Wednesday, January 20, 2016

Dagaal ma xalbaa Maxaase uga hari la'nahay!?(Qalinkii Rashka)




Dagaal waa  wax aad uxun walibana aan u fiicneen dhagaha bila’aadamka taasi oo leh damiir fiyoowi qabta sidoo kale Soomaalidu maah-maah ayeey ka tirisay ayagoo ka duulaya sameenta xun ee uu bulshada ku reebo waxa ayna ka dhaheen arinkaan (Dagaal wiil kuma dhashee wiil ayaa ku dhinta).
Dabcan marka maah-maahdu ay sidaa u dhaceeso ma ahan in la dareesiinayo sameenta uu Dagaalka reebayo oo kaliya   raga  balse waxa ay la hadleysaa dhamaan bulshada qeebaheeda kala duwan hadeey ahaan laheed rag iyo  Dumar ama qof walba oo caqli u saaxiib ah.
Dhanka kale soomaalidu waxa ay Dagaal ku soo jireen ku dhawaad 22-Sano ilaa iyo hada waxa ay faraha kula jiraan qas iyo /dagaal kuwaasi oo maraaxilo badan soo maray walibana  aan dhamaad laheen ha ahaado mid u dhaxeeyo qabiil , ha ahaado mid u dhaxeeyo Dowlad iyo urur islaami ah nuuc walba ha ahaado dadka soomaaliyeed sidaasi oo jirta waa ay garan la’yihiin sababta dhabta ah ee ka danbeysa Dagaalka soomaaliya ka jira mudadaasi dheer.
Hadabo wali ma is weydiisay muwaadinoow sarta meesha ay ka qurun san tahay ama arintu meesha ay iska qaban la’dahay waan fahmi kara si uun inaad u fikirtay balse su’aasha aan ku weydiinaayo waxa ay tahay wali niyada ma iskala hadashay oo xalka Soomaaliya sidee kuula muuqdaa?
Ugu danbeentii Dagaal xal laguma gaarayo aan ka aheen bur-bur iyo dib udhac qarniyaal aad uga dib dhacdid dowladaha asaagaada ah oo wax bartay Dagaal waxa uu mustaqbal xumo ku ridayaa Jiilkeena soo koraayo iyo ubadka ay sii dhali doonanan  mu’waadinoow ogoow in jiilka soo koraayo uu kaa filaayo daacad nimo inaad ugu adeegto ma kaa filaayo taasi badalkeeda inaad ugu badasho balanteena waa in aynu iska joojino Dagaalada oo aan usoo jeesano dhanka hor-marka .
Dhammaad
Qore:C/risaaq maxamed Rashka
Email:cabdirisaaq.maxamed27@gmail.com
           Alaqsaa2525@hotmail.com

0 comments:

Post a Comment