiga barnaamijka, isla markaas cadee in aad xeerkaas aqbashay ama in aadan aqbalin - Haddii aadan aqbalin barnaamijka Paltalk kuuma shaqayn doono - Go'aanta arintaas adiga ayaa leh!.
  8. Guji 'Next' - waxaa markaas kuu muuqan doona khaanada uu barnaamijku ku xafidmi doono, inta badana khaanadaasi waa: C:\Program Files\Paltalk
  9. Guji 'Next'- shaashada soo bixi doonta waa meesha lagu qori karo magaca 'khaanada barnaamijka' - sida caadiga ah khaanadasi waa 'paltalk' laakiin magacii la doono ayaa loo bixin karaa.
  10. Guji 'Next' - markaas shaashadda soo bixi doonta waxay fursad kuu siin doontaa in aad dib ugu laabatid tallaabooyinkii aad ilaa hadda soo qaday oo haddii aad u baahatid aad wax ka bedeli kartid. Kaddib guji 'Next'
  11. Guji 'Finish'.
  12. Waxaa markaas dhici karta in ay kuu soo baxdo daaqad yar oo kuweydiineysa in aad hadda samaysatid 'naanays' [Create New Nickname] ama aad adeegsatid naanays aad mar hore ka samaysatay 'Paltalk' - Guji 'Yes' haddii aadan 'naanays' hore ku lahayn barnaamijka Paltalk - Paltalk ma adeegsan kartid haddii aadan 'naynaas' ka samaysan barnaamijka.
  13. Marka aad gujisid 'Yes' ee shaashada sare, waxaa markaas soo bixi doona shaashada hoose oo kuu suurta gelineysa in aad naanays cusub samaysatid. Buuxi meelaha bannaan ee shaashada. Kaddib guji  'Submit'.
  14. Markaas ayuu diyaar noqon doonaa barnaamijkii 'PalTalk' - sida caadiga ah shaashadda guud ee kambuyuutarka ayaad ku arki kartaa magaca barnaamijka, sida ka muuqata sawirka hoose. [Ama guji All Programs > paltalk > Paltalk]
  15. Bartaas marka aad soo gaartid, waxaa diyaar ku ah in aad adeegsatid barnaamijka 'PalTalk', haddaba akhri '
     

Waxaa iskusoo dubaridey:
Maxamed Cali
MPLS, MN, USA
somalitalk@msn.com

 Xuquuqda qoraalka waxa leh www.Somalitalk.com

Ka faa'iideso websit ku baxa Afka soomaliga kaasi oo aad ka baran karto Network-kinka



Asc aqiyarey maanta waxan halkaan idiin-kugu so gudbinaya websit ku baxa afka somaliga kaasi oo aad wax ka baran karto. hadaba websitkan waxa uu noqday mid aad iiso jiito waxaana runtii ka heleysaa qormooyin aad u wanaagsan ma aha in aan garanaayo qofka leh webkan ama aan u sameynayo xayesiin balse Runta waxa ay tahay in aad waxbadan oo ku saabsan networkinka in aad ka heli kartit.

Websitka aan idiin shegayay waa kana gal:

https://www.somalinetworking.com/ 

Wednesday, April 13, 2016

Halkaan kala dag Viber Free Call ah kaasi oo aad ku isticmaali kartit Computerka si Toos ah(Download Free Viber)


Waxaan halkan idiin kugu so gudbinaya Barnamijka caanka ah Viber kaasi oo ah barnamij ku caan baxay comunicationka waana mid kamid ah barnaamijyada loogu isticmaal badan yahay social media-ha .

Halkaan hoose kala dag Software-ka

Halkan ku dhufo si uu kuugu so dago software-ka Viberka 



Sida looga ilaaliyo computerka in datada ay ka lunto xal deg deg ah iyo software-ka shaqadaas kaa caawin lahaa


Maanta waxaan idiin so gudbinaya cashir ku saabsan Software ku ilaalinayo Datadaada kuugu jirto computerka waxana lagu magacaba Second Copy Shaqadiisa waxa ay tahay in uu Copy kaaga sameyo datada kuu taala C Isla markaana waxa uu ku genaya D si hadii uu computerka kaaga dhaco karash ama uu ka istaago ay datada kuugu bad-baado.
Software-ka halkaan hoose kala dag 

Halkan ku dhufo si uu kuugu so dago software-ka

Cashirkiisana daawo



Sunday, April 10, 2016

Daawo Part 2 Baro sida lo formate-gareyo windows 8.1 Step by step



Asc aqiyarey kuso dhawaada cashir ku saabsan sida loo format gareyo window 8.1 hadaba sidan wada ogsonahay waxa jira steps la maro si loo sameyo formating.

Formating-ka ama in aad windowskaada aad ka baabi'isid culeeska aya waxa ku baran dona cashirkan
Waxaan u kala qeybiyay cashirada labo qeybood Part 1 and Part 2.

