Friday, December 30, 2016

Walaal Akhri Oo Ka Faa'iideyso Talooyinkan Qiimaha Badan kuwaasi oo ku saacidi kara Aduun iyo Aaqiro-ba.


Walaal Akhri Oo Ka Faa'iideyso Talooyinkan Qiimaha Badan kuwaasi oo ku saacidi kara Aduun iyo Aaqiro-ba:


1- Ku bilow maalintaada Salaadda subax iyo ducooyinka aroorta si aad u hesho horumar iyo badbaado.
2- Wad Istiqfaarta waxay tirtirtaa dunuubtee
3- Ha joojin ducada waa xariga badbaadadee
4- Xusuusnow waxaad tiraahdo Malaa'ig baa qoreysee.
5. Niyaddaada wanaaji xataa hadday meel xun kaala daganayso.
6- Faruhu waxay ku qurxoon yihiin in lagu tasbiixsado
7- Haddii uu kugu bato welwelka iyo fakarku waxaad tiraahdaa "Allaah mooyee Illaah kale ma jiro"
8- Ku gado lacagtaada ducada danyarta iyo jaceylka masaakiinta.


9- Sujuud khusuuc leh oo aad ku dheeraato ayaa kaaga fiican daaraha quruxsan ee dunida.
10- Ka fakar intaadan oran, waxaa jirta oraah meel xun kaa tuurtee.
11- Iska ilaali habaarka kan dulman iyo illinta kaan waxba awoodin.
12- Intaadan wargeysyada akhriyin akhri Kitaabka Alle.
13- Sabab u noqo toosnaanta reerkaaga.
14- Naftaada Daacada Alle ku sandullee, naftu xumaantay amartaaye
15- Dhunko calaacalaha labadii ku dhalay aad liibaantide.
16- Dharkaaga duugoobay, masaakiinta waa u cuseyb ee ku sadaqeyso.

17- Ha caroon, noloshu intaad filayso way ka gaabantahaye.
18- Waxaa kula jira kan ugu awood badan uguna deeqtoon waa Allaah kor ahaaye.
19- Albaabka aqbalaada Alle yeysan kaa xirin macsidaadu.
20- Wax aad dhibta u kaalmaysato waxaa ugu fiican Salaadda.

Talooyinkii: Sheekh Caa'id Alqarnii.
Qore:Abdulahi Nur Colombo
Fadlan Walaal adigoo Mahadsan Share dheh oo la wadaag walaalaha kale si ay u aqriyaan qoraalkan.

0 comments:

Post a Comment