Wednesday, May 11, 2016

5 Qodob oo hadaad isku aragto aad noloshaada horumar gaadhi doonin (Warbixin).



Khajilaada ama xishoodka xadkiisa dhaafsani waxa uu qofka ku keenaa in uu dadka si haboon ula xidhiidhi waayo, iyadoo taasina sabab u noqota in uu qofku noloshiisa horumar ka gaadhi waayo, dhibaatooyin badanna uu la kulmo,  iyada oo xishoodka la amaanay ayaa hadana farqi wayn uu u dhaxeeyaa xishoodka iyo khajilaada.
Hadaba 5-tan wax ee hoos ku xusan hadii aad isku arkagtid waxaad ogaataa in uu ku sifaysan tahay khajilaada aan fiicnayn:
  1. Waxa kugu adag in aad xidhiidh cusub la yeelatid asaxaab cusub.
  2. Wajigaagu wuu casaada oo dhiig-roor buu noqdaa marka uu kula hadlayo qof aanaad garanayni.
  3. Ma sheegi kartid mana ka hor odhan kartid waxa maskaxdaada ka guuxaya dadka kale hortooda.
  4. Waxa aad dareentaa warwar iyo walbahaar marka aad ka fikirtid in aad dadwaynaha hor istaagtid ood hadashid.
  5. Waad iska ilaalisa bulshada kugu hareeraysan oo waxaad isku daydaa in aad badiyaaba kali ahaatid.
hadii aad tahay qof fiiro dheer waad aragtay in aan xabada 5aad ku qoray khad ka duwan kii hore, iyadoo aan ku muujinayay ahamiyada uu leeyahay qodobkaasi.
Hadaba intaasi kor ku xusan hadii lagaa helo waxa aad imaka laga bilaabo ogaataa in aad u baahantahay caawimo dagdag ah, mawduuca kan ku xiga waxa aynu kaga hadli doonna sidii aad uga takhallusi lahayd daaqadana uga tuuri lahayd khajilaada saaidka ah ee noloshaada in aad guulaysato hor istaagaysa, la soco mawduuca kan ku xiga.

Xuquuqda waxa iska leh: faaido.com

0 comments:

Post a Comment