Sunday, May 29, 2016

Baro Sidee Loo sameeya Boor xayesiin Adiga oo isticmaalayo Photoshop(Cashir muhiim ah)


Waxaan maanta uu cashirkeena ku saabsan yahay sida loo sameyo Boor xayesiin waxa uuna Video-ga aan cashirkaan aan ka sameyay uu socon doona 20-daqiiqo waa dareemi karta sida aan idiinkugu hagar baxay.

Cashirkan ula jeedkiisu waxa waye in dhalinta soomaliyeed ay ka faa'iidestan sidaan wada ogsoonahay photoshopka dadba si ayey u adeegsadan qaar ku sameyo xumaan iyo qaar u adeegsado dhanka wanaagsan.

Cashirka markaad daawato waxa lagaaga baahan yahay in aad soo sameyso Assignment adoo keenayaa cinwaanadan hoos ku qoran  ma aha in boorka aan sameyay uu qurxan yahay balse ulajeedku ma ahan sida waxan ula jeday oo kaliya sample ama tusaale aad ku raacdo sameynt boorka in aad ka dhigato.

Daawo cashirka:



Boorkii aan cashirka ku sameyay waa kan:
 
Mid ka dooro Mowduucyadan midkaad jeceshay

Mowduucyada aad so sameyneso waxa kamid ah:

1-Boor ka haadlayo Shirkad koronto
2-Boor ka hadlayo Electonic ama meel lagu gado qalabka Electronica
3-Boor ka hadlayo Hispital
4-Boor ka hadlayo xawalad ama meel lacagta lagu sarifo
5-Boor ka hadlayo Cosmatics ama uduga

Waxaad kuso diresaa:  alaqsaa1996@gmail.com

Waxaan ka codsana in aad soo sameyso isla markana aad iiso dirto ana waxan ku balan qaada in aad noqoto mid aan ku casuumo Bloga yacnii bannerkii aad so sameysay in aan saaro webka  Fadlan si deg deg kuso same.

Sidoo kale softwarreka Photoshopka waxa ka hele halkaan kala deg ama ka download gareso Photoshop Cs6:

 Halkan ku dhufo si aad u Dagsato Photoshop Cs6

waa Potable waa la qaad qaadi kara kaagama baahna in aad ku shubto qaabka aad u isticmaali lahed waxaad ka hele Videoga


Fadlan Share gare cashirkan hadaad ka Faa'iidesatay.
 




Thursday, May 26, 2016

Daawo Muxaadaro cinwaankedu yahay Waad sameyn karta By Sheikh Mustafa Xaaji Ismail(Ka faa'iidesi wacan)


Asc aqiyarey kuso dhawaada Muxaadaro cinwaankedu yahay Waad sameyn karta Waxaana inoo so jeedinayo Sheikh Mustafa Xaaji Ismail
Waxaan rajeyna in aad ka Faa'iidi doontan isla markaana aad asxaabtada kale la wadaagi doontan adinkoo dhahaya Share.

Daawo Muxaadarada:
    

                          

Qurxi wajigaada Adigoon isticmaleyn Daawo Chemical ah (Qormo xiiso leh)



