Wednesday, April 27, 2016

Wax ka ogow dhoor arimood oo ka caawin kara in aad Subaxdii Goor hore toos-tit (Warbixin xiiso leh)


Waxaan akhristayaasha kula wadaagayaa talooyin muhiim ah oo qofka ku dhaqma ka caawinaysa inuu subaxda hore hurdada ka soo tooso isaga oo firfircoon oo hawlihiisa si dar-dar ah u qabto
Haddii aad tahay dadka waqtiga ay doonayaan aan toosikarin, waxa jira dad ku buuxsada saacada baraarujiyaha ah ama telefanka gacanta ku samaysan.
Hadana waxa dhacda in dadka qaar gaar ahaan kuwa habeenkii hurdadu ku yar tahay marka waqtigii ay rabeen ay saacada baraarujiyaha ah ay ku qayliso in iyaga oo dhalalowsan ay dhakhso u bakhtiyaan, huradadana iska sii wataan, waxaana halkaa ku baaqda hawshii ay u toosayeen iyo muhiimadii baraarujiyuhu lahaa.
Haddaba waxa fiican in qofku saacada baraarujiyaha ah uu dhigo meel isaga ka durugsan oo aanu gacanta la soo gaadhayn haddii uu doono isaga oo sariirtiisa jiifa in uu aamusiiyo, marka ay saacadu qofka ku qayliso, waxa run ah inaanu u adkaysan Karin sidaa awgeed waxa uu ku qasbanaanayaa in uu soo kaco oo aamusiiyo. Sirtuna halkaas ayay ku jirtaa, oo qofku marka uu soo kaco ee masaafadaa soo socdo si uu u bakhtiiyo waxa ka baxaysa shucuurtii hurdo jacayl ahayd ee marka hore furaashka ku sii dhajinaysay, waxaanay ku dhawdahay inuu sidaas isaga soo kaco.
Marka aad huradada ka soo kacdo inta aanad wax kale qaban koob biya ah cab. Waxa la aaminsanyahay koobkaas biyaha ahi soo celinayo fuuq-baxa ee dareerayaasha kala duwan dhididka iyo neefsiga, subaxda hore ku dadaal inaad sii maydhato inta aanad shaqada u bixin, waxa la xaqiijiyay in maydhashada subaxa hore ay leedahay firfircooni dheeraad ah.
Ku dadaal subaxii inaad qoraxda isu yara dhigto, marka uu qofku subaxii qoraxda isu yara dhigo waxa dhacda in jidhka qofka ay gaadhsiiso fariinta maalinmo ah ee lagalay sidaas awgeed jidhku joojiyo hormoonka melatonin oo ah kan uu jidhka habeenkii ku garto in habeenimo la joogo.
Cun quraac caafimaad qabta, quraacda fudud waxa ay jidhka siisaa tamar uu maalintaas oo dhan ku shaqayn karo.
Xuquuqda qoraalka waxa leh www.faaido.com

0 comments:

Post a Comment