Tuesday, May 10, 2016

Qiso :Aabe Saladan aad Maalin walba Tukaneyso miyaadan marna iska Dhaafi karin?Jawaabtan layaabka leh ayuu ku islaamay!


Qisadan ayaa ah mid Layaab badan oo ka dhacday Dal kamid ah dalalka aysan
Muslimiintu aanay ku badnayn.
Wiil iyo Aabihiisa oo Gaal iyo Muslim kala ah ayaa aabihii oo aan
heysanin Diinta islamka wiilkiisa ku yiri , Aabo waqti walbo Salaadan
aad tukato waa imisa Maalintii , kolkaas ayuu ku jawaabay wiilkii Shan
waqti waaye aabo oo dhib malahane maad iska soo ilaamtid.
Aabihii ayaa ku jawaabay Maalin kasta waad tukanaa Salaadahan soo
ma’aysan soo noqonayaan salaad walbo xiliga beri xigta oo kale ,
Duhur walbo waqtigaan oo kale waad dukataa berina way imaanaysaaye soo
iskama dhaafi kartid.
Wiilkii ayaa si xikmadeysan uga jawaabay wuxuuna yiri aabo , Maalin
kasta Duhurkii iyo Habeenkii waqtiyo siman ayaad Cuntada cuntaa ,
waxaad joogteeysaa cabista biyaha , Bal kawaran Maanta hadii aad iska
deyso ood beri ka dhigato Cuntada.
Aabihii dhalay wiilka ayaa durbaba dareemay xikmada uu wiilkiisa ku
hadlay wuxuuna ugu Jawaabay Aabo waa sax la iskama dhaafi karo Cuntada
waayo masii noolaan karno hadii aanan biyo iyo Cuntada ku dadaalin.
Wiilkii oo aad u faraxsan ayaa ku jawaabay Salaada iyo Adkaaraha hadii
aan iska daayo sidaas ayeey nolosheydu noqoneysaa , Allihii cuntadaan
iyo Biyahaan si nabad kugu siiyey haku caasinin ayuu wiilkii aabihiis
ku yiri.
Nasiib wanaag Hanuunka Alle ayaa iska leh waxaa suurta gashay in
Odaygii uu sidaas kusoo Muslimo.
W/Q:  Ahmed Muuse Abdilaahi

0 comments:

Post a Comment