Wednesday, June 29, 2016

10-Siyabood oo iskaga difaaci kartit shucaaca ama Iftiinka Computerka(Warbixin xiiso leh)


Maalinba maalinta ka danbaysa waxa aad usii kordhaya una sii badanaya isticmaalka aaladaha elektrooniga, sidoo kale waxa isna kordhaya dhibaatada ay dadku ka dhaxlaan, maanta waxan ka hadli doona 10 siyaabood oo idhaha looga difaaci karo shucaaca ka soo baxa muraayada cad ee computerka/ laptop.
1) Isticmaal barnaamijka Flux: Barnaamijka Flux waa barnaamij aad waxtar badan, kaasoo muraayada computerka ee aadka u cad kaaga dhigaya mid casuus ah oo u eeg midabka quruxda badan ee galabtii marka cadceedu sii dhacayso.
2) Isticmaal qaacidada loo yaqaan 20-20-20: oo macnaheedu yahay markaad 20 daqiiqo computerka eegtoba 20 ilbidhiqi (second) eeg meel kuu jirta 20 feet(6 mitir). Waxaa kale oo aad samayn kartaa in aad 20 kaasi ilbidhiqsi indhaha isku qabato halkii aad meel fog ka eegi lahayd.
3) Si joogto ah u libiqso si indhahaagu u qoyaan, Marka aad wax muhiim ah daawanayo waxa laga yaabaa in aad ku dhaygagto muraayada oo aad isku ilawdo, isku day in aad si joogto ah indhaha u nasiso.
4) Soo iibso muraayada indhaha ee loogu talogalay difaaca shucaaca computerka.
5) Muraayada computerka si joogto ah u nadiifi. Muraayada uskaga ahi waxay lamid tahay adiga oo indhaha ku xidha muraayad uskag ah oo aad faraha ku taataabatay.
) Computerka u jirso gacantaada in le’eg, si aad u tijaabiso intuu kuu jiro, gacantaada kala bixi, kadibna baabacada ku taabo muraayada computerka(sida marka aad gacanta miiska saarayso).
7) Muraayada dacalkeeda sare waa in uu ka hooseeyaa halka ay ku beeganyihiin indhahaagu. Waa in aanay muraayada computerku ka sarayn indhahaaga. mar walba waa in ay muraayadu kaa hoosaysaa.
8) Haddii aad desktop isticmaasho soo iibso muraayada shucaaca celisa ee computerka la huwiyo.
9) Wakhtiyada qaar isticmaal HIGH CONTRAST: High Contrast Wuxuu madow ka dhigaya dhammaan muuqaalka muraayada computerka isagoo wixii qoraal ahna ka dhigaya caddaan. Si aad u furto High Contrast; taabo SHIFT+ALT+ PRTSC-SYSRQ (Print Screen) batankan oo ku yaala laynka u sarreeya keyboard-ka sida qaalibka ahna ku xiga batanka F12.
10) Habee oo wax ka bedel muuqaalka computer-kaaga.
Iftiinka ama brightneska gee meel kugu haboon, sida qaalibka ah waxaad brighneska ama iftiinka computerka ka yarayn kartaa adigoo taabta batanka FN + F6/F7 2- Kordhi oo weynee farta aad akhriyayso, sida marka aad akhriyayso browserka ee aad Internetka isticmaalayso.
Xuquudaqoraalka  waxa leh Faaido.com

Thursday, June 23, 2016

Barashada sida lo sameyo Blog Free ah:Cashirka 2--aad+Qoraal+Sawiro +Video (ka faa'iidesi wacan)


Asc kulanti wanaagsan aqiyarey maanta waxaan halkan idiin kugu tusi dona ama uu cashirkeena ku saabsanan dona sida lo so galiyo Post ama war  iyo sida lo badalo Templetka.


Hadaba hadaad doneso in aad so galiso qoraal , war , vide , sawir waxa laga so galiya new post .


 

step 1: ku dhufo New Post si aad uso galiyo war.


step 1: markaad ku dhufato new post waxa kuso baxayo sawirkaan hoose waxaad ku qorta meesha ay ku qoran tahay Title cinwaanka aad rabto in aad warka u yeesho tusaale ahan "Maxaad ka taqaan faa'iidada dhirta"  waa cinwaanka warka.


step 3: markaad qorto Cinwaanka warka ama titleka warka waxaad tagta mesha lagu qoro faafahinta warka  eeg sawirka hoose kuna qor faafihinta warkaada.


step 4: ku dhufo push hadii aad dhameso qoraalki  si aad uso galiso webka ama bloga
Hadii aad rabto inad galiso sawir waxaad ku dhufane meesha link ku xigto kadib sawirka aya so doorane .

waxaan idinka raali galina waxaan duubin oo ka boday stepyada aan hada idiin qoray marka sida ogow errirkas aa dhacay.

