Sunday, August 7, 2016

Maxaad Sameyn lahed Hadii uu Computerka Shaah ama biyo kaaga daato (Eeg xalka Deg Dega ah)


 Maxaad Sameyn lahed Hadii uu Computerka Shaah ama biyo kaaga daato (Eeg xalka Deg Dega ah).



Marmarka qaarkood ayaa waxa dhaca adigoon is ogayn in si lama filaan ah kaaga daataan laptopkaaga amaba mobilekaga dareere, taasi oo ku keeni karta cillado farabadan, hadaba akhriste halkan waxa kuugu soo bandhigeyna talaabooyinka ay haboontahay in aad ku talaabsatid sidii aad u badbaadin lahayd Computer-kaaga ama Mobile-kaaga.


  1. Riix badhanka laga damiyo amaba laga bakhtiiyo qalabkan (hana siidayn ilaa iyo intuu ka damayo).
  2. Ka sar baytariga (bettary) si toos ah xataa hadii aad damiso waayo wali dab ayaa dhex wareegaya qalabka.
  3. Adeeg qalabka wax lagu qallajiyo haday suurto gal tahay.
  4. Foorari computer-ka si uu uga soo daato dareeruhu.
  5. Keenso ama soo qaado tuwaal (Towel) kadib ku tirtir waxii aad qoyaan aragtid
  6. Dhig meel hawo iyo laydh fiicani ka jirto muddo 6 saacadood ah.
  7. Ugu dambayn: Ha daarin ama shidin waxaste oo dhaca mudadaas ka hor, hadii kale waxaad sabab u noqotay geerida Computerkaaga ama Mobilekaga. 



Xuquuqda Qoraalka  waxa leh www.faaiido.com

0 comments:

Post a Comment