Wednesday, February 24, 2016

Maxaad kala socota dhibatooyinka Uu leeyahay Sigaar-ka (cluumad xiiso leh)

Sigaarku waa balwad aad u liidata oo dhakhaatiirta iyo culumaduba isku raaceen inuusan wanaagsanayn aduun iyo aakhiraba. Wuxuu keenaa cuduro aan la soo koobi karin, wuxuu caan ku yahaya ur iyo aragti xumo, wuxuu gubaa oo tahareeyaa meelaha uu sii maro ilaa uu ka gaaro sanbabada, aakhirka wuxuu hawl-gab ka dhigi karaa sanbabada, markaas oo qofku uusan noolaan karin oksijiin la’aan, waxaana la isku wada raacay inuu nafta halaago oo uu keeno cimri degdeg. Wuxuu kaloo u daran yahay jeebka, dhibkuna wuxuu u gudbaa dadka ka ag dhow oo iyaguna la qaybsada khatarta sigaarka, gaar ahaan caruurta oo uu ku keeni karo infekshanka dhagaha iyo neef.

Kala bar dadka sigaarka caba waxay u dhintaan cuduro sigaar-cabida la xiriira. Cuduradaas waa adag tahay in hal meel lagu soo koobo waxaanse ka xusi karnaa kansarada, cudurada ku dhaca sanbabada, wadnaha & xididada (gaar ahaan kuwa indhaha, maskaxda iyo lugaha), roomatismo, cimri degdeg ama asaasaq, ma dhalaysnimo ama caadada oo haweenka ka go’da iyadoon aan la gaarin da’deeda.
Carabaha waxaad si aad ah looga cabaa shiishada. Dadka caba waxay ku doodaan inay tahay khudaar aan wax dhib ah lahayn. Hase yeeshee waxaa la isku waafaqsan yahay inay ka xun tahay sigaarka. Inta goor ee ay ka xun tahay ayaa lagu mur-murmaa waxaana loo dhaxeysaa 2.5 ilaa 400.
Marka qofku sigaarka iska joojiyo waxaa u baaqata lacag, bilicdii horena waa u soo noqotaa. Ragga sigaarka caba waxaa ku badan cudurka kacsi la’aanta. Dumarka aan sigaarka cabinna dhalmada dhibaato kama qabsato waxayna dhalaan ilmo caafimaad qaba. Qofka aan sigaarka cabin haragiisu waa uu ka dhallin yar yahay qofka cabba ilkihiisuna waa ay ka cad-cad yihiin.
Dadka aan sigaarka cabin si caadi ah ayey u neefsadaan mana qufac badna. Waa yar tahay in dadka aan sigaarka cabin ay ku neeftuuraan howl maalmeedka joogtada ah da’ kasta ha jireene. Joojinta sigaarka ayaa sabab u noqon karta farqiga u dhexeeya in aad si nashaad leh u noolaato marka aad gabowdo haddiiba aad gaartid iyo inaad la noolaato sanbabo hawlgabay inta noloshaada ka hartay.
Daraasadaha cilmiga waxay cadeynayaan in dadka sigaarka cabaa ay badanaaba wel-wel ku jiraan. Waxay in badan oo waqtigooda ka mid ah ka fikirayaan baahida ay u qabaan sigaarka, nafiska ay ka helaan sigaarkuna waa mid cimrigiisu gaaban yahay.
Joojinta sigaarka waxay qofka u keenta dareenka guusha iyo saxan-saxo caafimaad. Dadka sigaarka joojiya waxay badankoodu sheegeen in cunnadu ay u maacaanaatay, fir-fircoonina ay u korortay.
Haddii aad markaa dooneysid in aad noqotid qof haysta caafimaad waara iyo niyad wanaagsan ilaahay idinkiis, isla markaana ay u baaqato lacag, waa in aad sigaarka u joojisaa sida ugu dhakhsaha badan. Dhakhaatiirtayada ayaa kuu qori kara kaniinigan cusub oo waxtarkiisa la isku raacay inuu ka fiican yahay labadii nooc ee horay loo isticmaali jiray.
Champix, oo la qaato 12 isbuuc waa ka sareeyaa marka loo barbardhigo daawooyinka loo qaato joojinta sigaarka sida Nikotiinka ama Bupropion. Champix wuxuu shabahaa falka nikotiinka marka uu jirka galo isla markaana wuxuu joojiyaa saamayntiisa. Taas macnaheedu waa intuu qaadanayo Champix qofku aad u tabi maayo ka maqnaanshaha sigaarka waxaana intaas u dheer xaraaradii ama jaceylkii sigaar cabiduna waa ka ba’aysaa.

Xuquuqda Macluumadkan waxa leh www.somdoc.com 

0 comments:

Post a Comment