Wednesday, August 10, 2016

Barnamijka Lacag ka sameynta Internetka Part 1:Side lacag uga sameyn karta Internetka Adigoo Gurigada Jooga.




Barnamijka Lacag ka sameynta Internetka  Part 1:Side lacag uga sameyn karta Internetka Adigoo Gurigada Jooga.


Aqiyarey meel walaba oo aad joogtan kuso dhawaada Hooyga Barashada Computerka maanta waxa halkan idiin kaga bilaabaya Barnaamij ama qormooyin aad u xasaasi ah kuwaasi oo ku saabsan sida aad internetka Lacag uga sameyn karto adigoo Gurigaada Jooga.
Si aad u hir galisid qorshahaan  ah Lacag ka sameynta internetka adigoo Gurigada jooga waxa qasab kugu ah in aad heesato waxyaabahan so socda sida:


1-Computer
2-Internet
3-iyo waliba in aad aqoon u leedahay sida lo isticmaalo Computerka iyo internetka.

Marka ay intaas ku dhamestiran yihiin waxa diyaar u tahay in aad lacag ka sameyso internetka.
Runtii wey Fududahay in lacag laga sameyo Internetka Marna waxan dhihi karna wey adag Tahay . maanta Qeybta 1-aad ee Barnaamijan waxan uga hadli Doona Qeyb aad u fudud oo qof walba aboodo in uu sameyo hadaba maxey tahay Qorshahas.


Waa in aad ka shaqeyso websit oo aad noqoto Webmaster

Runtii Qorshahan waa qorshe aad u fudud waxa u baahan tahay oo kaliya in aad heesato Shahaado Saxaafadeed ama aad aqoon u leedahay wax ku saabsan Qibrada wariyanimada sidoo kale waxa muhiim ah in aad ku wanaagsan tahay wax qorida .


Hadii aan ku siiyo Tusaale ku saabsan Websit ka shaqeynta :
Ani ahanteda waxaan dhoor jeer la shaqeyay qaar kamid ah websityada Soomalida waxaana ka helay Lacag sida $100, $100, $50, $70 waad garan karta bisha igu yar waxan qaadan jiray $50 dabcan waxa laga hela lacag intan ka badan websityadana ma ahan isku daqli oo waxa jira kuwa Yar yar sidoo kale waxa jira kuwa wa weyn .


 badana waxan qori jiray warar ku saabsan Arimaha Bulshada sida Sportska iyo Qormooyin ku aadan Bulshada  muhiim ma ahan in aad Siyaasad wax ka qortit lkn  waxa helesaa Sports iyo arimaha Bulshada  waxaan marwalba kugu boorinaya  in aad ka Fogaatit waxa dhibaato kaaga imaan kara.

Waxa jira dad badan oo Furtay Websityo kuwaasi oo lacag ka raadinayo waxa ay qorayan warar wax kama jiran ah oo aan Run ku dhisnen iyo waxyaabo diinta kaso hor jeeda iyo dhaqan ka suuban ay no jideesay diintena Sharafta badan marka waxan kugu dhiira galinaya in aad noqoto qof iska ilaaliya waxyaabaha xun xun oo aad noqotit qoraa xaqiiqda iyo arimaha Bulshada wax ka  qora.

Side ku heli kara Shaqadan:
Waxa u qorane warqad kooban oo aad ku dalbanesid in aad tahay shaqo doon milkilayasha webityada Tusaale Facebookoda aya ku darsane markaas aya waxaad ka dhaadhicinesa in aad tahay shaqo doon iyo waxa aad rabto in aad ka shaqeyn rabto hadii ay ahan lahed in aad ku wanaagsan tahay Siyaasada Sportska IWM  waxaad codsigan u diresaa dhoor websit si ay kaaga so jawaaban sidoo kale waxaad Facebook ka raadinesaa websitka aad rabto in aad ka hool bilowdo kadibna waxa u diresaa message dhanka Facebooka ama Email ah.


Sidee looga shaqeya Websityada oo wararka lo so galiya:
Badana Websityada Waxa ay ku shaqeyan Barnaamij lo yaqaan Wordpress sidaasi awgeed hadii aad dooneso Qaabka lo isticmaalo Barnaamijas waxaad ka heleysaa Halkan hoose:


Halkan ku dhufo si aad Cashirka sida Warka loso galiyo Wordpresska aad u daawatit 


Waxaan raba Talo iyo Tusaale ku aadan Qorida ama sida wax loo qoro iyo Shuruucaha wax lo alifo:
Taas aniga aya ka caawinayo Kaliya Muhimadeeda waa in aan arko Dhalin yar Shaqeysanesa oo wax wanaagsan qoraayo marka igala so xarir halkan hoose.


So jeediye:Eng C/risaaq maxamed Rashiid
Alaqsaa1996@gmail.com
Dhamaad
La soco Qeybta 2-aad ee Barnaamijka lacag ka sameynta Internedka waxan ku so qaadan doona Qeyb Kale oo aad u Fudud .
Fadlan Like Saar sidoo kale Share gare.
Wixii Su’aal ah iigu so dir :alaqsaa1996@gmail.com

0 comments:

Post a Comment