Friday, December 2, 2016

Sheko Gaaban Taasi oo Murti Dhaxal gal ah ku jirto (Hadaba Aqris wanaagsan)


Beri baa Boqor ka mid ahaa Boqoradi hore ee dalka Iiraan ayaa maalin ka mid ah maalamaha waxa uu socdaal ku marey gobolo badan oo dalkiisa ah dabeedna dadkiisa ayuu u balan qaaday qofkii uu ka helo xigmad iyo kalmad wanaagsan inuu siin-doono abaal marin aad u wanaagsan oo lagu farxo.
Boqorkii siduu u wareegaayey magaalooyin badan ayuu markii dambe waxuu la kulmay nin Oday ah oo da'diisu tahay 90 jir oo beeraya geed Saytuun ah. markaasaa Boqorkii waxuu ninkii odeyga ahaa uu ku yiri maxaad u beereysaa Geedkaan adigoo da' ah waayo sida la ogyahay geedka saytuunku mudo labaatan sano ka badan ayuu ku baxaa waqtigaasna inaad gaari doonto lama oga oo illaah unbaa garanaya.

Odaygi ayaa intuu qoslay waxuu boqorkii ku yiri; dadkii inaga horeeyey wey beereen anaguna weynu goosanay markaa anaguna waan beereynaa si ay u goostaan jiilasha soo socda ee mustaqbalka iman doona.

Boqorkii ayaa hadalkii aad ula dhacay oo ka helay, waxaana uu ku yiri; kalmad wanaagsan ayaad tiri; sidaa daraadeed, waxaan ku siinaya abaalmarin lacag dhan 400 oo dinaar .. Odaygi ayaa dhoola-cadeeyey, dabadeed boqorkii ayaa weydiiyey oo yiri maxaad u dhoola-cadeysay ? Odaygii ayaa ku jawaabay Geedka Saytuunku 20 sano ayuu ku dhalaa aniguna keygii haddu ii dhalay. sidaas ayuu wanaaga la sameeyo markiiba leeyahay abaalmarin dhaqso ah.

Qisadan waxaanu ka baran karnaa ummad kasta oo meel kuwada nool in jiilba jiilka ka dambeeya uu u dadaalo siduu uga tegi lahaa ama ugu reebi lahaa dhaxal wanaagsan oo anfaca.

Qore:Abdulahi Nur Colombo

0 comments:

Post a Comment