                                     Daawo cashirkii 2-aad 


wixii su'aal iigu so dir alaqsaa1996@gmail.com


Tuesday, June 21, 2016

Barashada Photoshop-ka Cashirkii 2-aad (Daawasho wacan)


Asc kulanti wanaagsan aqiyarey Meel walba oo aad joogtan Ramadanu kariim Maanta waxan qaadan doona cashirkii 2-aad oo ku saabsan barashada Photoshopka Waxaan fila in aad waxbadan aad ka faa'iidi doontan cashirkan .

Haduu ku dhaafo waxaad ka heleysaa Qeybta Tutorialka waxaad kasii tage Photoshop

Soo jeediye:Eng cabdirisaaq maxamed Rashiid
Igala soo xariir alaqsaa1996@gmail.com

                                          Hadba Daawo Cashirka 2--aaad





                           

Barashada Photoshop-ka Bilow Cashirkii 1--aad(Daawasho wacan )


Asc aqiyarey kuso dhawaada hooyga waxbarashada Maanta waxaan halkan idiin kugu so gudbinaya cashirkii 1-aad ee Barashada Photoshopka waxaan rajeyna in aad si fiican u fahmi doonto dhanka kale hadaad rabto softwareka waxa ka heli karta cashirka aan ka sameyay sida lo sameyo Boorka hadii aad hesatana waa al-xamdulilaah.

Photoshpka waxa uu lahan kara verstions kala duwan balse wax farqi sidaa ah uma dhaxeyo hadii aad hal fahantiti kan kale waa taqana  verstionada ugu caansan ee hada la isticmaalo waxa kamid ah CS6 Cs4 CS3 adey kugu xiran tahay iyo midkaad ka heshid .

Xage ka heli kara :

Photoshopka badana dhalinta wey isticmalan sido kale waxa ka hele meelaha lagu gado softwareada hadii kale internedka aya kaso dagsan karta  hadii aad u baahan tahay photoshop  Cs6  waxaad ka dhex hele cashirkii aan ka diyariyay sida lo sameyo boor xayesiin linkiga ku dhex jiro ka dagso halka.

Photoshopka muxuu tara :

Photoshopka faa'iidadiisa inta kuma so koobi karno lkn tusaale ahan waxa lagu sameya.
Waxa lagu sameya Boorarka xayesiiska
Waxa lagu sameya Sawirada nuucyadooda kala duwan
Waxa lagu Sameya Shahadooyinka
Waxa lagu sameya ID Cards
Waxa lagu sameya Business card
IWM.

Ogeysiiska Cashirka :
Cashiradan waxa ay ka kooban yihiin ilaa 7 Cashir waana Baasic ila laga gaaro advanced oo boor sameyn ah hadaba wehel ka dhigo oo yeesan ku dhaafin cashirada  sidoo kale waxa subscarb garesaa channelka youtubeka aan ku leyahay eng cabdirisaaq maxamed rashiid.

Fadlan markaad daawato pratikeey


Daawasho wacan Cashirkii 1-aad
Sidoo kale cashirada waxa ka hele oo ka eegta  haduu ku dhaafo ama aad ka chekinta in la so galiyay iyo in kale qeybta tutorial kasii gal Photoshop


Wixii su'aal ah:Kuso dir 
alaqsaa1996@gmail.com



Thursday, June 16, 2016

Side lo Format-gareya Windows-ka sideena lo saxa Bootka Step by step Qoraa+Video+Sawiro(Cashir muhiim ah)


Asc Asxaabta ku xiran Shabkada Ifiyahacilmiga meel walba oo aad jogtan Ramadanu kariim waxaan Maanta raba in aan halkan idiin kugu so gudbiyo haduu eebe idmo cashir kooban oo ku saabsan sida lo Format gareyo windows-ka balse wax yar aan isla fahano inta aadan daawan cashirka .

Waxa cashirkan iga so codsay Aqriste lagu magacaabo C/fitaax Aadan xassan.

horayna waa uso galiyay sida lo format gareyo cashir aan ka diyariyay balse qoraal lama socon.
Fadlan si fiican u aqri isla markaana Si fiican u eeg calaamada gaduudan ama tilmaanta.