Ma doonaysaa inaad maqaarkaaga iyo wajigaagu qurux badnaado oo uu dhalaalo adigoon isticmaalin wax chemicals ah, balse isticmaalaya waxyaabo dabiiciya oo waxba kuu dhiimayn? 
Haddaba Waad noqon kartaa qofka aad rabtid waanad gaadhi kartaa bilicda aad rabtid adigoon isticmaalin chemicals ama creame yada dumarka lagu siro. Waxaan aad uga xumahay in uu noqday jidhka dumarku wax laga ganacsado caalamkan aanu ku nool nahay.
Iyada oo la ogaaday inay dumarku ku bixiyaan millions bilicda iyo daryeelka jidhka, Islamarkaana laga faa’iidaysanayo fursadaas oo kolba shirkadi ay soo saarayso cream ama daawo ay leeyihiin waxaas bay kaa goyn ama ka hortagi.
Laakiin xaqiiqdu wax ay tahay in cream ama daawo bilaa chimecals ahi aanay jirin, Markay ugu yartahay waxaa lagu daraa walxaha ka ilaaliya inuu shaygu uusan qudhmin gaadhina karo ama ooli karo mudo badan iyo waliba midabada. Waa markay uugu yartahay chemicals yada lagu daro cosmatics ka maanta.
Kuwaas waxaa inoo dheer chemicals khatar ah oo lagu isticmaalo, saabuunaha, shampoo yada, make up yada iyo cosmetic yada oo dhan oo keeni kara xanuuno xunxun sida cancer iwm.
Haddaba si aynu iskugu qurxino wax yaabaha dabiiciga ah waxaa lagama maarmaan ah inaad markeeda hore aad tahay qof cuna cunto isku dheeli tiran oo u badan khudaarta, caanaha, kaluunka, digiraha iwm.
 Inaad tahay qof seexda hurdo kugu filan oo habeenkii ah iyo waliba caba biyo kugu filan maalin walba. Intaa wixii dheer waxaan muhiim ah inaad taqaanid waxa aad xasaasiyada aad ku leedahay, Waayo wax yaabaha aanu halkan ku sharixi doono way dhici kartaa inaad xasaasiyad ku yeelatid.
Ogowna waxaa dhici karta wax aad xasaasiyad ku leedahay xaga cunitaanka inuu maqaarka waxba u dhimin, ama wax aanad xasaasiyad  ku lahayn waxaa dhici karta inuu maqaarka wax u dhimo oo aad ka xajiimootid. Haddaba inta aanad korkaaga  marin wax ogow jidhkaagu nooca uu yahay iyo waliba waxa uu dhibsanayo.
Waxaad iska soo qaadi kartaa dhiig aad ku ogaanaysid xasaasiyada jidhka ama ku tijaabi meel jidhkaaga ka mid ah oo bal eeg inaad xasaasiyad ku leedahay.
Intaanad wajiga waxba marin fadlan farahaaga sifiican u maydh, wajigana biyo diiran oo cad ku maydh. Waxaad u samaysaa wajigaaga tuwaal yar oo naacim ah oo u gaar ah oo markasta nadiif ah.
Ogowna inaad wax walba wajigaaga ku tijaabisid waxaa ka fiican inaad baratid wajigaagu nooca uu yahay si aad uula macaamishid waxa ku munaasabaya.
Wax yaabahan hoos ku dhigan oo dhami waa wax aad tukaanka cuntada ama jikadaada ka heli kartid oo wali ku siinaya nafaqooyin, nadaafad iyo bilic.
Waxayna kugu caawinayan in uu caafimaadkaagu hagaago haddii uu Allah(swc) kuu qadaro. Markasta isku dar inaad samaysatid in kugu filan markaas uun oo waxba ka dhigin.
Waxa freshka ah baa ka fiican waxa la dhigo, maadama aanu iska ilaalinayso inay bakteeriya ku dhalato.
Wajiga daalan.
Waxaad u baahan tahay :
• Beed/ukun inteeda cad
• Malab saafi ah
• Boorash/ oat meal
Qiyaasta adigu qiyaaso in wajgaaga ama jidhkaaga ku filan. Isku wadda dar kuligood, boorashka yara tun(ridiq) ka dib radi. Kadibna wajiga oo aad biyo cad ku maydhay mari oo ku daa ilaa 25 min kadibna kaga maydh biyo badan oo cad oo meel dhaxaad ah.
Wajiga qalalan:
Waxaad u baahan tahay :
• Avocado
• Malab
• Oliven oil (saliid saytuun)
Isku wadda qas kadibna wajiga oo nadiifa ah saar ilaa 25 min kadib kaga maydh biyo cad oo qandhac ah.
Wajiga aadka u qalalan:
Waxaad u baahan tahay:
• Strewberries
• Double cream
• Malab
• Oliven oil (saliid saytuun)
Isku wadda qas kadibna wajiga oo nadiifa ah saar ilaa 25 min kadib kaga maydh biyo cad.
Wajiga iskugu jira mid daalan oo waliba qalalan:
Waxaad u baahan tahay:
• Beedka inta huruuda/jaalaha ah
• Malab
• Oliven oil
Isku wadda qas kadibna wajiga oo nadiifa ah saar ilaa 25 min kadib kaga maydh biyo cad. Indhahana khiyaar qabow saaro.
Wajiga qoyaya
• Waxaad u baahan tahay:
• Boorash/ oat meal
•(saliid saytuunka) Oliven oil
• Avocado
• Khiyaar/ cucumber
•Yoogar/ Yogurt
Isku wadda qas kadibna wajiga oo nadiifa ah saar ilaa 25 min kadib kaga maydh biyo cad.
Wajiga subaga leh:
Waxaad u baahan tahay:
• Liindhanaan/ lemon
• Beed inta cad
• Malab
Isku wadda qas kadibna wajiga oo nadiifa ah saar ilaa 25 min kadib kaga maydh biyo cad.
markad dawooyinka wajiga marinayso ka ilaaasho indhahaaga/
Waxaan rajaynayaa inay ku anfacaan. Waxaan rajaynayaa inaad iska eegtid wixii xasaasiyad ah inshaAllah.
Xuquuqda Qoraalka waxa leh www.faaido.com

Wax ka ogoow 10-ka websit Soomalida ugu caansan ee Wax ka qora Waxbarashada (Qormo xiiso leh)


Kulanti wanaagsan aqiyarey meel walba oo aad joogtan maanta waxaan halkan idiin kugu so gudbinaya Qaar kamid ah websityada Ugu caansan ee Dhanka waxbarashada Runtii waa Websityo ama Shirkado isoo jiitay Waxyaabaha ay daawacan waxaan fila in aad ka heli doontit ma aha in ay 10-kan oo kaliya yihiin kuwa wax laga barto oo Afka somaliga ku baxa lkn waa kuwii aan islaha aleelahe waa kuwa mudan in aad ku daawacdid webka .

Sidoo kale waxa xigi doono 10-ka kale oo ku caanbaxay dhanka Siyaasada waxaan so daawacaya kuwa wanaagsan kuwaasi oo qunyar socodka ah oon dad aflagaado u geesaneyn.

Hadaba waa kuwan 10-ka websit oo ku caanbaxay waxbarashada oo Soomalidu leedahay:

1-http://www.sahalsoftware.com/
2-http://www.ardaykaab.com/
3-http://www.aqoonkaal.com/
4-http://www.somalidoc.com/
5-https://www.somalinetworking.com/ 
6-http://www.solagroups.com/
7-https://www.amiirproduct.wordpress.com/
8-http://www.cabdikhaliq.blogspot.com/ 
9-http://www.somalicomputer.com/barashada-computerka/
10-http://www.waxkabaro.com/

Qore Eng:C/risaaq maxamed Rashiid
Fadlan Share Dheh si Asxaabtada kale ugaarto


Wednesday, May 11, 2016

Daawo Taarikh Nololedka Sheikh Saciid Raage oo dhameestiran


Aqiyarey waxan halkan idiin kugu so gudbinaya Taarikh Nololedka Sheikh Saciid Raage oo dhameestiran waxaan rajeynaya in aad wax badan oo nalashiisa aad wax ka ogan doontan kuna waana qaadan doontan.

Daawo Video-ga:

                    
                    

sida loo sameeyo simple application aqrinaayo qoraalka aad rabto in Visual Basic vp net (waxa ku baran karta dhawaqa Englishka)


Aqiyarey kuso dhawaada Maanta halkan waxaan idiin kugu so gudbinaya Cashir Gaaban kaasi oo ku saabsan  waxaana ino so jeedinayo Anigo Ah C/risaaq maxamed Rashiid Fadalan hadaad ka faa'iidesato u gudbi asxaabtada kale  wixii Su'aal ah alaqsaa1996@gmail.com kuso dir
.
Faa'iidada Programka maxey tahay:
Waxa uu abood kuu siina in aad si fudud uu kuugu aqriyo qoraalka aad rabto haduu doono ha ahaado pragraph ama dhoor page waxa uuna anfaca Schoolada dhiga luqada hadaba ka faa'iideysi wacan.