So jediye:Eng Abdirizaaq mohamed rashiid
Wixii su'aal ah:alaqsaa1996@gmail.com

Daawasho wacan:

Daawo :Part 1:Baro sida lo Format gareyo windows 8.1 Eng Abdirizaaq mohamed rashiid


Asc aqiyarey kuso dhawaada cashir ku saabsan sida loo format gareyo window 8.1 hadaba sidan wada ogsonahay waxa jira steps la maro si loo sameyo formating.

Formating-ka ama in aad windowskaada aad ka baabi'isid culeeska aya waxa ku baran dona cashirkan
Waxaan u kala qeybiyay cashirada labo qeybood Part 1 and Part 2.

So jediye:Eng Abdirizaaq mohamed rashiid
Wixii su'aal ah:alaqsaa1996@gmail.com

Daawasho wacan:


Thursday, April 7, 2016

Daawo side ku ogaan karta dadka ugu badan e soo booqda facebook-profilekada meqa dumar ama rag ah (warbixin xiiso leh)


Asc aqiyarey ku soo dhawaada hooyga waxbarashada maanta waxan halkaan idiin kugu so gudbinaya cashir ka hadlayo sida loo ogaado dadka ugu badan e so booqda facebook profilkaada meeqa dumar ah iyo meeqa rag ah warbixin xiiso leh bal ila daawo video ga.

Daawo Cashirka



Baro Side loogu xira Password Microsoft Office word 2007 Step by step


waxaad password ku xiri kartaa warqadaha ama dukumentiyada adiga kuu khaaska ah ee computerkaaga ku jira ee ku qoran microsoft office 2007 .
Hadii aad tahay qof isticmaala Microsoft Office 2007,wixii dukimenti aad  sameysid waxaad dooneysaa in dadka kale ee kula isticmaala computerka aaaney eegin, hadaba casharkan waxaan ku baran doonaa sida baaswoorka loogu xiro Microsoft Office Document.
Microsoft xoogaa wey yara bedeleen, hadii loo eego Microsoft Office 2003. hadaba sawirada iyo qoraalka hoos ku yaal sii raac, si aad baaswoor ugu xirtid dukimintigaada qaaska kuu ah.
1- Riix Microsoft Office  Button- ka dibna dheh Save as
2- Ka dib riix Tools adigoo dooranaya General Options
3-  Hadii aad dooneysid in qof kale uu furan karo dukomentigan, waxaad siin kartaa Baaswoorka.
     iyo adigoo isla markaana sameysan kara baaswoor kuu gooni ah.
4- Xataa waxaad dooran kartaa Aqri keliya ama Read-only , kaasoo isla markaana baaswoor aad gelin kartid.
Xuquuqda qoraalka www.amiinproduct.wordpress.com

Wednesday, April 6, 2016

Murtida Maanta :Sadax waxyabood kama so reeso oo laga sugi maayo in ay wanaagsanaato hadey si ahadan sadaxdaas waxyabood (Waa maxay sadaxdaas)


Asc Aqiyarey kulanti wanaagsan Maanta Murtidena waxa waaye Sadax waxyabood kama so reeso oo laga sugi maayo in ay wanaagsanaato hadey si ahadan sadaxdaas waxyabood  Maxey yihiin hadaba sadaxdaas:

1-Talo aan oday la'heen Kama so hagaagto

2-Tub aan ceel la'heen  Kama so hagaagto

3-iyo tikaad aan biyo la'heen Kama so hagaagto

Sadaxdaasi waxyalood laga sugi maayo gadaal sami ama in ay kaso ladnaato ila la xaliyo mooye Dhaqanka somaliyed ama dadka soomaliyeed waxa ay ka maah-maahda wax la ogaaday faa'iidadooda iyo qasaara hooda oo hora loo yiri soomalidu been wey sheegta lkn been kuma maah-maahdo oo qofka iska warka badan been wuu shegi kara lkn maah-maah hadal qabsi kama dhigan karo.

1-Talo aan oday la'heen kama so hagaagto:Hadii aysan jirin odayaal xaliya taliya talo ma samaanto  waxa ay ahayen kuwa dantooda gaarka ka hormariya danta guud oo dhexda u xirto siduu wax u xalin laha oo talo waxa lo qoondeyay odayaal.

 2-Tub aan ceel la'heen kama so hagaagsanato :oo hadii ay san lahen wado ceel biyo meel laga cabo sida war ama ceel ma noqoto mid hagaagsan oo la'isticmaalo waayo wadada waxa ay geedaha ama qodxaha ka so baxaan hadii la isticmaali waayo ama la mari wayo .

3-iyo tikaad aan biyo la'heen kama so haagsanato:Tigaad waa cowska haduusan lahen biyo kama so hagaato oo safar uun aya lo so galaya ma ahan isa saar reer guuraguna waxa ay jacel yihiin in ay isku helaan meel Biyo iyo  iyo daaq ama cows-leh

Qore Engineer C/risaaq maxamed Rashiid
alaqsaa1996@GMAIL.COM