Sunday, February 5, 2017

Wax badan ka ogoow Faa'iidoyinka ay leedahay La saaxiibida Dadka Wanaagsan


Ibnu Qayim Allah ha u axariistee ayaa waxaa uu yiri La saaxiibida dadka Wanaagsan waxay ku dhaxalsiisaa inaad lix dhaqan oo xun ka guurto una Guurto lix dhaqan oo wanaagsan waxaana ay kala yahiin sidan:
1- Shakiga Inaad Ka Baxdo Oo Aad Yaqiin Iyo Kalsooni Hesho
2- Istuska Inaad Ka Baxdo Oo Aad Camalkaaga Dar Ilaahay U Qabatid
3- Mooganaanta Inaad Ka Baxdo Oo Aad Xuska Alle Carabka Ku Hayso
4- Jacaylka Aduunyo Oo Aad Ka Harto Oo Aad Aakhiro Jeclaato
5- Islawaynida Iyo Isqaadqaadka Oo Aad Ka tagto Oo Aad Is Dhuldhigto
6- Niyad Xumaanta Oo Aad Ka Baxdo Aanad Hesho Talo Iyo Yidiidlo Fiican.
NOLOSHU WAA SOCDAAL AANAY SUURO GAL AHAYN IN LA SAFRO ILAA LA HELO ASXAAB WANAAGSAN.
Allah Asxaab Wanaagsan Ha Inagu Kaalmeeyo.
Fadlan Walaal adigoo Mahadsan Share dheh oo la wadaag walaalaha kale si ay u aqriyaan qoraalkan.
Qore:ABdulaahi Nur Colomba
Xigasho: Amir Khadar Suldaan Aadan.

0 comments:

Post a Comment