Tuesday, July 12, 2016

DAWO SAWIRO: Maxaad ka taqaanaa maalinta 12ka luulyo masa ogtahey waxeytahey iyo wixii dhacey.




12ka luulyo waa malinta Odayaasha iyo Guurtida Somaliyeed inta aan kanaqaano wixiidhacey iyo waxeytaheyba Halkaan hoose ka aqriso waxadna ogaata in ay tahey qeyb taariiqdaaka ka mid ah. 



12ka july,1993 abaarihii 11 kii subaxnimo, maalin isniin ah waxa ey aheyd maalin madow oo dhamaan bulsha weyntii somaliyeed ee dagneyd magaalada muqdisho ey la ilmeeyeen naxdin iyo caro daraadeed. Maalintaas oo si arxan daro ah loo gumaadey loona xasuuqey odayaal somaliyeed oo aan waxba galabsan kuna sugnaa dhulkoda hooyo iyo ciidooda hooyo ayaa waxaa laayey cadow dhulkooda ku soo duuley Waxeyna,ka arinsanaayeen aayahooda mana eysan aheyn saraakiil ciidan ama xubno dowladeed balse waxey ahaayeen odayaal wax darajaa oo ey xambaar sanaayeen ama ku magacownaayeen ma eysan jirin oo aan ka aheyn da, dooda ilaahey ku maneystey.


  Taas oo aheyd markii ciidamadii cirka ee mareykanka oo saldhigoodu ahaa magaalada muqdisho kana midka ahaa ciidamadii ka socdey qaramada midoobey Ee #Unisom ay ku soo qaadeen weerar qaawan, ayakoo adeegsanaayey ,8 diyaaradood oo ah nuuca qumaatiga u kaca ee loogu yeero cobra iyo hal diyaared oo ah nuuca meelaha fog fog wax ka dila ama ka bomgareeya oo magaceeda loo soo gaabiyo AC,130, ayaa si arxan daraa u duqeeyey xaruntii ey ku shiraayeen odayaashu mudo 17 daqiiqo ah waxeyna la dhaceen ugu Yaraan 16 gantaal oo ah TOM missiles Waxaana ku naf waayey goobtaas ugu yaraan 70 ka mid ahaa odayaashii ku shiraayey goobtii la duqeeyey sidoo kale na waxaa ku dhaawacmey ugu yaraan ilaa 200 oo qof oo isgu jira odayaashii shirku u socdey iyo dadkaloo rayid ah oo ka dhawaa agagaarka goobtii duqeyntu ka Dhacday. Waxaan Leenahay Intii dhimatay alah ha u Naxariisto Samir iyo iimaana Alah Hanaka Siiyo.

Daawo Sawirada: 

0 comments:

Post a Comment