Daawo Cashirka:
                     

                                         

5 Qodob oo hadaad isku aragto aad noloshaada horumar gaadhi doonin (Warbixin).



Khajilaada ama xishoodka xadkiisa dhaafsani waxa uu qofka ku keenaa in uu dadka si haboon ula xidhiidhi waayo, iyadoo taasina sabab u noqota in uu qofku noloshiisa horumar ka gaadhi waayo, dhibaatooyin badanna uu la kulmo,  iyada oo xishoodka la amaanay ayaa hadana farqi wayn uu u dhaxeeyaa xishoodka iyo khajilaada.
Hadaba 5-tan wax ee hoos ku xusan hadii aad isku arkagtid waxaad ogaataa in uu ku sifaysan tahay khajilaada aan fiicnayn:
  1. Waxa kugu adag in aad xidhiidh cusub la yeelatid asaxaab cusub.
  2. Wajigaagu wuu casaada oo dhiig-roor buu noqdaa marka uu kula hadlayo qof aanaad garanayni.
  3. Ma sheegi kartid mana ka hor odhan kartid waxa maskaxdaada ka guuxaya dadka kale hortooda.
  4. Waxa aad dareentaa warwar iyo walbahaar marka aad ka fikirtid in aad dadwaynaha hor istaagtid ood hadashid.
  5. Waad iska ilaalisa bulshada kugu hareeraysan oo waxaad isku daydaa in aad badiyaaba kali ahaatid.
hadii aad tahay qof fiiro dheer waad aragtay in aan xabada 5aad ku qoray khad ka duwan kii hore, iyadoo aan ku muujinayay ahamiyada uu leeyahay qodobkaasi.
Hadaba intaasi kor ku xusan hadii lagaa helo waxa aad imaka laga bilaabo ogaataa in aad u baahantahay caawimo dagdag ah, mawduuca kan ku xiga waxa aynu kaga hadli doonna sidii aad uga takhallusi lahayd daaqadana uga tuuri lahayd khajilaada saaidka ah ee noloshaada in aad guulaysato hor istaagaysa, la soco mawduuca kan ku xiga.

Xuquuqda waxa iska leh: faaido.com

Ka Faa'iidesyso Taarikh nololedka Mid kamid ah halyeyadii Muslimiinta


Magaca: Cabdullahi bin Cismaan bin Caamir Al-Qurashi Al-Tamimi. Reer Tamiim bin Murra.
Naanaysta Aabihii: Abii Qaxaafa.
Magaca Hooyada: Umul Khayr bint Sakhar.
Hooyadii iyo aabihii waxay ahaayeen Ilmaadeer.
Taariikhda Dhalashada: 2 Sanno kadib Caamul Fiil (Sannadkii Abraham Al Ashram Uu kabcada kusoo weeraray maroodiyaasha, Allahna uu ku halaagay shimbiro dab ah).
Abu-bakar waxa uu kamid ahaa dadkii ugu soo horeeyay diinta Islaamka, waxa uu maamuus iyo sharaf ku dhex lahaa Quraysh, isagoo ahaa dadka ugu aqoonta badan dadka iyo abtirsiintooda. Abubakar waxa uu u adeegsaday maamuuskaas iyo sharaftaa uu Quraysh ku dhex lahaa faafinta diinta Islaamka. Gacantiisa waxa ku Islaamay asaxaab fara badan oo jannada loogu bushaareeyay iyaga oo ifka jooga sida “Subayr bin Cawwam, Dalxa ibn Cubaydullaah, Sacad bin Waqaas, Cabdirraxman bin Cawf iyo Cusmaan bin Caffaan ” dhamaantood Allah raalli ha ka noqdee.
Abubakar waxa uu rafiiq la noqday Rasuulka SCW safar iyo daganaanshiiyoba, waxa saaxiibtinimadooda marqaati ka ah Qur’aanka Allah SWT (( Markii ay saareen kuwii gaaloobay labadoodii, iyaga oo ku dhex jira godka, xilli uu ku yidhi saaxiibkii ha murugoon Allah ayaa inala jira.))
Xadiis saxiix ah waxa uu Rasuulku SCW ku yiri markale (( Hadii aan khaliil cid ka dhiganayo waxaan ka dhigan lahaa Abubakar, balse Allah ayaa iga dhigtay khaliil).
Abu bakar waxa uu ahaa ruuxa raga uu Nabigu SCW ugu jecelyahay, xadiiska ku jira Bukhari iyo Muslim ee uu warinayo Camru ibn Alcaas waaka leh Nabigu ku leh SCW (Cida aan ugu jecelahay dadka waa Caaisha, ragana waa Aabeheed, kadibna cumar iyo…)
Abubakr waxa uu islaamka usoo hooyay guulo badan waxa uu ahaa deeqsi maalkiisa iyo muruqiisaba ku bixiyay sidii kalmada Allah ay u korrayn lahayd, waxa uu noqday khaliifkii koowaad ee Muslimiinta taasina ayaa inoogu filan makaanada uu Islaamka ku leeyahay.
Abubakr Al Siddiiq waxa uu Allah raalli ha ka noqdee dhintay Jumadil Awwal sannadkii 13 Hijriga, isaga oo da’diisu tahay 63 Jir.
Taariikhda iyo barashada Abu-Bakar laguma soo koobi karo maqaal yar, balse si akhristayaasha Faaido.com aanay u daalin, waxa aynu kusoo gaabasan doonnaa intaas.
Maqaalkan waxa laga soo dheegtay kitaabka “Al Isaaba” ee uu qoray Caalimka Ibn Xajar Allah ha u naxariistee.