Marka hore  si aad u Format gareso windowska waa in aad Dhaqan galisa ama Fulisa Step-yada ama Talabooyinka so socdo:
inta aadan sameyn Format hubi in datadaada ay xafidan tahay C waxa muhiimka kugu jiro ka bixi gali D-da ama E ama Partionka kale ee ku abuuran hadii kale waxa back up ku sameysa External hard disk hadii aad leedahay .

Kali Computerkada Jaajar xita hadii u dab leyahay


Marka hore gali computerka canjalada sidoo kale hubi in ay so qabsatay iyo in kale



Kadib Restart u dir  raac markaas kadib Tilabooyinkan:


1-Muxuu yahay Labtopka aad isticmaleso?  Badana Boot Optionka ama Setupp Dhoor meel aya laga galaa Laabtopyada ama computerada badan kooda  Toshipa  Bios-ka iyo Boot-ka waxa laga gala  F2  iyo F12 halka Hp F9 F10

Step 1-Riix mid-kood  si aad u gasho Bios Setup   Del F2, F10, or F9 (Waxa ay ku xiran tahay Computerka aad isticmaleso) .

 Step 2:
Waxa ku so baxayo Sawirkan  hadii aad isticmaleso Window 7 badana sidaan aya ku so baxeso waxa laga yaba in uu u ekado midkan cashirka ku sameyay hadu u ekaado kaas raac hadii saan u u ekaadana kan raac;   Step 2: ka dooro Boot



Step 3: waxa ku so baxayo sawirka hoose waxa Fahanta waxa ay yihiin :


CD-Room Drive(Kan wa hadii aad dooneso in computerkada kaso kaco canjalada windowska ee aad galisay)

Hard disk(Waxa la doorta hadii aad rabto in uu computerkada kaso kaco Harddiskiga waxa laga wada si caadi ah ayuu uso kaca sidii aad ku taqaanay badana inta ayuu saaran yahay waana laga badala Markad Format gareynesid hadii uu ka saaran yahay Harddisk oo aad galiso canjalad windows Computerka Caadi ayuu uso kaca)

Rmovable Devices(Waxa la doorta markii Windowska uu kugu duuban yahay Flash ama aad Isticmaleso External Drive waxa laga waxa External Drive Waxa dhici karta in uusan Computerkada lahen Meel canjalada laga Galiyo marka waxa u baahan tahay External drive )

Network boot(Kan isaga badana muhiim kuuma ahan oo badana lama isticmaalo)
Step 3:Ka dooro CD-Room maxaa yeelay waxaad rabta in uu kaso kacdo Canjalada oo windowska waxa uu kugu duuban yahay Canjalad hadii uu kugu duuban yahay Flash ama External Drive Dooro Removable Device  markad rabto in aad mid kasta doorto waxa taabane F6 ama Arrowga

    
Step 4:Markad intaasi sameysid  Ku dhufo Exit kadibna ka dooro  Exit Saved Changes ama waxaad tabata  F 10 kadibna Ok Dheh 



Markan waxa uu Computerkada diyaar u yahay in lagu Shubo windows  lkn Hadii canjalada so qabsan weydo waxa aya ka qaldan 
1-in aysan canjalada so qabsanen Computerka ama ay canjalada aysan wax ku jirin ama in aysan so qabsanen Canjalada Computerka
2-sidoo kale waxyaabaha keena in ay canjalada so qabsan waxa kamid ah in aad qalado Stepska aan so marnay.

Step 5:Waxa ku ku keyna Shaashad madow oo ay ku qoran tahay Press Any key markaas taabo xarfaha keybordka .

Step6: Waxa uu kuso Bandhiga sawirka hoose meel ha taaban
 


 Step7: Ku dhufo Next




 Step8: Ku dhufo Install Now



 Step8: Check saar I accept
  



 Step8: Dooro Custom (Advanced)



step9:Iska fiiri meshan waa muhiim  waa mesha ay ka dhacesay formatinka ama tirtiritaanka markaad partitionka sameysanesay waxa fiican in aad magac uso baxsatiti hadii kale waxa dhici karta in aad u maleso C-da  sida waxa ku fahme  waxa ku qoran badana Unallcated Space asaga le tirtir ado ku dhufanaya Delete ama Format  Dagniin  ha taaban Partionkada 

Si aad u tirto waxa lagu dhufa mida aad rabto in aad tirto dushiisa kadib hoos ka eeg Delete iyo format hadii aad ka weyso kasoo bixi Drive option advanced
kaloy waxa ku kala saari  kartit C iyo Partionka ku abuuran waa in uu awal magac ku laha waxa dhafesa Partionkadii magaca kugu qorna inta kale format ayad leedhay .



