Wednesday, January 13, 2016

Barashada Afka Somaliga:Waa maxay maah-maah?


Maah-maah waa qeyb kamid ah Hadalka Waxa ayna ka tirsan tahay Suugaanta Sida Maansada ,Tix ,Tiraab ,Saar,  iyo Shekooyinka  sida habeysan u qorani inta badan Maah-maahyada Qaafiyad bay leedahay xarafna wey ku socotaa.

Siyaabaha loo adeegsado Maah-maahyada waa:

  1. Kaftamid
  2. Garnaaqsi
  3. Fikrad ka dhaadhicin qof kale iyo Dagniinba
  4. Xod-xodasho Dumar

Tusaale:Garnaqsi waa Allahayoow aqoon darro hanagu cadaabin Eexna Hanooga tagin
Maah-maahdan waxa loo adeegsada  marka Gar la naqayo
Habar Fadhida lagdan la fudud
Maah-maahdan waxa la adeegsada markii Qof waxa uu qaban Karin la yiraah war sidaa yeel oo xooga ka qabo
La jiifiyaana banana La joojiyana banana
Maah-maahdan waxa lo cuskada qofka dantiisa oo qura ka fikira isla markaana dib uga noqda go’aankiisa
Barasho Horteed ha inicin
Maah-maahdan waxa la adeegsada in aadan qof nicin ila aad ka barato
Waxa kalo kamid ah:
Aan wada hadalno wa aan heshiino
Arin xumo waa abaar ka daran
Xunbo iyo xiiso waa dhacaan
Nin habaarani ma harsado
Naag kas halahaato kartina ha lahaato
Wax la wayay looma waasho
Ninkii Sabra aya sed hela
Nin weyn wedkii wuu yaqaan
Col ninkii soo arkay iyo kan looga waramay isku si ugama cararaan



Waa ay farabadan yihiin Maah-maahyada soomalida balse aqriste commentiga ku qor maah-maahyada aad garaneyso si lagaaga Fa’iido



Qore:C/risaaq maxamed rashiid
Email:cabdirisaaq.maxamed27@gmail.com
Tel 0615196922
Ku xidhnoow Hooyga waxbarashada

0 comments:

Post a Comment