Xuquuqda qoraalka waxa leh www.faaido.com

Tuesday, May 10, 2016

Daawo Muxaadaro ku saabsan Gabdhaha iyo wiilasha is qaawiya Sheikh Kenyawi Ka( Faa'ideysi wacan)


Aqiyarey Maalin wanagsan Kuso dhawaada Hooyga Waxbarashada Www.ifiyahacilmiga.blogspot.com maanta waxaan halkaan idiin kugu so Gudbinaya muxaadaro cinwaankedu yahay  Gabdhaha iyo wiilasha is qaawiya Waxaana ino so jeedinayo Sheikh Kenyawi
Ka Faa'iidesi wacan.

 Daaawo Muxaadarada:


                                       

Qiso :Aabe Saladan aad Maalin walba Tukaneyso miyaadan marna iska Dhaafi karin?Jawaabtan layaabka leh ayuu ku islaamay!


Qisadan ayaa ah mid Layaab badan oo ka dhacday Dal kamid ah dalalka aysan
Muslimiintu aanay ku badnayn.
Wiil iyo Aabihiisa oo Gaal iyo Muslim kala ah ayaa aabihii oo aan
heysanin Diinta islamka wiilkiisa ku yiri , Aabo waqti walbo Salaadan
aad tukato waa imisa Maalintii , kolkaas ayuu ku jawaabay wiilkii Shan
waqti waaye aabo oo dhib malahane maad iska soo ilaamtid.
Aabihii ayaa ku jawaabay Maalin kasta waad tukanaa Salaadahan soo
ma’aysan soo noqonayaan salaad walbo xiliga beri xigta oo kale ,
Duhur walbo waqtigaan oo kale waad dukataa berina way imaanaysaaye soo
iskama dhaafi kartid.
Wiilkii ayaa si xikmadeysan uga jawaabay wuxuuna yiri aabo , Maalin
kasta Duhurkii iyo Habeenkii waqtiyo siman ayaad Cuntada cuntaa ,
waxaad joogteeysaa cabista biyaha , Bal kawaran Maanta hadii aad iska
deyso ood beri ka dhigato Cuntada.
Aabihii dhalay wiilka ayaa durbaba dareemay xikmada uu wiilkiisa ku
hadlay wuxuuna ugu Jawaabay Aabo waa sax la iskama dhaafi karo Cuntada
waayo masii noolaan karno hadii aanan biyo iyo Cuntada ku dadaalin.
Wiilkii oo aad u faraxsan ayaa ku jawaabay Salaada iyo Adkaaraha hadii
aan iska daayo sidaas ayeey nolosheydu noqoneysaa , Allihii cuntadaan
iyo Biyahaan si nabad kugu siiyey haku caasinin ayuu wiilkii aabihiis
ku yiri.
Nasiib wanaag Hanuunka Alle ayaa iska leh waxaa suurta gashay in
Odaygii uu sidaas kusoo Muslimo.
W/Q:  Ahmed Muuse Abdilaahi

5-Shan Qodob oo sababi kara Bur-burka ku yimaada Xiriirka Lamaanaha


Guurku ma ahan ciyaar ciyaar oo waxa uu ubaahan yahay ka hor inta aan la guda galin kafikir dheer waxaan baryahan danbe so baxay dhalin yar badan kuwaasi oo guurka ku deg-dega ayagoona muda ka dibna  kala taga Maxey tahay waxa so da'dajiya kala taga lamaanahas is doortay.

Hadaba Shabkada Caalamiga www.ifiyahacilmiga.blogspot.com oo ah Saaxiibka bulshada waxa ay u kuur gashay waxyaabaha keena kala taga Deg Deg ah.

1-Beenti oo so if  baxday:Waxa wanaagsan inta aan la isguursan in shukaansiga ama haasawaha lagu base gareyo runta isla markaana laga fogaado been oo idil sido kale waa in aan lakala qarsan Sirta  si uu mustaqbalkiina u hagaago.

2-Kalsooni daro:waxa la lama huraan ah in labada qof ay isku qabaan kalsooni oo hadeysan meesha aalin kalsoonida wax soconayo ma jiran waana in lamaanaha uu ku kalsonado midba kan kale.

3-Isfahan daro:isfahan darada ama qilaafka marwalba wuu imaan kara oo waxa la yahay bila'aadan daciif ah hadana waa in la isku daya in si dagdag ah wax lo xaliyo si uusan qilaafku u gaarin meel sare.

4-Isu dhiibida dhibaatoyinka:arintan waxa ay imaneysa xili labada qof oo is jecla aya waxa imaanaya dhibatooyin yar yar ayadoona lagu xalin karo in la xaiyo aya waxa ay lamaanihii hada is guursaday ku deg degayan in ay kala tagan

5-Go aan qaadasho:Go'aan qadashadu ma aha wax Fudud oo furiinku waxa uu ubahan yahay ka fikir dheer oo wa in aad uga fikirta sidii aad markii aad Guursaneysay in aad hadana u fakirta mida kale waa la xalin kara qilaaf kasta haku dagdagin Firiin adoo careesan ama xanaaqsan.

Fadlan share-gare
Email:alaqsaa1996@gmail.com

Qore:C/risaaq maxamed Rashiid



Qurux iyo Hurdo La'aan Meel ma isla galaan (Warbixin xiiso leh)


Daraasad uu sameyay wargeyska laga leeyahay Dalka Germany ee lagu magacaabo Elli aya lagu shegay in Hurdo La'aantu ay tahay Cadawga ugu weyn ee Quruxda iyo caafimaadka Jirdhka Bila'aadanka.

sido kale wargeysa aya hadalkiisa ku daray in Hurda yaraantu ay Koror ku keynto Miiskanka jirka ayadoona  qalqal ku keynta dhecaanka jirdhka
Hurdo la'aanta aya waxa ay sidoo kale keynta dacfi ku yimaada jirka qofka ayadoona sababta Becteria iyo Virus in ay jirdhka kuso qadan weraro kala joogsi aan laheen.

si aad ugu badbaado Dhibatooyinka ay sababto hurda la'aanta isku day in aad seexato ugu badnaan 7 ilaa iyo 8 saacadood maalintiiba.

