Showing posts with label NOLOSHA. Show all posts
Showing posts with label NOLOSHA. Show all posts

Thursday, February 1, 2018

Sheko murti ah:Boqor aya maqlay nin Shaqaalihiisa kamid ah oo haweynediisi ku leh "ana ka dadaal badan ninka Wasiirka u ah Boqorka oo ka shaqo badan oo ka orad badan Hadana Boqorka waxa uu isiiya 2 rubi Wasiirkana wuxuu siiya 2000 oo rubi"+Hadaba Maxa ninka lagu qanciyay


Asc aqiyaarey kuso dhawaada Hooyga Waxbarashada Maanta waxaan halkaan idiin kula wadaagaya Sheeko aad u xiisa badan oo isoo jiidatay Dabcan aan filaayo in adinkana aad ka heli doontan .

Runtii Shekadaan waa mid Murti leh  oo I taabatay  ani ahaanteda maxa yeelay Cashir aan caadi ahen ayan ka bartay.

Cinwanka Shekada waxa aan ka dhigay :

Sheko murti ah:Boqor aya maqlay nin Shaqaalihiisa kamid ah oo haweynediisi ku leh "ana ka dadaal badan ninka Wasiirka u ah Boqorka oo ka shaqo badan oo ka orad badan Hadana Boqorka waxa uu isiiya 2 rubi Wasiirkana wuxuu siiya 2000 oo rubi " +Hadaba Maxa ninka lagu qanciyay

Daawasho wacan:



NB: Xuquuqda Video waxa leh  Nin lagu Magacaabo C/wahaab Maxmed Cismaan.
Channelka  Youtubeka aan ka helay Video waxa la dhaha  YOOL TV.


Video waxan u adeegsanena  Waxbarasho oo kaliya Xuquuqdana waxa leh C/wahaab Maxmed Cismaan.
IfiyahaCilmiga Tichnology Center
Email Alaqsaa1996@gmail.com

Thursday, January 25, 2018

Daawo Tips Cusub: kaasi oo ino so jeedinayo Maclin Saciid xaga Afrax Xisaab Cajiib ah Natiijada kuusoo baxaysa ayaaba la sii ogyahay Hadaba sidee ku dhici karta.


Asc Aqiyaarey Meel walba oo aad joogtan waxaan idiin leeyahay Maalin Wanaagsan Maanta haduu eebe Idmo waxan jeclahay in aan idiin la wadaago Video Marna aan dhihi karaba waa Cashir kaasi oo ino so jeedinayo Maclin Saciid Xaga Afrax.

Fiira Gaar ah :

Xuquuqda Video waxa iska leh Saciid Xaga Afrax hadaan Nahay Bahda Ifiyahacilmiga waxan u isticmaalena  Waxbarasho iyo Madadaalo oo kaliya.

Cinwaanka Video waa :

Xisaab Cajiib ah Natiijada kuusoo baxaysa ayaaba la sii ogyahay ( Siciid Xagaa Afrax)

Daawasho Wacan:

















Waxa idiin so Gudbiyay  C/risaaq Maxamed Rashiid Axmed
Wixii Fariin iigu so dir Alaqsaa1996@gmail.com

Wednesday, January 24, 2018

Ma doonesa Kitaabo iyo Qormooyin ka hadlaya Diinta Islaamka oo ku Qoran Afkeena Hooyo Hadey Jawaabtu Haa Tahay Halkan ayaad ka heleysa -->>Warbixinta Websitkaas oo kooban


Asc Kulanti Wanaagsan Aqiyaarey Meel walba oo aad joogtan manta waxaan halkaan idiin kugu so gudbinaya Websit Somali ah kaasi oo aad ka heli kartit kutubo iyo Qormooyin ka hadlaya ama diirada Saaraya Diintena Suuban ee Islaamka .

Hadaba Magaciis Websit-kaan?

Magaca Websit-ka waxa La dhaha https://wajibad.wordpress.com/

Maxey Tahay sababta aad Noola Wadaageso  Macluumadka Websit-kaan Ma adiga Leh?

Sababta aan idiin la wadaagayo aya ah in aan jeclahay Wanaagiina iyo in aad wax badan ka Faaiidan Shabkada Ifiyahacilmiga Hadii ay ahaan Lahed Tichnlogy-ada ama hadii ay ahan lahed Culuumta Diinta .
Websitkaan Aniga daalacdo Waxana ka helay Qaabka Hufan ee Diinta islaamka u baraayo Dadka Soomaliyeed ee ku adag tahay Carabiga  Marka Sidaa Owgeed  ma lihi Xita ma aqaan qofka leh.

Websitkaan runtii Waxyaabaha laga heli karo waxa kamid ah hadii aan idiin so Koobo:

  1. Tafsiirka Qur'aanka Kariimka.
  2. Axadiista Nabigeena Muxamed (NNKH) Laga so Wariyay.
  3. Siirda Nabigeena Muxamed (NNKH).
  4. Tariikh Nololeed-ka Asxaabta Nabiga (NNKH).
  5. Kutub iskugu jirta Fiqi Axaadis iyo Muwaadic Kale  oo inta ka badan.

Hadaba Si aad u Booqato Websitkaa Isla markaana ishaada Ugu Aragto  Waxa ka jira Xogta aan ku siiyay Ku Dhufo Linkiga Hoose:

Ku Dhufo Halkan si aad u Booqato https://wajibad.wordpress.com/

Waxa Idiin So Diyaariyay: C/risaaq Maxamed Rashiid Axmed
Wixii Fariin iigu so dir: Alaqsaa1996@gmail.com

Wednesday, June 21, 2017

Faa'iidooyinka Cunitaanka Midhaha Cinabka Xogaha dahsoon)


Kulanti wanaagsan kuso dhawwada Gacmo Furan Ramadanu Mubaarag maanta waxaan halkaan idiin kula wadaagaya Video  ku saabsan Faaiidada Ay leedhay cunida Mariha Cinabka.

Waxana inoo so jeedinaya Xusen kurdi  dhanka kale xuquuda Video waxa leh Xusen Kurdi waxan u adeegsanena in aynu Aqoon ahan uga Faa'iidno.

Daawasho wacan

Wixii suaal iigu so dir:alaqsaa1996@gmail.com

Maxay farta dhakhaatiirtu u Tahay mid Qoraakeeda aan La Fahmayn (Xogta Dahsoon)


Aqiyaarey waad mahadsan tihiin Ramaadnu Mubaarag Maanta waxaaan halkaan idiin kula wadaagaya  Muuqal aad u xiisa badan kaasi oo inoo so jeedinaya  Xuseen Kurdi oo ah nin ku wanaagsan Diyaarinta Documentry Filims-ka.

Waxa uu Video ku saabsan yahay Sababta ka danbeysa in Dhaaqtirta Fartooda aan la fahmin.

Dawasaho wacan


Xuquuqda Video waxa leh Xuseen Kurdi kaliga Macluumad ahaan ayan u adeegsanena 

Wxii Information ama Macluumad iigu so dir Email:Alaqsaa1996@gmail.com

Tuesday, June 6, 2017

Daawo Xujo aad u cajiib ah: kawaran hadii suaal lagu weydiiyo inta aadan shegina horay lo sii ogyahay By Saciid Xagaa Afarah


Aqiyaarey kuso dhawaada Hooyga Barashada Computerka  Ramadanu kariim caawa waxan idin la wadaagaya Video aad u Faa'iido badan  kaasi oo ku saabsan  Xujo .
 We Use This Video For Education.
 
Hadaba Xuquuqda Video waxa leh :Saciid Xagaa Afarah

Daawasho Wacan
 
 

Sunday, February 5, 2017

Wax badan ka ogoow Faa'iidoyinka ay leedahay La saaxiibida Dadka Wanaagsan


Ibnu Qayim Allah ha u axariistee ayaa waxaa uu yiri La saaxiibida dadka Wanaagsan waxay ku dhaxalsiisaa inaad lix dhaqan oo xun ka guurto una Guurto lix dhaqan oo wanaagsan waxaana ay kala yahiin sidan:
1- Shakiga Inaad Ka Baxdo Oo Aad Yaqiin Iyo Kalsooni Hesho
2- Istuska Inaad Ka Baxdo Oo Aad Camalkaaga Dar Ilaahay U Qabatid
3- Mooganaanta Inaad Ka Baxdo Oo Aad Xuska Alle Carabka Ku Hayso
4- Jacaylka Aduunyo Oo Aad Ka Harto Oo Aad Aakhiro Jeclaato
5- Islawaynida Iyo Isqaadqaadka Oo Aad Ka tagto Oo Aad Is Dhuldhigto
6- Niyad Xumaanta Oo Aad Ka Baxdo Aanad Hesho Talo Iyo Yidiidlo Fiican.
NOLOSHU WAA SOCDAAL AANAY SUURO GAL AHAYN IN LA SAFRO ILAA LA HELO ASXAAB WANAAGSAN.
Allah Asxaab Wanaagsan Ha Inagu Kaalmeeyo.
Fadlan Walaal adigoo Mahadsan Share dheh oo la wadaag walaalaha kale si ay u aqriyaan qoraalkan.
Qore:ABdulaahi Nur Colomba
Xigasho: Amir Khadar Suldaan Aadan.

Friday, December 30, 2016

Walaal Akhri Oo Ka Faa'iideyso Talooyinkan Qiimaha Badan kuwaasi oo ku saacidi kara Aduun iyo Aaqiro-ba.


Walaal Akhri Oo Ka Faa'iideyso Talooyinkan Qiimaha Badan kuwaasi oo ku saacidi kara Aduun iyo Aaqiro-ba:


1- Ku bilow maalintaada Salaadda subax iyo ducooyinka aroorta si aad u hesho horumar iyo badbaado.
2- Wad Istiqfaarta waxay tirtirtaa dunuubtee
3- Ha joojin ducada waa xariga badbaadadee
4- Xusuusnow waxaad tiraahdo Malaa'ig baa qoreysee.
5. Niyaddaada wanaaji xataa hadday meel xun kaala daganayso.
6- Faruhu waxay ku qurxoon yihiin in lagu tasbiixsado
7- Haddii uu kugu bato welwelka iyo fakarku waxaad tiraahdaa "Allaah mooyee Illaah kale ma jiro"
8- Ku gado lacagtaada ducada danyarta iyo jaceylka masaakiinta.


9- Sujuud khusuuc leh oo aad ku dheeraato ayaa kaaga fiican daaraha quruxsan ee dunida.
10- Ka fakar intaadan oran, waxaa jirta oraah meel xun kaa tuurtee.
11- Iska ilaali habaarka kan dulman iyo illinta kaan waxba awoodin.
12- Intaadan wargeysyada akhriyin akhri Kitaabka Alle.
13- Sabab u noqo toosnaanta reerkaaga.
14- Naftaada Daacada Alle ku sandullee, naftu xumaantay amartaaye
15- Dhunko calaacalaha labadii ku dhalay aad liibaantide.
16- Dharkaaga duugoobay, masaakiinta waa u cuseyb ee ku sadaqeyso.

17- Ha caroon, noloshu intaad filayso way ka gaabantahaye.
18- Waxaa kula jira kan ugu awood badan uguna deeqtoon waa Allaah kor ahaaye.
19- Albaabka aqbalaada Alle yeysan kaa xirin macsidaadu.
20- Wax aad dhibta u kaalmaysato waxaa ugu fiican Salaadda.

Talooyinkii: Sheekh Caa'id Alqarnii.
Qore:Abdulahi Nur Colombo
Fadlan Walaal adigoo Mahadsan Share dheh oo la wadaag walaalaha kale si ay u aqriyaan qoraalkan.

Thursday, December 29, 2016

QISO KU TAABANEYSA, DERSI FIICANA AAD KA HELAYSO ( FADLAN WALAAL AKHRI )



Mudo 11 sannadood ah markii guurkoodii ay kasoo wareegtay haweenay iyo ninkeedii ama seygeedii ay is qabeen isuna dhaxeen ayaa waxaa u dhashay ilmahoodi ugu horeeyay oo wiil ahaa. Waxayna ahaayeen Lamaane is jecel iyadoo wiilka u dhasheyna uu u ahaa tufaaxii indhahoodu ay ku doogsanayeen.



