Thursday, December 29, 2016

QISO KU TAABANEYSA, DERSI FIICANA AAD KA HELAYSO ( FADLAN WALAAL AKHRI )



Mudo 11 sannadood ah markii guurkoodii ay kasoo wareegtay haweenay iyo ninkeedii ama seygeedii ay is qabeen isuna dhaxeen ayaa waxaa u dhashay ilmahoodi ugu horeeyay oo wiil ahaa. Waxayna ahaayeen Lamaane is jecel iyadoo wiilka u dhasheyna uu u ahaa tufaaxii indhahoodu ay ku doogsanayeen.



Hadaba maalin ka mid ah maalmaha ayaa wiilkoodi oo laba jir ah, ayaa Aabihii arkay dhalo ama qarsho daawo sharoobo ah oo furan. Wuxuu ka daahsanaa shaqo, wuxuu u sheegay xaaskiisa in ay furka ku xirto, armaajada korena saarto. Hooyadi, oo Jikada aad ugu mashquulsaneyd, gebi ahaanba way hilmaantay. Wiilki ayaa arkay dhaladi, wuu qabsaday, wuuna wada cabay. Waxay ahayd sharoobo dadka waaweyn intii loogu tala galay ay ka qaataan, caruurtuna khatar ku ah.

Goortii ilmihii dhacay, Hooyadi ayaa kula carartay cusbitaalka, halkaasoo uu ku geeriyooday. Hooyadi qaracan iyo argagax ayaa isugu darsamay. Waxay ka sii naxsaneyd sida ay Saygeedii ama ninkeedii u wajihi doonto maadaama ay arrinta sahlatay.

Goortii Aabihii oo walbahaarsan yimi cusbitaalki uuna arkay meydka ilmihiisi uu sanadaha badan sugayay, wuxuu eegay xaaskiisii, ilmo ayaa wajigeedi qariyay. wuxuu ku yiri afar eray. Maxaad u maleynaysaa in ay afartaa eray ahaayeen?
Wuxuu ku yiri “Waan ku Jeclahay Gacaliso!!”
Samir iyo Iimaan Allaha naga siiyo.
Ficil celinta ninka ee filan waaga ah waa dabeecad ku dhisan garasho qadarta Alle, Sabur, deganaan iyo fahan nolosha ah. Inkastoo ay xanuun badneyd sida wax u dhaceen hadana Ilmihi waa dhintay. Marnaba dib looma soo celin karo. Wax natiijo ka dhalanmeyso inuu cillad iyo qalad u yeelo Hooyada. Iyaduba way weyday ilmaheedii. Waxay xilligaa u baahneyd waa Tacsi iyo Naxariis. Taasini waa wixii uu siiyay Gacaliyeheedii.

Mararka qaar walaal waxaan waqti badan ku luminaa yaa mas’uuliyada iyo eeda iska leh haday ahaan lahayeen xiriir lamaane, mid shaqo ama dad aan naqaan, waxaana na dhaafa diiranaanti ay dadka xiriirka ka dhexeeya heli lahaayeen hadday is taageeraan.



Haddaba, miyaysan ahayn wax aad u fudud inaan cafino kuwa aan jecelnahay ee inagu qaldama?
Ogsoonow: Wax kasta sabab ayay ku dhacaan. Noloshu way gaaban tahay. Ku qanacsanow waxa aad heysato. Ha shareysan xanuun, silic iyo saxariir. Badi Saburka. Cafi dadka. Xil iska saar mas’uuliyadaada. Iska tuur xasidka, xinka, maseyrka iyo naceybka, kolkaa waxaad ogaaneysaa in xaaladuhu xaqiiqdii u cusleyn sidii aad marki hore moodeysay.

Fadlan Walaal adigoo Mahadsan Share dheh oo la wadaag walaalaha kale si ay u aqriyaan qoraalkan.
Qalinkii: Farah Cawaash.

Qore:Abdulahi Nur Colombo

0 comments:

Post a Comment