Wax ka Baro Cuntooyinka Kordhiya Xasuusuta iyo Garaadkaada (Muhiim)


Sida aan wada ogsoonahay Cunooyinku Faa'iidoyin badan ayey ino leeyihiin in kastoo ay taa jirto hadana waxa aynu dhihi karna waxa cunooyinku ay kala yihiin Kuwa caafimaadka Waxyeleyo iyo kuwa kuwa Ka shaqeeya Caafimaadka.

Hadaba waxa qormadan aynu ku eegi donaaaaa qaar kamid ah Cunooyinka Ka shaqeya kor u qaadida Xasuusta iyo Garaadka Qofka waxaana Cunooyinkaasi kamid ah:

Qudaarta Cagaaran Miraha kuwooda kala duwan sida kuwa leh Qolfoofta iyo waliba Kaluunka oo leh Faa'iidoyin aan lasoo koobi karin.

Kaluunka waa mid kamid ah Cunooyinka aas aasiga u ah    Koriinshaha maskaxda waxaana laga hela  Koriinshaha maskaxda waxaana laga hela 3 mado lagu magacaabo OMIGA3 
sidoo kale waxa uu hoos u dhiga dufanka Dhiiga raaca

sidoo kale liin macaanta, muuska, rumaanka, cinabka, tufaaxa, tamaandhada iyo xab-xabku dhamaantood waxa ay ka mid yihiin liiska cuntooyinka kobaca iyo koritaanka maskaxda kow ka ah.

Hadaba balanteenu waa joogteenta Qudaarta cagaaran iyo Kaluunka si aan ugu dadaalno bad ahaanshaha caafimaadkeena

Monday, May 9, 2016

Qaababka la isaga Daweeyo Murugadda (Qormo kooban)


in la murugoodo ama aan la faraxsanaan waaa iska caadi marka ay wax qaldamaan ama uu qof kaa dhinto, dareemadani waxa ay badanaa la tagaan wakhtiga waadna ka soo fiicnaanaysaa.
haddaba murugada waxa ka mid ah:
  • in aad dareento degganaansho la’aan
  • in aad dareento inaad mar walba daalan tahay
  • rabitaanka cuntada oo kaa luma
  • in aad dareento rajo la’aan wax laguma fale ciirsi-laawe ah
  • in aad in badan hurudo ama aad iska waydo hurdo
haddaba akhriste sidee ula tacaali kartaa murugada?
  • tallaabada koowaad ee lagu bogsanayaa waa inaad alle u carartaa, oo aad waydiisataa inuu murugada iyo wal-walka kaa qaado
  • waa inaad quraan akhriska badisaa
  • waa inaad aad cuntaa cuntooyin nafaqa leh kana fog cuntooyinka qashinka ah
  • isku day inaad hesho 7-8 sacadood oo hurda ah habeen kasta
  • fir-fircoonow xataa hadii aadan dareensanayn sidaas
  • qorshayso hawl maalmeed
  • ka fogow diiqad haddii ay suura gal tahay, ama aad kaligaa noqoto
  • ku biir kooxo taageero oo noqo qof firfircoon
  • la xidhiidh qof ku xusuusiya alle ama citikaaf samee
daaweynta murugadu waxa ay ka dhalataa is bedal ku yimaada dareenka, qofka tasoo khal-khal galinaya dheecaanada maskaxda.
Xuquuqda waxa iska leh: faaido.com

Geeriyoote Maxaa xigga!!!??(Qormo Kooban)


Waa laguu meedhi, ka dibna maro cad ayaa lagugu kafni. Gurigaa lagaa saari markaasa god dhulka hoosti ah lagu galin. Dad badan ayaa maalintaa wax kasta faraha ka qaadi doona si ay guirga cusub kuugu dhisaan, shaqoyinkii ay hayeen maalinta u xidhi doona si ay aaska uuga qayb qaataan.
OGOW!!!
Dunidu kuu murugoon mayso. Ganacsiguna wuu sii socon doona. Shaqadii aad hayseena qof kale ayaa qaban. Alaabtaada waa lakala qaybsan ama la daadin. Maryaha kuwaad ugu jecleedna waa la kala qaadan ama lagu sadaqaysan haddii aan lakala boobin. Xoolaha aad lahaydna si xalaal ah ayaa xisaab xisaabsaneed lagu kala qaybsan. Adna Ilaahay ayaa kugu la xisaabtami meesha aad ka keentay iyo meesha aad ku bixisay.
Asxaabtaadu intay dhowr saacadood murugoodaan ayey noloshooda wadan doonan. Reerka aad baxdayna laga yaaba dhowr todobaad ka dib ay sidoodi hore iskaga noqdaan.
Sidaas ayey sheekadaada aduunyo ku xidhmaysa!!
Markaas ayey sheekada akhiro furmaysa!!
Amaani wax ku tari mayso, xana waxba ku yeeli mayso. Su’aasha is waydiin leh waxay tahay: Aakhiro maxaad u diyaarsatay?
Waa xaqiiqda u baahan in imika laga shaqeeyo. Waligaa laba iska ilaali: Salaada ood ku ciyaarto iyo maalka xaaranta ah. Dib isku waydii oo isla xisaabtan intaan lagula xisaabtamin. Haddii aad bar madow ku aragtid buugaaga waa inaad ka qoomamaysaa.
Fadlan gaadhsi cidii aad jeceshahay inay ka faaidaystaan!!
Wa Bilaahil Towfiiq!!
Xuquuqda waxa iska leh: faaido.com

Fursad Muhiim ah Ku hel interned High Speed ah Lacag La'aan Hadaba sideed ku heli kartaa Intarneddkaasi +Video



Aqiyarey kuso dhawada Hooyga Barashada Computerka iyo culuumta kale waxaan maanta halkaan idiin kugu so gudbinaya Qaab aad ku heli karto interned High speed ah oo xawarihiisu uu fiican yahay.

