Monday, May 9, 2016

Geeriyoote Maxaa xigga!!!??(Qormo Kooban)


Waa laguu meedhi, ka dibna maro cad ayaa lagugu kafni. Gurigaa lagaa saari markaasa god dhulka hoosti ah lagu galin. Dad badan ayaa maalintaa wax kasta faraha ka qaadi doona si ay guirga cusub kuugu dhisaan, shaqoyinkii ay hayeen maalinta u xidhi doona si ay aaska uuga qayb qaataan.
OGOW!!!
Dunidu kuu murugoon mayso. Ganacsiguna wuu sii socon doona. Shaqadii aad hayseena qof kale ayaa qaban. Alaabtaada waa lakala qaybsan ama la daadin. Maryaha kuwaad ugu jecleedna waa la kala qaadan ama lagu sadaqaysan haddii aan lakala boobin. Xoolaha aad lahaydna si xalaal ah ayaa xisaab xisaabsaneed lagu kala qaybsan. Adna Ilaahay ayaa kugu la xisaabtami meesha aad ka keentay iyo meesha aad ku bixisay.
Asxaabtaadu intay dhowr saacadood murugoodaan ayey noloshooda wadan doonan. Reerka aad baxdayna laga yaaba dhowr todobaad ka dib ay sidoodi hore iskaga noqdaan.
Sidaas ayey sheekadaada aduunyo ku xidhmaysa!!
Markaas ayey sheekada akhiro furmaysa!!
Amaani wax ku tari mayso, xana waxba ku yeeli mayso. Su’aasha is waydiin leh waxay tahay: Aakhiro maxaad u diyaarsatay?
Waa xaqiiqda u baahan in imika laga shaqeeyo. Waligaa laba iska ilaali: Salaada ood ku ciyaarto iyo maalka xaaranta ah. Dib isku waydii oo isla xisaabtan intaan lagula xisaabtamin. Haddii aad bar madow ku aragtid buugaaga waa inaad ka qoomamaysaa.
Fadlan gaadhsi cidii aad jeceshahay inay ka faaidaystaan!!
Wa Bilaahil Towfiiq!!
Xuquuqda waxa iska leh: faaido.com

0 comments:

Post a Comment