Step10:Ku dhufo next Waxana kuso baxayo sawirkan hoose waxa uu bilaba shaqo soconeso dhoor daqiiqo kadib wuu is damina wu isa so daara marka ha fududan iska aqri ingariiska

 Hadii aad inta fahmi weydo daawo sida loogu shubo window 8.1
lkn waxa ay ku kala duwan yihiin blowga ama bioska
Qeybta 1--aad

 Qeybta 2--aad

Dhamaad
Waxa idiin so diyariyay aniga ah C/risaaq maxamed Rashiid
Wixii su'aal ah iigu so dir alaqsaa1996@gmail.com
ama igala so xariir whatsupp/imo/Viber +252615196922
Fadlan asxaabtada la wadaag

Cashirka 1-aad :Sida lo sameyo websit ama Blog Lacag la'aan ah Free (Cashir Muhiim ah)


Asc aqiyarey meel walba ee aad joogtan waxaan idiin leeyahay Ramadanu kariim Maanta waxaan halkan idiin kugu so Gudbinaya Cashirkii aan Ogeysiiska ku bixiyay oo aan idiin balan qaaday .


Waa maxay Blog

Blog waa websit ay ku siineyso shabkada Google-ka kaasi oo aad waxyaaba kala duwan u adeegsan kartit sida :
1-in aad waxbarasho kuso bandhigtit
1-in aad Warar siyaasad kuso bandhigtit
3-in aad Resech ku so bandhigtit
4-iwm

Waa Sida websitka xitaa waxaad ka sameyn karta lacag oo waxaad ku xireya Shirkada Google Adsense yaanan war kugu daalin blog fahankiisa meel dheer haka raadin waa kan aad hada ku jirto www.ifiyahacilmiga.blogspot.com kkkkk hadaad ila fahantay waxa uu yahay Blog.

Lacag miyaa?

Maya wax lacag ma ahan xitaa sameyskiisa ma dhibbadna waxaana ku balan qadaya in so dhigidoono cashiro kala duwan oo asaga ku saabsan waxaana ka heli karta Qeybta Tutorialka hadii uu ku dhaafo sidoo kale waxa ka heli karta youtubekega eng cabdirisaaq maxamed rashiid.

daawo Cashirka si aan u sameyno Blog

   
 

Wednesday, June 15, 2016

Ogeysiis Muhiim ah: Asxaabta ku xiran Websit-ka waxan ku warglinaya Cashir Cusub in Goor dhaw la bilaabi doono aqri ogeysiiska


Asc aqiyarey ku so dhawaada shabkada Caalamiga Ifiyahacilmiga.blogspot meel walba ood jogtan waxan idiin leyahay Ramadanu kariim

Ogeysiis ku saabsan Cashir Cusub:

Kooraska la bilabayo waa :Sida lo sameyo websit ama blog Free ah adoon wax lacag ah bixin
Waxaana idiin bilabi doona maalinta bari ah Taarikhdana ku beegan tahay 6/16/2016 oo maalin qamiis ah .

Waxa idiin so jeedin doono anigoo ah C/risaaq maxamed Rashiid
Fadlan asxaabtada la wadaag
Ha mogan shabkada Ifiyahacilmiga

Wednesday, June 8, 2016

Wax badan ka Ogow Taariikhda Feeryahankii Caanka aha Mohamed Cali Kalaay


Aqiyarey ku so dhawaada hooyga Barashada computerka maanta waxaan halkan idiin kugu so gudbinaya Taarikhda Feeryahankii Caanka aha Mohamed Cali Kalaay.

Daawasho wacan:



Video-kale

       

25 Su aalo iyo jawaabo soonka ubadan | Sh Maxamed Umal Ka faa'iidesi wacan


Asc Ramadaanu kariim kulanti wanaagsan aqiyarey maanta waxaan halkan idiin kugu So gudbinaya 25 Su'aal oo u badan Ramadaanka Waxaana ino so jedinayo Sheikh Maxamed Umal


Daawasho wacan:


                             

Tuesday, June 7, 2016

Daawo Muxaadaro ku saabsan Axkaamta Soonka Kafaa'idesi wacan


Asc Ramadaan kariim dhamaan busha weynta somaliyed meel walba oo aad jogtan waxaan halkan idiin kugu so gudbinaya Muxaadaro ku saabsan Axkaamta Soonka waxaana inoo so jeedinayo Sheikh Shibli Waxaan rajeyna in aad ka Faa'iidi doontan haduu eebe idmo Fadlan Asxaabtada la wadaag markaad ka faa'iidesatit cashirka.

Daawasho wacan