Friday, February 12, 2016

Maxaad kala socota Cudurka Infekshanka Kaadida Waxbadan ka ogoow


Cudurkan waxaa sababa infekshanka kaadi-mareenka ku dhaca waxaana lagu daaweeyaa jeermis-dile ama antibiyootik. Haweenka qaarkood waa ku soo noq-noqdaa ragase kuma badna. 

Calaamadaha lagu garto

Sida caadiga ah kaadida waa ka nadiif jeermis, markuu soo galana wuxuu sababaa kaadida oo qofka gubta iyo kaadi badan oo hadba suuliga lagula cararo. Waxaa kaloo dhici karta xumad, gumaar-xanuun iyo inay kaadidu si xun u soo urto ama midabkii lagu yaqiin ay iska badasho.

Ma laga biskoodaa

Sida caadiga ah infekshanka kaadi-haystu ma aha cudur khatar ah hase yeeshee waxaa dhici karta inuu kor iyo kalyaha u safro isla markaana sababo infekshan halis ah taasoo kalyaha ku samayn karta dhaawac. Taas waxaa lagu gartaa xumad sare iyo gariir, kalyo & dhabar xanuun, madax xanuun, labo-labo iyo matag. Haddii aad calaamadahaas isku aragtid waxaa lama huraan ah inaad raadsatid gargaar caafimaad oo deg-deg ah.

Soo noq-noqodka infekshanka

Waxaa dhacda inuu infekshanku soo noq-noqdo. Marka ugu horeeya ee haweenka lagu arko waxaa laga yaabaa in la baaro. Baaritaanadaas badanaa ma sheegaan wax cilad ah oo loo aanayn karo infekshankaas. Dumarka qaar wuxuu infekshanka ku dhacaa markay galmo sameeyaan qaarna markay walwasan yihiin.

Daaweynta

Daawada la yiraahdo Trimethoprim ayaa badanaa loo isticmaalaa daawaynta infekshanka kaadi-mareenka. 

Ka hor-taga

Waxaa la ogaaday in matantaha (kastuumooyinka) ka samaysan dun cudbi ah uu yareyn karo soo noq-noqodka infekshanka isla markaana kan laga sameeyo dunta nayloonka uu sahli karo. Biyo badan oo la cabo wuxuu nadiifiyaa kaadi-haysta wuxuuna yareyn karaa infekshanka. In galmada kadib la kaadiyo wuxuu caawin karaa haweenka uu aalaaba infekshanku ku dhaco galmada kadib.
Xuquuqda Qoraalka Waxa leh Webka Caafimaadka ee Www.somdoc.com

0 comments:

Post a Comment