Wednesday, January 20, 2016

Soomaaliya Fadaraal ma’udanbaa mise waa udib udhac!?(Warbixin-Qalinkii Rashka)





Dadka soomaalieed waxa ay yeeshteen ama heleen rajo wanagsan  taasi oo ka maqneed tan iyo markii ay meesha ka baxday Dowladii dhaxe ee Soomaaliye balse taasi waxaad moodaa in ay dib usoo laabaneyso isla markaana shacbiga soomaaliyeed ay muujinaayaan u heelanaan ay u heelan yihiin dowlad loo dhan yahay in uu Dalkeena yeesho.
Dhanka kale waxaad moodaa in rajadaasi wanaagsan oo shacab weynaha soomaaliyeed lahaa in ay ceel ku sii dhaceeso ayadoona loo nisbeenaya ama sababtu tahay “Fadaraal” hadaba muxuu yahay Fadaraal Dowladu maxaa u diiday in shacabkeeda ku dhawaad 20-sano madluun sanaa in ay ka dhaadhiciso waxa uu yahay Fadaraalka su’aasha jirta waxa ay tahay Muxuu fadaraalka keenay ma dhib mise dheef mudadaan yare e aan aragno.
Dhab ahaantii soomaaliya kuma wacna in laga hir galiyo fadaraal balse ka soo qaad ayadoo laga hir galiyay Dalka Waxa dhacday in dowlada ay u martay jid qaldan  ayadoona sameysay ama ku dhaqaaqday in ay aqoon satay Maamulo sheegtay in ay sameysteen Maamul Gobaleed taasi oo keentay in Maamulo kale ay sheegtaan in ay sameesteen iygana ayadoona taasi ay keentay in uu halkaasi ka dhashay is qab-qabsi  balaaran oo wali aan xal dhab ah laga gaarin .
Taa waxa ka daran waxa ay shacabka qaar ama odayaasha qaar ay Fadaraalkii ka dhigeen Qabyaalad waxaadna maqleysa Beel hebal odayaasheda uma dhama Beel hebel Waa lagu yareyay xumnahay u matalaayo Beel hebal Go'aan ay ka gaartay ila laga soo dhamestiro Sadkii aan ku laheen Maamulkaas.
Hadaba maxaa Dowlada la gudboon
Xalka dhabta ah oo ay dowlada soomaaliya ka gaari karto waa ayadoo la timaada siyaasad cad taasi oo ah mid lagu qanci karo walibana ka maran  musuq maasuq  isla markaaana Dowlada  mowqifkeeda yahay mid cad ayadoona eegeyso danaha shacabka soomaaliyeed iyo dastuurka qaranka.
Dhammaad
Qore:C/risaaq maxamed Rashka
Email:cabdirisaaq.maxamed27@gmail.com
Alaqsaa2525@hotmail.com


0 comments:

Post a Comment