Waxa ku suurta galinayo in aad hesho Internedkan waxaad ka heleysa websit Lagu magacaabo

https://rabb.it/

Hadaba Daawo Video-ga Hooose si aad u hesho Internedkaasi Speedka leh

                                        























Sunday, May 8, 2016

Kusoo dhawaada Muxaadaro Cinwaankedu yahay Hagaajinta Quluubta Waxana ino so jeedinayo Sheikh Maxamed Cabdi Umal (Ka Faa'iidesi wacan)


Kulanti wanaagsan aqiyarey Maalin wanaagsan maal kasta oo aad joogtan Kusoo dhawaada Muxaadaro Cinwaankedu yahay Hagaajinta Quluubta Waxana ino so jeedinayo Sheikh Maxamed Cabdi  Umal (Ka Faa'iidesi wacan)

 Daawasho wacan

                                           
                                             

Daawo Sawirada Dabaal Dagi kooxda Leicester City oo Ku Guuleysatay Horyaalka Ingariiska iyo Ahmed Mido Oo Timaha Looga Xiiray Istuudiyaha beIN Sports


Aduunkan Wax aan la arkeyn malahan Kooxda kubada Cagta Leicester City  aya waxa ay hanatay oo ay ku Guuleysatay Horyaalka Dalka Ingariiska Premier League waxaana arintaasi ay Fajac iyo amakaak ku noqotay dad badan oo diidana in  qaadi karto kooxda Yar ee  Leicester City Premier League .

dadka caanka ah ee Sharadka ku galay  in aysan qaadi karin  Leicester City Premier League waxa kamid aha Xiddigii hore ee Spurs, Ajax iyo Roma Ahmed Mido kaasi oo usadaliyay Kooxdiisa hore ee Tottenham.

waxaana uu Ciyariyahankan sharad ku galay in hadii kooxda  Leicester City  Premier League qaado in uu timaha iska xiiri doono.


Daawo Ciyariyahanki sharadka galay oo studiyaha BeIN Sports tinta looga xiirayo
                                                               
                                                                  

Daawo Sawirada Dabaal Daga kooxda  Leicester City

Wes Morgan has captained Leicester to an incredible Premier League title this season and is pictured here kissing the trophy on Saturday Star winger Riyad Mahrez, who was recently named the PFA Player of the Year, kisses the Premier League trophy following the Everton winThe Leicester City players were in jubilant mood during their trophy celebrations having clinched an history title this season The celebrations were already well underway at the King Power Stadium when Morgan and Co lifted the trophy in front of their home fansThe Leicester skipper proudly lifts the Premier League trophy at the King Power Stadium after easing to victory against struggling EvertonLeicester City manager Ranieri lifts the trophy having led his side to an historic Premier League crown this seasonLeicester City fan Steve Worthy is pictured handing over the Barclays Premier League trophy to captain Morgan on Saturday nightThe Premier League title-winning Leicester players pose for a team photo with their crown as the celebrations continue at the King PowerLeicester owner Vichai Srivaddhanaprabha (middle row, fourth right) and his son Aiyawatt (front row, left) join for a photo on the pitchJamie Vardy, who grabbed a brace in Leicester's 3-1 win over Everton, proudly lifts the trophy having notched 24 league goals this seasonDanny Drinkwater missed Saturday's victory due to suspension but deservedly joins in on the title celebrations at the King Power Schmeichel, the son of Manchester United icon Peter, and Morgan pose for a picture on the pitch while celebrating their first top-flight title

Saturday, May 7, 2016

Sidee ku noqon karta Arday wanaagsan kaasi oo Guuleysta (Xog-muhiim ah)


