Wednesday, May 11, 2016

Ka Faa'iidesyso Taarikh nololedka Mid kamid ah halyeyadii Muslimiinta


Magaca: Cabdullahi bin Cismaan bin Caamir Al-Qurashi Al-Tamimi. Reer Tamiim bin Murra.
Naanaysta Aabihii: Abii Qaxaafa.
Magaca Hooyada: Umul Khayr bint Sakhar.
Hooyadii iyo aabihii waxay ahaayeen Ilmaadeer.
Taariikhda Dhalashada: 2 Sanno kadib Caamul Fiil (Sannadkii Abraham Al Ashram Uu kabcada kusoo weeraray maroodiyaasha, Allahna uu ku halaagay shimbiro dab ah).
Abu-bakar waxa uu kamid ahaa dadkii ugu soo horeeyay diinta Islaamka, waxa uu maamuus iyo sharaf ku dhex lahaa Quraysh, isagoo ahaa dadka ugu aqoonta badan dadka iyo abtirsiintooda. Abubakar waxa uu u adeegsaday maamuuskaas iyo sharaftaa uu Quraysh ku dhex lahaa faafinta diinta Islaamka. Gacantiisa waxa ku Islaamay asaxaab fara badan oo jannada loogu bushaareeyay iyaga oo ifka jooga sida “Subayr bin Cawwam, Dalxa ibn Cubaydullaah, Sacad bin Waqaas, Cabdirraxman bin Cawf iyo Cusmaan bin Caffaan ” dhamaantood Allah raalli ha ka noqdee.
Abubakar waxa uu rafiiq la noqday Rasuulka SCW safar iyo daganaanshiiyoba, waxa saaxiibtinimadooda marqaati ka ah Qur’aanka Allah SWT (( Markii ay saareen kuwii gaaloobay labadoodii, iyaga oo ku dhex jira godka, xilli uu ku yidhi saaxiibkii ha murugoon Allah ayaa inala jira.))
Xadiis saxiix ah waxa uu Rasuulku SCW ku yiri markale (( Hadii aan khaliil cid ka dhiganayo waxaan ka dhigan lahaa Abubakar, balse Allah ayaa iga dhigtay khaliil).
Abu bakar waxa uu ahaa ruuxa raga uu Nabigu SCW ugu jecelyahay, xadiiska ku jira Bukhari iyo Muslim ee uu warinayo Camru ibn Alcaas waaka leh Nabigu ku leh SCW (Cida aan ugu jecelahay dadka waa Caaisha, ragana waa Aabeheed, kadibna cumar iyo…)
Abubakr waxa uu islaamka usoo hooyay guulo badan waxa uu ahaa deeqsi maalkiisa iyo muruqiisaba ku bixiyay sidii kalmada Allah ay u korrayn lahayd, waxa uu noqday khaliifkii koowaad ee Muslimiinta taasina ayaa inoogu filan makaanada uu Islaamka ku leeyahay.
Abubakr Al Siddiiq waxa uu Allah raalli ha ka noqdee dhintay Jumadil Awwal sannadkii 13 Hijriga, isaga oo da’diisu tahay 63 Jir.
Taariikhda iyo barashada Abu-Bakar laguma soo koobi karo maqaal yar, balse si akhristayaasha Faaido.com aanay u daalin, waxa aynu kusoo gaabasan doonnaa intaas.
Maqaalkan waxa laga soo dheegtay kitaabka “Al Isaaba” ee uu qoray Caalimka Ibn Xajar Allah ha u naxariistee.

Xuquuqda qoraalka waxa leh www.faaido.com

0 comments:

Post a Comment