Hadaba maalin ka mid ah maalmaha ayaa wiilkoodi oo laba jir ah, ayaa Aabihii arkay dhalo ama qarsho daawo sharoobo ah oo furan. Wuxuu ka daahsanaa shaqo, wuxuu u sheegay xaaskiisa in ay furka ku xirto, armaajada korena saarto. Hooyadi, oo Jikada aad ugu mashquulsaneyd, gebi ahaanba way hilmaantay. Wiilki ayaa arkay dhaladi, wuu qabsaday, wuuna wada cabay. Waxay ahayd sharoobo dadka waaweyn intii loogu tala galay ay ka qaataan, caruurtuna khatar ku ah.

Goortii ilmihii dhacay, Hooyadi ayaa kula carartay cusbitaalka, halkaasoo uu ku geeriyooday. Hooyadi qaracan iyo argagax ayaa isugu darsamay. Waxay ka sii naxsaneyd sida ay Saygeedii ama ninkeedii u wajihi doonto maadaama ay arrinta sahlatay.

Goortii Aabihii oo walbahaarsan yimi cusbitaalki uuna arkay meydka ilmihiisi uu sanadaha badan sugayay, wuxuu eegay xaaskiisii, ilmo ayaa wajigeedi qariyay. wuxuu ku yiri afar eray. Maxaad u maleynaysaa in ay afartaa eray ahaayeen?
Wuxuu ku yiri “Waan ku Jeclahay Gacaliso!!”
Samir iyo Iimaan Allaha naga siiyo.
Ficil celinta ninka ee filan waaga ah waa dabeecad ku dhisan garasho qadarta Alle, Sabur, deganaan iyo fahan nolosha ah. Inkastoo ay xanuun badneyd sida wax u dhaceen hadana Ilmihi waa dhintay. Marnaba dib looma soo celin karo. Wax natiijo ka dhalanmeyso inuu cillad iyo qalad u yeelo Hooyada. Iyaduba way weyday ilmaheedii. Waxay xilligaa u baahneyd waa Tacsi iyo Naxariis. Taasini waa wixii uu siiyay Gacaliyeheedii.

Mararka qaar walaal waxaan waqti badan ku luminaa yaa mas’uuliyada iyo eeda iska leh haday ahaan lahayeen xiriir lamaane, mid shaqo ama dad aan naqaan, waxaana na dhaafa diiranaanti ay dadka xiriirka ka dhexeeya heli lahaayeen hadday is taageeraan.



Haddaba, miyaysan ahayn wax aad u fudud inaan cafino kuwa aan jecelnahay ee inagu qaldama?
Ogsoonow: Wax kasta sabab ayay ku dhacaan. Noloshu way gaaban tahay. Ku qanacsanow waxa aad heysato. Ha shareysan xanuun, silic iyo saxariir. Badi Saburka. Cafi dadka. Xil iska saar mas’uuliyadaada. Iska tuur xasidka, xinka, maseyrka iyo naceybka, kolkaa waxaad ogaaneysaa in xaaladuhu xaqiiqdii u cusleyn sidii aad marki hore moodeysay.

Fadlan Walaal adigoo Mahadsan Share dheh oo la wadaag walaalaha kale si ay u aqriyaan qoraalkan.
Qalinkii: Farah Cawaash.

Qore:Abdulahi Nur Colombo

Friday, December 2, 2016

Sheko Gaaban Taasi oo Murti Dhaxal gal ah ku jirto (Hadaba Aqris wanaagsan)


Beri baa Boqor ka mid ahaa Boqoradi hore ee dalka Iiraan ayaa maalin ka mid ah maalamaha waxa uu socdaal ku marey gobolo badan oo dalkiisa ah dabeedna dadkiisa ayuu u balan qaaday qofkii uu ka helo xigmad iyo kalmad wanaagsan inuu siin-doono abaal marin aad u wanaagsan oo lagu farxo.
Boqorkii siduu u wareegaayey magaalooyin badan ayuu markii dambe waxuu la kulmay nin Oday ah oo da'diisu tahay 90 jir oo beeraya geed Saytuun ah. markaasaa Boqorkii waxuu ninkii odeyga ahaa uu ku yiri maxaad u beereysaa Geedkaan adigoo da' ah waayo sida la ogyahay geedka saytuunku mudo labaatan sano ka badan ayuu ku baxaa waqtigaasna inaad gaari doonto lama oga oo illaah unbaa garanaya.

Odaygi ayaa intuu qoslay waxuu boqorkii ku yiri; dadkii inaga horeeyey wey beereen anaguna weynu goosanay markaa anaguna waan beereynaa si ay u goostaan jiilasha soo socda ee mustaqbalka iman doona.

Boqorkii ayaa hadalkii aad ula dhacay oo ka helay, waxaana uu ku yiri; kalmad wanaagsan ayaad tiri; sidaa daraadeed, waxaan ku siinaya abaalmarin lacag dhan 400 oo dinaar .. Odaygi ayaa dhoola-cadeeyey, dabadeed boqorkii ayaa weydiiyey oo yiri maxaad u dhoola-cadeysay ? Odaygii ayaa ku jawaabay Geedka Saytuunku 20 sano ayuu ku dhalaa aniguna keygii haddu ii dhalay. sidaas ayuu wanaaga la sameeyo markiiba leeyahay abaalmarin dhaqso ah.

Qisadan waxaanu ka baran karnaa ummad kasta oo meel kuwada nool in jiilba jiilka ka dambeeya uu u dadaalo siduu uga tegi lahaa ama ugu reebi lahaa dhaxal wanaagsan oo anfaca.

Qore:Abdulahi Nur Colombo

Thursday, August 4, 2016

Qormo Muhiim ah:Qiimo La’aanta Sawiradeena iyo dhaqan Xumada Facebooka Taal Qalinkii Engineerka.






 Qormo Muhiim ah:Qiimo La’aanta Sawiradeena iyo dhaqan Xumada Facebooka Taal Qalinkii Engineerka.




Kulanti wanaagsan aqiyarey meel walba oo aad joogtan waxaan  maanta idiin so gudbinaya Qormo lamagac baxday Qiimo La’aanta Sawiradeena iyo dhaqan Xumada Facebooka Taal hadaba hadaad u fiirsato Cinwaanka dabcan adoon Gudaha usii galin ayaad waxa si Fudud u ogaan karta in ay diirada warbixinta saareso Facebooka iyo dhibatooyinkiisa.



Sidan wada ogsoonahay Facebook waa mid kamid ah Social Media-ha ugu caansan kaasi oo ay isticmalaan badana Bulsha weynta Caalamka hadii aan dhihin waxa uu ku jira kaalinta 2-aad waxanba dhihi karna waa kaalinta 1-aad xaga isticmaalka dad yawga adduunka ku dhaqan oo ay qeyb ka tahay Dadka Soomaliyed.



Waxaad arkeysa dad badan oo ka cawanaya  isla markana dhahaya Facebook-ga aya la iga xaday ama la iga jabsaday Sawiradeeda aya qof kale isticmaalayo Magacega aya la isticmalaya Been aya la iga shegay oo waxaan sameyn aya laso dhigay iyo Cabashooyin badan oo ciidas ka badan.



Waa maxay dhibaatoyinka ugu badan ee laga shegto:
Qofka waxa looga baahan yahay ila iyo xad in uu isku dayo sidii uu u ilaalin laha waxyaabaha Muhiimka u ah sida Sawiradaada Docomentiyada iyo wax walba oo adi kugu saabsan waxaad arkeysaa dad badan oo sawiro si micno daro ah uso galinayo Facebook ayadoon jirin wax baahi ah oo ku kalifeysa waxaan aad ula yaba siiba gabdhaha soo galinaayo sawiradooda maxey tahay waxa ku qasbaya waa mida aan ilaa iyo hada jawaabta aan u heli la'ahay is weydii Wiilka iyo gabarta so dhigesa Sawirkeeda /kiisa oo qaaliga ah barbulsho waxaanba dhihi karna waxa ay la mid tahay adigoo sawiradaada so galiyay Suuq ama meel iskaga daadiyay  miyaadan ogeyn in Facebooka uu isticmaalo Qof wanaagsan Qof xun Cadawgaada miyaadan iska ilaalineyn dadkas .



Hadba aan Tusaale idiin siiyo dhacdooyinka ka dhacay Facebooka ee la xariira Dhanka Sawirada:



waxa jira Websityo ku caanbaxay dhaqan xumada iyo fadeexeynta Gabdhaha Soomaliyeed waxa ay sameyan sawirada ayagoo  kala baxaya Facebooka isla markaana a u adeegsanayo warbixin ka fog aqlaaqda dabcan hadaad tahay qof waxbadan isticmaalayay Facebooka kuguma cusba Websityo shegayo waxyaabo diinta ka fog oo dhaqan xumo ah lkn waxa aqristoow kugu dhiira galinaya in aad ka ilaaliso facebooka Sawiradaada hadey ku jiren isku day in aad ka saarto  ani ahaanteda Facebooka Waxa uu ii sameysan yahay dhoor sano ku dhawaad 6 sano mana galin ilaa iyo hada sawir aan leeyahay wax walba aya dhici kara Facebooka aya la iga jabsan kara hadii hada la iga jaabsado wax cules iguma heeso waayo wax sir ah ma gashto adna waxaan kugu dhiira galinaya maanta kadib in aad kasaarto .





Fadlan Comment kaso bixi bal sida aad u aragto warbixinta iyo saxna.

waxa qoray:eng c/risaaq maxamed rashiid
Wixii Faahfaahin ama Suaal iigu so dir alaqsaa1996@gmail.com
mahadsanid




Tuesday, August 2, 2016

Daawo Video:Sidee lagu helaa Furaha Guusha Raac Arimahan so socdo si aad u noqoto Qof mar walba Guulesta



Daawo Video:Sidee lagu helaa Furaha Guusha Raac Arimahan so socdo si aad u noqoto Qof mar walba Guulesta .


Asc kulanti wanaagsan aqiyarey kuso dhawaada Hooyga Barashada Computerka maanta waxan halkan idiin  kugu so gudbinaya Cashir kooban oo ku saabsan Sida aad ku heli karto Furaha Guusha hadaba si aad u noqoto qof Guulesto Raac ama isku day in aad dhaqan galiso waxyaabaha so socdo.


Daawo Cashirka:





Monday, August 1, 2016

Daawo Video:Waxbdan ka ogoow 6-Lix qodob oo lagu joojin karo Caajiska (Cashir xiisa leh)



 Daawo Video:Waxbdan ka ogoow 6-Lix qodob oo lagu joojin karo Caajiska (Cashir xiisa leh)


Asc aqiyarey kuso dhawaada Hooyga barashada Computerka maanta waxaan hallkan idiin kugu so gudbinaya darsi Kooban kaasi oo aad iiso jiitay oo aan ku arkay Youtubeka waxa uuna ka hadlaya qaabka ugu fudud ee caajiska la isaga joojin karo.


Waxa  ino so jeedinayo mid kamid ah dhalinyarta Somalliyed hadaba ila daawo:


                                      

Thursday, July 28, 2016

Warbiixin Xiiso leh :Daraasad : Dad-ka Buurbuuran oo la ogaaday in Xasuustoda Yartahay Waa maxay sababta?


Warbiixin Xiiso leh :Daraasad : Dad-ka Buurbuuran oo la ogaaday in Xasuustoda Yartahay Waa maxay sababta?



Dadka Buurbuuran ama aadka u cayilan aya la ogaaday in ay xasuustoda aad uga yartahay  oo ay ka xun tahay kuwa aan Buurneen  waxana la shegaay in hadii la weydiiyo qaar kamid ah dadka Buurbuuran waxa ay cunen dhawaan ay ku adag tahay in ay shegan.



Daraasadan aya waxa so bandhigay Xarunta (Quarterly Journal of Experimental Psychology) ayadoona xaqiijisay in tijaabo laga qaaday ku dhawaad 50-qofood oo ah dadka Buurbuuran ayadoona xaqiijisay in aysan xasuusan Karin badankooda waxa ay dhawaan cuneen taasina ay sababto in markale wax cunaan daraasada aya lagu shegay in aarintaasi ay ugu wacan tahay Buurnaanta xad dhaafk ah.