Wednesday, January 20, 2016

Waxbadan ka ogoow Faa'iidoyinka iyo Waxtarka ay leedahay dhirta (Qalinkii Rashka)




Dalkeena soomaaliya waxa ka baxa dhir farabadan taasi oo leh qeybo kala duwan isla markaana Fa’iido badan u leh Dadka Soomaaliyeed .
Dhirta ka baxda Dalkeena hooyo waxa ay leedahay waxtar aad u weyn waxaana ka mid ah:
1-Dhirta waxa aan ka helnaa Cuno
2-Dhirta waxa aan ka sameysanaa Hooy ama meel aan ku hoyono
3-dhirta waxaan ka helnaa ama aan ka sameysanaa Dhar
4-Dhirta waxa aan ka helnaa qoryaha aan dabka ku karsano IWM
Dabcan dhirta waxa ay inoo leedahay faa’iidooyin kala duwan taasi oo aanan lagu soo koobi Karin qormadaan aan ku eegeyno waxtarka dhirta.
Dhanka kale waxa jira dad caadeystay in ay jaraan ama Gooyaan dhirta si ay uga shidaan Dhuxul  ayagoona mar-marsiyo ka dhiganaayo in ay yihiin shaqo la’aan.
Hadaba maxa ka dhalan karo hadii la jaro Dhirta Dalka ama laga shito Dhuxul.
Hadii la jaro ama la gooyo dhirta ka baxda Dalkeena hooyo waxa ka dhalan karo dhibaatooyin farabadan taasi oo ay sabab u tahay jarista la jaray Dhirta waxaana kamid ah:
1-Dhirta oo la jaro waxa ay keentaa Nabaad Guur ku yimaado Deegaanka
2-Dhirta oo la jaro waxa ay keentaa Roobka oo yaraado
3-dhirta oo la jaro waxa ay keentaa Dabeelaha oo bata
4-Dhirta oo la jaro waxa ay keentaa in Daadadka roobka ay dhibaateyaan Bulshada ku dhaqan Deegaan-ka. IWM.
Hadaba anagoo ka duuleyna  arimahaasi aan kor kusoo xusnay maxaa la gudboon Bulshada si looga hortago dhibaatooyinka ay leedahay jarista dhirta sidoo kale makula tahay in hadii laga wacyi galiyo dadka jara dhirta in ay joogsaneyso jarida dhirta isla markaana loo abuuri karo shaqooyin ka wanaagsan tan ay hada hayaan.


0 comments:

Post a Comment