Monday, April 25, 2016

Talooyin muhiim ah Sidee ku dooran kartaa Takhasus-ka Jaamacada Aqri warbixin Xiisi leh


Sidee ku doorankartaa
Takhasus-ka Jaamacada 

             Ardada Soomaalida waxaa dhib weyn ka heysta doorashada Takhasus-ka ey dooran lahaayeen marka uu u dhamaado dugsiga sare.

             Qaar ka mid ah ardada wexey galaan kuliyadaha ey dhigtaan asxaabtooda , qaar ka mid ahna waxaa u doora waalidkooda , halka qaar ey ka walwalsanyhiin Takhasus-ka ey dooranlahaayeen maadaama uu u dhamaaday iskoolka qeyta dugsiga sare. Hadaba aqriste waxaan halkaan kuugu soo bandhigayaa sida ugu fudud oo aad ku doorankartid Takhasus-kaaga gaar-ka ah .

            Qofku marka uu dooranayo Takhasus-ka waxaa muhiim ah in uu maskaxa ku haayo shey isla markaana maskaxda ka saaro shey kale .... waxaa muhiim ah in uu maskaxda ku haayo Takhasus-ka uu dooran doono in uu ka danleeyahay farxad galinta naftiisa iyo bulshada uu ka soo jeedo .. waxaa sidoo kale muhiim ah in uu maskaxda ka saaro fikir.ka iyo aragtida dadka kale oo ey ka aaminsanyihiin Takhasus-ka aad dooratay.

              Hadaba su'aasha wexey tahay sidee ku doortaa Takhasus-keyga ?
Marka hore waxaa haboon in aad xaqiijiso afartan waxyaabo:
1. Rabitaan 
2. Awood
3. Ujeedo
4. shaqo helid
waxaa ku bilaawayaa kan hore oo ah :
1. Rabitaan 
sida aad ogsoontahay waxaad ku soo baratay dugsiga sare dhawr maado oo kala duwan , marka waxa aad ku takhasuseysid waa in uu noqdaa waxa aad jeceshahay oo aad xiiseysid marka aad aqrineysid.. hadaba Takhasus-ka kuu qalma waa kan aad xiiseyso oo naftaada jeceshahay.
2. Awood
waa in aad ka ogaataa awoodahaaga xaxga maskax ahaan iyo xaga dhaqaale ahaan , tusaale hadii aad ku fiicantahay xifdinta in aad aado maadooyinka xifdiska u baahan , balse hadii aad ku fiicantahay xisaabta iyo kala furfurka in aad ku biirto maadooyinka u baahan fahanka.
3. Ujeedo
Maxaad kuu qorsheesan in aad xaqiijiso mustaqbalka , maxaad rabtaa in aad wax ka qabato ama heer noocee ayaad rabtaa in aad gaarto , markaas isku day in aad u iilato takhasus-ka kuu xaqiijinkara hamigaaga iyo riyadaada.
4. shaqo helid / Fursad
waa in aad xaqiijisaa Takhasus-ka aad dooraneysid mayahay mid aad ka heli kartid shaqo la xiriirta takhasus kaaga, aadan noqon baaga muundo ama uusan eheen takhasus aanan looga baahneen bulshadaada.
        Balse ogow waxaa dhici kara Takhasus-yo badan oo buuxinaya shuruudaha aan soo sheegay , marka ey taas dhacdo waxaad sameysaa jadwalkaan soo socda .. waxaad sameysaa sida tusalaha oo kale maada kasta waxaad siisaa tiro ka yar 10 darajo , hadii rabitaankaaga sareeyo sii tiro weyn oo ka yar 10 hadii uu yaryahay sii tiro ka yar 10 hadii fursada shaqo aad ka heli kartid taqasuska sareeso sii tiro badan oo ka oo ka yar lambarka 10 sida ku cad jadwalka hoose
↓↓↓ Hadii aadan arkeynin sawirka ku riix mouse ka si uu u weynaado


Hadaba marka aad isku soodardarto tirooyinka hadii ey wadarta takhasus wato ey ka badan tahay kuwa kale wadar tooda  ogow takhasus-kaas ayaa kuu  qalma ee asaga dooro.

 F.G Takhasus adag ma jiro ee takhasus ka adag waa kan aanan kuu qalmin , kan aanan kuu qalminna waa kan aanan buuxin shuruudaha , hadaba adiga ayaa go'aanka iska leh.

Xuquuqda qoraalka waxa leh www.aqoonsoor.blogspot.com

Waa afkaarta Dr. Tariq al.suweydan , Prof. Tariq al-habiib iyo muuqaalo dhalinyaro galisay youtube-ka.

0 comments:

Post a Comment