Thursday, August 4, 2016

Qormo Muhiim ah:Qiimo La’aanta Sawiradeena iyo dhaqan Xumada Facebooka Taal Qalinkii Engineerka.






 Qormo Muhiim ah:Qiimo La’aanta Sawiradeena iyo dhaqan Xumada Facebooka Taal Qalinkii Engineerka.




Kulanti wanaagsan aqiyarey meel walba oo aad joogtan waxaan  maanta idiin so gudbinaya Qormo lamagac baxday Qiimo La’aanta Sawiradeena iyo dhaqan Xumada Facebooka Taal hadaba hadaad u fiirsato Cinwaanka dabcan adoon Gudaha usii galin ayaad waxa si Fudud u ogaan karta in ay diirada warbixinta saareso Facebooka iyo dhibatooyinkiisa.



Sidan wada ogsoonahay Facebook waa mid kamid ah Social Media-ha ugu caansan kaasi oo ay isticmalaan badana Bulsha weynta Caalamka hadii aan dhihin waxa uu ku jira kaalinta 2-aad waxanba dhihi karna waa kaalinta 1-aad xaga isticmaalka dad yawga adduunka ku dhaqan oo ay qeyb ka tahay Dadka Soomaliyed.



Waxaad arkeysa dad badan oo ka cawanaya  isla markana dhahaya Facebook-ga aya la iga xaday ama la iga jabsaday Sawiradeeda aya qof kale isticmaalayo Magacega aya la isticmalaya Been aya la iga shegay oo waxaan sameyn aya laso dhigay iyo Cabashooyin badan oo ciidas ka badan.



Waa maxay dhibaatoyinka ugu badan ee laga shegto:
Qofka waxa looga baahan yahay ila iyo xad in uu isku dayo sidii uu u ilaalin laha waxyaabaha Muhiimka u ah sida Sawiradaada Docomentiyada iyo wax walba oo adi kugu saabsan waxaad arkeysaa dad badan oo sawiro si micno daro ah uso galinayo Facebook ayadoon jirin wax baahi ah oo ku kalifeysa waxaan aad ula yaba siiba gabdhaha soo galinaayo sawiradooda maxey tahay waxa ku qasbaya waa mida aan ilaa iyo hada jawaabta aan u heli la'ahay is weydii Wiilka iyo gabarta so dhigesa Sawirkeeda /kiisa oo qaaliga ah barbulsho waxaanba dhihi karna waxa ay la mid tahay adigoo sawiradaada so galiyay Suuq ama meel iskaga daadiyay  miyaadan ogeyn in Facebooka uu isticmaalo Qof wanaagsan Qof xun Cadawgaada miyaadan iska ilaalineyn dadkas .



Hadba aan Tusaale idiin siiyo dhacdooyinka ka dhacay Facebooka ee la xariira Dhanka Sawirada:



waxa jira Websityo ku caanbaxay dhaqan xumada iyo fadeexeynta Gabdhaha Soomaliyeed waxa ay sameyan sawirada ayagoo  kala baxaya Facebooka isla markaana a u adeegsanayo warbixin ka fog aqlaaqda dabcan hadaad tahay qof waxbadan isticmaalayay Facebooka kuguma cusba Websityo shegayo waxyaabo diinta ka fog oo dhaqan xumo ah lkn waxa aqristoow kugu dhiira galinaya in aad ka ilaaliso facebooka Sawiradaada hadey ku jiren isku day in aad ka saarto  ani ahaanteda Facebooka Waxa uu ii sameysan yahay dhoor sano ku dhawaad 6 sano mana galin ilaa iyo hada sawir aan leeyahay wax walba aya dhici kara Facebooka aya la iga jabsan kara hadii hada la iga jaabsado wax cules iguma heeso waayo wax sir ah ma gashto adna waxaan kugu dhiira galinaya maanta kadib in aad kasaarto .





Fadlan Comment kaso bixi bal sida aad u aragto warbixinta iyo saxna.

waxa qoray:eng c/risaaq maxamed rashiid
Wixii Faahfaahin ama Suaal iigu so dir alaqsaa1996@gmail.com
mahadsanid




0 comments:

Post a Comment