Friday, November 10, 2017

Cashir Faaiido leh :Side Internet lo Wadaaga ayadoo la isticmaalayo Mobile Bluetooth Halkii aad ka isticmaali laheed Hotspot


Asc kulanti wanaagsan dhamaantiina Asxaabta aan jeclahay meel walba oo aad joogtan manta Waxaan idin la wadaagaya Cashir aad u muhiim u  ah kaaso aan hubo in aad wax badan ka faa'iidi doontit.

Hordhac

Waxaan isticmaala Mopil Sumung A5 ah marka Waxaan ka wayay Network Mode-ka  LTE 4-G si kasta oo aan u raadiyo waan keni wayay sidoo kale dhibaatada jirta waxa ay tahay waxan isticmaala shirkada bixisa Adeega Internetka ee  Somnet ee SIM CARD-ka marka Inteenkeeda ama Signalkeeda waxa uu igu yahay Daciif oo iima so qabanayo si fiican sidaas awgeed qadka aan isticmaalayo waxa uu yahay Daciif.

Hadaba LTE mopilka leh muxuu uga diwan yahay mopilka kale

Waxa jira mobile   lo isticmaali karo ama lagu adeegsan karo 4-G waana kuwa leh network mode-kooda LTE hadaba si aad u xaqiijiso in mopilkaada uu leeyahay LTE waxaad ku eegi karta sida tan.

1- ku dhufo Settings
2-ku sii dhufo More Networks.
3-ku sii dhufo Mobile Networks.
4-kadib si taabo Network Mode meel ay ku qoran tahay waxa arkee labo midood.

in uu mobile kaada aqbalayo LTE 4 G iyo in uusan Aqbaleen

Hadii uu aqbalayo LTE 4G waxa arke Sawir nuucan ah.

Image result for network mode doesnt have lte

Hadii uusan aqbaleen LTE waxa arke Sawir Nuucan ah.

Image result for network mode does not have lte

Marka dulucda aan inta idiinku sharxayay waxa ay aheed in hadii uu mobilekada yahay  ama leeyahay LTE uu aqbalayo 4G islamarkana uu leeyahay Speed badan.

hadab aan cashirirka ku laabte  marka mobile-keega ma aqbalayo LTE 4G islamarkana Signalkiisa Daciif waaye  marka waxa xaafada ii yaal mobile kale oo leh LTE  Qadkiisana waa Speed marka waxan is dhahay kawaran hadii aad isku xirto labada mobile oo aad isticmaasho  qadka mobileka kale.

waxaan iskugu xiray Labada Mobile waxa lo yaqaan Hotspot lkn cilad ayuu igu keenay waxa ay aheed ciladaa in uu iska istaagayo  daqiiqado kadib xitaa hadii aad Siiso daqiiqado badan waxaan goostay in aan iskugu xiro anoo isticmaalayo Bluethooth.


Hadaba si aan iskugu xirno Labo Mobile anagoo isticmaaleno Bluethooth waa sida tan la soco Cashirka.

 

Mobile  koowaad waxa ku saxee sida tan:

1. waxaa ku dhufata  “Settings” .
2. ku dhufo  “General,” kadibna kusii dhufo "Network.  ogoow mobile-da qaar markaad ku dhufato Setting waa arkee Network"
3. Kidib taabo “Tethering and Mobile Hotspot” .
4. Kadib ku dhufo “Turn on Bluetooth” kadib si riix Buttonka si aad uga dhigto enable Internet sharing via Bluetooth.

 

Mobile  2-aad waxa ku saxee sida tan:

1. waxaa ku dhufata  “Settings” .
2. ku dhufo  “General,” kadibna kusii dhufo "Bluetooth.  ogoow mobile-da qaar markaad ku dhufato Setting waa arkee Bluetooth kadib ku dhufo"
3. Kadib waxaad arke Mopile aad ku xiri rabto  waxa ku dhufane calaamada wareegsan ee Setting-ka ah kadib waxaad dhahda Enable .
 
 
Waa dhamaatay Bashaal sxb marka.
 
Qore Engineer C/risaaq maxamed Rashiid
Wixii suaal iigu so dir
Email: alaqsaa1996@gmail.com

0 comments:

Post a Comment