Ma tahay arday? Haddii aad tahay arday ma rabtaa inaad noqoto arday hirgalay, oo guulaysta? Haddii aad “haa” ku jawaabto labadaa su’aaloodba, su’aal kale: “Sidee baad u noqon kartaa arday wanaagsan oo aflaxa?”.
Su’aashaas ayuu maqaalkani isku dayayaa inuu ka jawaabo.
Inaad guulaysato iyo inaad guul daraysataa waa wax ku xidhan inaad marka hore hadaf iyo doonis leedahay. Hadafka iyo hiigsigana waxaa lagu gaadhaa dadaalka iyo tamarta aad naftaada galiso hadba inta uu leeg yahay.
Geel-jirahaa waxay yidhaahdaan “ninba tacabkii Togaay kaa maal” oo la macno ah hadba sida aad u foofiso geelaaga ayuu caanihiisu noqdaa. Sidoo kale maahmaahbaa waxay tidhaahdaa “dadaalaa xaaji Cabaas wuu gaadhaa wuuna dhaafaa”. Xaqiiqadu waxay tahay inaanad noqonahay arday wanaagsan oo guulaysta adigoon naftaada in badan hawlin, in badan wax akhriyin, in badan soo jeedin, oon marar badan qoraal iyo akhris ku foorarin iyadoo saaxiibadaa iska dheelayaan naftaaduna u baahan tahay wehelkooda.
  1. Qorshee waxa aad qabanayso isla markaana kala hormee jadwalkaaga waxbarasho.
Ardaygu waa inuu bartaa qorshaynta, iyo kala-mudnaanta hawlaha uu odorosayo. Qorshayntu waxay ka bilaaban taa inaad is-weydiiso “waa maxay hadafkaagu?”. Tusaale ahaan waxaad tahay arday imika Jaamacada bilaabaya. Maxaa hadaf kuu noqon kara? Waxaad odhan kartaa “sanadkan aan bilaabayo waxaan rabaa inaanan 5-ta maado een dhiganayo midna ka hoosayn 90%”. Hurdo badan, cayaar, iyo dheeldheelba kala tagte mar haddii hadafkaagu noqdo inaad figtaa gaadho. Waxaad markaa u baahan tahay inaad ka fikirto hawlaha aad qabanayso si aad u gaadho darajadaas aadka u saraysa.
2.      Akhri, faham oo dadaal dheeraada bixi duruustaada
Xaqiiqadu waxay tahay in aqoontu ka dhalato, ku kobocdo, ku korto, kuna adkaato akhriska wax ku oolka ah ee fahamku weheliyo. Markaad tahay arday dadaalaya, mustaqbalkiisana dan ka leh, waxaa kugu waajiba inaad wakhti badan u hurto inaad akhrido duruusta laguu soo dhigay, ka shaqayso laylisyada, baadho culuumta la xidhiidha aqoontaada, iyo aqoonta guudba. Sidee baa hadaba ugu haboon oo wax loo akhriyaa? Jawaabtu ma fududa waxaanay u baahan tahay in maqaal ama maqaalo lagu lafa guro.
Laakiin aan ku siiyo hanaan aad loogu bogay oo ka mida hababka wax loo akhriyo. Waa hanaanka afka qalaad loo yaqaan “SQ3R = survey, question, read, recite, review”. Hanaankan haddii aad raacdo waxaad arkaysaa in waxaad akhriyaysaa aanay kuwada dhaafayn ee aad wax kala hadhayso. Eeg talaabooyinka oo si kooban loo sharxay:
3.   Fasalka u soo xaadir si joogta ah
Soo xaadirka joogtada ahi waxay ardayga siisaa fursada ah inaan waxna seegin. Macalinka wanaagsan iyo ka aan wanaagsanaynba wuu ka faa’iidaystaa. Kaliya waxaa kugu filan fikrad galaaska dhexdiisa macalin ka sheegay oon buuga ku qornayn, haddii ay imtixaan ku timaado, waxaa la arkaa in kuwii joogay ay u fududaato halka ay ku adkaanayso kuwii habsaamay. Sideedabana waa caado wanaagsan in aad galaaska soo xaadirtaa, waxaanay kaa saacidaysaa in shaqadaada iyo waajibaadkaagaba aad u gudato si habsami, iyo xilkasnimo iyo masuuliyad leh.
    5.  Adaabta, asluubta iyo nidaamka fiican ku dhaqan.
Aqoon bilaa adaab iyo bilaa asluub ahi waxay kaa dhigaysaa dameer malab la saaray oo kale. Aqoontu waa inay kuu kordhisaa akhlaaq, haybad, iyo hanaan-nololeed wacan. Waa inaad ka dheeraataa liidnimada, xumaanta, iyo dhegxumada si aad u noqoto qof la hirsado oo dadku jeclaystaan in ubadkoodu adiga oo kale noqdaan.
Aqoon iyo akhlaaq wanaagsan oo is weheshaday waxay kaa dhigaan qof dhamays ah. Soomaalidu waxay tidhaahdaa“cilmigu qofna wuxuu ka dhigaa nin, qofna ninamyaw”.Taas  oo macnaheedu yahay haddiiba aanad ahayn nin raganimadiisu aad u xoogan tahay waxay ku soo gaadhsiisaa raga, haddii aad markii horeba nin ahaydna, waxay kaa dhigtaa nimanyaw.
  6.  Wakhtigaaga maamul.
Wakhtigu waa hantida ugu qaalisan ee ilaahay aadamiga ku manaystay. Nin sheekha baa yidhi “wakhtigu waa nolosha”. Noloshu waa daqiiqado, saacado ama maalmo laysu geeyay oo noqday bilo, sanado ama qarniba.
Cimriga aadamuhu wuu xadidan yahay, markaa inta yar ee aad nooshahay waxaa lagaa rabaa inaad camirto, maal-galiso, kuna isticmaasho wax ku anfacaya aduun iyo aakhiroba. Sideebaa wakhtiga loo maamulaa? Jawaabtani ma fududa lagumana soo koobi karo cinwaan-hoosaadkan, ee bal aan si koobkooban kuugu sheego talaabooyinka uun:
  6.  Wakhtigaaga maamul.
Wakhtigu waa hantida ugu qaalisan ee ilaahay aadamiga ku manaystay. Nin sheekha baa yidhi “wakhtigu waa nolosha”. Noloshu waa daqiiqado, saacado ama maalmo laysu geeyay oo noqday bilo, sanado ama qarniba.
Cimriga aadamuhu wuu xadidan yahay, markaa inta yar ee aad nooshahay waxaa lagaa rabaa inaad camirto, maal-galiso, kuna isticmaasho wax ku anfacaya aduun iyo aakhiroba. Sideebaa wakhtiga loo maamulaa? Jawaabtani ma fududa lagumana soo koobi karo cinwaan-hoosaadkan, ee bal aan si koobkooban kuugu sheego talaabooyinka uun:

xuquuqda waxa iska leh :
Cabdiraxmaan Cali Xirsi (Burale),
Email: buraale10@gmail.comSI-ARAG © Weedhsan Corporation

Waxaa hubaal ah hadii aad qodobadan 4-ta ah Hir galisid in aad ku Guulesan doontit Guurkaada


Sidan wada ogsoonahay Guurku ma'aha wax fudud waxa uu u baahan yahay ka fiirsi dheer dad fara badan waxa ay ka walwalaan Guurkooda ayagoona cabsi weyn ka muujiya sida uu noqon doono mustaqbalkooda lamaane.

waxaa wanaagsan hadii aad guursaneyso in aad qofka aad nolosha la wadageyso aad dhinacyo badan ka fiiriso oo ay ugu weyn tahay xaga Diinta xishoodka Aqlaaqda iyo Dabeecada inta kadib isku day in aad Fuliso qodobadan 4-ta ah oo hoos ku qoran .

1-Noqo mid duceysta:ducudu waa wax wanaagsan oo aad ilaah aad uga baryeso in uu ku siiyo waxaad jaceshay waxaana muhuum ah in aad ilaah subxaanuhu watacala aad mar walba ka barido in uu ku siiyo Lamaane xalaal ah oo wanaagsan kaasi oo aad nolosha la wadaagto.

