Showing posts with label DIINI. Show all posts
Showing posts with label DIINI. Show all posts

Wednesday, January 24, 2018

Ma doonesa Kitaabo iyo Qormooyin ka hadlaya Diinta Islaamka oo ku Qoran Afkeena Hooyo Hadey Jawaabtu Haa Tahay Halkan ayaad ka heleysa -->>Warbixinta Websitkaas oo kooban


Asc Kulanti Wanaagsan Aqiyaarey Meel walba oo aad joogtan manta waxaan halkaan idiin kugu so gudbinaya Websit Somali ah kaasi oo aad ka heli kartit kutubo iyo Qormooyin ka hadlaya ama diirada Saaraya Diintena Suuban ee Islaamka .

Hadaba Magaciis Websit-kaan?

Magaca Websit-ka waxa La dhaha https://wajibad.wordpress.com/

Maxey Tahay sababta aad Noola Wadaageso  Macluumadka Websit-kaan Ma adiga Leh?

Sababta aan idiin la wadaagayo aya ah in aan jeclahay Wanaagiina iyo in aad wax badan ka Faaiidan Shabkada Ifiyahacilmiga Hadii ay ahaan Lahed Tichnlogy-ada ama hadii ay ahan lahed Culuumta Diinta .
Websitkaan Aniga daalacdo Waxana ka helay Qaabka Hufan ee Diinta islaamka u baraayo Dadka Soomaliyeed ee ku adag tahay Carabiga  Marka Sidaa Owgeed  ma lihi Xita ma aqaan qofka leh.

Websitkaan runtii Waxyaabaha laga heli karo waxa kamid ah hadii aan idiin so Koobo:

  1. Tafsiirka Qur'aanka Kariimka.
  2. Axadiista Nabigeena Muxamed (NNKH) Laga so Wariyay.
  3. Siirda Nabigeena Muxamed (NNKH).
  4. Tariikh Nololeed-ka Asxaabta Nabiga (NNKH).
  5. Kutub iskugu jirta Fiqi Axaadis iyo Muwaadic Kale  oo inta ka badan.

Hadaba Si aad u Booqato Websitkaa Isla markaana ishaada Ugu Aragto  Waxa ka jira Xogta aan ku siiyay Ku Dhufo Linkiga Hoose:

Ku Dhufo Halkan si aad u Booqato https://wajibad.wordpress.com/

Waxa Idiin So Diyaariyay: C/risaaq Maxamed Rashiid Axmed
Wixii Fariin iigu so dir: Alaqsaa1996@gmail.com

Friday, December 30, 2016

Walaal Akhri Oo Ka Faa'iideyso Talooyinkan Qiimaha Badan kuwaasi oo ku saacidi kara Aduun iyo Aaqiro-ba.


Walaal Akhri Oo Ka Faa'iideyso Talooyinkan Qiimaha Badan kuwaasi oo ku saacidi kara Aduun iyo Aaqiro-ba:


1- Ku bilow maalintaada Salaadda subax iyo ducooyinka aroorta si aad u hesho horumar iyo badbaado.
2- Wad Istiqfaarta waxay tirtirtaa dunuubtee
3- Ha joojin ducada waa xariga badbaadadee
4- Xusuusnow waxaad tiraahdo Malaa'ig baa qoreysee.
5. Niyaddaada wanaaji xataa hadday meel xun kaala daganayso.
6- Faruhu waxay ku qurxoon yihiin in lagu tasbiixsado
7- Haddii uu kugu bato welwelka iyo fakarku waxaad tiraahdaa "Allaah mooyee Illaah kale ma jiro"
8- Ku gado lacagtaada ducada danyarta iyo jaceylka masaakiinta.


9- Sujuud khusuuc leh oo aad ku dheeraato ayaa kaaga fiican daaraha quruxsan ee dunida.
10- Ka fakar intaadan oran, waxaa jirta oraah meel xun kaa tuurtee.
11- Iska ilaali habaarka kan dulman iyo illinta kaan waxba awoodin.
12- Intaadan wargeysyada akhriyin akhri Kitaabka Alle.
13- Sabab u noqo toosnaanta reerkaaga.
14- Naftaada Daacada Alle ku sandullee, naftu xumaantay amartaaye
15- Dhunko calaacalaha labadii ku dhalay aad liibaantide.
16- Dharkaaga duugoobay, masaakiinta waa u cuseyb ee ku sadaqeyso.

17- Ha caroon, noloshu intaad filayso way ka gaabantahaye.
18- Waxaa kula jira kan ugu awood badan uguna deeqtoon waa Allaah kor ahaaye.
19- Albaabka aqbalaada Alle yeysan kaa xirin macsidaadu.
20- Wax aad dhibta u kaalmaysato waxaa ugu fiican Salaadda.

Talooyinkii: Sheekh Caa'id Alqarnii.
Qore:Abdulahi Nur Colombo
Fadlan Walaal adigoo Mahadsan Share dheh oo la wadaag walaalaha kale si ay u aqriyaan qoraalkan.

Wednesday, May 11, 2016

Daawo Taarikh Nololedka Sheikh Saciid Raage oo dhameestiran


Aqiyarey waxan halkan idiin kugu so gudbinaya Taarikh Nololedka Sheikh Saciid Raage oo dhameestiran waxaan rajeynaya in aad wax badan oo nalashiisa aad wax ka ogan doontan kuna waana qaadan doontan.

Daawo Video-ga:

                    
                    

Tuesday, May 10, 2016

Daawo Muxaadaro ku saabsan Gabdhaha iyo wiilasha is qaawiya Sheikh Kenyawi Ka( Faa'ideysi wacan)


Aqiyarey Maalin wanagsan Kuso dhawaada Hooyga Waxbarashada Www.ifiyahacilmiga.blogspot.com maanta waxaan halkaan idiin kugu so Gudbinaya muxaadaro cinwaankedu yahay  Gabdhaha iyo wiilasha is qaawiya Waxaana ino so jeedinayo Sheikh Kenyawi
Ka Faa'iidesi wacan.

 Daaawo Muxaadarada: