Wednesday, April 27, 2016

Astaamaha Lagu gorto Maclinka wanaagsan (Warbixin)


Sidee ayaad raad fiican ugu reebi kartaa ardayda aad wax barayso?
Marka hore waa inay kuu cadyihiin arrimahan soo socda
Muxuu yahay ula jeedka ka danbeeya inaad qof hanato?

waxa aad ogataa qofka aad hanan kartidid ayaad saamayna kaga taggi kartid. Wax kale oo aad ogaataa in diinteena islaamka ee aadka u qiimaha badan ay nagu boorinayso in aan dadka hanano oo raad wanaagsan kaga tagno. Waxa aad ku dayanaysaa nabigeenii muhamed(SCW) waayo waxa uu ku guulaystay in uu hanto quluubta dadkii la noolaa, sila markaasna waxa u suurta gashay in uu raad kaga tago oo ay koox-koox u soo galaan diinta islaamka. Waxa aad ogaataa in furaha aad ku gali karto qofka qalbigiisa uu yahay (kelmada waanaagsan) taasna waxa ku tusinaysa in alle yidhi
و قولواالناس حسنا
kula hadla samaan dadka
Waxaan kula jecelahay inaad hanato ardeydaad wax barayso sababtuna waxa weeye:-
1:- inaad badasho akhlaaqda xun oo aad u badasho mid wanaagsan
2:- sadaqa jaariya ayay kuu noqonayaan waayo wanaag kasta oo ay sameeyaan ajar ayaad ku leedahay
3:- inaad noqoto sida roobka oo kale waayo roobku meesha uu ku do’o waa lagu doogsadaa adna noqo mid lagu doogsado
Sidee ugu guuleysan karta in aad arday hanato
Marka hore waxa jira fikiro aad u xun oo loo baahan yahay in la saxo
1:-macalimiinta qaar kood waxa ay aaminsanyihiin haddii ay kula dhaqmaan ardayda dhibir sanaan, naxariis, dabac  sanaan iyo IWM in taasi ku keenayso inuu qiimihiisu hoos u dhaco oo loo qaadanaayo macallin miskiin ah
2:- maclinmiinta qaarkood waxa ay aamisanyihiin in dadnimada macalinka lagu garto qalaf sanaanta, waji tubida, iyo inuu macalinku ka dhigo galaaska dhan sidii xero militari oo kale
3:- waxa jira macalimiinta qaarkood oo si xad dhaaf ah ardayda ugu seta dheereeya oo ka bad-badiya kool-koolinta taasna mafiicna
Ka dheeraw mar walba inaad canaanto, waayo canaantu inta badan ma keento kheyr. Xasuustaadana ay san ka bixin hadalkii uu yidhi adeegihii nebiga(CSW) anas binu maalik “ waligay nabigu ima canaanan imana dhihin waxaan sameeyay maxaad u samaysay, waxaan sameyna maxaad u samayn wayday.

Xuquuqda qoraalka waxa leh www.faaido.com

0 comments:

Post a Comment