2-Noqo mid Sahmiya:Waxa wanaagsan in aad sahmiso Lamaane wanaagsan kaasi oo leh Diin aqlaaq maal IWM balse sahmintaas ha noqoto mid laga raadiyo meelaha wanaagsan ee qeerka leh lkn ma wanaagsana in aad ka raadiso ama aad ka sahmiso goobaha xun-xun.

3-Dhab maka tahay in aad Guursato:Waxaa muhiim ah in ay dhab ka tahay Guurka oo aadan lugooyn Dumarka Muslimiinta/Raga muslimiinta  ah isla markaana hadaadan diyaarba ahen in aadan galinba hooshan.

4-Wanaaji Qoyska Lamaanahaaga:Waxa muhiim ah in aad wanaajiso oo aad si wanaagsan aad ula dhaqanto Qofka aad mustaqbalka ka rabto Qoyskiisa hadii aad wanaajisa meesha waxa ka dhalanaya Is qadarin iyo is aaminid.

Fadlan share gare Qoraalkan
Qore:C/risaaq maxamed Rashka 




Daawo Video:Sidee lo sameyaa Facebook Live video ado laga daawanayo facebook si Toos ah


Aqiyarey waxan halkan idin kugu so gudbinaya Cashir ka hadlaya sida lo sameyo Facebook Live video ado laga daawanayo facebook si Toos ah waxaad na ku sameyn karta mopilkaada Ogoow waxa laga yaba in uu kugu shaqeyn waayo barnamijka hadii aad joogto wadamada qaar.

Daawasho wacan:


                             

Sidee lacag uga sameyn karta interned-ka Haku daalin Waqti dhameeska Facebooka (Xog-muhiim ah)


Markaan ku leeyahay waxa aad ka sameyn karta lacag Interned-ka ma aha runtii wax Fudud lkn waxa ay u baahan tahay dadaal iyo in aad kastbato macmiishada xaga internedka
hadaan nahay bulshada somaliyed waxaan isku daalina aaladaha Social media-ha oo internedka sidii la rabay uguma faa'iidesano.

waxa jira qaabab Farabadan oo aad uga sameyn karto lacag internedka waxaana kamid ah qaabka caanka ah ee lo yaqaan Google Adsense runtii waa nidaam aad u cajiib ah oo aad lacag uga sameyn karto internedka kaliya waxa kugu gudboon in aad leedahay Blogg/Websit ama channel Youtube Sadaxdaas waa ku sameyn karta .

Dad badan waxa ay aamin sanyihiin in ay xaraan tahay Adsense lkn waxa uu yahay hadaan ku macneeyo waxa ay tahay in shirkada Google-adsense-ga ay websit-yada u xilsaarato in ay xayesiiyan xayesiimaha lo so dhiibto shabkada googleka madaama ay tahay shirkad caalami ah oo aysan intaas oo xayesiin ah wada saari karin pagekeeda waxaana ay taasi badalkeeda u xilsaaratay websityada caalamka in ay ku xayesiiyan webkooda isla markaana ay lacag ku siiso lkn lacagta lagu siinayo waxa ay ku xiran tahaay inta qof ee so booqatay webkaada .

Dhanka kale xayesiimahas oo ay googleks saareyso aya labo ah kuwa xaran ah iyo kuwa iska caadi ah waana la iska xira xayesiimaha xaaranta ah oo kuwaasi  oo ku soo bandhigayo nago qaaqawan iyo waxyaabaha xun xun kuwa iska caadiga ah waa sida baaburta guryahay bugaagta qudaarta dharka iwm.

Fadlan share gare Qoraalkaaaan.

Thursday, May 5, 2016

Daawo Qaab Fudud oo aad ku format gareyn karto Mopilkaada Hadii aad wadatiti Sumsung


Waxaan cashirkaan aad ku baran doontan qaab fudud oo aad ku format gareyn karto Mopilkaada Sumsungka waxan rajeyna in aad ka faa'iidi doontit insha alaah

Fadlan asxaabtada la wadaag adoo facebook ku sharegareynayo.

Daawo cashirka:

                           

Wednesday, May 4, 2016

Daawo:Dhibatooyinka Tahriibka iyo indho La'aanta Dhalinta(Warbixin)


Tan iyo markii ay burburtay  dowladii dhaxe ee soomaliya waxa dalka iska cararay dadyow farabadan kuwaasi oo ka doorbiday nolasha taala dalka mida dibada ayagoona taasi badalkeeda ay dadkaasi qaarkood ay nolol fiican ka helen dalalkii ay nabad galyada u raasaden halka kuwa kalana ay silac ku noolyihiin.

mudooyinkan danbe waxa so baxay muqalasiin dhalinta ku qarqineysa bada iyo saxaraha dheer ee dalalka Libiya Masar iyo Sudan ayagoona ka dhaadhicinaya wax aan jirin una shegaya in si fudud lagu geen doono Yurub.

Waxaad arkeysaa arday jaamaci ah mid jaamacadii ay u dhamatay iyo  mid dugsi sare hada ka baxay oo donayan in ay tahriiban maxey tahay waxa ku kalifaya in ay qaatan go'aankan qatarta ah:

1-in ay dhalintan arkayan dhalin yaro asaagooda ah kuwaasi oo ay isyaqiinen ahayen asxaab oo yurub uga dhigay wax weyn .
2-in dhalntan dalkii aysan ka helin wax shaqo ah oo dadka somaliyed iyo dowlada ay shaqaleysiineso oo kaliya qurba joog iyo ajnabi.
3-in ay dhalinta arkayan muqalasiin ka dhaadhicinaya wax aan jirin ayagoona taasi badalkeeda keeni karta in ay qaatan go'aan adag.

Hadaba ila daawo dhibatooyinka uu leeyahay tahriibka: