Saturday, May 7, 2016

Waxaa hubaal ah hadii aad qodobadan 4-ta ah Hir galisid in aad ku Guulesan doontit Guurkaada


Sidan wada ogsoonahay Guurku ma'aha wax fudud waxa uu u baahan yahay ka fiirsi dheer dad fara badan waxa ay ka walwalaan Guurkooda ayagoona cabsi weyn ka muujiya sida uu noqon doono mustaqbalkooda lamaane.

waxaa wanaagsan hadii aad guursaneyso in aad qofka aad nolosha la wadageyso aad dhinacyo badan ka fiiriso oo ay ugu weyn tahay xaga Diinta xishoodka Aqlaaqda iyo Dabeecada inta kadib isku day in aad Fuliso qodobadan 4-ta ah oo hoos ku qoran .

1-Noqo mid duceysta:ducudu waa wax wanaagsan oo aad ilaah aad uga baryeso in uu ku siiyo waxaad jaceshay waxaana muhuum ah in aad ilaah subxaanuhu watacala aad mar walba ka barido in uu ku siiyo Lamaane xalaal ah oo wanaagsan kaasi oo aad nolosha la wadaagto.

2-Noqo mid Sahmiya:Waxa wanaagsan in aad sahmiso Lamaane wanaagsan kaasi oo leh Diin aqlaaq maal IWM balse sahmintaas ha noqoto mid laga raadiyo meelaha wanaagsan ee qeerka leh lkn ma wanaagsana in aad ka raadiso ama aad ka sahmiso goobaha xun-xun.

3-Dhab maka tahay in aad Guursato:Waxaa muhiim ah in ay dhab ka tahay Guurka oo aadan lugooyn Dumarka Muslimiinta/Raga muslimiinta  ah isla markaana hadaadan diyaarba ahen in aadan galinba hooshan.

4-Wanaaji Qoyska Lamaanahaaga:Waxa muhiim ah in aad wanaajiso oo aad si wanaagsan aad ula dhaqanto Qofka aad mustaqbalka ka rabto Qoyskiisa hadii aad wanaajisa meesha waxa ka dhalanaya Is qadarin iyo is aaminid.

Fadlan share gare Qoraalkan
Qore:C/risaaq maxamed Rashka 




0 comments:

Post a Comment